|
Hambalyo:
Bogga Hambalyada ee Madaxweynaha Cusub

Hambalyo ku socota Madaxweynaha cusub ee Somaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Dhaqdhaqaaqa Dib u so nooleyta dimuqraadiga ah iyo Horowmarka
(MRD)
Golaha dhexe ee Xaafadweynta Poudričre
Laamiga Jamaal Cabdo Naasir
Barta interneed ka : www.mrd-djibouti.com
Magaalada Jabuuti
Dalka Jabuuti
Bruxelles, Salaasa 11 ka bisha september 2012
Hambalyo ku socota Madaxweynaha cusub ee Somaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Mudane Madaxweyne,
Aniga oo ku hadlaaya magaca xisbiga siyaasadeed ee mucaarad ee PRD ee isu badaley MRD, isla markaana ah xisbiga mucaarad ee ugu da'weyn Jabuuti, iyo magacayga gaarka ah ayaan si farxad leh kuugu soo jeedinayaa hambalyo diiran ka dib markii u shaley Isniin 11 bishan september 2012 ka Baarlamanka cusub ee Qaran ee Soomaaliyeed kuu doortay Jagada Madaxweyne ee Dowlada Soomaaliya.
Doorashadaada oo ay ka muuqato kalsooni badan aya ah tii u horeysa ee ka dhacda dalka gudihiisa mudo ka badan 21 sano, macna gaar ah ayeyna taasi xambaarsantahay.
Mudane Madaxweyne waxaad ii ogolaata inan carabka ku dhifto haraadka weyn ee shacabka somaaliyeed u qabo isbadal iyo nolool tiisa dhaanta isaga oo ka daaley dagaal iyo dhibtiisa aadka u laxowga badan.
Waxaan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne guul buuxda o ku wajahan gudashada howshan aadka u culus aadkana u qaaya badan.
Allaha kula jiro Mudane Madaxweyne. Aamin.
Daahir Axmad Faarax
Gudoomiyaha MRD
Mouvement pour le Renouveau démocratique et le Développement
(Ancien PRD)
Cité Poudrière Avenue Nasser
www.mrd-djibouti.com
Djibouti
Bruxelles, mardi 11 septembre 2012
MESSAGE DE FELICITATIONS DU MRD
AU
NOUVEAU PRESIDENT SOMALIEN, SON EXCELLENCE HASSAN SHEIKH MAHAMUD
Monsieur le Président,
Au nom du PRD devenu MRD, le plus ancien parti djiboutien d’opposition, comme en mon nom personnel, il m'est agréable de vous adresser mes vives félicitations suite à votre brillante élection à la tête de l’État somalien hier lundi 10 septembre 2012 à Mogadiscio par le nouveau Parlement national.
La confiance en votre leadership qui vient de clairement s'exprimer est d'autant plus significative que, pour la première fois depuis la chute du régime militaire il y a plus de 21 ans, elle s'est tenue sur le sol somalien.
Permettez-moi, Monsieur le président, de rappeler que le peuple somalien, fatigué par des années de guerre et de leurs terribles effets, aspire ardemment à une vie meilleure.
Je vous souhaite plein succès dans cette tâche particulièrement lourde mais ô combien exaltante.
Allah vous vienne en aide. Amin.
Daher Ahmed Farah,
Président du MRD
Hambalyo ka socota jaalaiyadda khaatumo state North USA
Anagaoo ah jaalaiyadda khaatumo state of soomaliya ee ku nool North America
Waxaan habalyo bogaadin duco u direynaa madaxweynaha dowlada federalka
soomaliya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweyne waanu kuu duceyneyna
marna waanu kuu habalyeyneynaa waxaan alle subxaana wa tacaalaa kaaga baryena
in uu howshaa culus ee ku hortaala alle kuu fududeeyo umadaa soomaliyeedna aad
ugu shaqeyso si cadaalad ah illahayna ku san siiyo tubta toosan insha allah.
Madaxweyne allaha kaa dhigo kii midnimada soomaliyeed ka shaqeeya iskuna keena
soomalida kala irdhowdey, madaxweyne kii soo celiya caruurta ay duufsadeen raga
shabaab loogu yeero oo aad dhaqan celis ku sameyso ka dibna aad xirfad usameyso
mudane madaxweyne shacabka soomaliyeed iftiin u soo bidhaamaa jirey waxaan
rabi kaaga baryeynaa inaad noqoto kii alle u fududeeyo dhameystirkeeda insha alalh.
