| Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:
|
|
|
News from Somalia in Somali
Wararkii wargeska ogaal

Somaliweyn Media Center (SMC)
Hargeysa 18/08/07
“Rayaale waxa uu is leeyahay dadka Argagixiso ayaad ku sheegi oo cudud dibadeed ayaad heli”
Maxamed Kaahin
“Waa in meel kaliya la isugu tago, damacana aan lala dudin” Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
“Labadan Beelood (Galbeedka iyo Bariga) marka siyaasada la gaadho ayuunbay kala faag-faagtaane, maanta waxaan leeyahay …” Suldaan Cismaan
“Annigu hal waan ka naxaa, hal-na waan ku farxaa. Markaan eego wakhtigii doorashada inta ka hadhay …” Dr. Cabdi Aw Daahir
Hargaysa (Ogaal) – Shir balaadhan oo ay ka qayb-galeen Salaadiin, xildhibaano Golaha Wakiillada ka tirsan, siyaasiyiin Mucaarad ah iyo Gudiga midaysan ee lagu magacaabo gudiga beelaha Burco, ayaa shalay ka dhacay Hoteelka City Plaza ee magaalada Burco, kaasoo la sheegay inuu socday illaa 11:00-kii habeenimo ee xalay.
Sida ay sheegeen wararka kulankaas naga soo gaadhay, ugu horayn waxa shirkaas ka hadlay gudiga midaysan ee beelaha Burco, kaasoo tiradiisu gaadhayso illaa 30-xubnood. Warku waxa uu intaa ku daray in xubnaha gudigaa u hadlay ay ka warameen xaalada guud ee Gobolka Togdheer iyo guud ahaanba duruufaha qalafsan ee haysta nolosha bulshada Gobolkaas. Gudigu waxay tibaaxeen in sababta loo aas-aasay ee keentay baahida midowgoodu ay tahay mid la xidhiidha dhibaatooyinka deegaankaa ka jira sidii wax looga qaban lahaa. Islamarkaana gudigu waxay sheegeen, inay udub-dhexaad u yihiin sidii ay bulshada Gobolka ugu horkici lahaayeen mid-nimo, ay iskaga kaashanayaan wax-ka qabashada arrimaha dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo guud ahaanba duruuf kasta oo la soo gudboonaata inay mid-nimo kaga hor tagaan. Gudigu waxa kale oo ay muujiyeen in tafaraaruqa iyo kala qaybsanaantu ay bulshada Gobolka hore u daashatay, islamarkaana ay gayaysiisay horumar la’aan, faa’iido la’aan siyaasadeed iyo hana-qaad la’aan adeeg-yadii guud ee noloshaba. Laakiin, waxay intaa ku dareen in reer Togdheer haatan ay ku baraarugeen dhibaatooyinka haysta, islamarkaana ay midnimo wax ku goosanayaan.
Kulankaas waxa kale oo iyana ka hadlay dhawr xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaasoo ka warbixiyay xaalada guud ee siyaasada dalka, khilaafaadka siyaasadeed iyo is-maandhaafka dhinaca sharciga ka taagan ee u dhexeeya Golaha Wakiillada iyo xukuumada Madaxweyne Rayaale. Xildhibaanada kulankaas ka qayb-galay oo kala ahaa, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), xildhibaan Cali Mareexaan, Xildhibaan Maxamed Caraale (Duur), iyo Xildhibaan Khadar Ambassador, waxay faah-faahin ka siiyeen kulankaas qodobada haatan khilaafka xoogiisu ka taaganyahay ee miisaaniyada iyo labada xubnood ee komishanka doorashada ee Golaha Wakiillada kalsoonida ka waayay. Islamarkaana waxay ku doodeen oo ay ku eedeeyeen xukuumada inay ku tumatay shuruucda iyo qawaaniinta dalka, imikana ay u tafaxaydan tahay bur-burinta Golaha Wakiillada.
