WAA LA YEERIYAY LAMASE SIXIN!!
Col. C/llaahi Yuusuf Madaxweyne mayal adag oo
miisaan siyaasadeed leh
Q.1aad
 |
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu ka
mid ahaa saddexdii xubnood ee Dowladdii rayidka ahayd u xilsaartay
sidii qaab Milateri loogu duugi lahaa Allaha u naxariistee Madaxweyne
C/rashiid Cali Sharma’arke 20-kii Oktoobar 1969-kii, xubnahaas
oo kala ahaa: Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Jan.
Maxamed Faarax Ceydiid iyo Col. C/qaadir Dheel, waxayna arrintan
ka reebtay inay wax ka ogaadaan dhaqdhaqaaqii Ciidamada Milateriga
ku doonayeen inay ku afgembiyaan Dowladdii
rayidka.
Col. C/llaahi Yuusuf wuxuu safka hore kaga jiray
Saraakiishii la qabsan weyday durduradii Kacaanka oo uu Jan. Siyaad
u arkayay inay cadow ku yihiin wuxuuna taasi ku muteystay in xabsiga
loo taxaabo, hase yeeshee wuxuu xornimadiisa dib u helay sanadkii
1977-kii markii uu oogmay dagaalkii dhex maray labada hoggaamiye
ee afkaarta Bolshifikis-ka ka hirgeliyay geeska Afrika J/lle Maxamed
Siyaad Barre iyo Col. Mingistu Xeyla Maryama. |
Dagaalkan waxaa si xoog leh ugu guuleystay Ciidamadii
Soomaaliya oo gacanta ku dhigay dhul aad u ballaaran, si fududna u dhex
jibaaxay Ciidamadii loogu magac daray Libaaxyadii Afrika, waxayse xaaladu
isbedeshay markii ay taageerada Sofiyeetiga si toos ah ugu wareegtay dhinaca
Itoobiya, taasoo keentay in isbedel ku dhaco xaalad dagaal, waxayna arrinta
isugu soo ururtay in Ciidamadii Soomaalida dib uga soo gurtaan goobihii
ay qabsadeen.
Koox ka mid ah Ciidamadii soo laabtay oo uu hor kacayo
Jan. Cirro ayaa abaabulay afgembi guul darreystay kaddib markii laga war
helay qorshihii ay raggaasi wateen, waxaana la dilay 17-Sarkaal oo lagu
eedeeyay inay hormuud u ahaayeen afgembigaas. Col. C/llaahi Yuusuf Axmed
wuxuu ku sugnaa xilligii uu dagaalka sida qaraar u socday saaga Bali iyo
Sidamo, iyadoo Ciidamadiisa aanay wax dagaal ah gelin, markii ay jabeen
Ciidamada Soomaaliya ayaa Saraakiisha sare iyo Wasiirka Gaashaandhigaba
waxay Jan. Siyaad ka codsadeen inuu dhaqaajiyo Ciidamada uu hoggaaminayo
Col. C/llaahi Yuusuf si dhabar jebin loogu sameeyo Ciidamada Itoobiya,
hase yeeshee taasai wuu diiday Jan. Siyaad isagoo ka cararayay in sumcad
weyn uu arrintaa ku helo Col. C/llaahi Yuusuf.
Markii ay xaaladu halkaa mareysay ayuu Col. C/llaahi Yuusuf u baxsaday
dalka Itoobiya, isagoo sanadkii 1979-kii ku asaasay ururka SSDF oo noqday
kii ugu horeeyay ee mucaarada siyaasadda Jan. Siyaad xilli ay dad badani
u sacab tumayeen hoggaamiyaha Kacaanka Oktoobar.
Sanadkii 1984-kii ayaa uu dhabar jab weyn ku dhacay Korneylka
iyo ururkiisa SSDF kaddib markii Jan. Siyaad ku guuleystay inuu dalka
dib ugu soo celiyo Saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ururka SSDF kaddib
markii uu gorgortan hoose la galay kuna qanciyay jagooyinka sarsare oo
uu ka siiyay Dowladiisa, iyadoo muddo kaddibna Korneylka oo ah nin mayal
adag ay isku dhaceen hoggaamiyihii Itoobiya Col. Mingistu, taasoo horseeday
in xabsiga loo taxaabo muddo lix sano ahna dhex
jiifo.
Xarga loo geystay Col. C/llaahi Yuusuf wuxuu hoos u dhac
ku riday halgankii ururka SSDF, taasoo keentay inuu Col. Mingistu uu door
bido inuu taageero abuurida ururro kale oo mucaarad ku ah Xukuumadii ay
iska soo horjeedeen, waxaana soo if baxay jabhadihii SNM iyo USC, kuwaas
oo galay kaalintii uu banneeyay ururka SSDF.
