Somali News
    Hees  

Maqaal: Maxay nin dhintay ugu dhibaatoon ? W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog

Soomaaliddu waa dad dhibaatooyin haystaan dhibkaas waxaa dhaliyay marki ay meesha ka baxday Dawladnimadu oo dalka Soomaaliya noqday mid dadkiisu noqdaan kuwo aan lahayn halki laga jahayn lahaa ee ay barbaarin bulsheedka ka heli lahaayeen kana shaqayn lahayd xalinta baahi bini aadameedka ku hareeraysan Dhulka Jamhuurayada Soomaaliya , Cid gufaysa dhibaatada la,aantaas ayaa waxaa ka dhashay Silic ku noolaanshaha dunida korkeeda ay ku noolyihiin guud ahaan dadka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Akhriste Silic ku noolaanshahu midiisa koowaad waa marka aad dhumiso sharafti aad ku lahaan lahayd dunida Korkeeda.
 
Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaalidda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya la dhaho waa kuwo ku qiimaysan dunida korkeeda dad ku fashilmay in ay dhulkooda ku noolaadaan xaliyaana dhibaatooyinkooda , Samayntaan hanaan dawladeed oo u adeega bulshada Soomaaliyeed.
 
Qormadaydaan aan ugu magac daray Maxay nin dhintay ugu dhibaatoon ? Sidda Aan qabo qormooyin horena ku sheegay dhibka salkiisu waa aminsanaanta iyo ku midoobida nin dhintay oo aan la aqoon waxauu ahaa aysana mudnayn in bini aadamku la noolaadaan dareenkaas , Haddi ay la noolaadaana ay noqonayaan Sidda Soomaaliddu tahay .
 
 
Waxaad maqashaa iswaydiimaha ah Hebel miyaad tahay mise hebel ma ahan magacaaga waa magac shakhsi aadan aqoon xiliga uu noolaa iyo caqiidada uu aminsanaa oo lagu waydiiyo in aad midkood  sheegato ,Waa arin iska caadi ah Soomaalidda dhexdeeda in lagu waydiiyo Koox odayeedkaaga [Ninkaad aminsan tahay ]  Basle iswaydiintaasu waa dhibka Soomaaliddu halka uu dugsado , Ninkaan dhintay ee la isku urursaday ayaa ah arin aan sal ku lahayn Diinta Islaamka sidda dadka Diinta Islaamka Fahankeeda yaqaan ee garashada dheer leh bartayna ay sheegeen , Siddo kale waa arin aan meelna ka soo galin caqliga saliimka ah , Marka aan leeyahay garashada habsami wanaagsanaan u fakartaa waydiidaysaa   in nin dhintay la isku urursado ,waxa xaqiijinaaya nin dhintay oo la amino laguna  midoobaa ma lahaanayso wax dheef ah , Asalka wixi aan dheef lahayni waxay yeelanayaan dhibaato marka laga hadlaayo dareemadda hab fakar ee ku astaysan xumaan ku farakid sida ninkaan dhintay oo la isku urursado salkeeduna yahay Sidda Soomaalida .
 
Marka aad aminto ninkaas dhintay waxaad noqonaysaa mid yeesha sifooyinka soo socda :

  • Waxaad tahay shakhsi aan garashadiisa xor u ahayn , waxaad wanaagsanaan iyo sharaf u raadinaysaa ninkaas dhintay ee aad aminsan tahay , Waxaa markaas meesha ka baxaaya in aad ka fakarto noloshaada , waxaadna noqonaysaa cadoowga koowaad ee naftiisu leedahay .
  • Waxaad tahay mid ku farxa qof dhintay oo Soomaali ah Muslim-na ah , ku farxe -nimaddada aad ku sifoowday shakhsigaas dhintay ee uu dilay Soomaaliga kale in aad ahaato mid dareenkaas dhinte ku farxe ah  waxaa sababteeda leh waxaad qaataday ood la nooshahay dareen dhibaato oo ah nin dhintay dartiis in aad wax u samayso .

  • Waxaad noqonaysaa mid u xasaasiyadooda ninkaas dhintay , dartiisna wax u bixiya Tusaale haddi ninkaas dhintay ee aad aminsan tahay qof kale wax ka sheego caro ayaa ku haraynaysa , Wax bixinta waxaad u bixinaysaa ninkaas dartiis dhaqaale aad ku ururisaan ku midoow-sanaanshaha ninkaas loona isticmaalo  dhibaataynta dad kale oo Soomaaliyeed oo iyagguna aminsan nin kale  waa dareen u la noolyahay nin dhintay aminsaanuhu [Soomaaliga ].

