|
Maqaal: Baaq ku saabsan xaaladda gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaliya iyo maamul u sameeynta gobolka
Baaq ku saabsan xaaladda gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaliya iyo maamul u sameeynta gobolka
Jaaliyada soomaliyeed ee Gobolada jubooyinka ee dalka koonfur afrika iyo Guud ahaan caalamka kukala nool waxay marka hore Bogaadineysaa isla markaasina ay si xoogan u soo dhaweeyneysa qabashada magaalada kismaayo iyo Degmooyanka kale ee dalka sida Degmada afmadoow, Degmada Hoosingow, degmada badhaadhe iyo waliba Degmada kismaayo. Waxayna jaaliyada Gobolada Jubooyinka ee dalka koonfur afrika ay u rajeeyneysaa ciidamada Dawladda in ay Gacanta ku dhigaan Dhawaan labada Degmo ee kala ah Degmada jamaame iyo Degmada Buula xaaji. Intaas kadib jaaliyadu waxay ka walaacsantahay xaalada Cusub ee Gobolka u galay gaar ahaana dhanka amaanka, siyaasadda, bini aadanimada. sida aan ognahay tan iyo intii ciidamada is garabsanaya ay Galeen Gudaha magaalada kismaayo waxaa lagu dilay dad badan oo maati ah ama Shacab ah kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada. Waxaa sidoo kale jira kufsi lagula kacay Dumar Ganacsato ah iyo kuwa kale oo magaalada iyo daafaheedaba Deganaa, falalkaas oo dhan waxay dhaawacayaan Guud ahaan dib ku soo celinta amaanka iyo hore u socodka hawlgalada ka dhanka ah kooxaha Argagaxisada ee mudada dheer ka talinayay deeganka. Waxay sidoo kale dhabar jab ku tahay Guud ahaan shacabka Gobolka oo u ooman in ay helaan nabad iyo Dawladnimo buuxda.
Maamul u sameeynta Gobolka
Marka koowad jaaliyada Gobolada Jubooyinka ee dalka koonfur afrka waxay ka walaacsantahay Arimaha maamul u sameeynta Gobolka jubbada hoose,. Sida aan wada ognahayba Gobolka Jubadda hoose waxaa wada dega Guud ahaan Qabaa,ilaadka soomalida, sidaa owgeed waxaan ognahay in ay jiraan dad isku dayay in ay maamul aan loo dhameeyn sameeyaan kuwaas oo aad moodid in ay si indho la,aan ah ay waxa u wadaan. Waxaana xusid mudan in Gobolka jubada hoose u yahay Gobol ay adeg taahy in Qabiil Gooni ah ama Koox gooni ah ay maamul u sameeyaan. Taas oo aan oganahy in marar badan oo hore qaraarkeeda loo soo dhadhanshay. Gobolka waxaa hore xoog ogula wareegay Barre hiiraale, moorgan, axmed cumar jees iyo kuwa kale oo badan oo dhamaantood ku yimid duulan. Hogaamiye kooxed yadaas ma ahayn kuwa u dhashay deeganka waxayna dhamaantood ka yimaadeen deegano kale iyo Gobolo kale. sidaas darteed maanta oo soomaliya ay leedahay Dawlad dhameeys tiran oo loo dhanyahay taas oo matasha dhamaanba Umada soomaliyeed, waxaa wax laga xumaado ah isla markaasina sharaf dhac ku ah Dawladda dheexe ee dalka soomaaliya in dalka dibadiisa ay isugu tagaan kooxo sheeganaya in ay ka soo jeedan deeganka isla markaasina ay yiraahdaan waxaan maamul u sameeyneynaa Gobolada jubooyinka. Amuurtaas oo aad moodid in ay la mid tahay midii qabqablayaashii xooga ku maamuli jiray Magaalada kismaayo. Waxaan shacabka soomaliyeed Guud ahaan gaar ahaana dadka deeganka xasuusineyna in cidii rabata in ay sameeyso maamul Gobolka leeyahay ay muhiim tahay marka hore in Dawlada federaalka ee somaliya looga danbeyo, hadii shir looga hadlayo amurahaasi la qabanayana ay muhiim tahay dalka Gudihiisa lagu qabto, madaama dalkeena inta badan maanta u yahay nabad. Waxaana wax lala yaabo ah in ayadoo ay nabad tahay Caasimada dalka soomaliya ee muqdisho, Baydhabo,Garoowe, Galkacayo, afgooye iyo meelo badan oo dalkeena ka tirsan oo lagu turxaan bixin karo Arimaha maamul u sameeynta Gobolada in koox Ujeedooyin Gooni ah wadata ay sheegato in dalka Kenya lagu qabanayo shir looga hadlayo amuurta maamul u sameeynta Gobolka jubadda. Waxayna meel ka dhac xoogan ku tahay Dastuurka dhawan lagu ansxiyay caasimada dalka soomaliya ee ay ku dhisantaahy dawlada federaalka ee soomaliya.
