Somali News
    Hees  

Maqaal: Maxaa ugu wacan in dal xubin ka ah jaamacadda carabta, haddana labada mas’uul ee ugu sarraysa maamulka dalka aysan ku hadlayn afka carabiga

Dad badan oo caammada ka mid ah iyo kuwa jaahiliinta ahba waxaa maskaxda laga geliyay oo gumeystayaashii ay maskaxda ka geliyeen in qofkii aan af Ingiriis aqoon uu jaahil yahay, arrinkaasina waxay keentay in malaayiin ruux ay u dareeraan barashada afka Ingiriiska, xataa caammadii waxaa loo furay dugsiyo khaas ah oo lagu baranayo afka Ingiriiska, iyadoo danta laga lahaana arrinkaasi ay ahayd sidii loo ciribtiri lahaa afka carabiga.

Muran weyn ayaa markaasi dhashay oo ku salaysnaa in Soomaaliya ay tahay dal carbeed iyo in aysan ahayn, waxayna arrintaasi lagu lafaguray laguna muujiyay buugaag ay ka kala qoreen aqoonyahanno Soomaaliyeed, kuwa lehna Soomaaliya waa ummad carbeed waana lagama maarmaan in ay wax walba la wadaagto walaalahooda carabta ah, waxay sal uga dhigayeen in shacabku asal ahaan uu ka soo jeedo carab, halka ay kuwa kale ka leeyihiin: Soomaaliya waa dal muslim ah, hayeeshe aysan ahayn dal carbeed, taasina waxay inoo caddaynaysa bay leeyihiin: afka ay ku hadlaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan ahayn af carabi iyo dhaqanka iyo caadada Soomaalida oo ka duwan dhaqanka iyo caadada carabta.

Si kastaba arrintu ha noqotee waxaa aad looga shaqeeyay sidii Soomaaliya aysan ugu biirin jaamacadda carabta wax xiriir ahna aysan la lahaan ummadda carabeed,taasina waxay fududaynaysay in ummadda Soomaaliyeed sidii looga fogeyn lahaa barashada afka carabiga iyo diinta islaamka,laakiinse waxay dadkaasi illowsan yihiin in aysan isku shaqo ahayn carabnimoda iyo barashada carabiga,maxaa yeelay qofka muslimka ahi qoomiyad kasta ha noqdee waa ku khasab in uu barto afka carabiga si ay ugu fududaato akhrinta iyo fahamka qur’aanka kariimka ah iyo axaadiista nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.  

Intii aysan Soomaaliya xor noqon,Ingiriiskii iyo Talyaanigii dalka gumeysanaayay waxay halgan u galeen sidii Soomaaliya looga fogeyn lahaa xerada carabta iyo afka carabiga iyo diinta islaamka,Talyaanigu markuu ka tagaayay dalka,wuxuu maamulkii dalka uu ku hubsaday dad aan lahayn dhaqan carbeed afka carabigana aan aqoon u lahayn,markuu dalkii ka dhacayna afgenbigii militeriga ahaa,waxaa dalkii hoggaaminaayay qof aan shaqo ku lahayn carabi iyo carabnimo,waxaana markaasi fursad helay midowgii Sofiyeeti oo isaguna cadow ku ahaa dhaqanka carabta ah iyo afka carabiga,inkastoo Mareykanka iyo xulufadiisa ay ku guulaysteen in Soomaaliya ay ku hubsadaan ururka jaamacadda carabta,ulajeeddaduna waxay ahayd sidii Soomaaliya looga fogeyn lahaa xerada shuuciyada oo markaasi laga baqaayay in Soomaaliya oo mabda’aasi qaadatay ay ku faafiso deriskeeda oo mabda’aasi  shuuciyada ah laga neceb yahay.

Ku biiritaanka Soomaaliya ay ku biirtay jaamacadda carabta,waxaa laga lahaa dano gaar ahaaneed oo la ogsoon yahay,carabtuna intooda badan mey jeclayn in Soomaaliya ay ku soo biirto jaamacadda carabta,waxayna arrintaasi keentay in carabtu ay aad uga doodaan ku biiritaanka Soomaaliya ee jaamacadda carabta, waxayna intooda badan sal uga dhigeen in afka rasmiga ah ee dawladda ay tahay Soomaali,inkastoo markii danbe la oggolaaday in Soomaaliya ay ku soo biirto jaamacadda carabta iyagoo ku sababeeyay in asalka ummadda Soomaaliyeed ay yihiin ummad carbeed.

21 sannadood oo burburka iyo dawlad la’aanta lagu jiray, midowgii Sofiyeetina la jebiyay, ayaa dadaal badan loo galay sidii Soomaaliya si tartiib tartiib ah looga fogeyn lahaa carabta iyo afka carabiga,saaxiibna looga dhigi lahaa Itoobiya iyo Kenya,waxaase nasiib xumo noqotay in Soomaaliya oo ay maanta u dhalatay dawlad aan ku meel gaar ahayn saaxiibna la ah Itoobiya iyo Kenya,in madaxweynaha loo doortay Soomaaliya iyo ra’iisul wasaarihiisa uu magacawday aysan labaduba ku hadlayn afka carabiga, lagana yaabo in xiriirka ay la leeyihiin carabta uu hoos u dhaco, laakiinse haddii la doonayo in lagu sii jiro jaamacadda carabta xoolana laga soo liso, waa in wasiirada la magacaabayo gaar ahaan arrimaha dibedda iyo warfaafinta ay ahaadaan dad afka carabiga yaqaano oo carabta la hadli kara mashaariic horumareedna ka keeni kara.

Maxamedeyn
 mohamedein@hotmail.com

Den Haag/Holland

Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)