Dhinacyadaas ka sokow waxa kale oo kulankaas ka hadlay xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye. “Ina Rayaale maxaa ugu wacan dhaga adayga intan leeg, ma awood uu haystaabaa, mise shakhsiyadiisaa sidan u dhalatay?” Sidaa waxa is waydiiyay af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo su’aashaasi qayb ka ahayd hadal uu kulankaas ka jeediyay. Maxamed Kaahin wuxu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi. “Rayaale waxa uu is leeyahay dadka Argagixiso ayaad ku sheegi, sidaana cudud dibadeed ayaad ku heli. Taa xidhiidhka dibadana anagaa uga xogogaal badan oo wax jira maaha. Qoladan Qaran ee xidhan wuxuu ku sheegay argagixiso iyo in ay aas-aaseen Urur xag jir ah. Awood gudeed ma haysto umanuu dhalan hal adayg ee intuu isku halaynayaa waa intaas.” Ayuu yidhi
Waxa kale oo isna kulankaas ragii ka hadlay ka mid ahaa Dr, Cabdi Aw Daahir oo isna sidaas oo kale hujuunka mucaaradku xukuumada ku hayo sii anba-qaaday. “Annigu hal waan ka naxaa, hal-na waan ku farxaa. Markaan eego wakhtigii doorashada inta ka hadhay waan ka naxaa. Markaan eego cududa mucaaradka ee soo kordhaysana waan ku farxaa. Waxaanse ka baqayaa ta ugu daran, dhiiranida ina Rayaale, xoog kasta oo is biirsaday oo mucaarad ah oo jiraba, inuu doorashadaba qaban waayo. Markaas, waxaynu u baahanahay in mucaaradka la mideeyo.” Sidaas ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir
Dhinaca kale, kulankaas waxa ka qaybgalay Salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Cismaan Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Cabdiraxmaan Qodax oo dhamaantoodba ka mid ah salaadiinta Gobolka Togdheer. “Labadan Beelood (Galbeedka iyo Bariga) marka siyaasada la gaadho ayuunbay kala faag-faagtaane, maanta waxaan leeyahay waa in la isu soo dhawaado waxna la wada qabsado, anaguna sidaas ayaanu salaadiin idiinku noqonaynaa.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo kulankaas ka hadlay. Suldaanku wuxuu intaas ku sii daray oo uu yidhi “Maanta waxaynu taaganahay meel ka xun halkii aynu ka bilownay halgankii, markaa waa inaynu dadkeena u bislaynaa iyadoon damac laga hadlaynin oo aynu cod isaga kor qaadnaa waxa maanta ina haysta.” Ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa isna halkaa hadal ka jeediyay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo sheegay in duruufaha maanta jiraa ay u baahan-yihiin in loo midoobo oo wada jir wax lagaga qabto. “Duruuf adag ayaynu maanta ku jiraa, islamarkaana waxaynu u baahanahay inaynu barnaamij samaysano. Barnaamijyadaas oo ka kooban mid dhaqan iyo mid siyaasadeed-ba, waxaynu u baahanahay in la is waafajiyo meel kaliyana la isugu tago, damacana aan lala dudin.” Sidaana waxa yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mire.
Kulankaas oo saacado door ah socday guud ahaan marka la soo koobo doodihii iyo khudbadihii halkaa la isku waydaarsaday, waxay gabi ahaanba ka turjumayeen korodhka mucaaradada Gobolka Togdheer ka jirta, taasoo lid ku ah xukuumada talada haysa ee xisbiga Udub.
Dooxa Aw-Barkhadle: Gaadiid ku xanibanaa habeen iyo maalin ,
“Xukuumadu lacag urursiga kama hurudo ee danta dadkay iska indho tiraysaa”
Gaadiidlay-da
Berbera (Ogaal)- Tiro gaadhaysa 80 baabuur oo nooca xamuulka qaada ah, ayaa ku xaniban Dooxa wayn ee Aw-Barkhadle ee ku yaalla jidka laamiga ah ee isku xidhay Hargeysa iyo Berbera, ka dib markii ay roobabkii habeen hore ka da’ay jidkaas soo dhigeen ciid farabadan.
Sida uu ku soo waramayo Weriyahayaga gobolka Saaxil, Ismaacil Axmed Cali (Ismaaciil Yare) oo jiidaas socdaal ku maray shalay galinkii danbe waxa uu sheegay in dooxu soo rogmaday 12-kii habeenimo ee habeen hore, isla-markaana aanay baaburtu ka gudbin oo ay halkaas seexdeen habeenimadii, marka laga reebo buurbuurta yar yar oo ka gudbay jiidaas aroornimadii shalay markii uu go’ay daadku, waxaana ilaa wakhtigii uu jidkaas shalay maray wariyuhu ku xanibnaa gaadiidkii waaweynaa, kuwaas oo ka gudbi kari waayay. “Waxaanu halkan isa soo taagnay 12-kii habeenimo ee xalay (habeen hore), daadkuna waxa uu go’ay saaka (shalay subax) oo waxa keliya oo ka talaabi kara baabuurta yar yar. Baabuurtiii waaweynayd ee is-yidhi ka talaaba waa kuwaa dooxa wada dhex-yaala ee ka bixi kari waayay.” Sidaa waxa yidhi Aar Yaasiin Maxamed oo ka mid ahaa darawaliintii jiidkaas ku xanibnaa, isaga hadalkiisa sii watana wuxu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Roobka dambe hadii uu gaadiidka ku soo gaadho wuu qaadayaa, waxaanu xanibanahay ilaa dhowr iyo toban saacadood, ma jirto cid xukuumada ka tirsan oo noo soo gurmatay, Laangaruusaro ay Beersooshu u dallacan tahay ayay ilaa saaka nagu dhaafayeen.” Ayuu yidhi Aar wuxuuna intaa raaciyay inay iyagana wadadaa ku jireen baabuurtooda iyaga oo arrintaas ka gadoodsan gurmad la’aanta xukuumadda. “In aanu wadada xidhno waxa nagu keliftay waxa nalaga qaadaa cashuuro kala nooca oo rarka aanu sidnaana wuu cashuuran yahay, maalin walba dhibaatadaasi way na haysataa, oo dooxyada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera daadadku ciid bay keenaan, maanta ma jirto cagaf yar oo xukuumadu noo soo dirtay. waxaa jirta Ninka Engneerka ah ee la yidhaahdo ina Cali hayste ayaanu mar mar u cabanaa oo cagaf na soo siiya isna waanu wayanay manta, xukuumaduna waad ka war haysaan oo gaadiidkii waxay u samaysteen kaantaroolo kale oo ay kaga ururinayaan lacag aan la garanayn meel lagu wado ilayn waanagan dhibane markaa xukuumadu danteeda lacag urursiga ah kama hurudo ta dadweynahana way iska indho tiraysaa,” Ayuu yidhi Aar oo u hadlay darawaliintii halkaa ku ku xanibnaa.