Col. C/llaahi Yuusuf waxaa xabsiga laga soo daayay sanadkii
1991-kii, kaddib kolkii la afgembiyay xukuumadii Col. Mingistu, iyadoo
khudbadii ugu horeeyay ee uu Korneylka u jeediyo taageerayaashiisa ku
sheegay inuu xabbad dib ugu soo celin doono sharaftii iyo heybadii ay
lahaayeen beesha uu ka dhashay, wuxuuna taa ka dhabeeyay markii uu magaalada
Gaalkacyo oo uu heystay Jan. Caydiid awood Milateri ku qabsaday.
Sanadkii 1992-kii waxay Col. C/llaahi Yuusuf fooda is
dareen ururka Al-Itixaad oo si xoog leh ugu hubeysnaa fariisimana ku lahaa
Gobolka Bari, dagaalkaas oo ugu dambeystii Korneylku ku guuleystay, wuxuuna
xubnihii Al-Itixaad ku qasbay inay kala firxadaan, waxayse ugu dambeyntii
xarun ka sameysteen magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose oo ay uga sii
tallaabeen magaalada Luuq ee gobolka Gedo.
Col. C/llaahi Yuusuf wuxuu dhex galay halgan cusub oo
siyaasadeed, kaddib markii uu Jan. Maxamed Abshir kaga guuleystay tartankii
loogu jiray Guddoomiyenimada ururka SSDF, taasoo Korneylka ku kaliftay
inuu isna sheegto inuu yahay Guddoomiyaha ururka SSDF, waxayna tallaabadaasi
keentay kala qeybsanaan soo wajahday siyaasiyiintii waaweynaa ee ururka.
Sanadkii 1993-kii ayuu Col. C/llaahi Yuusuf ku guuleystay
inuu heshiis ballaaran la galo Jan. Maxamed Faarax Ceydiid, heshiiskaas
oo ku saabsanaa sidii nabad waarta looga dhalin lahaa gobolka Mudug oo
ay wada degaan taageerayaasha labada hoggaamiye, iyadoo heshiiskaasi uu
si weyn u dhaqan galay, noqdayna midka kaliya ee si rasmi ah uga fulay
heshiisyadii ay dagaal oogayaasha Soomaaliya mudadii 14-ka ahayd wada
galeen.
Sanadkii 1995-kii ayay isku dhaceen Col. C/llaahi Yuusuf
iyo Jan. Maxamed Ceydiid, xilli uu Jananka K/Muqdisho ka waday dhismaha
Dowladdii Salballaar, wuxuuna khilaafku ka dhashay kaddib markii Col.
C/llaahi Yuusuf uu waayay jagada Ra’iisal Wasaaraha oo uu doonayay,
taasoo keentay inuu shirka isaga baxo, inkastoo uu Jan. Caydiid Dowladaas
dhisay 15-kii June 1995-kii.
Bilowga sanadkii 1997-kii ayuu Col. C/llaahi Yuusuf gaaray guul siyaasadeed,
kaddib markii siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan ururka SSDF go’aamiyeen
in Korneylka looga haro jagada ugu muhiimsan ee uu helo ururka SSDF, iyadoo
taa bedelkeedana uu Col. C/llaahi Yuusuf kaga tanaasulay sheegashadiisii
Guddoomiyenimadiisii SSDF.
Ka bixitaankii Col. C/llaahi Yuusuf ee shirkii Qaahira
uga socday kooxaha Soomaalida 23-kii November ayaa mar kale kor u sii
qaaday sumcadii siyaasadeed ee Korneylku ku lahaa bulshada ku dhaqan gobolada
haatan la isku yiraahdo Puntland, iyadoo Korneylka intuu shirka socday
ay isku dhaceen Xuseen Maxamed Ceydiid oo ay isku qabsadeen cida noqoneysa
Ra’iisal Wasaare awood badan oo ay yeelato Dowladda laga rajeynayo
inuu dhiso shirweynaha Qaran oo isna la filayay
inuu ka dhaco magaalada Baydhaba, shirkaasi oo noqday mid suurageli waayay.
