|
Maqaal:Waraabe waa la cuni karaa iyo lama cuni karo ayay nafta isaga qaadeen wadaaddadii Soomaaliyeed, wadaaddada Masarna waxay ku muransan yihiin heesta calanka marka la qaadayo waa loo istaagi karaa iyo looma istaagi karo
Waraabe waa la cuni karaa iyo lama cuni karo ayay nafta isaga qaadeen wadaaddadii Soomaaliyeed, wadaaddada Masarna waxay ku muransan yihiin heesta calanka marka la qaadayo waa loo istaagi karaa iyo looma istaagi karo
Aqalka laga xukumo fatwada dalka Masar ayaa soo saaray fatwo sheegaysa:in marka la saaro heesta calanka la dhegaysan karo loona istaagi karo,ma’ahan karaahiyo mana ahan xaaraan,fatwadani waxay jawaab u tahay culumada salafiyiinta ah ee reer Masar oo iyagu mar hore ku fatwooday in aan loo istaagi karin lana dhegaysan karin heesta calanka,sababtoo ah: weynayn iyo qaddarin waxaa iska leh Allah,midda kale bay leeyihiin culumadani:marka calanka loo istaagayo waxaa barbar socda muusiko,dhegaysiga muusikaduna waa xaaraan.
Shirar badan oo ka dhacay dalka Masar kana soo qaybgaleen salafiyiinta,ayaa waxaa dhacay in marka la shido heesta calanka,ay salafiyiintu diidi jireen in ay u istaagaan,sidoo kale qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Masar waxay diidaan in ay u istaagaan marka la saaro heesta calanka Masar,sidoo kale waxay mar hore diideen in ay hal daqiiqad u istaagaan dadkii lagu laayay garoonka kubbadda cagta eee Buur saciid bilowgii sannadkan.
Guddiga u qaabilsan fatwada Masar waxay shaaca ka qaadeen in salaanta calanka iyo istaagidda loo istaagayo heesta qaranka ay astaan u tahay ixtiraam la ixtiraamayo calanka iyo dalka,dadkana waxay tusinaysa ama ay ku xiraysa jacaylka waddankooda iyo in uu qofku dareemo in uu dalkaasi u dhashay,haddii ay dhacdana in la iska daayo,waxay noqonaysa iyadoo la iska daayay ixtiraamka,muusikada lagu garaacaayana heesta waddanka,ma’ahan arrin xaaraam ah,fatwadu waxay kaloo sheegaysa in arrinkani inkastoo ay tahay weynayn, haddana midda la diiddan yahay waa midda caabudid ahaan loo jeedo,wixii ka soo harana oo sida ixtiraam ah oo kale wey bannaan tahay.
Culumadii hore ee salafka waxay shaaca ka qaadeen in garaacidda qalabka muusikada iyo dhegaysigiisaba ay xaaraan yihiin,wax farqi ah ee u dhexeeyana ma jiro heesaha waddaniga ah iyo kuwa aan waddaniga ahaynba,qofkii qof kale u istaago ama isu dulleeyo ama ha u istaago calan ama wax kalee,wuxuu qofkaasi la yimid fal bidco ah,waana qof ku dayanayo gaallada,maxaa yeelay dhaqankaasi waxaa iska leh gaallada oo marka calanka la saarayo ay u istaagaan gacantooda midigna laabta saaraan,islaamkuna shaqo kuma lahan arrinkani,waana fal bidco ah weeyaan,qofkii ku andacoodana in makhluuq loo istaago oo la weyneeyo wuxuu makhluuqaasi uu siiyay qaar ka mid ah xuquuqda Allah.
Maxamedeyn
Den Haag/Holland
Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|