Somali News
    Hees  

Maqaal:MA XIL QARAN DOONBAA, MISE WAA ……………?

Arrinta aan hoos ku qorayaa waxay ka turjumeysaa, qof doonaya in loo magacaabo xilka Ra’iisalwasaannimada somaalia oo waraaqihiisii waxbarasho iyo khibraddiisii u geeyey Madaxweynaha cusub ee soomaaliya. Bal ila eega Doodda dhexmartay xildoonaha iyo Madaxweynaha !!!!

XILDOONE: MADAXWEYNE, Kadib markaan la shiray qabiilkeyga , waxaa leygula taliyey inaan isu sharraxo jagada Ra’iisal-wasaarennimada oo loo tartamayo. Marka sidaa awgeeed, ayaan maanta kuugu keenay waraaqahan aan ku muujinayo wax qabadkeygii hore iyo waxbarashadii aan soo maray, ee waxaan kaa TUUGAYAA inaad ii magacawdo jagadaas .
MADAXWEYNE: Raggu ma yara , qabaa’ilkuna ka sii badan ee fadlan iga warsug intaan kala doorashada ku guda jiro. Waa inaan arko ragga kaloo dhan intaanan qaraar gaarin.

XILDOONE: Madaxweyne, anigu ragga kale lamid maahi, oo waxaan ahayn khabiir laga yaqaan dibedda Dalka iyo gudihiisaba, waxaan la soo shaqeeyey qaalo iyo muslin, waxaanaan soo qabtay hawlo muhim ah. Midda kale qabiilkeygu ma yara oo xaq baan u leeyahy in leydoorto, rag badan oo asxaab ah oo Dawladda waxtari karana waan aqaan.

MADAXWEYNE: Aniga soomaali oo dhan baa i dooratay , iyagaanaan u ahay Madaxweyne , ee fadlan sug nasiibkaaga sida kuwa kale, waraaqahaagana ugee xogheynteyda.

XILDOONE: Madaxweyne, anoo intaas oo dhan og ,waxaan markale kaa TUUGAYAA inaad aniga ii magacawdo jagadaas muhimka ah. Waxaan rabaa inaan Dalkeyga u shaqeeyo OO MUSIIBADA KA SAMATA BIXIYO !!!

MADAXWEYNE: Sidaad la socoto waxaan xulayaa qof u adeega UMMADDA soomaaliyeed,oo labaatan sano iyo dheeri la soo jiiftey colaad iyo burbur. Sidaa weeye waxa waqtiga magacaabidda RW ay iigu dheeraatay, laakin hadda waqti dhow ayaan soo magacaabayaa qofkii nasiib u heli lahaa jagadaas.

XILDOONE: Madaxweyne, anoo kaaga mahadcelinaya waqtiga dheer oo aad i siisay, berrito ballan ma siin kartaa Isimmada iyo dugeyda qabiilkeyga, kuwaasoo i soo faray inaan ku soo gaarsiiyo salaantooda, ayagoo jeclaan lahaa iney iyaguna kula kulmaan berrito si ay weli kuugu faahfaahiyaan, qiimaha weyn oo ay ugu fadhido inaad ii doorato RW Soomaaliya.

MADAXWEYNE: Horay yaan isu aragnay raggaas, talooyinkii ay ii soo jeediyeenna wey ku mahadsan- yihiin ee fadlan mar kale iga gaarsii salaan diirran !!

XILDOONE: Madaxweyne, ma waxaad i tiri berri ha ii yimaadaan ?

MADAXWEYNE: Maya, sidaas kuma oran, ee fadlan adigu sida ragga kale sug nasiibkaaga!!

XILDOONE: Madaxweyne, anigu ragga kale WAXAAN DHEERAHAY KHIBRAD, oo waxaan ahay khabiir weyn oo Adduunka laga yaqaan, Dalkana muddo hadda joogey. Waxaan ahay nin wax qaban kara oo waxaa taas og soomaali oo dhan, markii ugu danbeysey gaal aan la shaqeyn jirey, wuxuu igu yiri waxaad istaahishaa in lagu siiyo billad sharaf, marka Madaxweyne anigu waxaan qaban karo inta kale ma qaban karaan!!! Isimmadii iyo Duqeydiina wey ku sugayaan!!!

MADAXWEYNE: Isimmada iyo Duqeyda horaan isu aragnay ee salaan iga gaarsii !!!!!
XILDOONE: Laakin Madaxweyne , qaar kale oo badan baa jira oo aadan weli arag !!!!!
MADAXWEYNE: Dad kaloo badan baa isugaya oo shirbaan gelayaaye, ee fadlan sug nasiibkaaga!!!!
XILDOONE: Madaxweyne, goormaan kuu imaadaa mar kale, isimmadiina weli waa ku sugayaane…..!!!
MADAXWEYNE: War waxaan ku iri , sug nasiibkaaga !!! Oo waxaan ku weydiiyey hadda ka hor DAWLAD malasoo shaqeysay?
XILDOONE: Madaxweyne, Dawlad iyo maamulkeed weli ma soo marin , laakiin siyaabo kale iyo waxyaabo badan ayaan aqaan oon khabiir ku ahay!!

MARKAA ayaa Xogheyntu, u soo gashay Madaxweynaha, iyadoo waraaqo degdeg ah hortiisa dhigtay!!
Muddo dhowr saac ah kadib ayaa jaalle Xildoon kursiguu ku fadhiyey uu ka kacay, asagoon weli helin haa iyo maya toona!!!! BAL MUU SUGO NASIIBKIISA SIDA MADAXWEYNUHU
UU DHOWR JEER U TILMAAMAY!!!!!!

Qoraalkan gaaban waxa soo diyaariyey Dr. C. Karaani
Karani38@aol.com

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)