Shirkii Qaahira kaddib Korneylku wuxuu qaaday tallaabo
siyaasadeed, iyadoo ururka SSDF 21-kii Janaayo 1998-kii shir ay yeesheen
ku go’aamiyeen dhismaha maamul goboleedka Puntland, kaasoo uu Madaxweyne
u noqday Col. C/llaahi Yuusuf, hase yeeshee Korneylka mar kale ayuu ku
soo furmay weerar siyaasadeed oo kaga yimid dhinaca Dowladdii C/qaasim
xilli uu dhammaaday jiritaanka Dowladiisa, 25-kii Agosto 2001 ayaa Guddoomiyihii
Maxkamadda sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur sheegay inuu xilkii Madaxweynenimada
kala wareegay C/llaahi Yuusuf, sida uu qabo dastuurka Puntland, dhinaca
kale col. C/llaahi Yuusuf oo isna shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay
in Yuusuf Xaaji Nuur uusan waxba ka ahayn Puntland 15 odayna ay magacaabeen,
odayaasha kale iyo shacabka Puntland ay isaga taageersan yihiin, iyadoo
26-kii Agosto 2001 la qorsheeyay shir la doonayay in xilka looga qaado
Col. C/llaahi Yuusuf kaas oo aan qabsoomin, hase yeeshee
muddo kaddib hirgalay xilkiina looga qaaday Col. C/llaahi Yuusuf, Madaxweynenimadana
loo doorto Jaamac Cali Jaamac, taasi oo korneylka ku kaliftay inuu u guuro
magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee sagaal bil kaddib ayuu awood Milateri
dib ugu qabsaday gobolada Puntland.
Col. C/llaahi Yuusuf inkatoo uu yahay nin mayal adag hadana
mudadii 25-ka sano ahayd ee uu ku dhex jiray halganka Jabhadeed wuxuu
noqday shaqsi ku dhaqma siyaasad aan guur guur lahayn, taasi oo ka dhigtay
in 100% lagu kalsoonaan karo, wuxuuna ka badbaaday adeegsiga siyaasadda
laba labeynta kudhisan oo ay ku sifoobeen inta badan hoggaamiyeyaasha
kooxaha Soomaalida, taasoo cuskan oraahyada dhahaya Siyaasaddu ma laha
saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan
joogto ah iyo waxaynu wadnaa siyaasad iib ah, waxaana geyneynaa hadba
meesha ay ka gadmeyso.
 |
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Atto.
Meles Zenawi oo tan iyo 1993-kii ku dhex milnaa door weynna ku lahaa
arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Col. C/llaahi Yuusuf u
arkay hoggaamiye miisaan culus oo siyaasadeed leh la iskuna halleyn
karo, taasoo keentay in Col. C/llaahi Yuusuf uu noqdo saaxibka ugu
dhow ee ay yeelato Dowladda Itoobiya. |
Intii lagu guda jiray shirkii mudada labada sano ahayd
uga socday kooxaha Soomaalida magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Col. C/llaahi
Yuusuf wuxuu ciyaaray diblomaasiyad xoog badan, wuxuuna ku guuleystay
in rag badan oo ay cadaawad u dhaxeysay uu u bedelo saaxibo, raggaas oo
ay ka mid ahaayeen C/qaasim Salaad Xasan iyo Maxamed Qanyare Afrax, Xuseen
Ceydiid, iyadoo
C/llaahi Yuusuf tallaabadan uu qaaday kaddib markii xubno ka tirsan SRRC-da
ay diideen in Col. C/llaahi Yuusuf uu noqdo musharaxa kaliya ee Golahaas,
xubnahaas oo iyagu qudhooda doonayay jagada Madaxweynenimada.
Markii ay dhacday doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka
15-kii November 2004 si baaxad lehna looga adkaaday musharaxii SRRC-da
Sheekh Aadan Madoobe ayaa waa’ cusub ku baryay Korneylka, wuxuuna
durbadiiba dejiyay qidad siyaasadeed oo aad u xoog badan kaddib markii
uu ku guuleystay inuu Golaha Baarlamaanka ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo
doorashada Madaxweynenimada ku beegneyd 22-ka November 2004 loona wareejiyo
Tobanka bishii Oktoobar.
Col. C/llaahi Yuusuf mar kaliya ayuu xagta saaray wadada guusha kaddib
kolkii uu Md. Xasan Abshir Faarax oo ah siyaasi qunyar socod ah sumcad
weyna leh kana gedmaya dhammaan kooxaha Soomaalida G-8, TNG, iyo Samatabixinta
uu u xilsaartay ololaha loolanka doorashada Madaxweynenimada, waxaana
dad badan lama filaan ku noqotay inuu saddexdii wareeg uga wada guuleystay
Col. C/llaahi Yuusuf, inkastoo dad badan oo aan aqoon u lahayn siyaasadda
iskana indha tiraya xaqiiqda dhabta ah ay weli ku hadaaqayaan in Korneylka
ay meesha keentay
Dowladda Itoobiya.
 |
Magacaabida Ra’iisal Wasaare
Cali Maxamed Geedi ma ahayn mid si fudud ku timid, waxaana loo galay
loolan iyo iska caabin aad u ballaaran, waxaana ka hor yimid isku
hor gudubyo ay ugu horeyso in qof aan Baarlamaanka ku jirin loo
magacaabo Ra’iisal Wasaaraha, taasoo noqotay albaab aan laga
gudbi karin.
Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) hoggaamiyaha gobolka
ugu nabadgelyada badan ayaa furay waddo cusub oo aan horay looga
baran siyaasadda Soomaaliya kaddib markii uu xubinimadiisii Baarlamaanka
uu iska casilay una banneeyay walaalkii Prof. Cali Maxamed Geedi,
taasoo dharbaaxyo culus iyo weji gabaxba ku noqotay kooxihii u ololeynayay
inaan Muddulood marnaba noqon Ra’iisal Wasaaraha Dowladda
Federaalka ee Soomaaliya. |
Hor istaaga Ra’iisal Wasaarenimada beesha Muddulood
intaas oo kaliya kuma ekaan ee waxaa sameysmay isbaheysi ka kooban beelaha
Hawiye, kuwaas oo iyagoo isku duuban Col. C/llaahi Yuusuf u sheegay in
musharaxa beesha Hawiye ee jagada Ra’iisal Wasaaraha uu yahay Maxamed
Qanyare Afrax, arrintaas oo kale jaha wareer dhalisay, hase yeeshee Col.
C/llaahi Yuusuf oo ah siyaasi dhinacyo badan wax ka fiiriya ogna culeyska
siyaasadeed ee beesha Muddulood ayaa qalinka ku duugay.
Prof. Cali Maxamed Geedi waa aqoonyahan ku taqasusay cilmiga
xoolaha kana mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jray kulliyadii xannaanada
xoolaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, mudadii 14-ka sano ahayna
la fal galay siyaasaddii ka jirtay Soomaaliya kana kororsaday aqoon iyo
waaya aragnimo qoto dheer oo u suuragelinaya inuu dhabarka u rito xilka
culus ee Hay’adda howl fulinta.
Intii ay Madaxweyne Col. C/llaahi yuusuf iyo Ra’iisal
Wasaare Cali Maxamed Geedi xulida iyo ka baaraan degida xubnaha ka midka
noqonaya Golaha Wasiirada ayaa lala helay dibir siyaasadeed oo aad u xanuun
badan, xubno qas-wadayaal ah oo si cad u hubay inaanay marnaba ka mid
noqoneyn Golaha Wasiirada oo garabsanaya Guddoomiyaha Baarlamaanka oo
ka careysnaa shaqsiyaad uu watay oo ka mid noqon waayay Dowladda ayaa
bilaabay urursi iyo diyaarinta mooshinkii lagu ridi lahaa Dowladda Prof.
Cali Maxamed Geedi, iyadoo xubnahaas ay ku andacoonayeen in lagu tuntay
qodobada 12 iyo 49.
Magacaabidii Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed
Geedi ee golihiisa Wasiirada 1-dii Disembar 2004 iyo dhameystirkeediiba
waxay ahayd tallaabo si taxadar leh looga fiirsaday laguna saleeyay xaaladii
dalka ka jirtay, iyadoo waliba noqotay muraayad ay iska daawan karaan
beelaha Soomaaliyeed, inkastoo aysan suuragal ahayn in beelaha Soomaaliyeed
oo idil ay ka dhex muuqdaan Golaha Wasiirada oo iminkaba lagu tilmaami
karo mid tankiisa la dhaafsiiyay.
 |
Waxay noqotay dhacdo layaab leh markii
11-kii bishan 154-xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka u codeeyeen
in la rido xukuumada Prof. Cali Maxamed Geedi, taasoo furtay albaab
cusub, waxaana yaab leh in xubnaha Baarlamaanka ee qorshahan wata
ay sugi waayeen xitaa inta Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed
Geedi uu Golaha Baarlamaanka soo hor dhigayo ansixinta Dowladiisa,
iyagoo wakhtigaas si fudud u diidi karay. |
Tallaabadan waxay noqotay mid hurdada ka kicisay Col.
C/llaahi Yuusuf oo u heystay in wax walba ay ku socdaan wadadii loogu
talagalay, waxaana haatan Korneylka qasab ku ah inuu kala furfuro isku
xirka ay abuureen kooxaha qas-wadayaasha ah isla markaana uu abuuray jawi
xubnaha Baarlamaanka u horseedaya inay noqdaan kuwo aan kahor imaan dhismaha
Qaranka Soomaaliyeed oo dhibaato weyn loo soo maray, inkastoo la ogyahay
in xubnaha Baarlamaanka ay 90% yihiin dadkii hor kacayay mushkiladihii
dalka ka dhacay, dib u magacaabida Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed
Geedi oo iminka heysta cashar wanaagsan ayaa la filayaa inay xaalada wax
badan ka bedesho, iyadoo Barfasoorka ay lama huraan ku tahay inuu qarda
jeexo hagar daamooyinka ay u maleegayaan kooxaha sababay in la rido Dowladiisa.
