Tacsi




Tacsi

tariikh nolaleedkii nabadoon huruuse maxamad qaroowe ala ha unaxariistee.

waxaa malinkii shalay ahyd ku geeriyooday magalada qardho ee gobalka bari nabadoon huruuse qaroowe , oo ahaa isin aad looga yaqaanay gobadala punt land , isinka oo ku geeriyooday gurigiisa ee magaalada qardho ayaa geriyoday kadib markii uu xanuun ku soo booday isla markaana muda gaa ban ka dib uu ilahay oofsaday.
tariikh nabadoon huruuse:
ala ha unaxariistii nabadoon huruuse maxamad qaroowe waxaa uu dhashay sanadku markuu ahaa 1937 waxaana uu ku dhashay magaalada qardho , huruuse oo ahaa isagu curadkii reerka ayaa markaa qaaday mas uuliyadii reerka ka dib markuu uu geeriyooday aabihiis maxamad , waxaana uu bilaabay in uu isagoo yar shaqeeyo si uu uga soo boxo waajibka soo food saaray , taasi waxay keentay in uu huruuse isagoo yar udhoofo wadamada carabta oo somalia dariska la ah sida yamen imaraatka cumaan sucuudiga isagoo dhamaan wadamadaas ka soo shaqeeyay , isla markaana ahaa n in ku caan baxay ganacsiga , isagoo kamid noqday ganacsatadii gobalka biri ee caanka ahaa , huruuse isagoo ahaa nin odaya oo aad looga qadariyo gobalka ayaa waxaaa jifadiisa hoose udooratay nabadoon sanadku markuu ahaa 1996 isagoo markaa qabtay xilkaa wayn ayaa uu. ala ha unaxariistee xaaji huruuse uu ka mid noqday isimada gobalka oo ka shaqeeya nabda iyo isu soo dhawaynta balaha wada daga ee walaalaha ah waxaana uu ka shaqeeyay isinku sidii uu uga qayb qaadan lahaa hormarinta gobalka iyo ka shaqaynta xasiloonidiisa waxaana uu muda yar oo gaaban ku guulaystay midaynta iyo kobcinta xirirka beelwaynta wada dagta waxaana uu ku baxshay maal iyo juhdi sidii dadku ay uga bixi lahaayeen abaartii xooga lahyd oo soo fool saartay sanadihii la soo dhaafay gobalda bari ee puntland .
ala ha unaxariistee waxaa uu ifka kaga tagay huruuse qaroowe 3 reer oo kala duwan iyo caruur 20 gaaraya waxaana ay reerihiisu kala dagan yihiin magalooyinka qardho , sheerbi , bosaso.
geeridaa naxdinta leh oo ku timi isinka ayaa waxaa ay utahay reerkiisa iyo ahelidiisa iyo dhamaan dadwaynaha reer puntland khasaaro wayn oo ku timi mid kamida asimadii ugu fir fircoonaa gobalka waxaana aanu ilaah uga baryaynaa nabadoon huruuse maxamad qaroowe inuu jabadii ka waraabiyo dhamaan ehaldiisa iyo qaraabadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan .
amiin ........ amiin ............. amiin
duugta badoonka:
maanta oo jimca ah waxaa ka socota magaalada qardho aaskii nabadoon huruuse waxaana halkaa kaga soo qayb galay duugta nabadoonka isimada gobalka oo uu hogaamiyo boqor maxamuud boqor muuse iyo nabdoono iyo saladiin kasoo qayb galay aaska nabadoonka sidoo kale waxaa
kasoo qayb galayaa duugta sarakiil ka socota DGPL
gadaal ayaanu adiin kasoo tabin doonaa waxii tafaasiil dheeriya oo ku saabsan geerida nabadoon huruuse maxamad qareewe.

inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajucuuun.

cabdi farah
sulaymaan@takemail.com

Ku:- BBC laanta Afka Soomaaliga.

Ujeedo:- Tacsi

Tar:- 15/07/2005.

Gudiga Besha shiikhal ee UK, London oo hoos ku xusun waxay tacsiyeeyan Eheladi uu ka geeriyooday Allaha u naxriistee marxuum Suldhaan Musse Xaji Barre' “Luga loox”, oo ku geeriyoday shalay oo tariikh ahayd 14/07/2205, magalada Muqdishu, Somalia.

1. Xaji Ismail Ilka jilac.

2. Abdullahi Maclin Cabdi( Sahal)

3. Xaji Carab Xaji Xassan

4. Sheikh Dahir Shiekh Xussein (Raliyo)

5. Yusuf Maclin Elmi

6. Musse Sheeko xariir

7. Cumar Maclin Noor

8. Cumar Xaji Moxamed Khalif

9. Suldaan Shaxam

Abdullahi Sahal

Musse Sheeko Xariir

 

 

