Somali News
    Hees  

Maqaal: Wasiirka Kowaad Oo Aad u Magacawda Others-ka Waa Guushaada iyo Bilawga Baa'inta Qabyaalada Nala Hartay

 

Wasiirka Kowaad Oo Aad u Magacawda Others-ka Waa Guushaada iyo Bilawga Baa'inta Qabyaalada Nala Hartay

 Fariin furan oo ku socoto Madaxweynah dalka Somaliyeed Prf  Xasan Shikh Axmed.

         Madaxweyne naga guddoon hambalyo ku aadan guusha taariikhiga ah ee kuu horseetay gaarista mansabkaan , hambalyo Mudane madaxweyne Xilka laguu doortay , mudane Madaxweyne waa guul maalinta lagu doortay oo doorashada waxay u dhacday si hufan oo ka madaxbanaan musuqmaasuq iyo is-dabamarin,waxaya ka dhacday dalka gudhiisa 22 sano keddib  oo dhiiga ummaddeena ee dahirka ah lagu daadinayay si gardara ah ,waa guul oo maalintaa waxaa laga tilaabay xayndaabki dowlad ku meel gaar ah ,waxaa loo gudbay dowlad dhameystiran oo awoodaheeda iyo dastuurki ay ku shaqayn lahayd u dhan yihiin ,maalintaas 10/09/2012 waa guul oo waxaa la doortay nin ka warhaayo xaalada dalka guud ahaan ,aqoon leh , in badane xogogaal u ah dhib iyo dheef wixi dalka ka jiray inta lagu dhax jiray sanadihi burburka. Mudane Madaxweyne horudhac keddib waxaad naga gudoontaa soo jeedinta talooyin aan isleenahay waxay fadhi iyo gogol u yihiin qaabka ugu haboon oo aad u dhameystir karto hawlaha ku horyaal oo ay ugu horeyso in aad wadanka doorashada dambe gaarsiiso in ay ahaato nin iyo codkiisa ,tirakoob ummadda lagu sameeyo keddib inshaa'Allah.

          Hawsha dowlada aad soo dhiseyo in ay guuleysato waxaan kuugula talineynaa saddex waxyaabood oo haddii aad yeesho kuu horseedayso wadadi guushaada  ,iyadana waxaan kuugula talineynaa ka dheeraashada saddex kale oo haddii aad la timaada fashilkaada ah

                  Saddexdan hore eek u xusan hoos haddii aad la timaado waxaa hubaal ah in aad ka miradhalin doonto mas'uuliyada xilka ay ummaddaada dusha kuu saartay, culayskiisana leh.

 1-adiga oo wax walba qabashadooda sal uga dhigo Allah ka cabsi iyo dastuurka oo si cad ugu dahqanto adiga oo la kaashaanaayo golaha sharci-dejinta, labadaana waana guusha dowladaada  .

2- wasiirka koowaad oo aad ka soo magacawda beelaha lagu dulmay magaca xun ee la yiraa others-ka ama nuska ama beelaha dega goballada aan hoos kuu soo xusi doono oo aanan iyaga jagooyin waaweyn ka heyn dowlada Somaliyeed. Tan waxay horseedeysaa yaraynta xasaasiyada qabyaaladeed ee ku habsatay ummaddeena ,waxayna keeeneysaa  ka gudbida in ay awooda dalka ku koobnaato dad gaar ah,waxayna noqoneysaa bilawga baa'inta qabyaalada, waxaa kale oo ay sahleysaa hawsha dowlada oo ka korto isqabqabsigi caadaada u ahaa dowladihi wadankeena laga soo dhisay 22 sano oo aan burburka ku jirnay ,waxay abuureysaa dowlada oo si hufan uga so baxdo shaqooyinka horyaalo ,waana guusha dowladaada  ,guusha dowladaadana waa guusha ummada Somaliyeed.

3-adiga oo dhiso laba guddi oo hawshooda tahay ilaalinta hantida guud ee ummadda iyo ka warheynta qaabka loo shaqaaleeyo shaqaalaha dowlada iyo qaabka ay u socoto shaqada dowlada ee kaabayaasha dowlada oo dhan oo ay ku jiraan milatariga iyo booliska wallow ay aad qurax badan-tahay iyadana in aad ciidamada si gaar ah ugu dhax-dhisto labadan guddi oo kale.

                  Saddexdan kale ee hoos ku xusan waxaaan kuugula talineynaa in aad ku dhaqanto inta karaankaada ah waayo haadii aad yeesho caksikooda waxay soo dedejinayaan fashil si dhaqsiya ugu yimaado dowladaada iyo xilka weyn oo aad ku magacaaban-tahay .

Ka dheeraw in aad Wasiirka koowaad  ka soo magacawdo nin ka soo jeedo beelaha dego goballadan ku xusan qoraalka hoose si kasto oo uu karti u leeyahay shakhsigaas waayo waqtigan ma awoodayo ka hor-imaanshaha danaha goballadaas oo abuuri karo jawi is-neceyb oo somalida  dhaxdooda ah taasna waa tan ummada u horseedeyso fashil iyo dowladaada lugaha ka jiisawdo.

A-      Wasiirka koowaad ha ka soo magacaabin goballada woqooyi galbeed oo loo yaqaan Somaliland inta meel la saarayo wada hadlaki u socday dowlada iyo dowlada Somaliland waayo haddii aad ka soo magacawda waxay caqabad ku noqnaysaa wada hadalada u socdo dowlada iyo Somaliland.

