Somali News
    Hees  

Maqaal: Waa gacan ku dhiigle kan qoriga u qaatay qoraaga, waana la mid kan afkiisa ama qalinkiisa ku aflagaaddeeya qoraaga  

Waa gacan ku dhiigle kan qoriga u qaatay qoraaga, waana la mid kan afkiisa ama qalinkiisa ku aflagaaddeeya qoraaga  

Gacan ku dhiigluhu ma’ahan oo keliya kan qoriga u qaatay qoraaga,xataa waxaa soo galaya kan afkiisa ku aflagaaddeeya qoraaga,gacan ku dhiiglayaashaasi xataa haddii aysan falkaasi geesan,hayeeshe ay niyadda gashadaan ama ay ku fekeraan waxay noqonayaan gacan ku dhiiglayaal,xukunkooduna wuxuu noqonayaa denbiilayaal oo daalumiin ah,dhulkana fasaad iyo barakicin ka wada,waxaana waajib ah in laga qabto dadka iyo dalkaba,xukunkooduna wuxuu noqonaya dil,Allah wuxuu yiri:qofkii u dila mu’min si ula kac,abaalkiisu wuxuu noqonaya jahannama oo waliba ku waaari (suuradda annisa’,aayad lambar 93).

Qoraagu ama weriyuhu wuxuu u shaqeeya ummadda,raabitaanka iyo baahida shacabka ayuu dawladda u gudbiyaa,waana afhayeenka ummadda,sidaas daraadeed waa in shacabka iyo dawladduba ay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa gacan ku dhiiglayaasha iyo af ku dhiiglayaasha,waana in aan loo oggolaan in ay ku dhex noolaadaan bulshada.

Waa run in warfidiyeenku haysto dhibaatooyin badan oo soo jireen ah,sannooyin badan waxay ku noolaayeen oo ay ku soo koreen kuna soo barbaareen in qalinkoodu ama mikrafoonkoodu uusan xor noqon,loomana oggolaan jirin in qalinkooda ama mikrafoonkooda uu xor noqdo,waxaana qoriga u watay mas’uulka dawladda oo hadduu weriyuhu damcoba in uu qalinkiisa xorreeyo xabsiga loo taxaabi jiray ama la musaafuri jiray ama dilba loo geesan jiray,markuu dagaalkii ka dhacay dalkana waxaa qoriga qaatay mooryaan ku soo dhex koray qabiil,kaabo qabiilna madax u yahay,xusuus murugo leh noogu filan gowricii loo geestay weriyeyaashii qaranka oo iyagoo ka shaqaynaayay Raadiyo Muqdishow lala baxsaday lana soo gowracay,waxaana xaqiiqo ah in 21 sannadood ka hor wixii dhacay uu weli socda,kuwa gowracaasi geestana reyrreyn iyo farxad baa ka muuqata,Allaha naga qabtee.

Qoraagii,saxafigii iyo weriyihii waa la xasuuqaya oo la gowracaya,cid dan ka lehna ma jirto,aaway madax ku sheegyadii Soomaaliya,mise sheekadu waxay noqotay, maxaa iga galay,mar haddii aan kursigayga la soo damcayn,aaway wadaaddadii dadka u wacdinaayay oo dacwadii la ordaayay,mise kuwaasi waxay la aamusan yihiin qaabiil dartii,gacan ku dhiiglayaashaas iyo af ku dhiiglayaashaas,waxaa ku soo degi doonta musiibo iyo murugo adduuneed,tii aakhirana wey u danbayn,Allah wuxuu yiri:ha u malaynin in Allah uu illowsan yahay waxa ay daalimiintu samaynayaan,hayeeshe wuxuu dib u dhigi maalin ay taagmi indhaha (suuradda Ibraahiim, aayad lambar 42).

Maxamedeyn
mohamedein@hotmail.com

Den Haag/Holland

Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)