Somali News
    Hees  

Falanqaynta Siyaasadda: Madaxwayne Xassan & XNC sidee u muuqdaan ?W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog

Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu ku jiray xaalad dawlad la,aaneed muddo 22-Sanno , Marka laga hadlaayo sababaha dawlad la,aantaas  waxaan qabaa in ay dhinacyo badan yeelanayso Sidda qabyaaladda , Hoggaan Mabaadii,eed iyo kooxdiisa la aminsan la.aaneed Iyo kuwo kale .

Haddaba Qormadaydaan ah Falanqayn Siyaasadeedka waxaan ku eegayaa Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Xisbigiisa Xisbiga Nabadda Iyo Horumarka (XNC) af ajnabiyeedkana ku ah Peace and Development Party (PDP)  Sidda uu ay Muuqdaan Mabaadiida Madaxwaynuhu ayna ugu horayso Soo magacaabista R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo Baaqyadda Madaxwayne Xassan uu warbaahinta uga jeedinaayo Shacabka Soomaaliyeed .

Hordhac :
Dal waxa uu u bahaan yahay  Hoggaamiye leh aragti isbadal dhibaato jirta  , Koox la aminsan hoggaamiyaha Mabaadiida uu la nool yahay , Waa in uusan Hoggaamiyuhu u fakarayn sidda Shacabka , Kooxda aminsan Mabaadiida Hoggaamiyaha oo howsha qabataa waa mid muhiimaddaha ugu waawayn ka mid ah  si mabaadiida uu Hogaamiyuhu aminsan tahay meel mar  u noqdaan , Haddi aysan taladda dal lahayn koox shaqada qabanaysa oo aminsan mabaadiida hoggaamiyahooda  waxaa dhacaysa Sidda Soomaaliddu wada taqaano ee ah Madaxwayaha iyo R/wasaaraha ayaa isku dhagan , sababta ay isuggu dhagan yihiin waa in aysan ahayn dad isku mabaaadii aminsan .

Hoggaamiyu sidda uu u fakaraayo oo leh Siyaasadayn ayaa noqonaysa isabadalka halka laga naawilaayo , isbadalkaas oo ah in dhibaato jirta la xaliyo, Shacabku sheegasho ayay leeyihiin Go,aan ma yeeshaan , Shacabku waa dhibanayaal hal abuur himilo dhibka looga bixi karo ma leh , Hoggaamiyaha ayaa laga dhowraa  in uu dhibka dhigiisa oo dheef ah dhaliyo , In ay arintaasu dhacdo waa in uu hoggaamiyuhu yahay mid Hal abuur hoggaamineed leh , Ka gadaal marka ay garashadiisu curiso in uu noqdo Hoggaamiye waxaa uu ka fakaraa in uu dhibaatadda daraaseeyo , dhib ka bixidana saadaaliyo oo dhaho sidan iyo sidan oo ah aragti isbarbar dhigeed labba dhinacle ah oo uu ku eegaayo hal abuurkiisa , Hoggaamiyaha iyo kooxdiisu waa in ay leeyihiin sir aan dadku ogayn oo ah habka ay u meel marayso mabaadiidu looguna yeero siyaasadaynta aragtida oo ah sababa isbadal u dhaco, Hoggaamiyaha Sawir maskaxeedyo baddan ayaa laggu qeexaa aan intaas ku daayo oo aan is leeyahay Falanqaytaada ayay la xiiriraysaa .


Madaxwyanaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud  Hoggaamiye in uu noqdo garashadiisa waa ku dhalatay , Koox mabaadiida uu aminsan yahay la aminsana waa sameeyay oo Xisbi ayuu sameeyay isagga iyo saaxiiibadiisa kale ee ay xisbigga ka wada tirsan yihiin , Waxa uu ku guulaystay Hoggaaminta dalka burbursan ee Soomaaliya , Muddada yar ee uu joogo sidda aan u arko talaabooyinkiisa ayay noqonaysaa midda aan ku falanqaynaayo qormadayda ah 
Madaxwayne Xassan & XNC sidee u muuqdaan ? aan kala qaadqaado isbarbardhigana sameeyo si Akhristuhu uga bogto ayna u saamayso .