Dhinaca kale, waxa halkaas ku wada xaniban maciishado laga leeyahay wadanka gudihiisa iyo kuwa iyana laga leeyahay wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Somalia: Hirdanka Weerarrada hubaysan & isku-dhaca Ciidanka
Muqdisho (W. Wararka)- Kooxo hubaysan, ayaa la sheegay inay xalay cawaysinkii weerarro laba-jihoodle ahaa ku qaadeen Saldhigga Galbeed ee magaalada Muqdisho, halkaas oo saldhig u ah ciidamada dawlada Mbeghati.
Inkasta oo aanay wararku kala caddaynin khasaaraha ay weeraradaasi gaysteen, waxa wararka ka imanaya magaalada Muqdisho u badan yihiin inuu ahaa mid xoog leh. Isla markaana weerarkaas oo lagu sheegay inuu bilaabmay abaaro 8:00 fiidnimo, waxa sida la faafiyay dadweynihii agagaarka degenaa ay saxaafadda la socodsiiyeen in bilawgii iska horimaadka ay xigeen qaraxyo loo fahmay inay ahayd qaraxa rasaasta baasuukayaasha. Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmeda Wadajir, oo goor dambe wax laga waydiiyay khasaaraha dhacay, ayaa isna xaqiijiyay weerarkaas iyo rasaasta laysu adeegsaday oo ay ka mid ahayd ta baasuukaha ka dhacda, hase ahaatee, waxa uu sheegay in ciidamadii goobtaa ku sugnaa ay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday. Balse, ma jiraan warar madaxbanaan oo ka soo baxay weerarkaas. Sidoo kale, gabadh ayaa ku geeriyootay, sarkaal boolis ahna waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, ka dib markii gantaal la aaminsan yahay inay soo rideen kooxaha kacdoonada ka wada Muqdisho soo rideen shalay, sida lagu faafiyay wakaalada wararka Reuters. Kooxo kale oo hubaysan ayaa iyana rasaas ku furay istayshan boolis, kaasoo aan la sheegin khasaaraha soo gaadhay. "Gabadh ayaa dhimatay, ka dib markii gantaal ay soo rideen kooxaha dablayda ahi uu gefay yoolkiisii, kuna dhacay guri ku xigay halkii lagu waday," sidaa waxa yidhi sarkaal sare oo booliska ka tirsan Cabdi Xasan. Waxaanu intaa raaciyay in askari boolis ahi ku dhaawacmay gantaalkaas, balse waxa uu xusay in aanu isagu ka warhaynin wax intaa ka badan.
Dhinaca kale, is-rasaasayn la sheegay inay daqiiqado soconaysay, ayaa wararku xuseen inay iskaga horyimaadeen askarta ilaalada khaaska ah ee Af-hayeenka baarlamaanka mbeghati Sheekh Aadan Madoobe iyo Taliyaha ciidamada asluubta Cabdillaahi Macalin Cali. Waxaanay labada ciidan isku dhaceen iyaga oo marayay agagaarka Mariinada ee degmada Cabdicasiis ee bariga magaalada Muqdisho. Warku wuxuu intaa ku daray in isku-dhaca labada ciidan ay sababtay markii ay kala shakiyeen, isla markaana inka badan 10 daqiiqadood ahayd ka dib, waxa labada dhinac soo kala dhexgalay saraakiil ka tirsan dawlada mbeghati, kuwaas oo uu ka mid yahay Kornayl Cabdi Xasan Qayb-diid. Ma jiraan warar madaxbanaan oo ka soo baxay dawlada mbeghati oo caddaynaya khasaaraha isku-dhacaasi uu sababay, balse maaha markii ugu horaysay ee ay isku dhacaan laba ciidan oo dhamaantood ka wada tirsan dawladda Cabdillaahi Yuusuf.
