Somali News
    Hees  

Aragti: Saadaasha Siyaasaddu Shanqashiyo Hadaaq Maahan

 

Saadaasha Siyaasaddu Shanqashiyo Hadaaq Maahan

Assalaamu Calaykum Dhammaan Akhristayaasha Sharafta Leh.

Waxaan Salaamayaa Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Gaar Ahaana Shacabka Reer Puntland Intooda Katalisa Samaha Iyo Wanaaga.

Ujeedka aan maqaalkaan u qoray maahan in aan ku difaacayo Dr. Gaas ama Dr. Faroole waayo horay ayaa loo yiri, nin xil qaaday eed qaad, aragtidaydu waxay tahay waa labo nin oo mas'uuliyiin ah waana lagu amaani karaa wixii wanaag ah sidoo kale waa lagu dhaleecayn karaa wixii xumaan ah.

Maqaalkaan waxaa igu kalifay in aan qoro maqaal ciwaankiisu yahay (Guul darada Gaas iyo Saamaynta Puntland) maqaalkaas oo lagu soo daabacay inta badan Shabakadaha Wararka Ee Soomaalida, aniga ra'ayigayga cinwaanka maqaalkaan iyo aragtida uu xanbaarsan yahay way kala duwan yihiin, u jeedada laga leeyahayna waa mid salka ku haysa hurin colaad sokeeye oo ka qaraxda deegaanada Puntland, Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa, (Carab dalab leh iyo lugo dalbo leh midna lama garan waayo).

Xaqiiqadu waxay tahay qalinku in uu ka dhibaato badan yahay qoriga waayo qorigu wuxuu geeri u horseedi karaa tiro cayiman balse qalinku wuxuu hoog iyo halaag galin karaa qoomiyad, waxaase war ka joogaa markii qalinka dabadiisa uu qabto nimaan garan karin dhibaata uu leeyahay, xirfaddiisuna ku kooban tahay sida wax loo qoro oo kali ah, aanay u dheerayn wax khibrad iyo waayo aragtimo ah.

Dunidaan balaaran waxaa ka jira wax la yiraahdo (the right man in the right position) qofkastana lays kama diro ee waxaa loo diraa waxa uu ku fiican yahay aqoonteedana leeyahay, sidaas si lamid ah Soomaalidii hore markii xaajo la soo gudboonaato haddii aanay ugub ahayn waxay oran jireen (xaajadaan dhacday yaa ehel u ah) waxaana loo saari jiray rag waayo aragnimo u leh wax la doonayo in la wajaho, balse qaran jabkii bulshada Soomaaliyeed ku dhacay wuxuu sababay cuduro la rumaysan yahay daawadoodu in aanay sahal ku imaanayn illaa dowlad adag oo juhdi ku bixisa ay timaado, cuduradaas waxaa ugu horeeya, Jahli, Fakhri, Miskax burbur, AIDS, Cancer, Dhiikar, Macaan iyo kuwo kale oo badan, Cuduradaas dilaagaa ee qaran burburkii sababay waxay dhabaha u xaareen jahwareer ku dhacay ummaddii Soomaaliyeed oo la kala garan waayay jaahilkii iyo aqoonyahankii, iyada oo la arkay dad aan Dhakaatiir ahayn oo dadka daawaynaya kuwo aan aqoon lahayn oo Cinwaan aqooneed sheeganaya.

Waxaa hubaal ah 30 jirka Soomaaliga ah ee maanta jooga in aanu ku caqlisan Dowladda Soomaaliyeed, Qaramada Midoobay qiimayn ay ku samaysay bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Soomaalidu Boqolkiiba Todobaatan (70% Seventy Percent) ay ka yar yihiin da'ada 35 jir, intooda badanna waxay ku caqlisadeen bur bur, barakac, qabyaalad iyo dowlad la'aan, taas badalkeedna waxay waayeen noloshii iyo waxbarashadii aasaasiga ahayd ee Dowlad laga rabay, tiro yar oo ka mid ah ayaa heshay waxbarasho (Self support/Family support) iyaga ama qoys koodu ku taageeray.

Haddaba maqaalkaan aan cinwaankiisa kor ku soo sheegay meelaha sida gaarka ah ii taabtay iyo ra'yiga gaaban ee raqiiska ah ee uu xanbaarsan yahay waxaa ka mid ah,