LILAAHAY NAXARIISTII JANNO HA SIIYO MARXUUM CABDULQAADIR YAHYE

Cabdullahi Shiikh Xussen "H/W" iyo Xaaskiisa Caasho Maxamad cadnaan ,Yaxye maxamad iyo Xaaskiisa Mulkii Cadnaan ,Hooyo Maryan Xaashi Hussein iyo Dhammaan reer XaajiCadnaan waxaay tacsi u dirayaan Xaasaskii iyo caruurtii ,eheladii iyo dhammaanba asxaabtii uu ka geeriyooday iyo dhammaan ummadda soomaaliyeed oo uu ka shaqaynayey sidii nabadgalyo iyo xasiloonaan aay u heli lahaayeen
waxaan tacsi gaar ah u diraynaa marxuumak Aabihiis Shiikh Yaxye iyo hooyadiis Xaliimo Iimaan oo aan ilaahay uga baryeeyni in uu isagana jannadii fardowsa ugu bishaareeyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo ..aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Waxaan halkaan tacsi uga soo tabninayanaa marxuum Abdiqadir yaxye oo dad aan insaan ahayn ku dileen magaalada muqdisho waxaan marxuumka allah uga baryaynaa janaddii fardowsa Waxaa tacsida soo diraty

Ahmed Sheekh Abdullahi
Najama ahmed Sheekh Abdullahi
Ruqya Duale Cimli
Bashiir Sheekh Abdullahi
Aamina Sheekh Abdullahi
Amaal Sheekh Abdullahi
Hamze mohamedwali sheekh Abdullahi
Ifraah Sheekh Abdullahi
Nimco Sheekh Abdullahi
Xabiibo Sheekh Abdullahi
Maryan Sheekh Abdullahi B
ishaaro Sheekh Abdullahi

Ruqyo Duale Elmi
r-dua-e@online.no

Tacsidii Marxuun C/qaadir Yaxye

Anigoo ku hadlayo dhamaan magaca jaaliyadda somaliyeed ee degan magalada birmingham uk magaceygana ah Dr cali maxamed xuseen (cali atom)  ahna guddoomiyaha jaaliyada ururada somaaliyeedwaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan umadda Somaaliyeed gaar ahaana ehelkii , qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum Cabdulqaadir Yaxye Sh. Cali inuu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana waxaan ilaah uga baryeeynaa inuu janadii fardoowsa ka waraabiyo.
MrnHs@aol.com

Tacsi

INAA LI LAAHI WA INAA ILAHI LII RAAJUCUUN
Waxaan annagoo kala ah
Yaasiin Maaxi Macalin iyo Reeerkiisa Sweden
Liban Axmed Sariire iyo Reerkiisa
Baarliin Maxamuud Cadaawe
Nuur Cali Gaadle
Yaasiin Gacal
Calasoow Tumaaye
Xuseen cabdi Calasoow
Samme Bogad.
Shukri Sheekh
Ikram Cali Kaar
Cumara Nuur Dubad iyo Reerkiisa
Saciido Sheekh Axmed Brussels
Siciid Ibrahim BUUNA Somaliya
Cabduqadir Saciid Bufalo South Afrika
Prof.Maxamed Cali Abukar
Bahada Bandar dhaqan
Bahada SSUP
Bahada somaliweyn
Bahda Aminarts
Bahda Suxufi

Waxaanu si wadajir ah Tacsi tiiraanyo leh ugu diraynaa dhammaan Qoyska reer REER AFRAX COSOBLE meelkasto oo aay dunida ka joogaanba Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee, IBRAHIM CABDULE AFRAX FAATAXO WUXUUNA KU DHINTAY magaalada Skien dalka NORWAY 2005-07-02.
Waxaan marxuumka Alle weyne kor ahaayey uga baryaynaa in uu geeyo Jananada,eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alaha ka siiyo AAAAAAAAMMMMMMMIIIIIIIIIN.

Tacsi

waxaan tacsi uderaynaa nagoo ka
tiiranyaysan geeri ku timi islaam maxamed islam c/culaahi islaam xidig oo kugeriyoday magalda kismaayo waxaan gaarsiinayna dhaman beesha nuux mamuud meelkasta oo ay joogan.ilaah waxan uga baryeyna jandii fardoowsa in uu maqaamkiisa ka yeelo inagana samiir iyo iiman inaka siiyo aamin aamin aamin aamin dadka diyara tacsidan 1-xaaji cali islaam caji maxamuud 2-shikh c/dinaasir jamcad warsame 3-xaaji maxamad macalin 4-xasan cali maxamud 5-liiban siciid shabac 6-sharma'arke c/dirsaq cilmi 7-siciid macalin maxamuud 8-asad cabdi gufurre 9-c/rixmaan jaamac barre 9-sharma'arke xuseen bare 10-maxad c/di shire 11-c/dulahi cali islaam 12-raage cisman cumar 13-c/dirxmaan shiikh xasan 14-c/diladiif xuseen cali 15-cumar maxamuud ciise 16-cali xuseen bare 17'c/dirshiid maxamed buraale 18-xamse muuse maxamed 19-c/faraax ciise camale 20-maxamed c/di shucayb iyo dhaman jaliyada rer puntland ee qahira ayaa garsiinaya tacsidaan beel waynta nuux maxamuud meel kasta oo ay joogaaaaan  sharma'arke c/dirsaq cilmi qahira masar shsugulle@hotmail.com

Tacsi

Anigoo ku hadlaya magaca Somaalida degen magaalda Delft ee Holland  & tan reer Diriyaba , waxaan halkaan tacsi ugu dirayaa Dr. Saciid Axmed oo ka mid ah odayaasha Somaalida ee uu walaalkiis Dr. Moxamed Axmed uu ku geeriyooday magaalda Zoetermeer ee isla Holland  , taariikhdu markay aheyd 22/06/2005. Waxaana u rajeeynayaa in uu Illahay janadii ka waraabiyo, eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.Aamiin....