Wararka ka imanaya magaalada Marka ee koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay shalay markii tobanaan qof oo gaajaysani ay ku soo xoomeen dhisme ay hay’adi cunto ku qayqaybinaysay oo ku yaala Tuulada Kurtinwaarray ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ay rasaas ku fureen ciidankii ilaalada ahaa. Hay’adda Cuntada Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WFP, ayaa la sheegay inay cuntooyin gargaar ah degaankaa gaysay, iyada oo dadka halkaa ku sugnaa ay ka mid yihiin qaar badan oo ka soo qaxay magaalada Muqdisho. Isla markaana ay jiraan dadweyne aad u tiro badan oo kale oo aan iyagu nasiib u yeelan inay helaan cuntooyinkaas. Sida ay wararkaasi xuseen tobanaan qof ayaa damcay inay khasab iyo xoog ku qaataan cuntadii hay’adu keentay, hase ahaatee ilaaladii hubaysnayd ayaa rasaas ku furay dadweynihii isku soo xoomay, taasoo sababtay inuu halkaa ku geeriyoodo aabe 45 jir ah Xasan Maxamed Cumar.
Ganaaxii ka dib qareenada Qaran ma ka qayb-galayaan fadhiga danbe ee Maxkamada
“Hadii aan sharcigii lagu garnaq-sanayn, waxaanu u arkaynaa go’aan siyaasadeed” Qareen Ibraahim Iidle
Hargaysa (Ogaal)- Qareenada u doodaya Garsugayaasha Urur siyaasadeedka Qaran ee ku jira xabsiga Mandheera ayaa mar kale ku adkaystay deedafaynta ay ku diidanyihiin in ay fadhiyada dacwada masuuliyiinta Qaran kaga qabygalaan Jeelka Mandheera oo la filayo in fadhigii labaad ee dacwaasi ka dhaco Axada barito.
Garyaqaan Ibraahim Iidle oo ka mid ah qareenada u doodaya Hogaanka Urur siyaasadeedka Qaran ayaa xalay wargeyska Ogaal uga waramay aragtidooda ku wajahan fadhigii maxkamada dacwada hogaanka Qaran qaadaysa ee ka bilaabmay xarunta Tababarka ciidanka ee Jeelka Mandheera, sababaha ay uga baaqsadeen iyo waliba sida ay u arkaan ganaax lacageed oo maxkamadu ku riday qareenada ka dib markii ay ka baaqdeen ka qaybgalka dacwadaasi.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan.
S. Sideed u aragtaan fadhiga Dacwada ka dhanka ah Masuuliyiinta Urur-siyaasadeedka Qaran ee khamiistii ka furantay Mandheera?
J. Waxaanu u aragnaa inuu yahay mid sharciyada iyo sharciga lagu af-duubayay. Oo la iska indha tiray in la raaco tilmaamaha uu sharcigu jideeyay ee uu yidhi ha la maro, waxaa yimi mid loo badheedhay oo aanu ka gudbinay deedifayn. Laakiin deedifayntayadii iyadoon Maxkamadu wax jawaaba ka soo bixin ay u badheedhay inay gasho. Markaa uma aragno sife sharciya.
S. Maxaad ku diidan tihiim in Maxkamada lagu qabto Jeelka Mandheera?
J. Waxan u malaynayaa laba sababood baa ugu waaweyn, markaa ta koowaad waxay tahay maxakamadani ma xukunto Mandheera, ee awoodeedu waxay ku kooban tahaay xuduudda juquraafiyadeed ee Gobolka Hargeysa ka kooban yahay ayaa awoodeeda iyo amar-keedu ku siman yahay, wixii intaa ka baxsana ma xukunto, meeshaa ay dacwada ku qaadayaana waxay ahayd goob ka baxsan xuduuda juquraafiyadeed ee Gobolka Hargeysa. Anaguna waxaanu ku nidhi waar arrintaa awood aydaan lahayn baad leedihiin wax baanu ku qaadaynaaye ka jooga. Arrinta labaad ee aanu u sheegnay waxay ahayd in nimankan waxa lagu haystaa uu yahay Urur-siyaasadeed ay samaysteen, Urur-siyaasadeed-kaas oo la yidhaahdo Qaran, oo uu u qeexyo dastuurku. Hadaba sababta Ururka Qaran inay tahay arrin distoori ah iyo inay tahay arrin qayru-distooriya, oo cida ka xaq-sooraysaa ay tahay Maxkamada sare, laakiin maaha Maxkamada Gobolka Hargeysa.