Digniin ku socda IGAD
Jaaliyada soomaliyeed ee Gobolada jubooyinka ku nool dalka dibadiisa waxay ka digeeysaa ogana digeeysa wadamada Igaad in aynan ku kadsoomin kooxaha sheeganaya in ay matalaan deegaanada jubooyinka ee dalka soomaliya, waxaanan ogu baaqeeyna dawladaha kenya, Itoobiya, in Amuurta Somaliya guud ahaan gaar ahaana Jubbada hoose in ay dhex dhexaad ka noqdaan oo ay faraha kala baxaan amuurta ku saabsan maamul u sameeynta Deeganka.
Jaaliyada waxay aaminsantahay in Gobolka aayihiisa iyo masiirkiisa ay leeyihiin dadka ku dhashay iyo dawlada soomaaliya mana ahaan Arimaha maamul u sameeynta Gobolka mid u taallo dadka aan u dhalan deeganka kuwaas oo ayagu ku socda qaab Beleed ama hab beelnimo ooh ore looga soo daalay. Waxaana oga digeeyna dadyoowga u dhashay kenya iyo itoobiya ee soomalida ah ee damaca qaldan ku jiro in ay faraha kala baxaan arimaha maamul u sameeynta deeganka. sidoo kale maamul u sameeynta shaqo kuma laha dawladaha dariska ah waxaana loo baahanyahay in Dawladda soomaliya iyo shacabka Dega Gobolka lagu ixtiraamo amuuraha maamul u sameeynta Gobolka.
Baaq ku socoda madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamaanka somaliya
Jaaliyada jubooyinka iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan jubadda hoose waxay ogu baaqayaan madaxda sar sare ee dalka soomaliya gar ahaana madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamaanka in ay si deg deg ah u fara galiyaan arinta Gobolka jubadda hoose isla markaasina ay maamul loo dhanyahay u sameeyaan kaas oo guud ahaan dadka deeganka ay u wada dhanyihiin. Waxaan sidoo kale ogu baaqeeyna madaxweynaha iyo Guud ahaan dawladda somaliya in aanan jaanis la siinin Qabqablayaasha iyo kuwa doonaya in ay mar kale Jahawareer siyaasadeed galiyaan Gobolka, waxaana muhiim ah in waxa aanan ka ahayn ciidamada dawladda iyo kuwa nabad ilaalinta in ay Joogaan Gudaha magaalada kismaayo. Waxaan sidoo kale ku talineeyna in maleeyshyooyinka aan ka amar qaadanin Dawlada lagu sameeyo Hub ka dhigis deg deg ah ayadoo loo kaashanayo ciidamada nabad ilaalinta ee (AMISOM) sidoo kale waxaan ku baaqeeyna in si deg deg ah magaalada loo geeyo booliska Amisom ee dhawan yimid muqdishu iyo waliba in sida ogu dhaqsiinyaha badan loogu diro booliska soomaliyeed ee ayagu dhawaan la soo tababaray si ay u soo celiyaan amaanka magaalada ksimaayo.
Alla ayaa Mahad iska Leh
Dr abdirahman )
5/0010/2012)
aamiin 20@gmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|