Abdulrazak Osman Dirie

A .O .Dirie

 

Tacsi

Walaal salaamu caleeyku. salaan kadib waxaa maanta kugeeiyootay dalka talyaaniga saakay gabar aan qaraabo nahay waxaan jecleeystay aniga iyo reerkeeygaba in aad nagusoo daabacdid boga tacsiyadaha inasoo war gali in aad daabacday. sidaas kusoo qor. Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun(kulu nafsin daaiqatul mowt) ilaah haunaxariistee waxaan tacsiyo udireeynaa eheladii iyo reekii ay kageeriyootay  (Madiina Xasan Wadan) Anagoo kala ah

Yusuf Xasan Arba
Canab M.Cisman Shuqaale
Cabdulaahi M.Cisman  Shuqaale
Maxamed Cali Nuur Sahal
Abukar Xasan Hadaafoow
Seeynab Sheekh Faarax
Cabdulaahi Xasan Arba
Ibraahim Xasan Arba
Xaliimo Xasan Arba
Eng.Abdi Alasow Gacal

Waxayna kala joogaan wadanka gudihiisa iyo dibadiisa.

Inalillahi Wa inna Illahi Raajicuun, Walaalayaal, dhamaan ogada waa la dhiman dhamaan waxan idinka tacsiyaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee kutimid Salad Cali Hogato. maalinki isninta ahayd ee bisha 19 /6 /2005 waa mid aad u naxdin badan dhamaan dadka ku xusan hoos oo u dirin tacsi marxuun salaad cali hogato waxan si gaara ugu tacsiyaynayaa Ilmo Salad Cali meelkasoo ay joogaan, waxaan Allah uga baraynaya in Allah janadii fardowsa geeyo, inagana samir iyo iimaan inaka siiyo, geeridu waa mid inawada sugaysa, dhamaan waa lawada dhimanayaa, cibaadada iyo tawfiiqda Allaha ina wada waa fijiyo.

1-maxamed faraax axmed( Gashaanle )
2mustaf rage cali ( hogato )
3-Maxamed Cali Axmed(Beeldaaje).
4-Maxamud Siciid Jebiye.
5-Dr: Maxamed Siciid Yasiin (Hogato).
6-Raxmo Siciid C/laahi (Beeldaaje).
7-Zaam Zam Siciid Dheere.
8-Eng: Naasir Siciid Naasir.
9-A/hakim Mohamed Suleman (Qaran).
10--C/raxmaan Diiriye Cabdi .
11-Maxamed Axmed Jibriil.
12-Axmed Siciid Qaloonbi .
13-Cabdi Fatax C/lahi Cartan .
14-Avv:Maxamuud Cabdi Cali (Bayr.
15-Ibraahim Maxamuud Cali Bayr.
16-Maxamuud Nuur Axmed.
17-Dr:Liibaan C/laahi Ciise.
18-Dr: Xasan Abukar. 19-Mukhtar Adan Xassan.
20-Cumar Cali Raqam.
21-C/raxman Faarax Cali.
22-Maxamuud Siciid Yasiin.
23-Khadro Xassan Mahad.
24-Axmed Osman Haji Farah(Zahid).
25-Eng:Samatar Cumar Maxamud .
26-Mahamad abdiqadir Mahamed.
27-Cuamar Ibrahin Xaji Farax.
28-Mohamed Said Assiar.
29-Maxamed C/laahi Cosoble.
30-Muxiyadiin Axmed Nuur.
31-Mahamoud Said Cana Nuug.
32-Mustafe Rage Ali (Hogato).
33-Shurki Abshir Cisman .
34-Asho Ali shire.
35-Xamza Cawad Cali.
36-G-J-S:Adan Xasan Mataan

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajucuun

-----------------------------------------------------------

Annagoo Kala ah:- Hassan Sheikh Ali Shirwa Hussein Ereg Farah Mohamed Abdullahi Shire Waxaanu si wadajir ah Tacsi tiiraanyo leh ugu diraynaa dhammaan Qoyska reer Xaashi Cawaale Xogolof meel ay dunida ka joogaanba, annagoo oga Tacsiyadeynayna Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Drs. Faadumo Xaashi Cawaale Cade Xogolof, geeridaas oo ku haleeshay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska bisha June 14-keedii 2005.  Waxaanu si gaar ah ugu tacsiyadeynaynaa wiilka ay ifka oga tagtay marxuumad Faadumo Xaashi iyo waliba Caaqil Abdirahmaan Sheekh Noor Hassan Mire, Xaaskiisa Sahro Xaashi Xogolof iyo caruurtooda oo iyagu magaalada Birmingham daris kula ahaa Allaha u naxariistee Faadumo Xaashi, waxaana marxuumadda Allaha weyn oga baryaynaa in uu geeyo Janaatul Firdowsa islamarkaasna samir iyo iimaan ka siiyo eheladii, saaxiibadii iyo qaraabadii ay ka baxday-aamiin.