  • Waxaad diidaysaa aragti curiye madax banaan oo isaggu iswaydiiyay dareenkaan dhabaha dhibaatada ah una arkay in uu yahay wax fool xun in laga waantoobaana ay tahay mid loo baahan yahay si looga baxo dhibaatada ay u horayso dhuminta Sharafta , Waxaad oranaysaa siddu u jiri karaa qof dhaha koox odayeedkaaga ha sheegan [Qabiilkaaga sidda Soomaalidu u taqaan], Markaas waxaad oranaysaa waa mid khiyaamoole ah oo rabba odaygaan aminsanahay in odaygiisu ka sharaf bato,In aad sidaan ahaato waxaad keenaaya Garashadaadu in ay curin lahaato waxaa awdey ninkaan dhintay , ee haddana aad ku adkaynayso waa dareenki ay la noolaayeen dadki iga horeeyay , Si aad qiil ugu raadiso xumaanta aad la nooshayna raacisay "Caado lagooyaa Carro Alle ayay leedahay "[Qabyaaladda oo aan ka tago alle ayaa ii caroonaaya ] Alle ka been waran tahay ....
Tusaallaha qofkaan aan kor ku tusaalleeyay waa qofka la nool dareenka qabyaaladda , Waa dareenka ay maanta haystaan badanka dadka Soomaaliyeed 96%, Waana dhibaatadda dadka Soomaaliyeed haysataa halka ay ka soo ifbaxayso , Akhriste bal Tusaallayaasha iska eeg in aad ku sifoowdo , Dib u milicso Dagaal ay wada Galeen kooxda ninka aad aminsan tahay iyo koox nin kale aminsan , Kooxdiina oo dad badan ka laysay kooxda kale Dareen farxadeed waa ku hareeyay waa la noolaadaha dareenka Qabyaaladda hadaad tahaye . iswaydii siday ku dhacday in aan ahaado mid ku farxa dad dhintay oo aan wadaago Shacabnimadda Soomaalinimo & Diin-ta Islaamka .
 
Soo qaado Qiilkaagi aad qabyaaladdu ku difaacanaysay dheh Alle [SW] Ayaa yiri Qabiilka isku garta .... Isku garta macnaheedu ma is-necbaadda ? Alle kor ahaaye dadka Muslimiinta ah ee u hogaansama Fariinti  uu Alle Nabbi Muxamed-na NNKH]  ugu soo dhiibay ma m ahaanaynayaan kuwooda sida dhabta ah u qaataa kuwo isnecbaada , midnimadooduna waa Walaalnimadda diinta islaamku ku baaqday . Mise waxaad leedahay qabiilka Alle yiri isku garta si aad u aqoonsanaato qofkaad dhaxasho ma ahan  sidaane waa sida aan haysto , Ma Alle ayaa Muslimiinta u soo dajiyay wax nacayb iyo kala durugsanaan iyo dhibaato keenaaya ? Masjidka kugu dhow aad oo waydii fahankeeda dhabta ah ee qabiilka macnihiisa  Sheekh Fahanka diinta Islaamka yaqaan .
 
In aadan ahayn qof garashadiisa xor u ah Akhriste dib u milicsao Sooyaal siyaasadeedka Soomaalida waa haddad xanuunka dhimirka dhibaateeya qabtee [Qabyaaladda]  , Haddii kooxodayeedkaagu ahaayeen kuwo XKHS ka soo horjeeda oo waliba qoriga u qaatay midnimaddi uu ku baaqaayay iyo mabaadiidi uu baahinaayayna diiday , Waxaad oran isagga ku dhaqmaayay Qabyaaladda  , Kaligi taliye ayuu ahaa kooxdaydaana saxnayand , Iswaydii xagay u socdeen maxayse doonayeen , Mirahaan aan gurayno ee dhibataadda yaa dhaliyay , Balse isbarbardhigaas waxaa kuu diiday ninkaan dhintay ee aad aminsan tahay .
 
Qabyaaladdu waa nin dhintay oo la amino , haddi la qaado dariiqaan oo hooyaddu ilmaheeda ku barbaariso waa  kuwaas iyo waa kuweer , Kaas ayay dileen iyo kaas ayaan ka dilay waxay noqonayaan Ilmahaasu kuwo hooyadooda dhibaataysay oo ay ku barbaarisay in ay ka xirto xornimo u fakarka ayna Soo baxaan Bini ,aadam yare "Dad muuqaalka bini aadam uga eg biyaha inay wada cabaana isu diidan " Dabcan bini aadamka kale waa ka yara hoosaynaysaa markaas haddaad garan wayday in dadka oo dhami biyo u bahaan yihiin balse qabyaaladdu kuu diiday doorkaas dadeed in aad ka doc ahaato..
 