S. Fadhiga Maxkamada ee Khamiistii ka dhacay Mandheera waxa laga soo saaray ganaax 5-milyan ah oo mid kasta oo idinka mid ah qareenadii sadexda ah hadaad tihiin lagu xukumay, taa iyada sideed u aragtaan?
J. Waxaanu u aragnaa wax sharci daro ah. Sababta oo ah waxa ganaaxu nagu iman kari lahaa oo kaliya, marka ay codsadaan sadexda masuul, ee aanu Looyarada u ahayn. Laakiin iyagoo aan codsan, oo aan soo jeedin inay Maxkamadu iskeed isaga tidhaahdo iyo Xeer-ilaalintu anagaa ganaaxnay waa arrin aan sharciga meelna kaga oollin haba yaraatee, oo ay ugu badheedhayaan siday kii horeba ugu badheedheen xad-gudubka xaga sharciga iyo Cadaalada.
S. Laakiin, Xeer-ilaalintu waxay idinku eedaynayaan in ay iyagu yeedhmadii iyo balantiiba fuliyeen, oo ay tageen goobta Dacwada lagu qaadayay, balse idinku aad ka maqnaateen?
J. Mar walba anagu maxkamada qoraal baanu u gudbinaynay aanu arrintaa kaga hadlayno, Xaakimkuna waxa uu noo sheegay intaanu hawshaa gelin in uu qoraal ka soo saarayo. intaan la guda gelin hawshaa Maxkamda Mandheera in uu qoraal ka soo saarayo uu kaga jawaabayo arrintaa bal inay Maxkamada ku qaadi karayaan Jeelka Mandheera iyo in kale.
S. Xaakinka iyo Xeer ilaalintuba waxay ku doodeen in maadaama Jeelka Hargeysa dhisme ka socdo Jeelka Mandheera Dacwada lagu qaadi karo, oo taa ay Maxkamada sare go’aan ka soo saartay, Maxkamaduna meel kasta tagi karto. Ta labaad waxay sheegeen in Maxkamada Degmada Hargeysa ka garniqi karto arrintan oo ah inay ku kaceen xubnaha aad matalaysaan kicin iyo qalaan-qal ay dalka geliyeen, oo ta distooriga ah ee aad idinku ku doodaysaan ka duwan, miyaanay jirin arrimahaasi?
j. Arrinta Maxkamada sare, go’aankeedu, wareegtadeedu Maxkamada sare sharciga ma bedeli karto. Sharcigu wuxuu tilmaamayaa maxkamadana ku xadidayaa awooda xuduuda juquraafiyadeed ee Gobolkaa ay ka dhisan tahay, wixii xuduuda juquraafiyadeed ah ee Gobolkaa ka baxsan taakana ha noqotee ma xukunto amarkeeduna kama socdo taasi waa qodob. Maxkamada sare waxay awood u leedahay inay kiis maxkamad ka wareejiso, oo maxkamad kale u wareejiso. Laakiin inay Maxkamadu balaadhiso xuduudeedii juquraafiyadeed, oo gaadhsiiyo dhul aanu sharcigu siin taasi waa wax ka baxsan awoodeeda, sharciguna u ogolaan maayo, haduu ku kacana sharcigii buu jabiyay, qoraalka uu sharciga ku jabinayaana, sharciga waxba kama bedeli karo oo sharcigu waa mid taagan. Waayo qoraal kasta oo ay soo saarto maxkamada sare oo sharciga khilaafsani waa sharci-daro. Talaaba kasta oo uu qaado gudoomiyaha maxkamada sare ama maxkamada sare waxa loo eegayaa sharciga, haday sharciga waafaqdana Ahlan wasahlan, hadaanay sharciga waafaqina bar-bar baa la isaga leexinayaa. Markaa waxyaalaha bar-barka la isaga leexinayay ka mid tahay tanina.
S. Tan lacagta la idinku xukumay, Maxkamad baa ka soo saartay go’aan. Markaa maxaad ka yeelaysaan, mida kale idinka ma idin soo gaadhay go’aankaasi?
J. Walaahi horta anaga wax rasmi ahi nama soo gaadhin, qoraal rasmi ah nalama siin, runtana waad ogtiino maanaan joogin. Marka uu nasoo gaadhana talaabada sharciga ah ee ku haboon baanu maraynaa, maxkamaddo ka sareeyaa jira oo hab-sharci ah aanu u tagayno, oo aanu u gudbisanayno Racfaan kayaga.
S. Maxkamadu waxa kaloo ay sheegtay in fadhiga labaad la isugu soo noqonayo Axada oo uu ka sii socon doono Mandheera, ma ka qayb-gelaysaan kaa?