Guuleyso mudane madaxweyne insha allah
Wabillahi towfiiq
Hambalyo iyo taageero loo diraayo madaxweynaha federaalkasoomaaliyeed prof xasansheekh maxamuu
Waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin kasoo jeedinaynaa haddii aan nahay beelweynta baajuun oo ku saabsan guushii ay ka gaareen guddoomiyaha cusub baarlamaanka federaalka soomaaliyeed dr.maxamed sh cusmaan jawaari iyo madaxweynaha federaalka soomaaliya muddanaprof xasan sheekh maxamuud doorashadii xalaasha ahayd ee kadhacday wadanka gudahiisa oo si dimoqraadi ah u dhacday oo uu ku guuleystay muddane prof xasan sheekh maxamuud.
haddaba beesha baajuun oo ugu horeeyo suldaankooda suldaan dili mahadi professor cali cumar (calibaajuun) professor yuusuf munye ex xildhibaan maxamed sheekh cakli oobo wakiilka qurba joogta ee london sweden canada wadamada carabta africa usa iyo wakiilada odayaasha 10 jasiiradood ee mombasa iyo nabadoonadooda muqdisho culumaudiinkooda ururada dhalinyarada haweenka waxgaradkooda dhamaan waxay hambalyo udiraayaan madaxda cusub ee soomaaliya aamiin aamiin
fg.madaxda cusub waxaan u sheegeeynaa in beesha baajuun ay ka kooban tahay 18 beel aysan helin xaqooda waxaan codsanaynaa in caddalada la texgeliyo laguna dhaqmo shareecada islaamka si loo helo ama loo gaaro horumar nabad sinaan in qolo kasta lasiiyo xaqooda caddalladaha waarto ayaan leenahay
wabilaahi towfiiq
suldaanka beesha baajuun
suldaan dili mahadi dili
w.d dr.ali omar abati binfaghi
emaildr.abatialfaghi@yahoo.co.uk
Hambalyo ka socota jaalaiyadda Galmudug North USA
Warsaxaafadeed:
Hambalyo, Bogaadin Taageero iyo soo dhoweyne ay soo direen Jaaliyada Galmudug ee waqooyiga Ameerika kuna socota Madaxweynaha cusub ee la doortay Dr. Hassan Shiekh Mohamud:
Anigoo ku hadlaya magaca wakiilada Galmudug ee waqooyiga Amerika iyo dhamaan jaaliyadaha Galmudug ee waqooyiga Amerika waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Dr. Hassan Shiek Mohamud ee kasbaday kalsoonida ummadda soomaaliyeed dal iyo dibadba.
Waxay wakiilada iyo jaaliyada Galmudug u rajeynayaan Madaxweynaha cusub in rabi ku garab galo xilka culaabta badan ee garabaha loo saaray inagoo rajo weyn ka qabna inuu ka soo dhalaali doono mus’uuliyada loo igmaday.
Waxay jaaliyada Galmudug ee waqooyiga Amerika wacad ku mareen inay taageero hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan Madaxweynaha cusub Hassan Shiekh Mohamud oo ay qireen inuu yahay aqoonyahan hufan ee daa’dihin kara marxalada kala guurka ah una horseedi kara ummada soomaliyeed horumar iyo dib-u-heshiisiin dhab ah ee baahsan noqdana mid ka saara dalka Soomaaliyeed colaada ra’gaadey.
Waxay jaaliyada Galmudug ka codsaneysaa Madaxweynaha Cusub inuu soo dhiso dowlada koobaan ee tayo leh uuna abuuro jawi kala danbeyn iyo wada shaqeyn oo dhexmarta dhamaan hey’adaha dowlada.
Ugu danbeyn waxay jaaliyadu ka codsatey Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamud inuu dalka u horseedo cadaalad iyo sinnaan kuna saleeyo go’aamadiisa wada tashi.
Wakiilka Dowlad Goboleedka galmudug ee Waqooyiga Amerika
Eng. Mohamud Duale Kahie
mohamud.kahie@gmail.com
SOOMAALIYA: MADAXWEYNE CUSUB….RAJO CUSUB!!!