B-       Wasiir koowaad ha ka keenin nin ka soo jeedo gobalka puntland waayo waxaa kuugu adkaaneyso in aad adiga iyo barlamaankaba u fulisaan dastuurka sida uu u dhigan yahay ,laguna wada heshiiyay maadaama aanan weli la dhameystiran dhisida goballada fedaralka ah ee dalkoo dhan.

C-       Wasiirka koowaad ha ka soo magacabin gobalka khatumo waayo wuxuu hinaasi gelinayaa labada dowlad goballeed oo waaweyn ee deriska la ah gobalkaas, sidaas darteed taas waxay hawshaada ku keeneysaa faashil degdeg ah maadaama uu abuuri karo xasaasiyad iyo isqabqabsi kaaga yimaado dhankaas..

D-      Wasiirkaada koowaad ha ka soo magacaabin gobalka gedo iyo Kismaayo waayo waxay caqabad ku noqaneysaa xal u helida maamul u sasmeynta gobalka Kismaayo iyo goballada  ku xeeran waayo waxaa halkaas ka jirto xasaasiyad qabiil oo aad u xoogan abuuri kartana colaado iyo is-fiirsasho ka dhax-abuuranto dadka wada deegaankaas.

2-hab dhaqankaada ku aadan la tacaamulka beesha caalamka waa in uunan ahaan iskiijin iyo jilcanaan labadaba ,wax walba oo aad isla garataan beesha caalamka waa in ay soo maraan barlamaanka dowlada si uu uga tala keeno arrimahaas , loogana koro fashil iyo isfaham la'aan nooga yimaado dhanka beesha caalamka.

3-saddex waa in aadan jilaac ka muujin qaabka aad uga hortageyso faragelinta xoogan ee dowladaha deriska nala ah ku haayaan arrimaha gudaha ee wadankeena siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba ,wax walba oo ah siyaasad ku aadan dhinacoodo waa in la horkeenaa barlamaanka gudihiisa si looga dheeraado eed kaaga timaado ummaddaada maadaama ay ummada dhinacaas ka qabto xasaasiyad xoogan oo ay sabab u yihiin dhaqan xumo fara badan oo dhankooda nooga imaaneysay 22 sano ee ummaddeena ku dhax jirtay dhibaata aan annaga isku heynay.

Gunaanad ,Mudane madaxweyne Xasan Shikh Axmed ummaddeena waa ummad aad u soo dhibtootay ,una baahan madaxweyne geesi ah ,caaqil ah,sabar leh ,go'aan adag leh ee gacanta qabto si uu ummadda uga saaro mugdigan iyo nabadarradan nagu daba dheeraatay. Mudane Madaxweyne caqabadaha kale ee ku horyaalo iyagana waxaa ka mid ah kooxda Alshabaab oo iyaga xaalad wareer ah ku jiro beryahi u dambeeyay keddib marki looga adkaaday dagaalaadi u dambeeyay oo ay umadooda kula jireen loogana qabsaday goballa badan oo gacantooda ku jiray, si hawshaas loo dhameeyo iyo ka adkaashadooda ,mar walba waa in aad arrintan la  kaashataa milatariga, odayaasha iyo culmada diinta ugu dhaqanto sidi Ilahey ugu tala galay in loogu  cibaadeysto.

Mudane Madaxweyne waxaan iyadana kaa codsaneynaa in aad ka dheeraato in xilalka dowladaada loo magacaabo nin leh ha lay magacaabo hawshaas , waayo nin noocaas ah uma muuqdo nin ka soo baxo hawsha culus ee dowladan hortaal ,xilalka waa in aad la doonataa dad xilkas ,aqoon leh adiga oo taa kala tashanayo somalida wax garadka ah oo dhan meel walba oo ay joogaan.Mudane madaxweyne la taliyayaasha aad xulaneyso haddii ay noqdaan kuwa xilkas ah waxaa hubaal ah in hawshaada ku dhamaaneyso guul.

Mudane madaxweyne waxaan kuu rajeynaynaa xilka culus ee aad dhabaka u dhigaty in Ilahey kuu fududeeyo ,kuuna sahlo si sahal ah in aad uga soo baxdo hawshi laguu igmaday.

Mudane Madaxweyne arrimaha kore ee aan kuugula talinayay shardi ma ahan in ay yihiin kuwa ugu haaboon talooyinka kale ee ummadda kuu soo jeedin doonto laakin waxaad yeelataa la taliyayaaal mas'uul ah ,xilkasna ah oo aad hordhigto talooyinka laguu soo jeediyo si ay kuugu fududaato in kala soo baxdo talooyinka ugu wacan ee aad ku dhaqi lahayd dowladaada , adiga oo aadan ka tagayn haddana in aad ugu dambeyn go'aan cad ka qaadato talada aad adiga u araagto in ay ku wacan tahay qaadasho taalooyinkaas ay kuu soo jeediyeen ummadddaaada. Somalida waxay tiraahdaa "hadal looma dhaho ha lagaa yeelo ee waxaa loo yiraa ha la maqlo".wixi aan ku khaldamo waa shaydaanka iyo nafteyda ,igana cafiya ,wixi hagaagsan waa hidaayada Ilahey iyo Allah mahadiis. 12/09/2012


Adbdallah Moallim Mahamud(Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)