J. Kii horeba waxaanu ka hadlaynay inuu sharci-daro yahay fadhiga halkaa lagu qabanayaa. Markaa kan dambana sharci maaha, fadhi kastoo Makamada Gobolka Hargeysa Mandheera ku qabtaana waa sharci-daro. Markaa anagu sharci-daro ka qayb-geli mayno. Laakiin sharciga waanu ka qayb-galaynaa, oo hadii lagu soo celiyo xaruntii Maxkamada Gobolka iyo fadhigeedii diyaar baanu u nahay inaanu ka qayb galo. Laakiiin meel ay sharci-daro u tagtay anagu kala qayb-geli mayno sharci-daradeedaas, waxaananu ka sugaynaa go’aan, qoraalkii aanu u gudbinay ee aanu ku deedifeynaynay tagitaankii ay halkaa tagaysay.
S. Imaka Maxkamadii toos bay u soctaa, gar-sugayaashii aad qareenada u ahaydeena Dacwadii way ku socotaa idinkuna kama qayb-galayno ayaad leedihiin, taasi maxay bedelaysaa hadii maxkamadiina socoto, xukuna la filayo inuu dhaco?
J. Waxa weeye hadaan sharcigii la raacayn, oo aan sharcigii lagu garnaqsanayn, oo sharcigii aan la ogolayn in lagu kala baxo, dee xor bay u yihiin’e markaa waxii ay doonaan ha soo saareen, waxaananu u aragnaa waxa iyaga ka soo baxaa inuu yahay go’aan siyaasadeed, laakiin aanu ahayn wax sharci ku dhisan habayaraatee.
S. Meel kasta oo lagu qaado xukunka, miyaan la odhan Karin waxa muhiimadu tahay in qofku helo maxkamad ka garnaqda dacwada loo haysto. Markaa diidmadiinan miyaan loo arkayn inay tahay mid aad kaga gabanaysaan Dacwadan, oo aad u aragtaan in la idin-kaga gar-heli karo?
J. Uma aragno, ee sababtu waxay tahay sharci-daro anagu kaga qayb-geli mayno, waxaananu aamin sanahay sida illaahay loo hubana u hubnaa hadii Dacwada wadadeeda la maro, oo sharciga meeshiisa loo maro inaanu kaga gar-helayno. Sababtu waxa weeye, waxa lagu soo eedeeyay sadexdaa nin in ay sameeyeen Urur la yidhaahdo Qaran, oo ay ku bog-dooxeen distoorka markaa su’aashu waxay tahay waar samaynta Ururka Qaran inay tahay distoori iyo inay tahay qayral-distoori, horta maxkamada Gobolka Hargeysa maxay ka qabi kartaa? Arrintaa waxaa ka jawaabaya Qodobka 1’aad ee Nifaaqa 1’aad ee Xeerka nidaamka garsoorka ee soo baxay 1962-kii, oo tilmaamaya dhamaan Dacwadaha distooriga ah ama distoorka taabanaya inay ka garniqi karto oo kaliya maxkamada sare, Xeerkana hadii sharciga loo hogaansamayo waanu u sheegnay. Waxa weeye sida uu dhigayo qodobkaasi hala geeyo maxkamada sare, hana ka garnaqdo inay Dacwadani tahay distoori iyo inaanay distoori ahayn. Marka maxkamada sare go’aankaa soo saarto ee ay tidhaahdo distoori maaha waxay yeelayaan ha qoreen. Laakiin qadiyad ka baaxad weyn, oo ka mug weyn oo aanay awood sharci u lahayn, oo aanay qaadi Karin, oo aanu sharcigu u igman, haday yidhaahdaan waanu gelaynaa, waa Af-duuub.
S. Qodobkaas oo qudha maaha eedaha loo soo jeediyay ee waxa lagu eedeeyay inay rabshado abuurayeen, isla markaana ay dad abaabulayeen, kuwaa miyaanay ka garnaqi Karin?
J. Waxaas oo dhami maxay ka dhasheen? Waxay ka dhasheen samaynta Ururka ayay ka dhalanayaan, waxa weeyaan sida ku xusan Xeer No. 14, iswaydiintu waxay tahay Urur maxaa la yidhaahdaa? Waxa uu noqonayaa is abaabul bulsho, markaa is abaabulkan, shirarka iyo hawlaha dhaq-dhaqaaq ee Ururku waxaasi waxay ka dhalanayaan Ururka. Markaa marka laga go’aan gaadho distoorka inuu waafaqsan yahay iyo inaanu waafaqsanayn, ayaa waxaa la sheegi karaa. Shirarkaa la sheegayaana wax kale maahee waa shirarkii Ururku uu qabsaday. Mana jiro shir weyne iyo isu soo bax ay qabteen, oo ay kula hadlayeen bulshada ma jirto habayaraatee.
Madaxweyne Rayaale xagee buu tegayaa?