Tacsi

WAXAA TAARIIKHDU MARKEY AHAYD 14/6/05 KU GEERIYOOTAY DALKA INGIRIISKA MAGAALADA BIRMINGHAM ALAHA U NAXARIISTEE MARXUUMAD LA ORAN JIRAY FAADUMO XAASHI CAWAALE XOGOLOF,MARXUUMADA WAXA AY MUDDO KA BADAN 25 SANADOOD KU NOOLEYD DALKA JARMALKA MAGAALADA BONN,INTII AY MARXUUMADU DEGENEYD DALKA JARMALKA WAXA AY MUDDO DHEER KA SOO SHAQEYSAY SAFAARADII AY SOOMAALIYA KU LAHAYD BONN IYADOO MARXUUMADU SHAQADA AY SAFAARADA KA HAYSAY AY AHAYD XOGHAYNTA GUUD EE SAFIIRKA,MUDDO AAN SIDAASI U SII FOGEYN AYEEY MARXUUMADU U WAREEGTAY DALKA INGIRIISKA WAXEYNA SI TOOSA U DEGTAY MAGAALADA BIRMINGHAM,ALAHA U NAXARIISTEE MARXUUMADU WAXA AY IFKA KAGA TAGTAY HAL WIIL,WIILKAASOO LAGU MAGACAABO DIRIR CABDIRAXMAAN GOLOOF.

DHAMAAN DADKA KU NOOL DALKAjarmalka OO DHAN,GAAR AHAAN JAALIYADA SOOMAALIDA EE KU NOOL MAGAALADA BONN OO AAN HALKAAN LAGU SOO WADA KOOBI KARIN MAGACAYADOODA WAXA AY SI WADA JIRA TACSI UGU DIRAYAAN DHAMAAN EHELADII IYO QARAABADII AY KA BAXADAY FAADUMO XAASHI CAWAALE XOGOLOF,GAAR AHAAN WAXA AAN TACSI U DIREYNAA WIILKEEDA DIRIR CABDIRAXMAAN GOLOOF,WAXAANA ILAAHEY UGA BARYEEYNAA INUU NAXARIISTII JANNO KA WARAABIYO

Tacsi

Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa anigoo ah Ummul Kheyr Sh. Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan dhamaan qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay saaxiibadeyda qaaliga Marxuumad ( Duniyo Muxuyadiin Nuur) oo u hoyatay aqalkeeda runta ahaa, geeriduna waa xaq qof walbana waa dhadhaminayaa, waxaan Allaha awooda leh uga baryayaa inuu Janadii fardowso ka waraabiyo anagana samir iyo iimaan Allah naga siiyo

Aamiin Aamiin Aamiin

Ummul Kheyr Sh. Maxamuud 

 

Tacsi

Mr.Maxamed Xersi Ismaaciil (Tanade) oo ah madaxa TV STN CEO oo tacsi u direy dhamaan qoyskii, asxaabtii iyo eheledii ay ka geeriyootay wariye Duniyo Muxudiin Nuur wuxuuna sheegey in ay tahay wax laga naxo geerida lama filaanka ah ee ku timid gabadhaas dhalinyarada ah ee gudanaysay waajibkeeda shaqo, wuxuuna Ilaahay uga baryay inuu Naxariisitii Jano ka waraabiyo, halka ay sidoo kale tacsi tan la mid ah halkaan ka dirayaan dhamaan bahda STN TV, Somaliweyn, Suxufi iyo amin Amir Arts Ilaahay ha u naxariisto wariye Duniyo Muxudiin Nuur 

Tacsi Allaha u naxariisto ,janatal firdowsna ha ka waraabiyo Cabdullahi Cabdi Xasan , dheemanka Madow , Cabdullahi wuxuu maanta oo taariikhda ahayd 23/05/2005 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, Xaafada Wardhiigley .

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

waxaan annaga oo aad uga tiiraanyaysan geerida ku timid laacibkaas weyn ee qaaliga ku ahaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo bahdi sportiga Soomaaliyeed gaar ahaan halkan tacsi ugu diraynaa Xaaskiisa Ifro Maxamud Yusuf iyo caruurtiisa iyo ehelkiisa meel walba oo ay joogaan iyo dhamaan bahdi sportiga Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Tacsidan waxaa dirayo Cusmaan Cabdi jeelle C/shakuur Sheekh Axmed Cabdishakur Maxamud Macalin Maxamuud Cumar Aduunyo Siid Maxamed Cabdulle Xasan Xawa Xasan caray(Garoorey) Nuurto Cabdi Jeelle Maxamed Cabdi Jeelle " Katimba Maxamed Macallim Maxamud Abukar macallim Maxamud Ayaan Mcallim Maxamud Cabduraxman Ibrahim Macallim iyo Abdallah Moallim Maxamud (Siyaasi

Abdallah Moallim
moallem10@hotmail.com

Tacsi

Naxariistii Jano Alle ha Siiyo Marxuum-C/Laahi Cabdi(Dheemanka Madoow) oo ka mid ahaan jirray Xidigihii ugu caansanaa Ciyaartooyadda Kubadda Cagta Somaaliyeed ahaana Halyeey Heer Qaran ah oo Magac Somaaliyeed Sanado badan Metelaayeey.

