Somali News
    Hees  

Faallo: Baaqa Madaxweynaha ee Al-Shabaab: Aragti Cusub iyo Isbedal loo Baahnaa

Baaqa Madaxweynaha ee Al-Shabaab: Aragti Cusub iyo Isbedal loo Baahnaa.

:Al-Shabaab waxay ka kooban yihiin laba qaybood, Ajaanib iyo Soomaali Ajaanibta Hadal Nagama dhexeeyo,Wadamada ay ka yimaadeen Soomaaliya ayaa uga horraysay Islaamka ee Wadamada ay ka yimaadeen haku noqdeen, laakiin kuwa Soomaalida ah waa Wiilasheenni & Gabdhaheenni waxaanna diyaar unahay Wada hadal iyo Is faham:

Sidaa waxaa yiri Madaxweynaha Cusub Mudane Xassan Shiikh Maxamuud,oo Baydhabo Caasimadda Gobolka Baay kula hadlayay Odayaal iyo Waxgarad u dhashay Gobolka, waa Aragti iyo Halbeeg Siyaasadeed oo cusub kana duwan Siyaasaddii DKG-ka ahaa,ee hore,Waa Fikir Xambaarsan Dib U heshiisiin,is Cafin iyo Bog cusub oo furmay una baahan in Wax wanaagsan lagu qoro runtii,Waase hadii karti loo yeesho ,Fursaddan ina hor taalla ee Cusub,

Dhinaca kale Markaan is garab dhigno Aragtida Al-Shabaab ee ku salaysan Riddada iyo Gaalaysiinta Dawladda iyo dadka la shaqeeyo oo dhan isla markaana la bannaysto Dhiigooda,Maxkamadda Xukuntay, Riddada iyo Gaalaysiinta Dhamaan Hay,adaha Dowladda,waxaa haboonaan lahayd kana Codsanaynaa Al-Shabaab in ay wax ka badalaan Go,aankooda,Fursadda hadda jirta iyo Isbedalkana ay ka faa,iidaysto Sababaha soo socdo daraadood.

1-Dhulka Geeska Afrca,Ilaahay wuxuu ku beeray Shacabka Soomaaliya,Wuxuuna ka dhigay Muslimiin,Waana Nimco Ilaahay iyo Doorasho uu Ka dhex doortay Shucuubta kale ee Bariga Africa kula Nool, Dhulka Soomaaliya waxaa iska leh Soomaali,Islaamka Bariga Afrikana waxaa Masuul ka ah Soomaaliya,Qofka Muslimka ah iyo Majmuucada Muslimiinta ah ee ka timid Wadamo kale oo Muslimiin ah waxay Marti u yihiin Soomaalida Muslimiinta ah, Soomaalida siday isu Xukumayaan iyo Siyaasadooda,Hantidooda iyo Canshuurtooda ma fara Gashan karaan Muslimiin kale oo Marti ku ah Dhulkooda, Waana Sida uu Qabo Islaamka iyo Shareecadiisa Daahirka ah, Rasuulkeeni Suubanaa CSW. Markuu Dacwda Islaamka Fidinaayay, Dawladihii ku wareegsanaa,iyo Odayaal Dhaqameedyada Carabta, wuxuu ku Dhihi jiray :Islaamka qaata Hadaad Islaamka qaadataan Xukunkiinna iyo Boqortooyadiinna idinkaa iska leh, Sidaa darteed Shacabka Soomaaliya Dhulkiisa Isagaa leh ,Qarniyo Badan ka horna wuxuu Qaatay Islaamka, isagoon cid ku soo duushay jirin, Cidna Xaq nooguma leh inay Canshuurteenna Aruursato Magaalooyinkeeni Xukunto,Sababna Nalooga dhigo waxaan Isku nahay Islaam,Anoo Wadama kale ka imid, Waa Sax Muslim waa Tahay laakiin Muslim Soomaali ah ma tihid, Orodoo Wadankaagi aad oo Xukun, Hadaad Xukun Rabto,Laakiin Muslim baan ahay Madaafiiic ha noogu Garaacin,Soomaalidu Gaalo ma ahane, Canshuurteena iyo Xoolaheena ha boobin Adigu ma lihid.

