Somali News
    Hees  

Faallo: Waa Maxay Xuquuqda Muwa-adinku dalkiisa ku Leeyahay? Maxayse tahay mas’uuliyadda ka Saaran Dalkiisa?

 

Waa Maxay Xuquuqda Muwa-adinku dalkiisa ku Leeyahay? Maxayse tahay mas’uuliyadda ka Saaran Dalkiisa?

Sidaynu la socono nidaamyada maamul ee dunidan aynu ku no-ol nahay ka jiraa, sida nidaa-mka dimuquraadiga ah, midka- Kaligiitalis ah iyo mid boqorto-oyo, way ku kala duwan yihiin sugida xuquuqda uu muwaadinku ku leeyahay dalkiisa.

waxaan inta badan tixgalin badan siiya xuquuqda muwaadinka nida-amka dimoqoraadiga ah, waxaa-se hubaala ah haddii la tixgalin wa-ayo xuquuqda muwaadinku ku le-eyahay dalkiisa ee ay masuuliya-deeduna saran tahay madaxda qa-ranka oo hogaanka dalka loo doortay. Haddii ay madaxdu gudan we-yso xilkaas waxaa meesha ka ba-xaya xuquuqdii iyo waajibaadkii la-gu lahaa muwaadinka.

Haddaba marka hore bal aynu eeg-no waa maxay xuquuqi “Rights”? Masuuliyadna Maxay tahay “Res-ponsibilty”?Xuquuda waxaynu u- kala saari karnaa guud ahaan Sa-ddex xuquuqood:-

1-Xuquuq madani ah “Civil Ri- ght”:- oo ah mid la xiriirta su-gidda amniga muwaadinka, xo-riyadda qofka, xoriydda fikirka, illaalinta hantidiisa (Xoolihiisa). Waa in si cadaalad ah loo ma-caamiil dhamaan muwaadinii-nta, iyo waan in qofka aan la- dhibaateyn jir ahaan iyo ma-skax ahaanba.

2-Xuquuq siyaasadeed “Political Rights” oo la xiriita ka qayb qa-adashada dhaqdhaqaaqyada siy-aasadeed ee dalka.waa inuu qo-fka soo bandhigi karo fikirkiisa- siyaasadeed,kuna biiri karo xis-biyo ,mucaarad noqonka iyo in uu si xor ah u dhaqdhaqaagi ka-ro isaga oo aan la kulmin cabsi iyo is hortaag midnaba.

3-Xuquuq dhaqaale “Econom-ic Rights:- oo iyana la xiriita in muwaadinka laga daboolo ba-ahiyaha asaasiga ah sida gan-acsiga, adeegyada dhaqaale iyo bulsho intaba. Waan in uu qoka uu hanti yeelan karo xorna u ya-hay isticmaalkeedka iyo qofka in aan xoog loo guu shaqeysan.

Masuuliyad muwaadinka “Re-sponsibility”:- haddii aynu tilma-ano iyana waa waajibaad lagu aaminay qof gaar ah ama koox Waxaa kale oo aynu oran karnaa waa masuuliyad shaqo ama wa-ajibaad muwaadinka saaran is-aga oo sida ugu haboon ee sha-rciga iyo xeerarka dalka waafaq-san una maraya inuu kaga qayb qaato arimaha siyaasadeed, dhaq-aale iyo bulsho ee dalka ka socda.

Haddii aan hoos gunta ugu degno ar-imahaas aan koor ku soo xusnay , marka hore xuquuda muwaadinka cida looga baahan yahay inay kaf-aalo qaado waa masuuliyiinta Ho-gaamisa Qaranka ee ay shacabku soo doorteensida: Golaha fulinta, GolahaSharci dajinta Garsoorka- iyo dowlada hoose.

