|
Maqaal:
Cudurkii ragga ee kursi jacaylka,waxay u soo wareegtay haweenka, waxaa u haray oo keliya in ay budh isla dhacaan sidii ragga oo kale
21 sannadood in ka badan ayaa raggii waxgaradka isku sheegayay iyo kuwii aan waxgaradka ahaynba kuraasta isla dhacayeen sidii uu qof kasta u heli lahaa ama ugu fariisan lahaa kursiga lagu sheegay in dollar iyo dahabba ay saaran yihiin,iyagoo aan kuwaasi dan ka lahayn danta dalka iyo dadkuba,dhegna u dhigaynin kuwa daacadda u ah in dalka lagu xukumo dastuurna looga dhigo kitaabka Allah subxaanahu watacaala,waxayna kuwaasi kursi jacaylka qaaday u bateen,kuwo Rabbi oofsada, kuwo dhiig kar ku dhaca iyo kuwo wareer iyo walbahaar ka qaada.
Kuwii xoogga u sheegtay dawladdii uu madaxa ka ahaa Maxamed Siyaad Barre,ayaa haddana iyagu xoog isku sheegteen,kii kursiga xoog ku helana,waxaa jilaafo u dhigayay kuwii uu ka adkaaday,sheekadiina waxay noqotay jug jug meeshaada joog,anigu ma dhaqaaqine adiguna ha dhaqaaqin,waxaana sannooyin badan laga bixi waayay ku meel gaarnimo,dalka iyo dadkuna in dibedda laga maamulo,markii la yirina waa laga baxaya ku meelgaarnimo,ayaa madaxweynihii la doortay muddo ku mashquulsanaa,qofkii uu u magacaabi lahaa ra’iisul wasaare.
Ra’iisul wasaarihii ayaa haddana muddo ku mashquulay,sidii uu u soo xuli lahaa golihiisa wasiirada,is maan dhaaf iyo muran ayaa waxa uu ka dhashay,madaxda sare,waxayna ku murmeen,hebel ayaa reer hebel masalaya iyo ma masalayo,tirada wasiirada hala yareeyo iyo hala badiyo,dawlad kasta oo qabiil lagu dhisana guul iyo horumar haka sugin,sirtooda in ay qarsoonaatana haks sugin.
Mas’uul kasta oo la doorto min madaxweyne ilaa agaasime,wuxuu naas nuujiyaa qabiilkiisa, sow lama arag madaxweyne kasta markii la doorto wuxuu qabiilkiisa,waliba laftiisa ku hubsadaa meelaha dhaqaalaha leh iyo madaxtooyada,kan imaanaayana meel cidle kama imaanayee qabiil buu wataa,markaasuu kuwiisana ku beddalaa kuwii horay loo keensaday,22 sano ka hor oo qabiilkii loo isticmaalayay si qarsoodi ah ayaa bannaanka la soo dhigay si caddaan ahna loo isticmaalaya,dad wax garad isku sheegaayana waxay caamadii ku jaho wareeriyeen,qabiil lama diidaye qabyaalad baa la diidaya,iyagoo si dadban u jeeda i taageera bacdamaa aan isku qabiil nahay,wacdigaygana dhegaysta,mar haddii aan sheekhiina ahay.
Sheekadu yey nagu dheeraanine oo horaa loo yiriye:“hadal yar iyo waxqabad wanaagsan”, labada sheekh saxiixooduna waxaa ku xusan xadiis uu abi Hureyra Allaha ka raalli noqdee ka soo weriyay rasuulkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,kaasoo sheegaya:qofkii rumaysan Allah iyo maalinta aakhiro wax khayr ah ha sheego ama afkiisa ha xirto,inkastoo markii loo haajiray galbeedka in dad badan laga dhaadhiciyay maskaxdana loogu shubay in marka uu waaga u baryo ay hadal bilaabaaan ayna wadaan ilaa ay ka seexdaan,haddii kale baa lagu yiri:waxaa idinku dhacaya madax wareer iyo ciriiri nafsadeed iyo maskaxeedba.
