Somali News
    Hees  

Maqaal: Taageerada madaxweynaha cusub iyo jaaliyadaha reer Skandinavia

 

Urur weynaha Jaaliyaddaha reer skandinavia Ee SOMALI SCANDINAVIAN ASSOCIATION (SOMSCAN) Waxay Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweynaha cusub ee Jamhuriyadda Somaliya Prof. Hassan SHeikh Mohamud.

Dhammaan jaaliyadaaha iyo ururada wadamada reer Skandinavia ee waqooyiga yurub waxay soo dhawaynayaan kuna faraxsan yihiin doorashada sida cadaaladda ah loogu doortay madaxweynaha cusub ee Jamhuriyadda Somaliya Prof. Xasan SHeikh Mohamud oo ku guuleystay tartanka xilka madaxweynenimo ee ka dhacay magaalada Muqdishu , taariikhdu marka ay aheyd 10 september 2012.

Waxay jaaliyaduhu dareenkeeda somaalinimo iyo wadaninimo ku muujineysaa in ay taageero buuxda la garab taagan tahay Prof. Xassan Sheikh Mohamud, isla markaana ugu baaqayso dhammaan bulshada soomaaliyeed in ay taageeraaan, garabna siiyaan madaxweynaha si uu u guto xilka ay ummadda soomaliyeed u dooratay.

Waxannu xaqiijineynaa in soomaliya ay maanta u gudubtay marxalad cusub oo ku hogaamineysa horumar iyo nabad waarta. Waxaan haddan nahay jaaliyadda SOMCAN kula dardaarmaynaa madaxweynaha in uu wax ka qabto arimaha nabadda waxaana lagu gaari karaa in dalka loo sameeyo ciidamo tayo leh helana xaqqa ay leeyihiin iyo nolol ayaga iyo ilmahoodaba.

Waxayna jaaliyaddu madaxweynaha usoo jeedinaysaa in uu dalka, dadka iyo diinta ku hogaamiyo cadaalad, daacadnimo iyo horumar una hiiliyo dhammaan ummadda oo ay duruufo adag ku haystaan dalka iyo gaar ahaan kuwa dubadda iyo badaha ku dhamaanaya.

Somali Scandinavian Association

Somscan@hotmail.com

Xafiiska Muqdisho, Somalia



Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)