Somali News
    Hees  

Maqaal:FARMAAJO HAA QOF KALE MAYA !!  Ha Noqon Hashii Labada Geel Jecleyd ee Dhexda Libaaxa ku Cuney

FARMAAJO HAA QOF KALE MAYA !!  Ha Noqon Hashii Labada Geel Jecleyd ee Dhexda Libaaxa ku Cuney

Iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u dhowrayaan Cidda uu Madaxweyne Xasan  Shiikh uu u magacaabayo Raiisul Wasaaraha ,waxaa Dhegta lagu hayaa  Idaacadaha oo maxaa soo yeeri doona, qof weliba Subaxii markii uu  soo tooso waxa uu ugu horeeya ee uu ku weydiinayo waa “War yaa loo Magacaabey Raiisul  Wasaare” dadkana si aad ah bay u daneynayaan Magacaabista Raiisul Wasaraha waayo dadka ayaa qaba Dowladda Xasan Shiikh Taaba galkeeda waxaa uu ku xiran yahay hadba Raiisul Wasaaraha uu soo Xusho haddi kale Dowladiisa  waxay mareysaa Dowladhii la soo dhaafey halka ay mareen.

Dhawaan waxaa soo Magaalada Muqdisho la soo geliyey War sheegaya in Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo loo magacaabey Raiisul Wasaare waxaa markiiba is qabsadey Daryanka Rasaasta yar yar iyo midda waaweyn dad baa is yiri “Talow muxuu yahay Dagaalka ka bilowdey Muqdisho”markii la yiraah waa Dabaadeg ku aadan in Farmaajo loo magacaabey Raiisul Wasaare” Qofka waa is iska qaboobayaa” Markiiba waxaa uu ku biirayaa Fatasyahaasi

Waxaan Shaqo u tagey  Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho markii aan gaarey Albaabka laga galayo ayaa waxaa is iri Aqoonsigaadii la soo bax, markii aan Jeebabkii rogogey ayaan ka waayey Warqaddii Aqoonsiga waxaan ku iri Askarigii Taagnaa Albaabka hore”War waan soo hilaamey Aqoonsigii “Markaasuu  yiri “Saaxiib iska laabo”Dood ayaa na dhexmartey, waxaan ka codsadey in uu i sii daayo” waa uu diidey” Markii Dambe ayuu I yiri “Saaxiib yaa Taageersan tahay in Raiisul WAsaare laga dhigo”Cabaar baan Fakerey” waxay igu ahayd Su’aal aan aad ula yaabey ,markii Dambe ayaan iri”Walaal waa Farmaajo”inta Qosley oo Farxad is hayn waayey  ayuu yri “Saaxiib soo gal “ inta Farxay ayaan hoosta ka iri “Ilaah baa kuugu duwey in aan iraahdo Farmaajo” Waa i soo kaxeeyey  Askarigii Su’aasha la yaabka lahayd I weyiiyey ilaa uu I dhaafiyo intaa oo Kontorool Calaashan Madaxa  Farmaajo.” Waxaa Dhab ah haddii aan qof kale sheegi lahaa marnaba ma Galeen Garoonka

Markii aan soo laabtey oo aan soo dhameystey Muraadkeygii ayaa waxaa  mar kale is aragney Askarigii I soo daayey markaasuu igu soo boodey ayuu yir ‘ Saaxib nin aan ahayn Farmaajo Ma dooneyno Ciddii  isku keento Qof kale iyadaa taqaan meesha ay la aadi doonto”Markaa baa weydiiyey Sababta uu u Taageersan yahay Farmaajo markaasuu yiri” Mushaar aan qaadano isagoo noogu Dambeysey” waa Jawaab igu filan” markaas baan hoosta iska iri welee “Farmaajow lagu taageeer laakiin ma heli doonta Xilkaas mar kale”

Haweeney aan Deris nahay  iibisa Qaadka ayaa markii ay habeenkii timid ayey ku qaylisey” Maanta Khasaaro ayaa Beerka la ii galiyey”Markaas baan iri “Khasaarada halkee kaaga timid”markaas bey I tiri”wixii Qaad aan gadayey siduu yahay baan u qaybiyey markii ay na soo gaartey in Farmaajo laga dhigey  Raiisul Wasaare”  Waxay sii raacisey aniga keliya ma ihi waxaa Khasaarada ku dhacadey Wixii Haween ahaa oo aan Qaadka wada Gadeyney dhamaantood sidaan u Qaybiyey ayey u qabiyeen Qaadkii markii ay Dhagaheenna ku soo dhaceen in Farmaajo laga dhigey  Raiisul Wasaare“waxay ku sii Calaacashey  “Khasaaradaas ma Hadhada ah ee nagu habsatey  waxaa na  Hilmaan siin  doona haddi Farmaajo laga dhigi Raiisul Wasaare”waxay sii daba dhigtey  “Hadii   Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka dhigi waayo Farmaajo isagoo laga doonayaa halka uu geynayo waayo” Beentii Magaalada la soo geliyey iyo farxadii iyo Damaashaadkii ka Dambeeyey waxay ahayd Fariin ama Massage ay soo direen Shacabka Soomaalieed" "FARMAAJO HAA MID KALE MAYA "