Marxuum-Ex-Xidig-C/laahi Cabdi ayaa ahaa Halyeeygii Kooxdda Kubadda Cagta ee Naadigga Badda oo ka mid ahaan jirray Naadiyadda Magac weyn ku lahaa kubadda Cagta Somaaliyeed Guulo badan soo hooyeey, qaab ciyaareed aad iyo aad u farsomo wanaagsan, gool dhalinta ku wanaagsanaa Akhlaaq wacan lahaa si weyna loo xurmeyn jiray,

Magac iyo Xurmo weyna ku lahaa Garoomadda iyo Bahadda Isportigga Somaaliyeed, C/Laahi wuxuu xidig soo dhoweeya oo dhiiri geliya dhalinyaradda ku soo biirtay Naadigga iyo Qaranka. Marxuum-C/Laahi Cabdi waxaa lagu tilmaami karaa in uu ka mid ahaa ragga ugu caansan Kubadda Cagta Somaaliya Sidda:-
Saciid Ducaalle, Bin Shaakir,
Axmed Saqiir, Ismaciil Girille,
C/Laahi Cabdi, Jeeylaani Khaliif,
Kiler, Nuur Gaab,
Shaash, Socot,
Aedn Gasiira, Saciid Ismaciil,
Shaqaq, Seyga Ruushka, Saciid Ceeyroow,
Riiko, Cali Muuse, M.Ismaciil, Shiikhaaloow,
Muriidi, Joorje, Sharif Xamsa, C/Ladiif,
Maxamed Xaaji, Shaarkeey, Mukhtaar Cuti,
Shiine, Cambar Khamiis, Cafiif, Khaliif, Xamaama,
Cabdi Kuus, Wareejiye, Xassan Yarre, Enoow,
Cumar Calasoow, Axmed Yarre, iyo Codeey
iyo Kuwo kalle oo badanaa. Waxaan Illaaheena Weyn ee Waaxidka ah uga Rajeeyeey Marxuumka-C/Laahi Cabdi in uu Janadii ka Waraabiyo Qoyskiisii, Eheladdiisii iyo Dhammaan Bah-weynta Isportigga Somaaliyeedna Samir iyo Imaan ka Siiyo,
Aamiin, Aamiin, Aamiin.
-Geeridu Waa Xaq-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-24-05-2005.
-sharifhassan50@yahoo.com
.

Waxaan halkan tacsi uga diraynaa geeridii naxdinta leheed eeku timid

Abshir maxamuud maxamed galool

Anago kala ah

1.cali maxamuud maxamed

2.osman maxamuud maxamed

3.siciido maxamuud maxamed

4.cibaado maxamuud maxamed

5.raaxo maxamuud maxamed

6.barni maxamuud maxamed

7salaado maxamuud maxamed

8.cabdulaahi abshir kaarshe (liibiya

9.abyan xasan mataan

10.sahra xasan matan

11.samiira xasan mataan

12.maxamed xasan matan(MJ

13kaamil maxamed matan

14.abshir kaarshe kaahiye

15.maxamuud kaarshe kaahiye

16.kamaal maxamed osman

17.abukar xasan nuur(qalinle

18.faiso salad macalin

19.shiina salaad macalin

20.bile bashiir farah(B&B

21.c/raxmaan axmed yusuf xabad

Dhamaan dadkaan waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan geeridii naxdinta leheed eeku timid alaha u naxariistee abshir maxamuud maxamed oo ku geeriyooday magalada mugdisho ee dalka soomalia tariiqdu markay aheed 30/4/05 waxayna ilaah uga baryaynaa in uu naxariistii jano kawaraabsho anaga samir iyo iimaan naga siiyo

Gaar ahana waxay u dirayaan ilmaha uu dhaly oo kala ah jacfar abshir galool iyo safiyo abshir galool iyo hooyo cibaado

Xaaji Yuusuf Maxamed Xeyle "Xaaji Yuusuf Hawiye"
Oo Dhawaan ku geeriyooday Magaalada Jeddah

Annagoo ka la ah:

Dr Cabdulqaadir Weheliye Afrax
Suldaan Cabdullaahi Macallim
Cali Caddow Maxamuud
Axmed Xassan Fiidow (Indha-korey)
Maxamed Cali Raage
Cumar Cali Calasow (Shaambi)
Cusmaan Axmed Dhiblaawe (C Siney)
Axmed Xassan Fiidow ( A X Siney)
Maxamed A. Calasow (Januune)
Sh. Axmed Xuseen Cabdi (Ceyrey)
Macalim Cabdulqaadir M. Cabdullaahi (Joqof)
Axmed Weheliye Jeyte
Maxamed Maxamuud Cabdi (Soomane)
Cabbaas Sh. Cabdullaahi Sheekh
Abuukar Maxamuud Axmed (Tuur-yare)
Cabdulqaadir Xabbad Geedi
Muxudiin Maxamuud Dhaaley
Mahad Cali Caddow
Xuseen Sheekh Cusmaan (Maradonna) &
Saciid Axmed Macallim (Indha-buur)

Waxaan tacsi u diraynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed, Qoyski, Eheladii iyo qaraabadi uu ka geeriooday Marxuum Xaaji Yuusuf Maxamed Xeyle (Xaaji Yuusuf Hawiye), waxayna ilaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana uu jannadiisa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Innaa Lillaahi Wa'innaa Ileyhi Raajicuun
Tacsi
Xaaji Yuusuf Maxamed Xeyle "Xaaji Yuusuf Hawiye"
Oo Dhawaan ku geeriyooday Magaalada Jeddah


Annagoo ka la ah:

Xildhibaan / Cabdullaahi Geedi Shadoor
Xildhibaan / Cabdullaahi Axmed Afrax
Xildhibaan / Ibraahim Sh. Cali (Jeebe)
Cabdirisaaq Isaaq Iidow
Xaaji Cali Maxamuud (Cali Addoon)
Cabdiraxmaan Yabarow Weheliye
Axmed-Nuur Faarax Wardheere
Suldaan Cabdullaahi Macallim
Ciise Cibaar Cusmaan
Maxamed A. Calasow (Januune)
Axmed Xassan Fiidow (Indha-korey)
Cumar Cali Shaambi
Cabdiraxmaan Macallim C/llaahi Joqof (Baadiyow)
Daahir M. Geesaweyne
Barre Xersi Shaawey
Cabdulqaadir Weheliye Afrax
Cabdi Calasow Diicey
Cabdulqaadir Sabriye Jilac
Cabdullaahi Cali Caddow
Cusmaan Axmed Dhiblaawe


Waxaan tacsi u diraynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gar ahanna Qoyski, Eheladii iyo qaraabadi uu ka geeriooday Marxuum Xaaji Yuusuf Maxamed Xeyle (Xaaji Yuusuf Hawiye), waxayna ilaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana uu jannadiisa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

TACSI FAADUMA MAXAMED SIYAAD OO KU GEERIYOOTAY MUQDISHO

WAXAAN TACSI U DIREYNAA C/LLAHAI MAXAMED MIRE OO JOOGA DALKA MAREY KANKA OO XAASKIISII AY KU GEERIYOOTAY DALKA SOOMALIYA MOGDISHO MARXUUMAD FAADUMO MAXAMED SIYAAD. WAXAAN ILLAHAY UGA BARYEEYNAA INUU MARXUUMADA U NAXARIISTO JANADII FARDOWSANA KA WARAABIYO CARUURTEEDII IYO EHELADIINA SAMAR IYO IIMAAN KA SIIYO AAMIIN AAMIIN.

c/LAAHI IBRAAHIM XASSAN IIDOW

CAASHA I. XASAN IIDOW

C/RAXMAAN I. XASAN IIDOW

C/QAADIR I. XASAN IIDOW

SALEEBAAN XAAJI MAXAMED (WEJIXAAD IYO XAASKIISA ANIISA CALI XUSEEN

C/RAXMAAN BARKHADLE IYO XAASKIISA FAROWSA XAAJI MAXAMED (WEJIXAAD)

C/RAXMAAN XAAJI MAXAMED 9 WEJIXAAD)

XALIIMA GARAAD JAAMAC

C/QAADIR AXMED XANDULE IYO XAASKIISA

WAXAAN ILLAHAY UGA BAR YEYNAA INUU SAMR IYO IIMAAN KAWADA SIIYO DHAMAA EHELADII MARXUUMADA FAADUMA MAXAMED SIYAAD. AAMIIN AAMIIN

 

Xaaji Yuusuf Maxamed Xeyle "Xaaji Yuusuf Hawiye" oo ku geeriyooday dalka Saudi

Waxaan tacsi u direynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Qoyskii, Ehelladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Xaaji Yuusuf Maxamed Xeyle "Xaaji Yuusuf Hawiye" oo ku geeriyooday dalka Saudi Arabia.

Waxaa tacsida diraya dadka kala ah:-

1. Dr. Xussein Xaaji Maxamed Bood
2. Ismaaciil Maccalin Muuse
3. Prof. Abuukar Xaaji Jimcaale
4. Prof. Cali Cabdulle Butugeey
5. Dr. Adan Xassan Afrax "Black"
6. Drsa. Xabiibo Xaaji Jimcaale
7. Dr. Xussein Sh. Axmed "Kaddare"
8. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
9. Abuukar Cali Jimcaale
10. Inj. C/qaadir M. Cabdulle "Madaxeey"

Waxaan Ilaahay ugu baryeynaa in uu naxariistii janno siiyo Qoyskii, Ehelladii iyo Qaaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin

Tacsidda Geeridda Caaqil-Xirsi Cumar Cadho Naxariistii Janao Alle ha siiyo.

Anigoo ah Dadka iyo Qoysaska Magacdoodu hoos ku xusan yihiin kana mid jifaha uu
Caaqilka u ahaa Al-Marxuum-Caaqiil-Xirsi Cumar Cadho si weyna uga tiiraanyeesan
Geeridda ku timi Caaqilka,isla markaana si weyn u aaminsan xukun Alle iyo in geeridu
Xaq tahay oo Aduunka ciddi ku waareeyn.

Waxaan halkan Tacsi uga gudbineeynaa Qoyskii Marxuumka Caaqil Xirsi Cumar Meel kastoo
eey Aduumka ka joogaan iyo Marxuumka Walaashii-Xalwo Cumar Cadho oo jooga Magaalada
Laascaanood ahna qof xurmo iyo qadarin weyn naga mudan iyo guud ahaanba Jifadda uu
Caaqilka u ahaa iyo Beesha C/Garaadba(Qayaad).