Waa socotaa…
W/Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan
muusekiimiko@hotmail.com
WAA LA YEERIYAY
LAMASE SIXIN!!
Col. C/llaahi Yuusuf Madaxweyne mayal adag oo
miisaan siyaasadeed leh
Q.2aad
Bilowga sanadkii 1997-kii ayuu Col. C/llaahi Yuusuf gaaray
guul siyaasadeed, kaddib markii siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan ururka
SSDF go’aamiyeen in Korneylka looga haro jagada ugu muhiimsan ee
uu helo ururka SSDF, iyadoo taa bedelkeedana uu Col. C/llaahi Yuusuf kaga
tanaasulay sheegashadiisii Guddoomiyenimadiisii SSDF.
Ka bixitaankii Col. C/llaahi Yuusuf ee shirkii Qaahira
uga socday kooxaha Soomaalida 23-kii November ayaa mar kale kor u sii
qaaday sumcadii siyaasadeed ee Korneylku ku lahaa bulshada ku dhaqan gobolada
haatan la isku yiraahdo Puntland, iyadoo Korneylka intuu shirka socday
ay isku dhaceen Xuseen Maxamed Ceydiid oo ay isku qabsadeen cida noqoneysa
Ra’iisal Wasaare awood badan oo ay yeelato Dowladda laga rajeynayo
inuu dhiso shirweynaha Qaran oo isna la filayay inuu ka dhaco magaalada
Baydhaba, shirkaasi oo noqday mid suurageli waayay.
Shirkii Qaahira kaddib Korneylku wuxuu qaaday tallaabo
siyaasadeed, iyadoo ururka SSDF 21-kii Janaayo 1998-kii shir ay yeesheen
ku go’aamiyeen dhismaha maamul goboleedka Puntland, kaasoo uu Madaxweyne
u noqday Col. C/llaahi Yuusuf, hase yeeshee Korneylka mar kale ayuu ku
soo furmay weerar siyaasadeed oo kaga yimid dhinaca Dowladdii C/qaasim
xilli uu dhammaaday jiritaanka Dowladiisa, 25-kii Agosto 2001 ayaa Guddoomiyihii
Maxkamadda sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur sheegay inuu xilkii Madaxweynenimada
kala wareegay C/llaahi Yuusuf, sida uu qabo dastuurka Puntland, dhinaca
kale col. C/llaahi Yuusuf oo isna shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay
in Yuusuf Xaaji Nuur uusan waxba ka ahayn Puntland 15 odayna ay magacaabeen,
odayaasha kale iyo shacabka Puntland ay isaga taageersan yihiin, iyadoo
26-kii Agosto 2001 la qorsheeyay shir la doonayay in xilka looga qaado
Col. C/llaahi Yuusuf kaas oo aan qabsoomin, hase yeeshee muddo kaddib
hirgalay xilkiina looga qaaday Col. C/llaahi Yuusuf, Madaxweynenimadana
loo doorto Jaamac Cali Jaamac, taasi oo korneylka ku kaliftay inuu u guuro
magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee sagaal bil kaddib ayuu awood Milateri
dib ugu qabsaday gobolada Puntland.
Col. C/llaahi Yuusuf inkatoo uu yahay nin mayal adag hadana
mudadii 25-ka sano ahayd ee uu ku dhex jiray halganka Jabhadeed wuxuu
noqday shaqsi ku dhaqma siyaasad aan guur guur lahayn, taasi oo ka dhigtay
in 100% lagu kalsoonaan karo, wuxuuna ka badbaaday adeegsiga siyaasadda
laba labeynta kudhisan oo ay ku sifoobeen inta badan hoggaamiyeyaasha
kooxaha Soomaalida, taasoo cuskan oraahyada dhahaya Siyaasaddu ma laha
saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan joogto ah iyo waxaynu wadnaa siyaasad
iib ah, waxaana geyneynaa hadba meesha ay ka gadmeyso.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Atto. Meles Zenawi oo
tan iyo 1993-kii ku dhex milnaa door weynna ku lahaa arrimaha dib u heshiisiinta
Soomaaliya ayaa Col. C/llaahi Yuusuf u arkay hoggaamiye miisaan culus
oo siyaasadeed leh la iskuna halleyn karo, taasoo keentay in Col. C/llaahi
Yuusuf uu noqdo saaxibka ugu dhow ee ay yeelato Dowladda Itoobiya.