Madaxwyane Xassan :

Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud waa Hoggaamiye aan ku iman Kursiga in uu wadar dadeedyo Soomaaliyeed soo dilo marka aan leeyahay dad Soomaaliyeed ma soo dilin waxaan ognahay in Madaxwaynayaal Inna Soo maray Muddadi Burburka ay ahaayeen kuwo Aragtidooda Hoggaamin doonid ay usoo mareen  samaynta kooxo hubaysan oo Dad dila sidoo kalena ay isticmaaleen qaybtood in kursiga loo soo maro Kitaabka (Furqaan) oo la dhaho isagga ayaan ku dabaqayaa dalka muddo ka dibna dhanka kale loo weecdo oo la dhaho mayee Diinta Iyo Dowladnimaddu door iskuma yeelandoonaan .

Xassan Sheekh isaggu waa mid ka madaxbanaan in uu hoggaanka Dalka Soomaaliya noqday isagga oo ah mid mabaadiidiisu dad Soomaaliyeed soo dishay , Tusaalahaan uu yeelanaayo waxa uu noqonayaa mid ka duwan kuwi ugu dambeeyay ee dalka Dhibaataysan ee Soomaaliya dawaldnimaddiisa Hoggaamiyay .

Madaxwayne Xassan Maxuu inno sheegay:

Khudbaddo kala duwan ee uu jeediyay , Waraysiyo lala yeeshay ee aan dhagaystay anniga oo leh Madaxwayne Xassan aragtidiisa ogoow ayaan soo qaadanyaa hadal si mug wayn ii taabtay ee ah "Isbadalku waa xanuun badnaanayaa Wax badan oo hadda la haystona meesha waa ka baxayaan " Waxaa xaqiiqo ah in dareen dad ay la nool yihiin marka isbadal lagu samaynaayo oo uu hoggaamiyaha dal hoggaamiyaa aragtidiisa isbadal meelmarinaayo bulshaddana barbaarinaayo isagga iyo koox howl fulineedkiisu waxaa shacabka dareenkoooda la badalaayo la soo gudboonaanaaya dhibaato ah u xasaasiyadood dareemaddi hore ee ay la noolaayeen balse siddaan horay u sheegay Shacabku waa la hoggaamiyayaal .

Haddalkaanu waxa uu cadayn u yahay in Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisuba ay leeyihiin mabadii u dagsan oo ay rabaan in ay dalkaan ku dhaqaan Muddada wakhtigoodu yahay , Oraahdaan  ah Isbadalku waa xanuun badnaanayaa waxa kale oo ay cadaynaysaa in Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xisbigiisu yihiin kuwo isbadal doon ah ogna in dareen xumaaneedkan Soomaalidda dilooday ee ay la nool yihiin marka la badalaayo dadku ay dhibsanayaan oo ay u dhibsanayaan iyagga oo rabba in ay ahaadaan kuwo silic ku noolaanshonimadda in laga saaro ay  uga horayso ku xirnaanshaha koox odayeednimadda oo ah  u dhibaatoonta nin dhintay dartiisa 

Siddo kaleeto waxay cadaynaysaa in Madaxwayne Xassan aminsan yahay doorka isbadal doon in aan la oran karin go,aan ka gaara shacabka dhibaataysan ee xanuun maskaxeedka Qabyaaladdu dilootay arintaas inta aan la dooran Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu yiri "Waxaan meesha ka saarayaa Siyaasadda qabyaaladaysan " macnaheedu sidda uu isoo baxay waa 4.5 innogu qaybiya inay meesha ka baxdo waa mid yoolalkayaga ka mid ah in uu Madaxwaynuhu yiri .