Waxaan daah saarayn in dhibkeenu yahay ninkaan dhintay dariis oo aan ka dhigaynay dareenkeena nololeed ee dunida korkeeda ah mid aan haysano , Dhibaatooyinkiisa waan aragnay oo Soomaaliddu waxay la dhiban tahay waa Qabyaalad , Ninkaan dhintay oo lagu xiraadaa ma lahan caawinaad Akhiro iyo mid aduunyo . Asalkana ma ahan wax mudan in dadku ku xiraadaan Sooyaal taxana soo jireenka ah ee la ogyahay in aad soo martay Hebel heleb dhalay waa dabiiciga Alle dadkiisa u sameeyo in ay is dhalaan.... Arintaas is dhaldhalidu ma ahan mid loo noolaado laguna noolaado marka laga reebo yaan is dhaxalaa yaanse is guursan kari [Qabiil] oo ah Sidda dhabta ah ee Diinta Islaamku ay leedahay isku garta . 
Waxaa oranaysaa Qabyaaladdu waa wax xun haddana koox odayeedkaas ayaan ahay markaas waxaa cad in qofkaanu xumaanta uu sheegaayo uusanba aqoon halka ay ka timi , ma xumaan wax la dhaho ayaa iska dhasha oo aan lahayn asal , Qabyaaladda ay inta badan Soomaaliddu xumaanta u sheegtaa saw ma ahan marka la qeexo nin dhintay oo la isku urursado , Waa iswaydiin mudan in aad iswaydiiso Maxaa qabyaalad la dhahaa sidayse u samaysantaa ? Dhanka kale shaygaan dareeme dadeed ee ah aragtida xun ee qabyaaladda oo aad xumaan ku sheegtaa saw ma ahan in aad ka tagto xumaantaas in aad ku noolaato , Balse haddaadan aqoon maxaadba ka tagtaa dhibka garatay halka uu ka yimi iyo magaca uu leeyahayse ma taqaan , Waa ninka  dhintay ee aad aminsan tahay haddi lagu yiri ma awoowagay tiri ... Qabyaaladdina macne kale u keeni wayday .

 
 Dood Dhibka Qabyaaladda ku saabsan :
 
Waxaan kala dooday  dad Soomaaliyeed oo baddan arintaan dhibaatadeena ah oo aan qabbo in salkeedu yahay qabyaalad si aan u ogaato dood difaaceedyadda dareenka ay la nool yihiin  badanka dadka Soomaaliyeed ee kala duwan ,Maalin maalmaha ka mid ah waxaa na dhex martay mid ka mid ah koox dhalinyaro ah oo aan wada joognay:
 
Waxaan waydiiyay Sababta ay ku dhacday in dadkaan aan la joogno ay dadkoodu dunida korkeeda ugu noolaadaan nolol wanaagsan oo ay xaliyaan baahi bini ,aadameedka bii,adooda ku hareeraysan , ayna ka gudbeen dhibaatooyinka dabiiciyaddu leedahay balse caqliga bini, aadamku xaliyo ,ayna gaareen dheeftaan aan taaban karo ee ay ugu horayso dawladnimadda ay haystaan iyo dhib la,aanta ay nool yihiin ?
 
 Gaallo weeye oo Dunida ayaa la siiyay , waxaa ku jawabaay mid ka mid ah dadki an waydiiyay Su,aasha , Runti jawaabtaanu waxay iilla ekaatay mid aan macquul ahayn ma jirto cid gaara oo dunida la siiyay oo Alle yiri dhibaato ayay ku jirayaan kuwaasu , kuwanuna dhibaato la,aan ayay noolaanayaan Dunida korkeeda  m,Marka laga hadlaayo Nolosha aduunyo dhibka ku hareeraysan oo la xialiyo , Sidaan culimadda ka dhagaystay  Alle-na sheegay hadday qaadaan daqiir dhibaato Sidda Qabyaaladd la noolaanshaha  inay dhibka ku jirayaan Dunida korkeeda ama Muslimniim ha ahaadeen ama Gaallo  , Waxaan iri Walaaloow ma waxaad leedahay Islaamnimadda aynu haysano darteed ayaan u dhibanahay ? Maya  maya ee qabyaaladda weeye dhibku ! Maxaa iyagga qabyaaladda u diiday? ayaan iri, Iyaggu waa Wacalo ayuu ku jawaabay ......... In labba qof oo Muslimiin ah oo lab iyo dhidig ahi is mehersadaan ilamaha ka dhasha miyaa dhibka keenaaya oo dhibku waxa uu galayaa Meherka iyo is xalaalaysiga diintu ina fartay ? Ayaan iri .............. Sxb nin walaan ayaan tahay ee hana dambaajin ayuu yiri .
 