2-Xarakada Al-Shabaab,Si fiican bay uga Dharegsan tahay In Shacabka Soomaaliya yahay Shacab Muslim ah, waxaana Caddayn iyo Tusaale inoogu filan Magaalooyinka ay Xukumaan waxay ku Magacaabeen WILAAYA ISLAAMIYA, Shacabka ku hoos nool waa Shacab Muslim ah Gobolkana waa Wilaaya Islaami ah,Mar haduusan Shacabku Dagaal kula jirin Al-Shabaab waa Muslimiin 100%, halka Dawladda iyo Shaqaalaha Dawladda ay ku Xukumeen inay yihiin Murtadiin, ,Sababaha ugu waaweyn ee Islaamka looga saaray waa inay Ciidamo Shisheeye Wadanka soo galiyeen, Sidoo kale Dawladihii TFG-da, waxay ku soo Cel-celin jireen in Al-Shabaab yihiin Ajaanib Shisheeye ah iyo Qaaciddo ku soo duushay Wadanka iyo Shacabka,oo Gumaysi ah in Shacabka laga Xoreeyana ay waajib tahay,Caalamkana loo kaalmaysto iyo cid kasta,

3-Mashaqada Soomaaliiya ka Aloosan iyo Dhiigga Qubanaaya labada dhinacba Xaqiiqada ku lamaansan waa Siyaasad iyo Xukun raadis, Shacabka dushiisa lagu Hardamaayo iyo Halaagga socda waa mid lagu baadi goobaayo Awood Siyaasadeed, Waxaan wada Ognahay 1982-diii, iyo Sannadihii ka dambeeyay: Jab-hadihii Soomaaliya Dagaalka ka waday, Waxay Dagaalka Soo Billaabi Jireen iyagoo leh ALLAAHU AKBAR, Isuna Arkaayay inay yihiin Mujaahidiin, Askarta dagaalka uga Geeriyoota waxaa lagu Aasi,ama lagu Duugi jiray Tuutaha ay qabaan,Laguma Tukan jirin Janaasadooda, Lama Dhaqi jirin Meyd-kooda, waxaa loo Arkaayay Mujaahidiin Ilaahay Doortay, waxay Isticmaali Jireen Kalmadaha ah Mujaahid,Mujaahidiin,Xaq u dirir Iwm,Laakiin Xaqiiqada hoosta Kaga lamaansan waxay ahayd Siyaasad iyo Xukun raadis,

Dagaalka hada Socda ma ahan Mid ku salaysan, Dacwada iyo Diinka aan Fidinno,Dadka Masaakiinta aan Taakulaynno,Caruurta iyo Waayeelka Dibadaha Daadsan Dar-yeel iyo Dugaal haloo sameeyo. Soo ceeb iyo Nasiib Daro inuguma ahan in Caruurteenni iyo Waayeelkii ina Soo Xambaaray markaan Daryeelka u baahnayn aan Unixi weyno?,Oon Hoobiye iyo Madaafiic ku Garaacno Buulashay ku hoos Noolaayeen,Waxaan u tarno iska daaye? Firxadkoodi iyo Habqankoodi markay Gaaraan Wadamada Dariska ay Helaan Daryeel iyo Badbaado,Waraabihii Cunaayay laga soo Xareeyo,Raashin iyo Caafimaad loo fidiyo? Aan is Weydiinee Islaakma aan rabno Inaan Caalamka ugu Bishaarayno Midab caynkee ah buu leeyahay,Qurux iyo Qiimo Intee dhan buu yeelan karaa? Islaamka aan Rabno inaan Caalamka Gaarsiinno soo ma haboonayn Horta inta aynaan Meel kale aadin Inaan Daryeel iyo Badbaado u samaynno Caruurta Islaamka ku Dhalatay Qarniyo Badanna Islaam soo ahaan jirtay?

Aan Heshiinno Ciidamada Ajaanibta ah ha inaga Baxaane.

Xarakada Al-Shabaab waxaan ugu Baaqaynaa Inay fursadda Cusub Ka faa’iidaystaan,Baaqa Madaxweynha Cusub iyo Aragtida Cusub ee uu La yimid Tixgalin la siiyo,Xukun lagu Gaaro Dhiig Daata iyo Halaag Xukun ma noqdo Diin Iyo Shareeco Islaamna dhidibada looguma aaso, Ee Wada hadal iyo is Xaq dhowr ayaa lagu Gaaraa,Waa inaan Hoosta ka Xarriiqno in Islaamka Soomaaliya uu Dhaxal u yahay ,Waana midda keentay In Isticmaarkii Yurubka ee Gumaystay Africa uu 5-Shan qaybood inoo Qaybiyo, Islaamka iyo Islaamnimada Soomaaliya waa Midda Inugu Qasabtay Inaan Bixinno Ganaax iyo Canshuur qaali ah, oo La ina Baday In Shan meelood La inoo Qaybiyo, Intii Soo hartayna Qabiil iyo Reer-reer Hubka la La isugu Dhiibo,Dhibka inagu Dhacay waan ka wada Dhargsanahay , Shucuubta Afrca ee Dariska ina La ah, Dhibaatada uu Gumasigii Yurub Inoo gaystay Looma gaysanin iyaga runtii, waa Godob Taariikhi ah oo Shacabka Soomaaliya ee Muslimka ah lagu gooni Yeelay,Sidaa Darteed