1-Maxamed Maxamuud Axmed(Khaawi),iyo Reer Khaawi oo dhan.
2-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar,iyo Reer Sheekh oo dhan.
3-Sheekh Axmed Xaaji Cali iyo Reer Xaaji Cali oo dhan.
4-Cawad Sheekh Maxamed iyo Reer Cawad oo dhan.
5-Maxamed Ismaciil Toosane iyo reer Toosane oo dhan.
6-Sheekh Ismaciil Dayib iyo reer Dayib Faarax oo dhan.
7-Maxamuud C/kariim Macalin iyo reer C/kariim oo dhan.
8-Axmed C/laahi Sheekh(Qalinle),iyo Qoyskiisa.
9-Sheekh Abshir C/Laahi Sheekh iyo Qoyskiisa.
10-C/laahi Sh.Maxamed Sh,Cumar iyo Qoyskiisa.
11-Sheekh C/Raxmaan Mcalin iyo Qoyskiisa.
12-Cabdul Macalin iyo Qoyskiisa.
13-Adan Xassan Maxamed iyo Qoyskiisa.
14-Garyaqaan-Maxamed Xassan Maxamed iyo Qoyskiisa.
15-Sheekh Cusmaan X.Cali iyo Qoyskiisa.
16-Sheekh Maxamed C/Salaan iyo Qoyskiisa.
17-Maxamed Faarax Cabdlle iyo Qoyskiisa.
18-Mustafe C/Laahi Qotti iyo Qoyskiisa.
19-Absame C/Laahi Qotti iyo Qoyskiisa.
20-Ganaje Maxamed Khaawi iyo Qoyskiisa.
21-Cali Laascaanood iyo Qoyskiisa.
22-Saalax Maxamed Aw Faarax iyo reer aw faarax oo dhan.
24-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab) iyo Qoyskiisa.
25-iyo Dhammaan Cusmaan Kheeyr oo dhan iyo Guud ahaanba Beesha C/Garaad
(Qayaad) gudaha iyo debedda ha joogeen.

Waxaanu Illaaheena weyn ee Waaxidka ah uga rajeeynaay in uu Marxuum-Caaqil-Xirsi
Cumar Cadho ka waraabiyo Janadda Qoyskiisa, eheladdii iyo guud ahaan Beeshana Samir
iyo Imaan ka siiyo-Aamiin Aamiin Aamiin.

-Geeriddu waa Xaq-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-England- 05-05-2005.
-sharifhassan50@hayoo.com.

Tacsi: marxuumad deeqa xaaji cabdi maxud xoosh dheere.

Anagoo ah Dadka Magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, waxaanu Illaheena weyn ee waaxidka,ah uga rajeeyneey in Janadda ka waraabiyo Marxuumad.

deeqa xaaji cabdi maxamuud xoosh dheere.ookugeeriyootey,dalka holand, iyo weliba Eheladdii iyo qooskii,ay ka geeriyootey, iyo guud ahaanba,dhamaan asxaabteeda iyo ninkiidii qaaliga ahaa, cabdalle xaaji xaashi

c/risaaq A.cali kaneeciyo dhamaan kaneecgroup

cawil farax dabshid xaaskiisa iyo caruurtiisa

dhamaan bahda widhwidh online

c/risaaq maxed siraad"butrusqaali"

c/casiis axmed dhicis

muxsin maxud ciise
c/khaliq xasan farax,iyo xaaskiisa
maxamed jaamac farax {{dhulqas}iyo xaaskiisa
maxamed jaamac sahal iyo xaaskiisa
maxaed cali qotonsade,xaskiisa
mubarak xasan farax,iyo xaaskiisa
cali jamac farax {{dhulqas}}
maxamed cali qambi
nimco jamac farax
xusseen jaamac farax
naciima cawil farax {{dabshid}

safiya cawil farah dabshid
saleebaan warsame ismaaciil mirre

Dhamaan asxaabteedii iyo intii ay ehel ahaayeenba waxay tacsi taas la mid ah u dirayaan qoyskii, iyo qaraabadii iyo dhamaan asxaabteedii.

ILLAAHAY JANADII FARDAWSA HAKA WARAABIYO MARXUUMKA

AAMIIN... AAMIIN... AAMIIN

Geeriddu Waa Xaq. 04-05-2005

Abdirizak A.ali kaneec

Kaneec12@hotmail.com

Inaa lillaahi waa inaa ilayhi raajicuun.

Anagoo kala ah
Adan C/salaan iyo xaaskiisa
Canab C/salaan Ibraahim
Daauud Abdi Ibraahim
Ahmed Nuux iyo xaaskiisa

Waxaan tacsi u diraynaa ehelkii iyo qoyskii uu ka geeriyoodey ilaahay ha
unaxariistee Abdiraxman shiikh nuur oo ku geeriyoodey dhowaan wadanka
pakistan gaar ahaan waxaan tacsidaa gaadhsiinayaa xaaskiisii Faadumo
shamso,, iyo caruurtiisa waxaan leenahay ilaahay samir iyo iimaan haidinka
siiyo isagana godka ilaahay ha unuuro..