Waa ka soo xiran tahay Walaalkaas dood difaaceedkisa uu ku xalaalaysanaayo caqlaawiyaddiisa Qabyaaladda dhibaatadda ina baday , Sideedaba qofka dareenkaan la nool ma leh jawaabo labba dhinac lagu soo eegay oo leh isbarbar dhig dheef iyo dhib , dhamaadna maleh waa wax soo koob-maaya haddaad lasii waddo qofkaas dareenka qaldan la nool waxa uu dhamaadka ku oran walaal qof rabba in uu na dambaajiyo ayaad tahay ee naga tag ... In aan ka fakaro dhibaatadeena xalkeedu dambi miyaa ka imanaaaya ?Jawaatu waa Akhristaha 
 
Yaa dawayn kara ?
Sheekh Umul baa yiri "Qabiilku waa midka ilaaliya dadka Is dhaxla iyo kuwa aan isguursan karin Tan Soomaaliduna waa qabyaalad diintana asal kuma leh ", Sheekh Mustafe ayaa yiri "Alle waxa uu ina leeyahay dhamaantin Xariga alle qabsada hana kala tagina haddi taas la diido caaqibadeedu waa sida aynu nahay ee Jubbaland iyo Waax iyo waadi " Iswaydiintaydu waxay noqotay maxay dadka Soomaaliyeed ugu duxi waayeen oo u daawayn waayeen Duruus diimeedka Shiyuukhdu ay goor kasta sheegayaan ?
 
Waxaa isoo baxday in sheegitaanka sheekhu sheegaayo aysan ahayn midda dawadda ah macnaheedu ma ahan in aan Sheekhu sheegin xumaanta Samaantana dadka farin Balse waa dabiibitaanku ma yahay mid ku ekeenaaya Darsiga Sheekha ?Mayee asalka barbaarinta iyo dawayntu waa dawlad-nimo ku astaysan Mabaadii oo dal iyo dad yeeshaan , Jeedinta Sheekh iyo fahankiisu waa  in ay  ahaataa mid noqota mabaadiida dawlad-nimadu ku dhisanto dadkana lagu barbaariyo kolkaas ayaa la amba qaadayaa daqiira dawo doonitaanka .
 
Taariikhda Siddaan aminsanahay dawladnimo ama hogaan Siyaasadeed oo xumaantaan isku dayay in uu saaro mid dhow iyo mid durugsanba waxaan oran karaa waxaan leenahay labba kooxood oo kala ah :
 
XKHS waa dawladdi uu madaxda u ahaa Mufakar Maxamed Siyaad Barre Aun waxaan si cad u leeyahay waxa uu rabay sidda ah dareen ku dhisan mabaadii shacabnimo , iskaashi iyo tabcasho , Waxa uu u arkay in la hello bulsho noocaas ah in ay hortaagan tahay Qabyaaladdu ... In ay sidaan ku sofoobo XKHS waxaa keenay mabaadii ayay aminsanaayeen .
 
Maxaan ku xaqiijin doonitaanka dad Soomaaliyeed oo dunida korkeeda dulinimada ka baxa in XKHS doonaayay , Waxa uu xaqiijiyay muddo gaaban himilooyin horumarineed iyo hima-galin Bulsheed , Soo qaado SSDF,SMN, USC ,SPM, oo ah hab fakar qabyaaladeed la dhaho hogaaminta ayaan u marayaa ... Maxay doonayeen? , Dharxumo ku noolaanshahaan ayay dooyaneen ... Fakar mabaadiidu ka maran tahay ayuu ahaa oo xumaana lagu abaabulay caaqibadeedana waa midaad aan dugsanayno ee doorkeeni dunida aan ku lahaan lahayn inagga du,day ,dayacasanaanta iyo magac xumaddana dunida inoo hogaamisay .
 
 
Al shabaab Al shabaab waa koox mabaadii,eed ma ahan meel mar aragtidoodu marka waaqiciga lagu eego waxaana u sabab ah Siyaasadayn la,aanta doonitaankooda ah in dalka Soomaaliya uu dib u dago ,hooska shareecadda Islaamkana dadku harsadaa dawaduna ku jirto , Balse Alshabaab waxay leeyihiin oo mabaadiidooda ka mid ah in ay yihiin kuwo haysta afkaar aan lahayn waa kuwaas iyo waa kuweer uma diidi karo samaantooda annigu waana mid mudan in aan sheego, inaysan meel mar ahayn oo dhamaad lahayn aragtidoodu dalkana aysan dawladnimo ku soo dabaalayn waa dood kale .
 