Dhacdadii 10-kii bishan September 2012-kii ka dhacday Muqdishu, waa mid xusid mudan, waa mid aan ka go’een xusuusta umadda Soomaaliyeed, waayo waxaa is badalay taariikhda dalka iyo dadka, doorashada Madaxweynha cusub ee Xasan Shiikh Max’uud , waa guul usoo hoyatay aqoon yahanka iyo inta nabadda jecel ee Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Shiikh Max’uud waxaa uu helay dhaxal adag, waxaa looga tagay, dal aan Hanti-oolin, waxaa looga tagay dowlad aan xafiisyo laheen, waxaa looga tagay dal aan wax Soo-saar laheen, waxaa looga tagay dal aan Manhaj waxabarasho iyo cilmi baaris laheen, waxaa looga tagay dal si fudud la isku gaaleenayo, waxaa looga tagay dal maamul goboleedyo u kala qeybsan, waxaa looga tagay dal Shisheeye gacanta uga jira.
Madaxwynaha cusub waxaa laga sugayaa innuu kasoo baxo ballamadii uu qaaday, waxaa uu balan qaaday Amni iyo dhisidda ciidamo qaran, Ka hortagga afkaarta xagjirnimada iyo nabadda umadda, Ilaalinta badaha Soomaaliya iyo Shaqo u abuurista dhalinyarada, , Ilaalinta Diinta Islaamka, Dhiiri galinta Warbaahinta madaxa badaan, Kor u qaadista doorka haweenka, nolosha muwaadinka iyo qoyska Soomaaliyeed, dhisidda hay’adaha la xisaabtanka dowladda!,…..iyo arimo kale, waxaa uu ahaa maamule wanaagsan, waa inuu sidoo kale noqdaa madaxeyne wanaagsan!
Madaxweynaha cusub waxaa uu balan qaaday, oo looga fadhiyaa inuu hirgaliyo nidaamka Xisbiyada badan, waayo nidaamka 4.5 ee Qabiilka iyo Qabyaaladda ku salaeysan gabalkiisa ayaa dhacay, Soomaaliya waa in dadka xuriyay loo siiyo inay midoobaan inta isku aragti ah, waa in: qof reer Muqdisho ah ay isku aragti siyaasadeed, Bulsho iyo dhaqan iyo dhaqaale noqonaa wiil reer Garawe ah, gabar reer Hargeesa ah iyo Oday reer Baydhabo ah, waa in laga baxaa, doorashada Qab’iilka iyo in uu ku matalo qof aadan raali ka aheen, balse kuriga aad ku taageerasyo isku Qabiil ayaa tihiin!!
Madaxwynaha waa in uu soo kordhiyo, Tajrubo ama nidaam cusub, oo kor loogu qaadayo hor-umarka dalka iyo dadka, ma rabno in Soomaaliya laga hirgaliyo dowladda ay gar wadaan Erdogaanka Turkiga, Max.ed Mursiga Masar, Marzuuqiga Tuniishiya, BinKiraanka Marooko, Haniyaha Xamaas…….waa in Soomaaliya ay ka madaxbanaanaato Tandiimka Caalamiga ee aan soo sheegnay, Soomaaliya waa inaan lagu tijaabin nidaamyo ku fashilmay dalalkooda.
Madaxwynihii hore, Shariif Siikh Axmed, xilka si xushmo iyo Dimoqoraadiyad ku jirta ayuu uga dagay, taasi waa sharaf, siyaadasadihiisa ma jecleen, inkastoo sanadkii dambe uu hor-umar ka sameeyay nabad-galyada Xamar iyo nawaaxigeeda, middan hore iyo doorashooyinkii Baarlamaanka iyo tii madaxweynha ee Xamar ka dhacay 42-sano kadib, intaas ayaa xusuus ugu filan.
Ugu dambeen, Xasan Shiikh Max'uud, waa nin is badal cusub, waa waji cusub, waa riyo cusub, waa in umadda dal iyo dibadba lala shaqeyno, isla markaana aan ku dadaalnaa sidii aan u sixi laheen, wixii qaldamo, taasina waa waajibka aan wax u baranay.
USTAAD: ABDI AZIZ GURBIYE,
GURBIYE INFORMATION AND CULTURAL CENTER.
NAIROBI, KENYA.
Maamulka Ahlusunna oo soo dhaweyay Madaxwe ynaha Cusub ee Soomaaliya
Maamulka Ahlusunna waljamaca ayaa waxaa uu soo dhaweyay Madaxweynaha Cusub ee Somalia Dr Axmed Sheikh Maxamuud ee xalay lagu doortay Magaaalada Muqdisho.
Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada Konfureed Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo asagu ku sugaan Magaalada Muqdisho Saxafada u waramayay ayaa waxaa uu shegay in Ahlusunna Waljamacaa ay siweyn uu soo dhawaynayso Madaxweynaha Cusub ee Somalia Dr Xasan Sheikh Maxamuud.
