Somali News
    Hees  

Aragti: Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Sheekh Shariif

 

Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Sheekh Shariif

Waxaan rabaa in aan halkan ugu gudbiyo Madaxweyne Shariif Axmed  arin ku saabsan magacaabista degmooyinkan cusub oo uu u magacaabayo qaar kamid ah gobolada dalka . waxaana laga ma maarmaan ah in marka degmo degmanimo loo aqoonsanayo in la fiiriyo waxyaabahan soo socda:

1)    Demogaraafiyada  dadka(demography population)  inta ay la egyihiin tirade dadka meeshaas degan baaxadooda iyo tiradooda sidoo kale halkii kilo mitir ee iskuweer ahba imisa ayaa degan dad ahaan.

2)    Wax soo saarka degmadaas inta la egtahay waa waxyaabaha lugu qiimeeyo magaalada noqonaysa degmada.

3)    Baaxada degamadaas inta ay la egtahay balaceeda waa waxyaabaha mudan in lugu qiimeeyo.

4)    In ay soo qiimeeyaan maamulka gobalka oo ay cadeeyaan in ay buuxisay dhamaan micyaarka ama halbeega loo baahan yahay (criteria).

5)    In aan siyaasad iyo dano gaar ah lugu xirin.

Waxaan hada waydiinayaa madaxweyne Shariif Sheekh Axmed suaalahaan soo socda waxayna kala yihiin sida tan:

Maxaad ugu magacaabi waysay degmanimo magaalooyinkan soo socda kuwaasoo buuxiyay shuruudihii laga rabay muddo labaatan sanno ka hor xilligii ay jirtay dowladii siyaad barre?

Maxaad madaxweyne marka hore ugu magacaabiwaysay magaalooyinkii lugu sheegay in aysan gaarin degmo ee ay yihiin beel kuwaasoo mudan in degmo laga dhigo kuwaasoo buuxiyay shuruudihii aan kore ku soo xusay?

Mise waxaad Madaxweyne u malaynaysaa in ay degmo yihiin magaalooyinkaan waa wayn ee aan degmo loo aqoonsanin weli?

Magaalooyinkaas aan ka sheeekaynayo waxa ay kala yihiin kuwan soo socda:

1)    Janaale: waa magaalo wayn oo buuxisay wax walba uu shuruuro ah waa magaalo dalxiiska ku wanaagsan waxayna ku taalaa webiga shabeele korkiisa waana magaalo wax soo saar badan tirade dadka kunool aad u badan mana aha ilaa hada degmo dowladii hore degma uma aqoonsanin madaxweyne adigana degma kama aadan dhigin kuwa ka yar yarna degmo ayaad u magacaawayday. Beerihii janaale ma canbahoodii iyo khuraadtooda keliya miyaa la jecel yahay ee iyada lama jecla miyaa?

2)    Buulo: waa magaalo iyada buuxisay shuruudihii cidii garanaysa way garanaysaa waxay ku taalaa sh/hoose wadada kismaayo iyo muqdishu isku xirta ayay ku taalaa waana magaalo wayn cidii garanaysana way garanaysaa maxaad madaxweyne degmo ugu dhigi wayasay?

3)    Golwayn: iyadana waa mid si fiican u biixisay shuruud walba mudan in ay noqoto degmo laakiin aan loo aqaasanin waana magaalo wax soo saar badan mudan in ay noqoto demo maxaad ugu magacaabi waysay madaxweyne?

4)    Shalanbood : qof walba wuu garanayaa in ay tahay magaalo weyn laakiin degmo ma ahan maxaad madaxweyne degmo ugu dhigiwaysay . waa magaaladii uu axmed cali cigaal uu ku heesay ee uu yiri “ shalanbood la tagiyo shib dheh oran shar iyo kheeyr”

5)    Mubaarak: waa magaalo wax soo saar badan oo caan ah oo mudan in degmo ay noqoto maxaa looga dhigi waayay?

6)    Mudul baraawe: waa magaalo mudan in ay degmo noqoto maxaa looga dhihi waaayay?

7)    Tortoorow : waa magaalo mudan in ay noqoto shuruudihiina buuuxin karta waa meel ganacsi iyo beeralayba ah maxaa loogu magacaabi waayay degmanimo?

8)    Farsooley: waa magaalo muda badan jirtay kuna fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha iyo ganacsigaba maxaad madaxweyne ugu dhigi wayasay degmo?

waxaa kaloo jira magaalooyin aad u badan oo aan la soo koobi Karin oo buuxin kara shuruudahaas aan soo sheegay mudan in laga dhigo iyo kuwa aan buuxinkarin oo loo aqoonsaday degmo taasi ma ahan cadaalad ee madaxweyna cadaaladu waa in ay wadanka oo dhan iyo dadka oo dhan u sinaataa.

Qore: Abdi naasir Sheekh Hassan Axmed Faqih


Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)