Xaquuqda muwaadinka uu ku leeyahay dalkiisa

  • Muwaadinku waxa uu xuquuq u leeyahay inuu helo amaan-kanaftiisa iyo Xoolihiisa ay da-maanad qaato dawladu.
  • Inuu helo adeeg bulsho sida Na-badgalyada, Caafimaadka, Wax-barashada, Korontadaiyo Biyaha.
  • Muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay inuu helo shaqo, do-wladana waxaa ku waajib ah- inay latimaado shaqo abuuris.
  • Muwaadin waxa uu xuquuq u leeyahay inuu lana doorto, wa-xna doorto, kana qayb qaadan karoo dhaqdhaqaaqyada siya-asadeed ee dalka oo aan la ca-budhin lagana horjoogsan wixii sharcigu u fasaxaayo.
  • Muwaadinku waxuu xaq u lee-yahay in lasiiyo mudnaanta ko-waad dhinaca maalgashiga la-gana xakameeyo shirkadaha iyo shakhsiyaadka Ajaanibka ah ee aan waxtarka u lahayn danta dalka iyo dadkaba.
  • Waajibaadka lagu leeyahay mu-waadinka, Muwaadinka waxaa saaran masuuliyad iyo waaji-baad dalkiisu ku leeyahaysidan:
  • Muwaadinka waa inuu la socdaa kana warqabaa waxa ka socda dak-iisa ama dalkeeda sida dhaqdhaq-aaqyada siyaasadeed, bulsho iyo dha- qaale, iyada oo ay ku suragali karto dhagaysiga, daawashada iyo akhr-iska warbaahinta kala duwan.
  • Muwaadinku waa inuu ixtiraa-maa xaquuqda muwaadinta ka-le, wadamada kale ee dunida wa-xaa laga yaabaa in muwaad-iniin isla dalkaliya kuwada nool ay ku kala duwanaan karaan waxyaabo badan: luqada, dii-nta ,midabka, dhaqanka, caa-dooyinka, balse arintaasi aasan ka jirin Somaliya, waxaana oran karnaa waa umad isku Af,diin, dhaqan,midabmid ah.
  • Muwaadinku waa xil ka saran ya-hay difaaca dalkiisa haddii ay gar-daro kaga timaado dibadda, waana inuu uhuraa naftiisa iyo maalkiisaba.
  • Muwaadinku waa inuu kaqayb qaataa haddii ay timaad duru-ufo qalafsan sida masiibooyin-kadabiiciga ah sida abaaraha, daadadka, dhulgariirka, xalinta khilaafadyada iwm.
  • Waa inuu bixiyaa cashuurta dalka ee ku waajibtay.
  • Waa inuu ixtiraamaa shariciga iyo xeerarka dalkuleeyahay
  • waa inuu ka qayb qaataa arima-ha bulshada intii kaga aadan.
  • waa inuu xafidaa ashyaada hidaha, dhaqanka iyo taariikhda u ah dalka
  • waa inuu ka qayb qaataa hor-umarka iyo bilicda dalka

Waxaan ku soo gunaanadayaain ma-suuliyiintadawlada sida golaha sharci dajinta,xukuumada iyo garsoorka u soo jeedinayaa inay sugaan xuquu-da muwaadinka leeyahay sida uu in-oo cadeeyey distoorkeenu, una hirga-sho masuuliyadii shacabka laga sugaayey.

Waa maxay xaq ay dowlada ku le-edahay muwaadiniinteeda?

Sida aan ognahay qof walba waxa u xaq ku leeyahay dowladiisa isgana wa-xaa ku waajib ah masuuliyaad waana inuu gutaa waajibaad si taas la mid do-wlada waxay xuquuq ku leedahay sha-cabkeedka iyadane waxaa lagu leey-ahay waa jibaad.xuquuq ay dowlada leedahay waxaa ka mid:-

1. waa la adeeca
2. waa in la taageeraa
3. in la bixiyo canshuur
4. in la shaqeeyo
5. in la tashtaa
6. in loo aqoonsado hogaanka dalka
7. in la toosiyoa lana saxo
laguna dhiiri galiyo waxbeedka
8. in la ga la geybgaato difaaca d-ulka hadii loo baahdo ciidan dheeri ah
9. in la la xisaabtamo Waa jiba-adka lagu leeyahay dowlada

Dowlada waxaa lagu lee waa-jibaad badan waxaa ka mid ah:-

1.inay bixiso adeegyada aas aasiga ah ee bulshada
2.dhaga furnaan oo ay ka jawaabto xalaadaha dedega ah
4.inay difaacdo dalka iyo dadka
5-inay shaqo abuuris u same-ysaa muwaadiniinteeda
6-inay bixisaa biyo nadiif ah
7-inay dhistaa wadooyinka, buund-ooyinka iyo suuqyo
8-inay ogolaato in bulshada ay la xisaabtamaan daqliga dowlda soo galay iyo sidii ay u bixisay.
9-In ay bulshada si sinaan ah wax ugu qabato
10-In ay ka shaqeyso danta guud.

Qormo U Qoray

Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree)

Coventry Uk

International Relations (IR) (occasionally 

referred to as International Studies (IS


Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)