|
Maqaal:
Ma XIL DHIBAANNO mise XIG DHIBAANO? Maanta ayaa la XAQIIQSAN doonaa.!! ( Qalinkii Maxamed Xaaji)
Maanta waa maalin ISBEDEL KEENA noqon doonta balse isbedelkaasi wuxuu qaadi karaa jidkii uu doono (HORU-SOCOD iyo GADAAL-U-HARIS) balse waxaan anigu indhaha ku hayaa maaha DOORASHADA lafteeda ee waa sida wax loo DOORTO iyo qofka la DOORTO taasoo fikrad buuxda inaga siin doonta nooca uu yahay BAARLAMANKAN cusub oo ama noqon doona XIL DHIBAANNO XILKAS AH ama XIG-DHIBAANO XOOLO DOON AH.
Waxaa lasoo maray waqti dherer badan oo iska daba wareeg ah lkn maanta umaddu ma qaadi karto intaa ka badan qof kasta oo dhibkaa wadayna waxaa ku haboon inuu garto in loo baahan yahay in la qaan gaaro oo jid wanaagsan la qaado isna uu ILAAH iyo Soomaaliba cafis waydiisto.
Waxaa soo baxayay warar badan oo qaarkood aanay ku qancinaynin sida xulufaysi aan qaab sameeyn oo ama dano khaas ihi daba ka riixayaan ama xitaa kuwo qabyaaladeed.
Waxaa sidoo kale hadlay dad yiri reer hebel hadii aan wax la siinin dhibaato ayaa iman doonta waxaan leeyahay sxb hurdada ka kac maanta shacabka Soomaaliyeed inta badan way ka waynaadeen sheekooyinkaa LAAB LA KACA AH.
Waxaa sidoo kale hawada kujirta dal hebel qofkaas buu wataa iyo beesha caalamku ninkaas ma doonayso lkn shacabka Soomaaliyeed ayaa raba waxaan leeyahay wixii uu shacabku rabaa muhim waana waajib muqadas ah in la ixtiraamo oo ay u dagaallamaan xildhibaanadu.
Xil-dhibaanada Soomaaliyeed ee maanta gacanta ku haya FURAHA ama XIRAHA aayaha umadda Soomaaliyeed waxaan usoo jeedinayaa inay sida ugu fiican uga faa’iideeyaan si ay iyaguna uga faa’iidaystaan fursadan oo ah mid aan berri soo mari doonin oo ay ka fikiraan NAAR maqaarka iyo lafaha kala fujisa iyo FIRDOOWSO lagu fayoobaado.
Dadka Soomaaliyeed maanta waxay soo gaareen qaayo ay intooda badani bislaadeen oo ay doonayaan inay ka gudbaan dhibaatadii GAASIRA ee gubtey qaranimadii Soomaaliyeed sidaa darteed waxaa loo baahan yahay QOF dadka u rari kara berrin uu soo sahmiyay.
Waxaa intaa dheer Soomaaliya waa qoowiyad qabiil qabiil u abaabulan gaar ahaan miyiga lkn maadaama arintaasi lagu fashilmay waxaan u baahanahay in marka hore xafiisyada dowladda laga waayo INA ADEERSI iyo QAR LEEXIS qabyaaladeed si qofka qabyaalad quud ku raadin lahaa uu iskaga quusto taasoo hadii xal istaraatiji ah loo helo baabi'in doonta waxa loo yaqaanno JAGADII REER HEBEL oo ah xadaaradda ugu dib dhacsan ee ay Soomaaliyi soo kordhisay…..Ogaada xilka qof baa u QALMA ee qabiil u qalmaa majiro.
Sabab.!? Waayo qofku wuxuu leeyahay hal beeg lagu ogaado qiyamkiisa shakhsiga ah (Karti, ALLE ka cabsi, aqoon, wadaniyad, aragti, saqinimo, daacadnimo IWM). Halka qabiilku uu ka kooban yahay dadyoow kala duwan oo kala dabci ah oo aad ka heleyso xumaan iyo samaan sidaa darteed QABIIL qiime go’an maleh (Fixed price).
Tan kale nin baa dan qabiil u sharaxan, mid baa danta qaran shisheeye meesha u jooga, midbaa danihiisa khaaska ah xeerinaya, mid bay ka dhab tahay inuu dadka Soomaaliyeed ee dulloobay u gurmado, hal mid ayayse tahay inaan hoosta ka xariiqno maanta looma baahna inaan qofka ku qiimeeyno waa reer surwaal iyo reer shaati ee waa inaan ku qaadanaa muxuu qaban karaa? Deetana waa inaan si kal iyo laab ah ula shaqeynaa inagoo hadii warkeenna la diido aan khilaaf iyo FOOWDO abuuraynin.
Hadda kahor waxaan qoray inay Soomaaliyi dhibka ka bixi doonto marka ay gaarto bisayl ah in 3 nin oo mataano ah xilalka sare loo wada dhiibi karo....Hadde waa mataano iska daa qabiile iyadoo laga duulayo uun waxa uu shakhsiyan qofkani yahay waan aragnaa haatan furuqa 4.5 rag badan oo wax tari lahaa bay xilalkoodii seejisay sidaana waxaan ku dooranaa dabbaal wata SHAHAADADA REER QANSAX balse aan xikmad kale haynin (Kii shacabka lug gooynaya Ilaah baan arintiisa u xil saarnay).
Warka yaanan badinine aan kusoo gooyo jiifto yar oo aan ka tiriyay QABYAALLADA:
REER QURUN BARKADE MAQAL: Qaranimo la saanyado, Horumar qaaya gaariyo,
Heshiisiin aan qabaniyo, Ciidan qalab sidoo dhami, waxba qaadi maayaan,
Qiime yeelan maysaan, Oo khadkiinu wuu dhumi, Inta qorshuhu sidan yahay,
Talo way qaloocnaan, Qaaradaha aduunkana, Injir baan ka qoranahay,
Hadaad doonto is qaad qaad, Oo qabiil ku faaniyo, Qiyam beena isu yeel,
Qiyaastii dhabtaa tiri, Qarnigan maanta joognaa, Qir iyo qir aan dhamaaniyo,
Qoys qoys is dila iyo, Qabtoo laysku haayiyo, QABYAALAD laysku qoomiyo,
Cashiiro is qaniintiyo, QABALI qaaddo kuma lehe, Qoomyohow is daba qabo...!!
Halkan ka aqriso gabay kale oo duco ah oo hal ku dhegiisa la yiraahdo QAADIROOW MIDKII KHAYR KUJIRO:
http://somalitalk.com/2012/08/24/qaadiroow-midkii-khayr-kujiro-qoomka-ku-badbaadi-gabay-ku-socda-musharixiinta-qore-maxamed-xaaji/
WABILLAAHI TOOWFIIQ.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|