Hargaysa (Ogaal)- “Safar waa jiraa laakiin, xiliga uu yahay iyo cida raacaysa Madaxweynaha mid-na waxba kaagama sheegi karo. waxaanse filayaa inaanu maal-mahan ahayn.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah golaha wasiirada oo aanu wax ka waydiinay safar la sheegay in Madaxweyne Rayaale ku tagayo Gobolada bariga deegaano ka mid ah.
Shalay galinkii danbe iyo fiid horaadkii xalay ayay soo tareen warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in Madaxweyne Rayaale si dhakhso ah ugu safrayo dhinaca magaalada Oodweyne oo uu ka bilaabayo socdaal uu ugu sii dhaafayo deegaanada bariga qaarkood. Wararkaa la isla dhex marayay qaarkood waxay tibaaxayeen inuu saaka arooryada hore safar u baxayo Madaxweynuhu. Hase yeeshee dhinacyo kala duwan oo aanu la xidhiidhnay oo xukuumada ka tirsan, dhamaantood way tibaaxeen jiritaanka socdaal la damacsanyahay inuu Madaxweynuhu ugu safro Gobolada qaarkood, balse midna ma bixinin xog intaa dhaafsiisan. Islamarkaana ma jiro war si rasmi ah loo soo saaray oo lagu sheegay in Madaxweynuhu socdaal ku tagayo Gobolada dalka qaarkood. Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay, in Madaxweyne Rayaale wakiil cusub u magacaabay xafiiska Somaliland ee Itoobiya, hase ahaatee xaqiiqada arrintani maaha mid si cad uga soo baxday madaxtooyada.
Boorama: Muranka dhulka oo saameeyay dugsiga Sh. Cali Jawhar
Boorama(Ogaal)- Maalmihii ugu danbeeyay waxa magaalada Boorama hadheeyay muran dhul xidhiidh la leh dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar ee Magaalada Boorama.
Goobtan muranku ka aloosmay waxa la sheegay in ay ku doodayaan dad loo sharciyeeyay oo doonayay inay dhistaan iyo dhinacyo ka soo horjeeda oo qaar-kood u arkaan in dhulkii danta guud ahaa la boobayo. Gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka ee dagmada Boorama Mudane Muumin Gadiid Cumar oo wax laga waydiiyay arrintan ayaa ku dooday inaan dhulka muranku ka taaganyahay ahayn dhulka Iskuulku leeyahay, ''Hore ayaan dugsiga u nash-qadaynay oo afarta jihaba waan cadaynay inta uu dhul ku leeyahay oo ay la socdaan wadooyinkii, waxase jirta in dhinacan muranku uu ka jiro oo ah dhinaca waqooyiga uu dugsigu ku leeyahay dhul dhan 20 mitir iyo wado 10 mitir ah oo ka danbaysa. Goobta la dhisanayana ay tahay meel ka baxsan soonahii dugsiga oo ay dowlada hoose 13-kii bisha siisay liisankii fasaxa dhismaha” sidaa ayuu yidhi Gudoomiye xigeenku.
Dhismahan dawlada hoose ogolaatay ayaana keentay buuqa iyo in muranku yimaado, maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bille oo ka mid ahaa masuuliyiin kala duwan oo goobta muranku ka dhacay tagay shalay ayaa xalay Ogaal u sheegay in arrintan lagu heshiiyay in Iskuulka Dayrkiisii maanta oo sabti ah goobta uu marayo loo asteeyo, islamarkaana waxa uu dhinac isaga leexiyay eeda cida bixisay dhulkan, halka maayar ku xigeenkiisu ka cadeeyay in 13-kii bisha la bixiyay. “Anagu maanu bixin dhulka muranku ka dhashay ee maamuladii naga horeeyay ayaa bixiyay, markaa Iskuulkana kuma jiro dhulkiisa, laakiin xataa hadii uu ku jiro, Iskuulka dhulkiisa cid loo ogolaanayaa ma jirto danta guud ayaana ka horaysa danta gaarka ah.” Sidaa ayuu yidhi Maayarku waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi,
“Shalay (Khamiistii) ayaanu maamulkii Gobolka dhamaan la isugu wada tagay, markaa waanu cabiray oo in maanta kaabado dhulka Iskuulka dayrkiisa noqonaya lagu sameeyo ayaanu u balanay”
"Mucaaradka jooga Asmari waxay dhisayaan dawlad, ka hawlgalaysa Somalia” Baarlamanka Xorta ah
Nairobi (HAN)- Xubnaha baarlamaanka dibadda kaga maqan Soomaaliya ee loo yaqaano baarlamaanka xorta ah, ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee xarunta Erretariya, ayaa shalay shaaca ka qaaday in ay iyagu la wareegi doonaan gacan-ku-haynta maamulka gobollada Jubadda Hoose iyo Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya, sida lagu faafiyay shebekadda wararka HAN.