Sidaas daraadeed baa Soomaali badan warkaasi run u maleyeen waxayna la saaxiibeen maqaayadaha lagu cabbo shaaha iyo meelaha lagu wada kulmo,dadkiina waxay noqdeen sidii dad waalan oo kale,qof kasta wuxuu doonaya in uu hadlo,meelaha qaarkood waxaadba arkaysa iyadoo hal mar ay afar ruux ama ka badanba ay hadlayaan,yaa la dhegaysanaya oo qof kasta wuxuu doonaya in uu hadlee,bal tijaabi oo caawaba dhex fadhiiso meelaha lagu qayilo ama shaaha lagu cabbo adigaa yaabi.
Dadkii noocaas ahaa oo lagu kari la’yahay war xoogaa aamusa oo aan is dhegaysano,ha sheegin,ma u fiirsatay waxa ay kuwaasi ku hayaan baytka Allah, hadalkooda ayay sii wadanayaan,umaba kala soocna baytka Allah iyo fadhi ku dirirka lagu shaahiyaysto,haddii aad ku tiraahdo xoogaa yar aamusa baytka Allah ayaad ku dhex jirtaane,ku maqli maayaan, haddii aad ku tiraahdana codka hoos u dhiga,ku maqli maayaan,imaam Maalik Allaha u naxariiste wuxuu masjidka ka saari jiray qofkii ku hadla,ibnu Taymiyana wuxuu oran jiray masjidka in lagu hadlo iska daayee xataa albaabka laga soo galayo in lagu hadlo ma’ahan, maxaa yeelay waxaysan kuwaasi ixtiraamayn,dadka masjidka u soo galay salaadda ama in ay qur’aan ku akhristaan ama in ay dersi ku dhegaystaan ama in ay ku werdiyaan.
Hadalka yuusan nala teginee aan u soo laabto dulucda mowduuceena maanta oo ah dumarkii maxaa helay,ma cudurkii kursi jacaylka ragga ayaa ku dhacay,hal mar baa la wada arkay lana maqlay in ay dagaal u galeen anigaa guddoomiyaha ururka haweenka ah iyo anigaa ah,Batuulo Axmed Gaballe oo la shaqayn jirtay Muraayo Garaad oo ururka madax ka ahayd xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa warbaahinta u sheegtay in ay tahay gudddoomiyaha ururka haweenka, haddana waxaa la arkay lana maqlay Ubax Tahliil Warsame oo warbaahinta u sheegaysa in iyaduna ay tahay guddoomiyaha ururka haweenka.
Guddoomiyihii hore ee ururka Caasho Cumar Geesdiir ayaa soo hadashay waxayna hanbalyo u dirtay Batuulo,taa macneheeduna waxay tahay,ma aqoonsini Ubax Tahliil, su’aasha ay dad badan isweydiinayaan waxay tahay aaway dawladdii,maxay u soo dhexgeli weyday,mise waxay dawladdu arrinkani u arkaysa lacib saqiir (dheel yar) oo waxaa ka weyn yaa wasiir laga dhigaya iyo yaan laga dhigayanin,haddana waxaa la isweydiinaya qaabkee ayay Caasho Geesdiir u wareejin kartaa,ma hab sharci ah oo dawladdu ogtahay mise waxay xilka ku wareejinaysa qofkii ay doonto,sidaas daraadeed inta aysan faraha ka bixin haweenkuna budh isku qaadan sidii ragga oo kale waa in ay dawladdu soo dhexgasho una dhiibto qofka xilkaas ku haboon.
Laakiinse haddana waxay dad badan is weydiinayaan,haweenkan maxaa howlahan geliyay,mey ku ekaadaan mas’uuliyaddii uu Rabbi ugu talogalay,maalinta qiyaamana lala xisaabtamayo,mey raggoodu xanaaneeyaan,mey carruurtood wax baraan,laakiinse haddii ay iyaguna soo baxaan raggiina ay soo baxaan,yaa markaasi carruurta haynaya.
Maxamedeyn
Den Haag/Holland
Waa inoo mowduuc kale iyo markale inshaa Allah
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|