TACSI
MARXUUM ABDIRAXMAAN SHEEKH NUUR


WAXAAN HALKAAN TACSI UGA DIREYNAA QOYSKI & QARABADII & ASXAABTII U KA GEERIYOODAY MARXUUM DR ABDIRAXMAN SHEEKH NUUR ALLAHA U NAXARIISTEOO MAANTEY OO AY TAARIIQDU TAHAY 23 APRIL 2005 KU GEERIYOODAY WADANKA PAKISTAAN ISBITAAL KU YAAL,WAXAAN QOYSKISI & EHELADISI ANAGOO DHAN WAXAN LEENAHAY SAMIR & IIMAAN ALLAHA HA NAGAWADA SIIYO ,MARXUUMKANA WAXAN ALLAH UGA BARYEYNAA INUU JANADII FARDOWSA KA WARAABIYO AAMIIN AAMIIN
WAXA HALKAN TACSIDA KA DIRAAYO ANAGOO U DIREYNO XAASKIISA & CARUURTIISA & DHAMAAN REER SHEEKH NUUR, DADKA KU NOOL USA & HOLLAND & SOMALIA
XILDHIBAAN MOHAMED ABDI YUSUF
XIDDO ADAN
ISMAIL MOHAMED ABDI
YUSUF MOHAMED ABDI
& DHAMAAN RER MOHAMED ABDI YUSUF
MOHAMUD ABDI YUSUF ( GAFAA)
SAHRO IDIRIS OMAR
MOHAMED GAFAA
YAASIN GAFAA
CLAAHI GAFAA & DHAMAAN REER GAFAA
COL :ABDULAAHI WARSAME AFLAHAARE
COL :HASAN CAABI
KAAMIL
MOHAMED ABDULAHI MOWLAQ
IDIL CQADIR FAARAX HERSI
JAWAHIR FAARAX QAAN DHURWAA
XAWO MOHAMUD CAWALE
IDIRIS YUSUF
ADAN YUSUF
QADAR YUSUF XARARE

Tacsi

Waxaa halkaan tacsi ka dirayo dadka kala ah :-

Aabe Hasan Ali dhere

Hooyo saafi yahye cali

Mah’ed Hasan Ali dhere

Saida Hasan Ali dhere

Abdiqadir Hasan Ali dhere

Abdiaziiz Hasan Ali dheere iyo afadiisa Shukri

Abdikariim Hasan Ali dhere iyo afadiisa Malyuun

Nuur xasan Ali dhere

Amina xasan Ali dhere

Abdirahman Hasan Ali dhere

Mahad caraboow cali dheere

Yusuf ibrahim xasan

Sahro max’ed nuur

Cumar xaaji faroole

Dhamaan jaaliyada ku nool K.S.A,merica,Canada Uk, Nederland ,Egypt waxeey iyagoo ka tiiraayensan tacsi u diranayaan dhamaan dadka eey ka kala geeyriyoodeen hooyo faaduma max’ed ibraahim iyo xaajiyo canbuureey maxamuud maxamed oo ku geeriyoodey magaalada mogdisho Ilaahey naxariis tii jano allaha ka waraabiyo dadkii eey ka tageyna samir iyo iimaan allaha ka siiyo amiin aamiin amiin

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

tacsi ka dhacdey wadanka Soomaaliya gaar ahaan xamar marxuumka la yiraahdo (Axmad Kadiye Bare) .....
dadka u diraayo tacsiyada oo joogaan wadamada kala duwan ee yurub iyo america:
walaalahiis oo kal ah:
xooshey kadiye bare ...iyo caruuteeda
xaawo kadiye bare...iyo caruurteeda
xaashi kadiye bare .... iyo caruutiisa
abshiro kadiye bare... iyo caruurteeda
salaado kadiye bare ... iyo caruurteeda
waxaa kale oo sii tacsiyeenaayo marxuumka caruurtiisa
beercade axmad kadiye... iyo caruurtiisa
siraad axmad kadiye ... iyo caruurteeda
raage axmad kadiye ...
geesood axmad kadiye ... iyo caruurtiisa
qandac axmad kadiye... iyo xaaskiisa
qaali axmad kadiye
naciimo axmad kadiye .. iyo caruurteeda
yurub axmad kadiye
soodo axmad kadiye
maslax axmad kadiye
ismahaan axmad kadiye
waxaa kale oo sii tacsiyeenaayo qaraabadiisa
shukri jimcaale diiriye .. iyo caruurteeda
cabdulaahi jimcaale diiriye.. iyo caruutiisa
maxamed jimcaale diiriye . iyo caruutiisa
maryan jimcaale diiriye...iyo caruurteeda
waxaakale oo sii tacsiyeenaayo caruurta oo qaraabadiisa
bashiir cabdulaahi iyo caruurtiisa
canab cabdulaahi iyo caruurteeda
nadiifo cabdulaahi iyo caruuteeda
fartuun cali kadiye.. iyo caruurteeda
canab cali kadiye .. iyo caruurteeda
tahliil cali kadiye
faadumosahro bashiir maxamed iyo caruurteeda
malyuun shaaribo iyo caruurteeda
haweeyo cadaawe iyo caruurteeda
daahir shaaribo iyo caruurtiisa
canab cadeesi iyo caruurteeda
dhamaan qaraabada iyo ehelka waxee u tacsiyeenaayaan dhamaan ehelada oo ka dhintay marxuumka waxeena leeyehiin sabar iyo imaan allaha nagasiyo
(inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun)

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Gudoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya Prof Maxamuud Maxamed Culusow & guud ahaan
mas'uuliyiinta Xukuumada Federalke Kmg waxa ay tacsi tiiraanyo badan udirayaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooda allaha u naxariistee Marxuum C/rihiin Cabdulle Qaawane oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho alaha unaxariisto Amiin

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)

 

 

 

This Page!