Waxaan ku xaqiijin in Shabaab leeyihiin Mabadii ka baxsan xumaanta qabyaalad awooda ciidan ee ay samayn karaan , helitaanka bulsho Soomaaliyeed oo u hogaansama yeeritaankooda , waa sifooyinka lagu garto in aragtidu tahay mid mabaadii ah ee aan ahayn xanuun maskaxeed dhimir aafeeysa sida Qabyaaladda , Yaan barbar dhigaynaa Mabaadiida Alshabaab-ka ?  Fikirka Qabyaalad ku qaybsashada  awood qaybsiga dawladnimada lagu duway ee Villa Soomaaliya , qofkee aragti xora leh ee xanuunka Qabyaaladdu uusan hayn oo ay barbaarin kartaa ragti dawladeedka Villa Soomaaliya? , Qofna ! , Ma  Awood ciidan ayay samayn kartaa dawladnimada Villa Soomaaliya xiligaan taal ?Maya Amisom ayaa u ciidan ah , Shabaabku maxay ciidamada Soomaaliyeed u sameeyeen oo awooda u yeelay ? Al Shabaab waa mabaadii .
 
Akhriste Adigu Haddaad xanuunka qabto in aad sidaan soo dhowaysaa kaa fog Hogaamiyaha Kacaanku Koox odayeedkaaga ma ahan , Amiir Godane waa kuwaas , danahaaga qabyaaladeed kama dhex muuqdaan markaas , waa kuu macangag dhiig miirad ah Kacaanku , Al shabaab-na waa in la ciribtiro Soomaalidaas oraahdaadu , Qabyaaladdu in wax la dillo ma ahane dareen kale lagama naawilaayo , Balse yaysan kaa iskaga qaldamin kala saarida meelmar noqoshada aragtida mabaadii, eed iyo mowduucu
 
Gunaanad :
 
Maxay nin dhintay ugu dhibaatoon ? Waxay ugu dhibaatoon Sooyaal xumaaneed  soo jireen ah oo ay curiyeen dad aan iyaggu lahayn garasho dhibka xalkeeda raadisa , Sooyaalkaas Caqliga ma dhalayska ah   ka soo askumay  ee ninka dhintay la isku urursanaayo ayaa ah midda ilaa haatan aan u dhibanahay , Waxaan ugu dhibanaanaynaana waa innaga oo Badankeenu uusan Fakarayn , Nolol wanaagsan oo aad dunina korkeeda ku noolaato iyo dawladnimo dahana dadka ka shaqaysa waxaynu marti uga nahay Caqliga , Adiga oo lanool dareenka duudsiga , dibindaabyadda iyo dulaynta [Qabyaalad ] Adiga oo leh Gabadhaas /Wiilkaas Waa koox odayeedkaas oo isma guursano  , Haddana aad tiraahdo Soomaaliyeey Alle aan barino oon ka barino dawladnimo iyo dhibka oo aan ka baxno Dabcan waxaad noqonaysaa qof aan isaggu is aqoon haddana rabba in uu Dareen xumaaneedkaas Alle dawladnimo kaga baryo .... Allaha aad dadkiisa Muslimiinta ah tiri lama guursan karo oo aad awoodiisi qaadatay oo aad ku sifoowday xalaaleeye iyo xaaraantimeeye siddaad uga naawilaysaa  in uu kaa aqbalo baryadaada.
 
Waxaan ku idlayn waalidka Soomaaliyeed ubadkooda haka ilaaliyaan dareenki ay la noolaayeen / la nool yihiin ee xumaanta ah noloshu waa horay u socod ma ahan mid gadaal loogu laabto , Gadaal ugu laabashadu waxay ku ekeen maxaa dhib ah oo aan dheef ku badalay , maxaa xiligaas lagu noolaa , maxaanse horusocodnimo ah oo aan samaynay . Iswaydiimahaasu waa kuwo nolosha ubadkaaga door u ah . 
Akhriso Qormooyin Hore oo aan Qabyaaladda ka qoray : 
Dhibka Soomaalidu waa Qabyaalad W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
 
Sooyaalka Siyaasadda Soomaalida Qore: Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
 
Doorka midnimmada & halkaan ka taaganahay? W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxajoog
 
Ma dhabbaa mise dhalanteed in dhabaha dhib ka bixida Soomaalidu qabsaday? W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
 
Waa qaybo ka mid ah Qorooyinkayga waxaadna ka dheehan dhamaan dhibaatadda qabyaadda 


W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)