"Federal-ka Hebel ayaa yiri waa wnaaagsan yahay kuma qaadanayno ee waan  ka doodaynaa " Waaa marka kale iyo Madaxwyane Xassan oo oraah leh Muqaal mabaadii,eed ay ka soo yeertay waxaana cadaynaaya oo aan annigu iswaydiiyaa Federal-ka yaa inno dooray ? Dhibaatadiisa waaqiciga aan ka dheehan karo ee ah Federal-ka Soomaaliya waa mid  raacaaya dareen qabyaaladeedka meel marna ma noqon karo waa siddaan qabee iyo dhigeeda oo ah waa la isku kabkabyaa inti is qaadan karta waa muhiim in laga doodo labbada dhinacba iyadda oo samata bixinta la eegaayo , cidda ka doodaysaana ay noqonayaan Indheer -arag mabaadii la nool iyo Madaxwayne Xassan iyo Kooxda ay isku si u arkaan xalka ee Xisbiga XNC ka tirsan .


Magacaabisti R/wasare Saacid

Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu u doortay Xilka Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon , Sidda aan Hayo Cabdi Faarax waxa uu ka tirsana Gollaha dhexe ee Xisbiga XNC , In ay yimaadaan Madaxwayne Iyo R/wasaare isku mabaadii ah ayaa noqonaysa mid aad muhiim u ah horayna aan Soomaaliya uga dhicin Muddadi dawlad la,aanta lagu jiray ee dadka Jamhuuriyadda Soomaaliya dayacsanaanta ku sii durkayeen , Arintaanu waxay meesha ka saaraysaa in isqabqabsi yimaado sababta oo ah  isku si ayay u wada arkaan in dhibaatadda looga gudbi karo .

Keenitaanka  R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ee uu keenay Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu ahaa mid Muddo la dhowraayay in uu Madaxwaynu R/wasaare magacaabo waana daahiyay waxa uu  Madaxwaynuhu ku macneeyay in uu la tashi samaynaayay way xaqiiq in Madaxwaynuhu dad badan la kulmay oo leh Annaga na sii "Qabyaaladd" , Hebel horay ayuu ugu soo dhexjiray siyaasadda oo waaya agarnimo ayuu leeyahay  iwm.

Waxaan oranayaa Madaxwayne Xassan waa u doornaa R/wasaarihiisu oo waxay noqonaysaa Sirta uu lahaa ee aan dadku ogayn halkaas waxaa ku cadaanaaya in ay leeyihiin isagga iyo xisbiguusuba yoolal iyo himilooyin ay higsanyaan .waxaa iyadduna Tusaale wanaagsan  ah daahinta magacaabista R/wasaaraha  iyo la tashiga badan oo noqonaaya Siyaasadayn jawaabtuna ay noqonayso hebel talladi ayaan ka dhex keenay,  waana door siyaasadayneed muhiim ah .

Madaxwayne Xassan &  XNC sidee u muuqdaan ?

Jawaabta aragidaydu waa waxay u muuqdaan kuwo isbadal higsanaaya lehna qaab isdalku ku meel mari karo marka aan si dhug leh u darso hadaladda Madaxwaynaha , Magacaabista R/wasarahaa kooxdiisa ka tirsan , ka hadalka dhibaatooyinka dalka ka jira ee u baahan xalka , waxyaabo badan oo kale ayaa horyaala oo u bahaan in la xaliyo hadda ayay bilaabanaysaa inay meel mariyaan mabaadiidooda ku astaysan isbadalka.

Saamaynta Shacabku muhiimad ma yeelaynayso shacabka Soomaaliyeed 96% waa kuwo xanuunsan oo la nool dareen xumaaneed dareenkaas oo ah kjan dhibaatadda ku hayay Mudda 22-Sanno ah oo ay ugu horayso dawlad la,aanta dib u xalisa dhibaatooyinka dalkeena ragaadiyay .

Waxay shacabka Soomaaliyeed marka aad dareenkooda ku aadan Xisbiga XNC ee dalka qabsaday ay sheegayaan koox ayaa xilalki isku soo koobtay ! Nin uu wato ayuu keenay ! Waxaa layaab ah kuwo aan  is wadan oo isku aragti ahayn haddi aysan imaan saw imaan maayaan kuwo is-haysta oo u kala orda Hailemariam Desalegn Iyo Yoweri kaguta Museveni  dabcan dhacdooyinkaasu waa kuwo sooyaalkeena aan ka dheehanayno mana mudna in ay na joogtaystaan  hadday sii socdaan waa halkeedi hore , muhiimad aad u saraysa ayay leedahay koox mabaadii,eed dawladnimadda daadihisa danaha dalka iyo dadkana u adeegta .