(Xiligaan oo ay u harsan tahay Maamulka Faroole muddo sadex bilood ah sidi nadaamki uu ku yimi ahaa ayaa waxaa dhici karta in Guul darada Cabdiwali Gaas ay saamayso sanadki dheeriga ahaa ee Madaxwayne Faroole ku darsaday , sababta oo ah Faroole waxa uu dagaal la galay Gaas kaas oo ah in uusan helin Madaxwayne-nimada Soomaaliya isagga oo ka fakaraaya danahiisa siyaasadeed , Gaas inkasta oo uu siyaasada barbarad wali ku yahay haddana waxaa dhici karta in uu u ololeeyo in Madxwayne Faroole meesha ka baxo isagga oo ka fakaraaya waa Gaase mustaqbalkiisa siyaasadeed Tusaale waxa dhacaysa haddi loo dareero Puntland oo ay meel marto nadaam xisbiyó tartama in uu ku soo baxo Xisbiga Madaxwayne Faroole Markaasna madaxwayne Faroole sii daadihiyo Puntland ilaa 2019 kusoo bixida xisbiga Madaxwayne Faroole inta badan doorashooyinka xisbiyada ee markaas bilowdaa waxa ay noqdaan meelaha ay ka bilowdaankuwo lagu shubto , Gaas oo rajjo siyaasadeedkiisa ah in uu 2016 madaxwayne noqdo waxay ku noqon caqabad uu horay usoo arkay in Madaxwayne Faroole joogo Puntland).

Kolay haddii aad akhrisay waxaa is waydiin mudan xaggee Dr.Faroole uga hiiliyay Dr. Gaas soow lama oran karo (Hadal Maligii Galay) oo dire diraalayn ah, u jeedkiisuna yahay Reer Mudug waxa loo dhimay ee aanay ogayn in loo sheegayo, oo cid danahooda uga xog ogaalsan u waramayso, faraysana ciddaas in ay dagaalku qaadaan, sidoo kale waxaan jeclahay in aad ila aragtaan qaybtaan soo socota,

(Gaas waxa uu saadaalin karaa in uu isaggu keeno qof ay isu siyaasad dhow yihiin Puntland oo la galla xiliga doorashada Soomaaliya ee soo socota olole ah in Gaas soo baxo , In Madaxwayne Faroole uu yahay mid aan lahayn isku xirka kooxaysiga gudaha marka laga taggo wasiiradiisa Garoowe jooga, Waxaa sidoo kale jirta in xukuumadiisa ay ka buuxaan dad badan oo aan la dhacsanayn hanaanka Maamul ee madaxwayne Faroole , Gaas halka kale ee uu wajahi karo ama uu ku ololaynaayo in Faroole la waydaarsiiyo Maamulka)

Qaybtaan Labaad haddii aad dhuuxday ma waxaa loola jeedaa in Dr. Gaas la xasuusinayo in uu Mudug tago oo yiraahdo Tolow hala ii hiiliyo waa haddii ay jirto cid ka hiilisay kadibna uu dagaal sokeeyo ka bilaabo Puntland kolkaasna ku sifoobo Dagaal-ooge, mise dhici kartaa nin Mansab Ra'iisul Wasaare ka gaaray, Cilmina Prof, ka gaaray in sheeko raqiis ah aragtideeduna aad u gaaban tahay baraha bulshadu isku aragto loogu soo gudbiyo loona sheego wuxuu samayn lahaa, arintaas oo looga golleeyahay haddii isku dhac cayn kaas ah uu bilowdo in cidda aragtidaas qabta ay wax ku noqonayso, ugu dambayntii qaybtaan soo socota ila arka.

("Falanqaynta hab socodka siyaasada iyo saadaalinteedu ma ahan mid ka qofku ku dabaqi karo mabaadiida uu aminsan yahay waa in ay ahaataa mid dhexdhexaadnimo ka muuqato oo aan loo turjuman karin sidda qofku rabbo")

Qaybtaan sadexaad waa Afeefta qoraalka sida ka muuqatana Afeefta iyo qormadu waa kaaf iyo kala dheeri, intaa markaan arkay waxaa igu soo dhacay gabaygii Cali dhuux Aadan ee ahaa,

Allaahu Akbar Eedaanku waa kaa afkiyo beene

Ashahaaday gaalkuba waase ehlu naarkiiye

Ubbo wayso waan kugu arkaa agab salaadeede

Eedaana waan kaa maqlaa oogta waaberiye

Ashahaada beenloow maxaa aaho kugu aasan

Hadduu uurka kaa jiro wardigu kaama orodneene.

Waxaana xusuus mudan maqaalku inta aan soo qaatay waa ka dheer yahay balse meelaha aan sida gaarkaa isha ugu hayay ayaan soo qaatay, sidoo kale hoos ka daalaco maqaalkii oo dhamaystiran,http://somaliweyn.com/pages/news/Aragti/13Sep1.html.

Gunaanad

Waxaan shaki ku jirin qofkasta in uu himilo iyo dareen uu higsanayo ay jirto, wado kasta Mid Taban iyo Mid Togan intaba aad u martid waa la garanayaa wadarta ay soo bixi karto waayo taariikhda Banii'aadamka ayaa noogu filan cashar, marka ciddii maqaalkaas soo qortayna waxaan ku leeyahay (Ceesaan Baaqimooy Caano Lagaa Badiye Yaan Ci Lagaa Badin).

W/Q. Sharmaarke Abdijaliil Adam
s_a_dirie@hotmail.com
ahmedfashion@hotmail.com

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)