Intii lagu guda jiray shirkii mudada labada sano ahayd
uga socday kooxaha Soomaalida magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Col. C/llaahi
Yuusuf wuxuu ciyaaray diblomaasiyad xoog badan, wuxuuna ku guuleystay
in rag badan oo ay cadaawad u dhaxeysay uu u bedelo saaxibo, raggaas oo
ay ka mid ahaayeen C/qaasim Salaad Xasan iyo Maxamed Qanyare Afrax, Xuseen
Ceydiid, iyadoo C/llaahi Yuusuf tallaabadan uu qaaday kaddib markii xubno
ka tirsan SRRC-da ay diideen in Col. C/llaahi Yuusuf uu noqdo musharaxa
kaliya ee Golahaas, xubnahaas oo iyagu qudhooda doonayay jagada Madaxweynenimada.
Markii ay dhacday doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka
15-kii November 2004 si baaxad lehna looga adkaaday musharaxii SRRC-da
Sheekh Aadan Madoobe ayaa waa’ cusub ku baryay Korneylka, wuxuuna
durbadiiba dejiyay qidad siyaasadeed oo aad u xoog badan kaddib markii
uu ku guuleystay inuu Golaha Baarlamaanka ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo
doorashada Madaxweynenimada ku beegneyd 22-ka November 2004 loona wareejiyo
Tobanka bishii Oktoobar.
Col. C/llaahi Yuusuf mar kaliya ayuu xagta saaray wadada
guusha kaddib kolkii uu Md. Xasan Abshir Faarax oo ah siyaasi qunyar socod
ah sumcad weyna leh kana gedmaya dhammaan kooxaha Soomaalida G-8, TNG,
iyo Samatabixinta uu u xilsaartay ololaha loolanka doorashada Madaxweynenimada,
waxaana dad badan lama filaan ku noqotay inuu saddexdii wareeg uga wada
guuleystay Col. C/llaahi Yuusuf, inkastoo dad badan oo aan aqoon u lahayn
siyaasadda iskana indha tiraya xaqiiqda dhabta ah ay weli ku hadaaqayaan
in Korneylka ay meesha keentay Dowladda Itoobiya.
Waa socotaa…
W/Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan
muusekiimiko@hotmail.com
WAA LA YEERIYAY
LAMASE SIXIN!!
Maxaa keenay in Dowladda Prof. Cali Maxamed Geedi
la rido kahor intii uusan Ra’iisal Wasaaraha weydiisan Golaha Baarlamaanka
cod kalsooni leh?!!
Q.3aad
Magacaabida Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi
ma ahayn mid si fudud ku timid, waxaana loo galay loolan iyo iska caabin
aad u ballaaran, waxaana ka hor yimid isku hor gudubyo ay ugu horeyso
in qof aan Baarlamaanka ku jirin loo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha,
taasoo noqotay albaab aan laga gudbi karin.
Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) hoggaamiyaha gobolka ugu
nabadgelyada badan ayaa furay waddo cusub oo aan horay looga baran siyaasadda
Soomaaliya kaddib markii uu xubinimadiisii Baarlamaanka uu iska casilay
una banneeyay walaalkii Prof. Cali Maxamed Geedi, taasoo dharbaaxyo culus
iyo weji gabaxba ku noqotay kooxihii u ololeynayay inaan Muddulood marnaba
noqon Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Hor istaaga Ra’iisal Wasaarenimada beesha Muddulood
intaas oo kaliya kuma ekaan ee waxaa sameysmay isbaheysi ka kooban beelaha
Hawiye, kuwaas oo iyagoo isku duuban Col. C/llaahi Yuusuf u sheegay in
musharaxa beesha Hawiye ee jagada Ra’iisal Wasaaraha uu yahay Maxamed
Qanyare Afrax, arrintaas oo kale jaha wareer dhalisay, hase yeeshee Col.
C/llaahi Yuusuf oo ah siyaasi dhinacyo badan wax ka fiiriya ogna culeyska
siyaasadeed ee beesha Muddulood ayaa qalinka ku duugay.
Prof. Cali Maxamed Geedi waa aqoonyahan ku taqasusay cilmiga
xoolaha kana mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jray kulliyadii xannaanada
xoolaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, mudadii 14-ka sano ahayna
la fal galay siyaasaddii ka jirtay Soomaaliya kana kororsaday aqoon iyo
waaya aragnimo qoto dheer oo u suuragelinaya inuu dhabarka u rito xilka
culus ee Hay’adda howl fulinta.
Intii ay Madaxweyne Col. C/llaahi yuusuf iyo Ra’iisal
Wasaare Cali Maxamed Geedi xulida iyo ka baaraan degida xubnaha ka midka
noqonaya Golaha Wasiirada ayaa lala helay dibir siyaasadeed oo aad u xanuun
badan, xubno qas-wadayaal ah oo si cad u hubay inaanay marnaba ka mid
noqoneyn Golaha Wasiirada oo garabsanaya Guddoomiyaha Baarlamaanka oo
ka careysnaa shaqsiyaad uu watay oo ka mid noqon waayay Dowladda ayaa
bilaabay urursi iyo diyaarinta mooshinkii lagu ridi lahaa Dowladda Prof.