Sh. Aw-libaax ayaa waxaa uu shegay in Somalia manta ay gashay maalin cusub oo in badan la sugayay waxaana uu shegay in aysan maalintaan Farxada leh aysan iska imaan balse waqti badan iyo Safaro badan la galiyay ayna tahay mirihii ka soo baxay Shirarki isdaba jooga ahaa ee Roadmapka.
Gudomiyaha ayaa waxaa uu shegay in Maamulka Ahlusunna uu qayb weyn ka ahaa Roadmapka guulaha manta ay Somaliya garaysana Ahlusunna ay qayb libaax ku leedahay marka mirihi aan keenay marna ma dayici doono wana la shaqayn doona Madaxweynaha Cusub ee Somalia ayu yiri Gudomiye Aw-libaax.
Mar wax laga waydiyay su,aal ahayd Maamulka aad Madaxda u tahay Ciidamadiisa ma ku warejin doontan Dowlada Cusub ee Somalia ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa uu ku jawabay.
Anagu waxaan nahay Maamul jira Ciidamadeenana waxaay la mid yihiin Ciidamada Puntland, Somaliland, Galmudug, marka waxaanu wareejin doona marka guud ahaan Maamulada wadanka ka jira ay warejiyaan Ciidamadooda ayu yiri Gudomiyaha Ahlusunna Sh.Maxamed Aw-libaax.
Ugu danbeyn Gudomiyaha ayaa waxaa uu baaq u diray Madaxweynaha Cusub ee Somalia waxaana u yiri Madaxweynaha Cusub ee Somalia waxaan ugu baqayna in uu R/wasaaaraha Somalia u magacaabo Aqonyahan ka yimada Dhanka Ahlusunna Waljamaaca.
Baaq Ahlusunna Walajamaca ayaa waxaaa uu noqonaya ki ugu horeyay ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud lo diro ayado la wada ogson yahay in Ahlusunna ay tahay Awood ka mid ah Awoodaha Siyaasadeed ee Wadanka Somalia hadan lama oga go,anka u ka qadan doono Madaxweynaha Cusub ee Somalia.
HAMBLAYO DOORASAHADDA MADAXWEYNE-XURMADLLE-XASSAN SHIIKH MAXAMUUD
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkiina Muxamed CSW Korkiisa).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaalada
codka wadaniga somaaliyeed diintiisa,dalkiisa iyo dadkiisaba
jaceyl,dafiicaha qaranimada,midnimada iyo hanaanka dowlad
wanaaga,gun iyo gumeeysi diidaha oo cod mideesan iyo
dareen qarameed ku hadlaaya waxaanu Raxmaanka ugu mahad
celineeynaa hanaankii wanaagsanaa iyo guushii doorasahadii
Madaxweyne-nimada Somaaliya ku dhammaatay,guushuna ku
raacday(Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriya Federaalka Somalia
Xurmadle-Proff-Xassan Shiikh Maxamuud(Curashada Jamhuuriyada 3-aad ee Somaaliyeed).
Duco iyo hambalyo diiran oo garasho wadaniyadeed,dareen iyo
damiir qarameed leh kuna saleeysan danta guud iyo sharafta
Somaaliyeed halkan uga soo gudbineeynaa-Madaxweynaha Cusub
anagoo Raxmaanka ka tuugeeyna in uu xilkaas culus u fududeeyo
kuna guuleeyo dhammeeys-tirka howlaha badan oo qabyadaha iyo
dib u soo celinta hanaankii dowladeed,midnimadii qaaliga aheyd
oo hab cadaaladeed leh,hab garsoor oo xaq soor ah,dhisida ama
dhameeystirka dhismaha ciidmadda qaranka,soo magacaabidda
Ra'iisal wasaare ku haboon la jaan-qaadida marxalada cusub iyo howlaha badan oo hor-yaala.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo tiirka adag u ah la shaqeynta iyo
taageeridda hogaanka dowlada iyo xukuumadaba waxaanu diyaar
u nahay gudashada masuuliyada qarameed iyo mida akhlaaqeed
oo naga saaran dalka hooyo,waxaanu u aragnaa in la galay ama
loo gudbeey marxalad cusub oo qaranimo buuxda iyo dawladnimo
dhab ah leh,lagana gudbey waayihii madoobaa iyo xaaladii gunimo
(Ku Meel Gaarkii)Dowladnimo buuxda,Hogaan qaran oo cusub iyo
Golle barlamaan(Sharci dejiin)oo xilkasnimo iyo dareen wadaniyadeed
ka muuqdo waa guulo farxadooda leh(Allah Mahad Leh) Shacabka
Somaaliyeed rajo kheyr leh,hogaan karti leh,daacadnimo leh,wada shaqeyn leh iyo wax-qabad dhab ah ayeey u ooman-yihiin Alloowka dhig hogaanka marxaladda cusub(sahamiye nabadgelyo buuxda iyo guulo barwaaqo-aamiin).