Dadkii ku khasaarey beentii weyneyd ee la soo geliyey Magaalada Muqdisho waxaa Magaalalda Caabud Waaq iga soo Wacay nin odey ah si uu u Xaqiiqsado in  Farmaajo laga dhigey Raiisul Wasaare markaas baan ku iri “Warkaasi waa isa soo tari waayey” inta naxay buu yiri “Wixii Rasaas ah  ee aan ku khasaariney Hawada yaa loo raacanayaa “wuxuu sii daba dhigey “ Beentaas weyn ee la soo geliyey  waxaa u maleynayaan in ay ka dambeeyeen dad doonayaa in ay Liin ku Dhiijiyaan Magacaabsita Farmaajo ”

Nin aan saaxiibo nahay oo ku sugan  Cariga ingiriiska ayaa iiga sheekeeyey waxa ay dhigeen markii uu soo gaarey Khabarkii in Farmaajo laga dhigey Raiisul Wasaare waxaa uu yiri”Wixii  Sharaab ahaa ayaan si lacag la’aan ku qaybiney xitaa dad baan bixiyey lacago Fantasyo maalinkaa dad badan baa Khasaarey waxay Candhuufta dib u liqeen markii warkaas la beeniyey qaarkood iyaga oo Madaxa Xanuunaya ayey dib ugu laabteen Guryahoodii marka waaan leeyahay Xasan Sheikh nin aan Farmaajo ahayn waan kaa diidney”

Jacaylka iyo Muxubada loo qabo in Farmaajo uu noqdo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ah mid sii kordheysa aniga oo fadhi Goob  laga Cabo Qaxwaha ayaa waxaa isoo ag Fariistey nin ay madax martey in uu Raiisul Wasaare Noqdo  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo intii uu i ag fadhiyey ayuu waxaa  uu bilaabey  in qofkii na soo ag fariista waxaa uu markiiba  uu weydiinayey  Qofka uu Taageersan yahay in Raiisul Wasaare laga dhigo Xaqiiqdii  Muddo  laba saac oo  aan halkaa fadhiyey ayaa dad gaaraya Ilaa 10 Ruux la weydiiyey Cidda uu doonayo in Raiisul Wasaare laga dhigo mid ka laba labeeyey ma jirto” Mid weliba waxaa uu la soo  boodey Farmaajo” mid weliba waxaa uu siinayey  Cabditaan Lacag la’aan ah Xaqiiqdii dadkii  meesha  ama nagu dhawaa aad by ula yaabeen sida dadka ay u doonayaan Farmajo

Isku soo duboo Madaxweyne  Xasan Shiikh W axaa haysata oraahdii ahayd “ Hasha Laba Geel Jecel Libaax baa Dhexda ku Cuna” waxaa dhab ah in Madaxweyne ay heysato arrintii Hasha waayo  labada qolo ee isku haysta Kursiga Raiisul Wasaare mid weliba Madaxweynaha waa uu la  doonayaa haddii uu reer Puntland u siiyo waxaa uu weynaa Taageerada Beelo badan oo Soomaaliyeed oo weliba ay ku jiraan Beesha uu ka soo jeedo,Haddii uu Beesha Caabud waaq uu ka dhigo waxaa uu weynayaa Taageerada reer Puntland  oo iyagu qayb weyn ku lahaa ama Gundhig u ahaa Road  Map-kii Dowladaan lagu soo dhisey   marka qaar la Taliyayaashiisa ah baa soo jeediyey in uu raadiyo Qolooyin kale oo aan ahayn Pundland ama Caabud Waaq ama in Madaxweynaha  inta Indhaha isku qabsado  qof soo Xusho haddii kale waxaa Noqoneysaa  Hashii Labada Geel Jecleyd ee Dhexda Libaaxa ku Cuney ama waxaa Raacdaa Taageerada Shacabka  waayo  Habeenkii lagu soo Doortey  Subaxii Halku dhigyadii laga akhristey Wadooyinka Muqdisho oo ilaa iyo  hadda ku dhegen ee ahaa “ WAAD KU MAHADSANTIHIIN SIDAA II DOORTEEN WAXAA KU SHAQEYNAYAA RABITAANKIINA”         

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)