Arintaan ah Khilaafka oo salkiisu yahay in ay isla shaqeeyaan Hoggaamiye iyo koox aan isku aragti ahayn ayaan oran karaa Madaxwayne Xassan waa mid uu yaqaan dhibaatadeeda siddaas darteedna Xisbiga ayuu muhiimadda siiyay waana mid mudan in sidaas loo meel marsho mabaadiida .

Haddaan  ku dasrsado in ka baxsan Falanqaynta oo ah doorka shacabka Madaxwayne Xassan Shacabka Soomaaliyeed waa dad xanuun dilooday sidda aad hadda la muuqato ee ah Siyaasadayntu waa u door dadkaan Soomaaliyeed ee dhibaataysan , Kuwaas ayaa sidaas yiri iyo kuwaan ayaa sidaas raba ma ahan muhiim , Muhiimadu waa sida aad adigu Soomaaliya la rabto , In aad Fashilanto waxay noqonaysaa mid lagugu xusaayo cudurdaar ma yeelato fashilaadu ,Hoggaamiye Fashilma ee dal hoggaamiyaa marka uu yahay mid ku yimi doorasho ee ah mid dadku soo doorteen ama mid qaabkeena oo kale ah oo Golle awoodqaysi qabyaaladeed soo doorteen waxaa fashilkiisa keena marka uu u Siyaasadayn waayo Shacabka sidda uu la doonaayo iyo in uu koox mabaadii,eed lahayn howsha fulisa  , marxalad kasta oo adag waxay leedahay isbadal , waxaana badali kara sidda uu u fakaraayo hogaamiyahaasu  , In dhibaatadda la qeexo waa muhiin , xalka in aad curin hal abuureed u leedahay si dhab ahna aad ugu dhiiran tahay in xalku sidaas yahay waa door , Balse labbadaasuba meel marinta ma noqonayaa meel marintu waa in la hellaa qaabka lo socodsiinaayo mabaadiida , dhabahaas loo qaadaayo dhib ka bixidu ma ahan mid fudud ka fakarid badan ayay u baahan tahay, in aysan Fududayn waliba Soomaaliya oo kale ma ahan haddana in aysan xal lahayn xalku waxa uu maanta dhex yaal Garashada Kooxda XNC Iyo Hogaamiyahooda.

Idlayn :

Hoggaamiyahu sidda uu u fakaraayo ayay noqonaysaa Muhiimaddu , kooxda la shaqaynaysaana in ay yihiin kuwo amba qaadaaya oo meel marinaaya aragtida hoggaamiyahooda ee ay leeyihiin tallo ku darsashada iyo kala doodida iyo meel marinteeduna waa mid miisaan ku leh isbadalka .

Waxaan dhowraa waa Madaxwayne Xassan iyo Xisbiga XNC oo ilaa haatan usoo muuqda kuwo dhanka kooxnimadooda meel mariyay , in ay meel mariyaan sidaan qabo waa Muhiim , waxaana xigaaya Mabaadiidi ay aminsanaayeen oo la howl galiyo dadkana lagu duwo si dawada loo hello oo isbadal u dhaco , Soomaaliya dhibaatooyin Siysaadeed oo ay ugu horaysan Siyaasadda qabyaadaysan ayaa ka jira , dareen xanuuneedkaas in lala diriro waxaan ka sugaynaa kooxdan Cusub .

"Sir aysan Shacabku Ogayn waa in ay Jirtaa siyaasadda ayaa sidaas ah"


FG -Falanqayn Siyaasaddeed Ma ahan Mabaadiida qofku la nool yahay sidaan ayay u muuqataa waa sidaan ayaan u arkaa , sidda aad jeceshahay haddi aysan ahayn ma ahan in aad falanqaynta ku dabaqdo doonitaankaaga .

 


W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)