Cali Maxamed Geedi, iyadoo xubnahaas ay ku andacoonayeen in lagu tuntay
qodobada 12 iyo 49.
Magacaabidii Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed
Geedi ee golihiisa Wasiirada 1-dii Disembar 2004 iyo dhameystirkeediiba
waxay ahayd tallaabo si taxadar leh looga fiirsaday laguna saleeyay xaaladii
dalka ka jirtay, iyadoo waliba noqotay muraayad ay iska daawan karaan
beelaha Soomaaliyeed, inkastoo aysan suuragal ahayn in beelaha Soomaaliyeed
oo idil ay ka dhex muuqdaan Golaha Wasiirada oo iminkaba lagu tilmaami
karo mid tankiisa la dhaafsiiyay.
Waxay noqotay dhacdo layaab leh markii 11-kii bishan 154-xubnood
oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka u codeeyeen in la rido xukuumada Prof.
Cali Maxamed Geedi, taasoo furtay albaab cusub, waxaana yaab leh in xubnaha
Baarlamaanka ee qorshahan wata ay sugi waayeen xitaa inta Ra’iisal
Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi uu Golaha Baarlamaanka soo hor dhigayo
ansixinta Dowladiisa, iyagoo wakhtigaas si fudud u diidi karay.
Tallaabadan waxay noqotay mid hurdada ka kicisay Col.
C/llaahi Yuusuf oo u heystay in wax walba ay ku socdaan wadadii loogu
talagalay, waxaana haatan Korneylka qasab ku ah inuu kala furfuro isku
xirka ay abuureen kooxaha qas-wadayaasha ah isla markaana uu abuuray jawi
xubnaha Baarlamaanka u horseedaya inay noqdaan kuwo aan kahor imaan dhismaha
Qaranka Soomaaliyeed oo dhibaato weyn loo soo maray, inkastoo la ogyahay
in xubnaha Baarlamaanka ay 90% yihiin dadkii hor kacayay mushkiladihii
dalka ka dhacay, dib u magacaabida Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed
Geedi oo iminka heysta cashar wanaagsan ayaa la filayaa inay xaalada wax
badan ka bedesho, iyadoo Barfasoorka ay lama huraan ku tahay inuu qarda
jeexo hagar daamooyinka ay u maleegayaan kooxaha sababay in la rido Dowladiisa.
Waa socotaa…
W/Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan
muusekiimiko@hotmail.com
WAA LA YEERIYAY
LAMASE SIXIN!!
[Sidee Dowladda Col. C/llaahi Yuusuf kaga badbaadi
kartaa burburkii ku dhacay xukuumadihii ka horeeyay ee Cali Mahdi iyo
Xuseen Ceydiid?!!]
Q.4aad
Ujeedada aan ka leenahay qormooyinkan ayaa ah in Col.
C/llaahi Yuusuf uu ku tusaale qaato burburkii ku dhacay Dowladihii isaga
kahoreeyay ee ay kala hoggaaminayeen Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad
Xasan laguna soo kala dhisay dalka Jabuuti.
Aan ku horeyno Cali Mahdi Maxamed oo ah siyaasi qunyar
socod ah masraxa siyaasadana soo galay sanadkii 1968-kii kaddib markii
uu ka mid noqday Baarlamaanka Dowladdii rayidka ahayd, sidoo kale Cali
Mahdi wuxuu ka mid ahaa xubnihii saxiixay Bayaankii la magac baxay Manifesto
1990-kii xilli ay sii laciifeysay awooda Dowladdii Siyaad Barre.
Cali Mahdi wuxuu kaalin firfircoon kaga jiray halgankii
xukunka looga riday Jan. Maxamed Siyaad Barre, iyadoo ridistii kaddib
si degdeg ah loogu magacaabay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya,
taas oo dadka qaar u arkayeen inay tahay tallaabo lagu degdegay oo aan
laga fiirsan.
16-kii Janaayo 1991-kii maalintii 17-aad ee Kacdoonka
Muqdisho ayaa waxaa magaalada soo galay Jan. Ceydiid, iyadoo si weyn loo
soo dhoweeyay lana ammaanay, hase yeeshee waxaa layaab lahayd in saddex
maalmood kaddib la inkiray isaga iyo halgankiisiiba, tallaabadaas oo horseed
u noqotay inuu dib isaga laabto dalka Itoobiya.
Dhibaatadii ugu weyneyd ee ku dul habsata Dowladda Cali
Mahdi ayaa dhacday kaddib markii Ra’iisal Wasaarihiisa Cumar Carte
Qaalib uu ku guuleystay inuu burburiyo Ciidamada Qaranka, isagoo wata
qorshe dahsoon oo uu Xukunka gobolada Waqooyi ugu gacan banneynayay ururka
SNM, 29-kii Janaayo 1991-kii ayuu Ciidamada ku amray inay isu dhiibaan
Jabhadaha ka taliya gobolada ay joogaan.
