Somali News
    Hees  

Hambalyo loo soo jeedinaayo Prof. Xasan Shiikh Maxamud iyo Prof. M.C.JAWAARI.

 

Dr. karaani, oo talooyin wax ku ool ah iyo hambalyo u soo jeedinaya Madaxweynaha cusub Prof. Xasan Shiikh Maxamud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. M.C.JAWAARI.

Ugu horraan, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynaha cusub Prof. Xasan shiikh Maxamud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee soomaaliyeed, ku-xigeennadiisa iyo dhammaan xubnaha baarlamaanka cusub, oo dhowaan la soo doortay. Waxaan Ilaah ka baryeynaa iney noqdaan kuwo xilka laga sugayo ka soo dhalaala, oo noo horseeda horumar iyo nabad waarta.

Intaa kadib, waxaan jecleystay inaan talooyin dhowr ah u soo jeediyo madaxda cusub ee soomaaliyeed , kuwaasoo aan filayo iney waxtar u noqon karaan hab u socodka toosan ee Dawladnimada soomaaliyeeed oo dhowaan loogu yeeray mid rasmi ah.
Talooyinka aan soo jeedinayo waxa ka mid ah :


1) In Amniga Dalka la xoojiyo, lana abuuro cudud xoog leh oo amnigaas ka hawl gasha. Haddaan amni jirin oo nabadi Dalka ka hirgelin, waxba lama qaban karo,Dawlad soomaaliyeedna ma hirgeleyso.

2) Abuuritaanka qeybaha kala duwan ee Garsoorka. Haddaan sharci iyo qarsoor dadka kala hagaa jirin iyadana, oon si caddaaladi ku jirto wax loo qaban , dhibaatada aynu hadda ku jirno laga bixi mayo, dalkuna fawdo iyo wareer ayuu ku negaanayaa.

3) Kobcinta dhaqaaalaha Dalku,waa lama huraan, waana in loo kala qeybshaa labo qeybood:1)Mid Dalka Gudihiisa laga helo iyo 2) mid laga helo dibeddiisa, iyadoo la raadinayo mucaawano dibadeed. Waxaa loo baahan yahay in madax xul ah loo magacaabo wasaaradaha Beeraha, Xoolaha , Kalluumeysiga iyo Maaliyadda oo maamuli doona qeybaha laf-dhabarka u ah dhaqaalaha Dalkeenna.

4) A buuritaanka maamul hufan iyo madax hufan , waa mid muhim ah. Waxaa kaloo
loo baahan yahay Dawlad kooban , oo lagu dhiso khibrad,aqoon iyo soomaalinnimo.

5) Hirgelinta Guddiga IS-CAFISKA iyo DIB-U-HESHIISIINTA dadweynaha soomaaliyeed, iyadoo dad aan heshiis ahayn, eeyan curin Karin DAWLAD dhab ah.

6) Ladagaallaanka dhaqan guurka iyo qabyaaladda xumaanteeda , iyo musuqmaasuqa baahsan iyadoo la xirgelinayo si degdeg ah Guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa .

7) Destuurka cusub , marka dib loo eegayo, in lagu daro Guddiga Ilaalinta Degaanka soomaaliyeed, oo aanan ku arag markaan dhowaan dib u akhriyey DESTUURKAAS. Sida dhamaan lala socdo dalkeeda muddadii labaatanka sano ahayd ,waxa ku socdey xaaluf iyo nabaad guur bad iyo berriba, waana muhim in arrintaas Dawladda cusubi si degedeg wax uga qabato.

8) Waa in siyaasadda dibedeed ee Dalkeenna firo dheer loogu noqdo, wixii qaldaad ah oo horay u dhacayna dib loo saxo.

9) Yaan kula talin lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, inuu u magacaabo Raa’iisal wasaaraha cusub?
Taa waxaan ka oran lahaa, iney ila habboon tahay in Madaxweynuhu uu u doorto Raiisal- wasaare, mid kheyr qaba oo Ilaah ka cabsanaya, mid leh khibrad dheer,kuna xeel dheer maamul iyo siyaasad Dawladeed, hufan, oon Dadweynuhu ka dideyn magacaabiddiisa.

10) Taladeyda ugu danbeysa waxa weeye, in Reer guuraaga soomaaliyeed, wax loo qabto, iyadoo xaaladahooda dib loo eegayo. Dawladihii hore, waxay raaceen tubtii iyo fikirkii ay ka qabeen Reer guuraaagga, kuwii na gumeysan jirey, waxna weligood uma qaban Reer guuraagaas dhan 5-6 malyan oo SOOMAALI AH.

Dawladda cusub waxaan kula talin lahaa, iney arrinta Dadweynahaas ku baraarugto, iyadoo wax ka qabaneysa wax barashada caruurtooda iyo caafimaadkooda, iyo degaankooda guud ahaan kd. Dawladihii soo jirey iyo reer beledka ayaa dadkaas xaqoodii duudsiyey. Waa in loo qiraa iney Reer guuraagu yihiin, laf-dhabarka dhabta ah ee dhaqaalaha soomaaliyeed.

Sida la wada og yahay, maamulidda Dal iyo Ummad dhan wax sahlan maaha ,marka ALLAHA WEYN ayaan mar kale uga baryeynaa Madaxweynaha cusub, inuu u fududeeyo xilka loo igmaday. AAMIIN.

WAXAA soo qoray talooyinkan ,
Jaalle Dr. Cabdullahi A. Karaani.
EMAIL: Karani38@aol.com
Taariikh: 09-14-2012

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)