|
Maansadi Dardaaran
Maansadi Dardaaran
Maansadaan Dardaaran waxaan ugu talagay Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo dhwaan ku guulaystay xilka Madaxwayne-nimmo ee Soomaaliya doorasxhadi ka dhacday Muqdisho Waxaan iri Sidan .
Dooxaday abaaruhu
Waayo badan ku daaheen
Mar bay-doogsataayoo
Danabada hilaaciyo
Daruuruhu ku hooraan
Togaan daadku soomarin
Durdurada xareedaa
Mar uun buu ku diirsanne
Dhibti daahdayeey soco
Daa in abid hassoo noqon
Xassan keer la doortoow
Waa diiwaan ayaamuhu
Qora duuga taariikh
Rabbi darajo siiyoow
Saakuun baa dorraad noqon
Xassan keer la doortoow
Duubkan adiga kuu xiran
Dadka aadu haysaa
Waa qoon diifi haysoo
Diihaaliyo macluul qaba
Waa duul tacliintiyo
Dugsiyadi ka caagoo
Halkay dunidu joogtiyo
Qayrkood halkuu tagay
Ka dib dhacay asaagood
Dadka aad u talisiyo
Dalku waa arradan yahay
Hooyadi ku dihateey
Cawradeedi dibad taal
Adigaana dadi kara
In kastuu dadaaloo
Ninku daaro ootoo
Taago dabaqyo dhaardheer
Duni laguma waaree
Wax la daajo waa tiro
Wuxuu duunyo soo dhaqay
Kolkuu daa in oof sado
Kafan baa ka daba gali
Ehelkii dadkaw xigay
Camuud bay ku dadayaan
Rabi darajo siiyoow
Kolhadaanad daahayn
Geeridu ku daynayn
Aanu kuu ducaynee
Dawga toosan nagu qumi
Daruur lama filaaniyo
Noqo mayey darrooriyo
Dirir hooray jiilaal
Doogsin lagama maarmee
Dadku uu ku diirsado
Warhooy waa dardaarane
Inta aanlakala dirin
Isimada duqaydaa
Inay wadar duceeyaan
Kadalboo bal way dii
Diirka oogadeeniyo
Qoonkii dubkeen neceb
Siday dooni hawfalin
Adoon diidmo maqashiin
Daba mari ujeedada
Dadka qoon inoo daran
Ilkaa diirka uga qaad
Dibnahana hawada furin
Ka sheel daakhilkaagiyo
Dulucdaada hoostaal
Dadkaygana waxaan oran
Duulki layga beeroow
Wadardaaran maansadu
Waa fariin daboolane
Yaan loo saafin duulkale
Itaal laysku daro iyo
Awood laysku duubuu
Dundumda ku taagaye
Dadoow midigtu xoogmale
Hhadaan bidixda lagudarin
Dadki layga beeroow
Diritiyo colaadaha
Dabci lagam yeeshee
Dad waxdeeqa waa qaran
Wax la dhowrto waa diin
W/T Abwaan Abdinuur Geelle Gaab
abdinour57@hotmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|