Mr Cabdiqaadir X Maxamuud oo dhaqane oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka mbeghati dibadda kaga maqan, ayaa saxaafadda maxaliga ah u sheegay inay iyagu hoggaanka u qaban doonaan maamulka gobolladdaas. Sida la sheegay in laga soo xigtay idaacadda Somali weyn, ayuu Mr Dhaqane ku caddeeyay inuu u tagay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubadda Dhexe sidii uu ugu qancin lahaa qabiilkiisa afkaaraha ay ka duulayaan xubnaha baarlamaanka xorta ah ee jooga magaalada Asmara. Sidoo kale, Mr Dhaqane, oo ka tirsanaa masuuliyiinta ka hawlgala xafiiska Cali Geedi ka hor intii aan xilkiisii laga qaadin, ayaa shaaca ka qaaday in xilligan ay ka hawlgalayaan gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo xusay inay dadweynaha koonfurta Soomaaliya ku nool ku dhiirigelinayaan ka qaybqaadashada shirka 1-da bisha soo socota lagu qabanayo magaalada Asmara.
Isaga oo jooga magaalada Bu’aale, waxa la sheegay inuu Mr Dhaqane tibaaxay in kooxdiisa baarlamaanka xorta ah ee jooga Asmara ay dalka ku soo noqon doonaan, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka, Hiiraan, Baay, iyo Bakool. Waxaanu intaa ku daray in aanay cidina iyaga ka saari karin gobolladdaas, oo ay degaanaddaas ku joogi doonaan awoodooda. Hase ahaatee, guddoomiyaha degmeda Bu’aale ayaa isagu sheegay in ay Mr Dhaqane si ku meel-gaadh ah uga saari doonaan xubnaha gudida degmadooda. Isla markaana waa markii ugu horaysay ee ay xubnahaas cid ka tirsani ku soo noqdaan dalka gudihiisa.
Warku waxa uu sheegay in masuulkani uu ka yimi magaalada Asmara, ee dalka Erratriya, halkaas oo hoggaamiyeyaashii maxaakiimta iyo xubnihii baarlamaanka xilkii laga qaaday joogaan, kuwaas oo sida la sheegay haatan raadinaya taageerada dadweynaha. "Kooxaha mucaaradka ah ee jooga Asmara waxay qaban doonaan shir-wayne lagu dhisi doono dawlad Soomaaliyeed," ayuu yidhi Mr Dhaqane. Waxaanu intaa ku daray in dadweynaha ku nool gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay mar horeba muujiyeen taageerada ay u hayaan hoggaamiyeyaasha islaamiyiinta ah iyo xubnaha baarlamaanka xorta ahba ee jooga Asmara. Inkasta oo ay dawladda Erretariya beenisay eedaymaha sheegaya in ay hubka kala duwan siiso kooxaha kacdoonada ka wada magaalada Muqdisho iyo maxaakiimtii ka horeeyayba, waxa maalmahan ugu dambeeyay ay Maraykanku cadho balaadhan ka muujiyeen saamaynta ay ka qaadanayso arrimaha Soomaaliya, taasoo Mrs Frazer u qaybsanaha Maraykanka arrimaha Afrika sheegtay in dalka Erretariya noqon karo mid ka mid ah dalalka ku jira liiska argagixisada, ayaa haddana Mrs Frazer aanay kooxaha Soomaalida ah ee halkaa jooga ku sheegin kuwo hawlo argagixiso ku leg leh.
Dhinaca kalena, waxa jira walaac badan oo arrinta Soomaaliya uu caalamku ka muujinayo. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika, ayaa ku tilmaantay in xaaladda Soomaaliya ay haatan noqotay mid aad uga sii xumaata meeshii aan marka horeba fiicnayn ee ay taagnayd. Wasiir ku xigeenka wasaaraddaas Mr Aziz Pahad, ayaa sheegay in dawladdiisu aad uga werwersan tahay xaaladdaha amaan-darrada ah ee dalkaa ka taagan. Sida ay sheegayaan wararka laga soo xigtay hay’adda qaxoontiga UNHCR iyo shabakadaha la shaqeeya waxay tibaaxeen in 400,000 oo qof oo Muqdisho ka qaxay dagaaladii hore ay dib uga noqdeen 125000 oo qof, isla markaana tiro kale oo gaadhaysa 27000 oo qof ay ka qaxeen caasimada intii u dhaxaysay bilihii June iyo July ee la soo dhaafay. "Markaa mashaakilaadkan Soomaaliya ka jiraa way sii soconayaan, mana joogsanayaan ilaa laga gaadhayo xal siyaasadeed arrimaha laysku hayo," ayuu hadalkiisa raaciyay Mr. Pahad.
Ogaal News paper
Somaliweyn Media Center (SMC)
|