Xarakada Al-Shabaab waxaan Ugu Baaqaynaa hadaaan Dhalyo, Rixim iyo Islaamnimo wadaagno Dhul iyo Dhalashaba ay Naga dhexayso Dhiiga Muslimka ee Daadanaaya halla joojiyo, Isbedlka Cusub iyo Baaqqa Madaxweynaha Cusub Mid la mid ah Soo Bandhiga , Bog Cusub iyo Wada hadal Fura,Fikirka aad Aaminsantihiin Si Nabad-Galya ah iyo Doorsho Cadaalad ah ku Gaara,Dhiig se maye.

A-Sax ma ahan In Ciidamo Shisheeye Dawlad lagu Noqdo, oo Caalamku Nagu yiraahdaan 22-Sano ayaad Ku fashilanteen Inaad Dawlad Samaysataan Amaankiinna Sugtaan, Sax Ma ahan Boolis Afrikaan ah in Wadamo Kale la Inooga Keeno, Booliskeenni oo Jooga,Sababna looga Dhigo Amaan iyo Kala Dambayn Majirto,

B-Cidna Xaq nooguma leh In Garoonkii Diyaaradaha Caalmiga ahaa ee Muqdisho Lagu Wareejiyo, Shirkada Shisheeye Sababna looga dhigo Amaankiinnu M asugna, Dawladiinuna waa Musuq-maasuq ee Anagaa Idiin Maamulayno Dhaqaalihiina,Maalmo Kadibna Warbaahinta Caalamka ay faafiso Dhaqaalihii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Laga Aruuriyay waxaa Dhacay oo Boorso Ku shubtay Nin Shirkadda ka Tirsanaa Magaciisuna Layiraahdo Dr.Magdi.

C- Hadaan Wada hadal iyo Wada Xaajood ku Dhamaysan Colaadeenna iyo Dhiiga Qubanaaya,Hadaan Karti iyo Dulqaad u yeelano Fikradaha kala duwan inaan Aqbalno, Dood Cilmiyeed ka yeelanno Fahamka Islaamka iyo Aragtiyada kala Duwan, Ciidamada Shisheeye iyo Shirkadaha Shisheeyaba wey Baxayaan iyadoon Dhiigba la daadinin, Shaki kuma jiro Taas,Waxaa Meesha ka baxaysa Minja Xaabo Kaste iyo Dibin-daabyo kaste oo Dalkeena iyo Dadkeenna lala Maaganaa, Sabab iyo Mar-marsiiyana looga Dhiganaayay Amaankiinaan Sugaynaa, iyo Waxaa Tihiin Umad Fashilantay Oon Waxba lagu Aamini Karin Iwm ah, Islaamka iyo Dacwada Islaamka oo fidda, Shacabka Muslimka ah oo helo Waxbarasho,Caafimaad iyo Dhakhaatiir ku filan,Biyo Nadiif ah Iyo Aqoon uu Isaga celiyo Umadaha kale waxay Ku xiran tahay AMAAN LA HELO, IYO SI HOOSE OON WAX ISUGU SHEEGNO,

Sidoo kale Dawladda Iyo Madaxda Qaranka waxaan ugu Baaqaynaa,Inay la yimaadaan Qorshe Balaaran oo Dhinacya badan Taabanaaya, Sida Siaaysadda, Horumarka iyo Did u Heshiiisiinta, Dawladda waxaan Ka Codsanaynaa inaan Loo gacan Dhaafin Al-Shabaab iyo Dhalinta Dagaalka kula jirta, ee waa Inay La yimaadaan Xaalad iyo Jawi lagu aamini karo,kalsoonina ay ku kasban karto, Ilaahay Ciqaabkiisaa inugu Dhacay ee aan ILaahay u wada Towbad keeno,

Avv.C/Qafaar Shiikh Axmed.
E-Mail.dool38@hotmail.com

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)