Sidoo kalle waxaanu halkan amaan.bogaadiin iyo mahad-celinba uga
soo gudbineeynaa Madaxweynihii laga guuleeystay-Xurmadle-Shiikh
Shariif Sh.Axmed iyo xukuumadiisiiba dadaalkoodii,wax-qabadkoodii
iyo guulaha waaweyn oo eey soo hooyeen,sidoo kalle dowladaha sida
joogtada ah gacanta u siiyeey una u siinaaya shacabka somaaliyeed
oo ciidamadoodu safka hore ku jiraan(Amison-Ugandha,Burundi,Kenya,
Iyo Jabuuti)iyo kuwa Itoobiya iyo beesha caalamka mahad celin ayeey
mudan yihiin-Madaxweyne-Xurmadle-Xassan Sh.Maxamuud Guuleeyso
Aamiin-Aamiin-Aamiin.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeen Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-England-UK- Sept-11-2012.
HAMBALYO CURASHADDA JAMHUURIYADDA 3-AAD EE SOMALIA
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo
Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,sharaf iyo karaamo
soo noqoshada qaranimada buuxda iyo hanaanka dowladeedba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaalada
damiirka,dareen iyo cabiradda aragtida dhabta ah ee wadaniyiinta
Diintooda,dalkooda iyo dadkoodaba jaceyl sida weyna uga gubtey
ugana gilgishay waayo madoow iyo qaran jabka waqtiga badan
qaatay,dhaq-dhaqaaqu wuxuu si weyn u soo dhoweeynaayaa kuna
faraxsan yihiin ka bixida marxaladii mugdigeeda,fool xumadeedda
iyo ayaan daradeedaba laheyd(Marxaladii gunimada-ku meel gaarka).

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxaanu ugu hambalyeeyneeynaa
Naftayada iyo guud ahaanba ummadda somaaliyeed curashadda
Jamhuuriyada 3-aad(Jamhuuriyadda Federaalka Somalia) 10-Sept
2012 si rasmi ah u hirgashay kadib markii dalku yeeshay hogaan
(Madaxweyne rasmi ah iyo Golle Barlamaan)kana xoreebeey gacan
ku heyntii qaramada midoowbeey iyo beesha calaamka.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed xaqa iyo runta kama leexde ah waxaanu
halkan ku cadeeyneeynaa amaan,bogaadiin iyo mahad celina uga soo
jeedineeynaa hogaankii ugu dameeyeey ee marxalada ku meel gaarka
Ex-Madaxweyne-Xurmadle-Sh.Shariif Sh.Axmed iyo 3-dii xukuumadood
oo la soo shaqeeyeey oo eey kala hogaaminaayeen-Xurmadlayaal:-
Dr-Cumar C/Rashiid,Proff-Maxamed C/Laahi Farmaajo iyo Proff-C/Weli
Cali Gaas oo intuba howlo waaweyn soo qabtay inkastoo waqtiga iyo
xaaladuhu kala duwanaayeen weeyna ku amaanan yihiin.
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxaanu Raxmaanka ka tuugeeynaa inuu
Nabadgelyo buuxda,hanaan dowladeed taasan cadaalad leh,waxqabad
leh,karti iyo daacadnimo leh,hufnaan iyo amaano xafidid leh noogu deeqo
deeq bixiyoow noogu deeq,sidoo kalle shacab-weynaha somaaliyeed ha
ogaadeen hana guteen masuuliyadda qarameed oo ka saaran dalkooda
hooyo hiil iyo hona ha isla garab-taageen dowladooda curdinka ah oo
sida weyn ugu baahan la duubni,la shaqeyn,talo bixin wanaagsan iyo
gacan siinba-Guul iyo Gobanimo.
Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
-Nabadda,Midnimada iyo Cadaaladda.
Sharifhassan50@hotmail.co.uk
-England-Uk- Sept-12-2012.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|