|
Wararkii ugu danbeeyey
Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 11/08/06
Dugsiga Hoose Dhexe ee Balcad oo si rasmi
ah u bilbay waxbarashadiisa

Ka dib markii Jaaliyadaha ku nool Dibadaha iyo gudaha iska kaashadeen dayactir ku sameeyeenta dugsiga hoose dhexe ee balcad ayaa maalintii Shalay khamiistii ayaa 10augst 2006 soo gaba-gabooy wajiga 1-aad dhismahii dugsiga hoose dhexe ee Balcad.
Waxaa munaasabadaas si gaar ah ugu qaybgalay Abuukar Cali Geedi oo ah Wakiilka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ingriska asagoo u guurgalay sidii horumarka looga gaaray horumarka dib u dhiska dalka gaar ahaan dugsiga hoose dhexe ee degmada Balcad oo in muda ah burbursanaa.
Munaasabadaas furitaanka oo aay ka soo qayb galeen Aqoonyahano iyo Waxgarad, iyo Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Degmada Balacad, waxaana halkaasi ay ka muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in loo dhiso dugsigooda.
Dugsigan ayaa waxa uu ka kooban yahay 15-Fasal, 2-Xafiis, Qol Bakhaar ah, iyo Afar Musquluud oo wiilal iyo gabdho ah, waxaana dugsigan markiiba wax ka baran karo labada galin arday gaareysa illaa iyo 2000 oo Arday.
Abuukar Cali Geedi oo ah Wakiilka Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK oo la hadlay Boqolaal arday oo wax ka baraneysay Dugsigaasi ayaa waxa uu sheegay in ay farxad gaar ah u tahay horumarka laga gaaray Afar bil ka hor dugsiga sida uu ahaa, isla markaana maanta ay fadhiyaan fasaladiisa Ardayda Degmada Balacad, Waxaan kale oo aan idiin sheegayaa in iskoolkan balcad lala mataaneeyey iskool kale oo ku yaal SWEDEN magaalad Katrineholm oo magaciisa la yiraahdo NYHEMSSKOLAN waxaana mahadaas iskaleh Yaasiin Maaxi Macalin oo ah walaalkii suurta geliyey in jaaliyada SWEDEN aay dhameeystirtay islamrkaana dhameeystiri doonto inta ka hartay howshaan.
Waxaa kale Munaasabadaasi ka hadashay Drs Ceyni Abuukar Gacal oo ayda ah madaxa Xarunta SUBIYA DEVELOPMENT VOLUNTEERS ORGANIZATION oo ayadana gacan weyn ka geeysatay dhismaha iyo dayactirka iskoolka waxayna noo sheegtay in aay ayada ka go`antahay inta ka dhimana aay dhamaystiri doonto sida darbiga iskoolka oo la soo wareejiyo iyo in koronto iyo biyo la galiyo sidoo kale waxay Drs Cayni Abukar Gacal sheegtay in la helo qalabkii fududeeynaayey waxbarashada qalabka xafiisyada, buugaata iskoolka, iyo in la helo manhaj iyo sharci uu iskoolka ku shaqeeyo ayada oo tiri waxaan kala kaashan doonaa beesha caalamka iyo Dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha Joogo iyo aan iraahdee iskoolka mataanaha nala ah NYHEMSSKOLAN ee dalka Sweden
Maamulka cusub ee Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Balcad Bashiir C/laahi Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uusan soo koobi Karin faraxada heysa, isaga oo balan qaaday in uu ka soo dhalaali doono shaqadaasi loo dhiibay, waxa uuna ka codsaday jaaliyadaha in aan halkooda looga sii harin.
Illaa 500 oo Arday gaareysa ayaa xiligan wax ka baran doonto dugsiga hoose dhexe ee Degmada Balcad. Ku dhawaad 200 oo arday ahna la filaayo in aay bilaabaan Sanad dugsiyeedka 29 sep 2006 , waxaana Dugsigu uu u muuqdaa mid la jaan qaadi karo Dugsiyada kale ee ku yaala dalka soomaaliyeed. Waxaana xiligan u harsan sida aay Drs cayni Abukar Sheegtay wax ka qabashada wareega darbiga dugsiga iyo ganjeeladiisa oo u baahan in la dhiso, Maktabat iyo galinta Biyaha iyo Nalka.iyo aan iraahdee qalabeeynta iskoolka.

Abdirahman Mahamed
xudeyfi4@yahoo.com
|