18-kii Agosto 1991-kii ayay lix urur magaalada Jabuuti
ku doorteen in Cali Mahdi noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,
iyadoo xubno matalayay Guddoomiyihii ururka USC marxuum Jan. Maxamed Faarax
Ceydiid oo kala ahaa: Maxamed faarax Jimcaale iyo Cumar Xaashi Aadan ay
iyana qalinka ugu duugeen Madaxweynenimada Cali Mahdi, waxaase nasiib
darro noqotay in Jan. Caydiid uusan ka soo qeyb gelin dhaartii Cali Mahdi
oo ka dhacday guriga ummadda.
Cali Mahdi wuxuu guda galay dhameystirkii Dowladiisa,
isagoo loo arkayay inuu gacanta u galay kooxdii Manifesto, waxaana dhacday
in beelaha qaar uu si weyn u soo dhoweystay, gacantana u geliyay Wasaarado
iyo qeybo kale oo muhiim ah, halka uu kuwo kalena si taxadat leh isaga
ilaalinayay, sidaa ay tahayna Cali Mahdi waxaa loo arkayay nin daacad
ah.
Waxaa bilowday isku dhacyo soo noqnoqday oo u dhaxeeyay
beelaha ay ka kala dhasheen Cali Mahdi iyo Jan. Caydiid, iyadoo guddigii
beesha Hawiye ee loo xilsaaray xalinta khilaafka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha
ururka USC ay noqdeen kuwo kuleyl iyo qabow midna aanay ku heynin dhibaatada,
iyadoo go’aankii afhayeenka beelaha Hawiye Xaaji C/llaahi Fiidow
uu noqday “Ceydiid gar leh, Calina jid leh,”, taasi oo xaalada
sii murjisay.
Isku soo wada duub waxaa qarxay dagaalkii burburka weyn
geystay ee dhex maray taageerayaasha labada hoggaamiye 17-kii November
1991-3da Maarso 1992-kii, wuxuuna dagaalkaasi horjeeday in Muqdisho u
qeybsanto Waqooyi oyo Koofur ayna abuurmaan qadad cagaaran, dhibaatooyinkii
horseeday burburkii ku dhacay Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi
waxaa ka mid ahaa burburintii Ciidamada Qalabka sida ee Ra’iisal
Wasaare Cumar Carte Qaalib, Jan. Maxamed Faarax Caydiid oo si cad uga
soo horjeestay kana hor istaagay inay si buuxda u howlgasho Dowladda Cali
Mahdi oo aan wax aqoonsi Caalami ah iyo taageero dhaqaale midna helin,
Cali Mahdi oo gacanta u galay kuna soo koobmay talada kooxdii ay ku wada
jireen Bayaankii Manifesto, kuwaasoo diidanaa dhismaha Ciidamada qalabka
sida isla markaana matalayay gobolo aanay awood ku lahayn oo aysan ka
fulin karin hadafka Dowladda.
Dowladdii Cali Mahdi kama tegin waxqabad lagu xusuusto
oo ay shacabku kala hareen, waxayna u tahay Col. C/llaahi Yuusuf tusaale
wanaagsan, marba haddii ay Dowladaasi u burburtay mucaarad kaga yimid
hal shaqsi oo kaliya, halka ay Dowladiisa ku soo wajahan tahay mucaaradad
xoog leh oo ka imaaneysa qabqablayaal dagaal oo fara badan oo u xuub siibtay
Xildhibaano Baarlamaan.
W/Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan
muusekiimiko@hotmail.com
WAA LA YEERIYAY
LAMASE SIXIN!!
[Sidee Dowladda Col. C/llaahi Yuusuf kaga badbaadi
kartaa burburkii ku dhacay xukuumadihii ka horeeyay ee Cali Mahdi iyo
Xuseen Ceydiid?!!]
Q.5aad
C/qaasim Salaad Xasan wuxuu ahaa Wasiirkii arrimaha gudaha
ee Dowladdii Milateriga ee afka loo rogay 26-kii Janaayo 1991-kii, wuxuu
kaloo ka mid ahaa Wasiirada aan marnaba dhicin ee soo maray Dowladdii
marxuum Maxamed Siyaad Barre, mudadii tobanka sano ahayd ee u dhaxeysay
1991—2000 wuxuu ahaa siyaasi qunyar socod ah oo aan ka qeyb gelin
dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, inkastoo hamigiisii ku aadanaa
inuu mar kale siyaasadda ka dhex muuqdo u dahsoonaa.
18-kii Oktoobar 1999-kii C/qaasim oo ay wehliyeen Jan.
Maxamed Nuur Galaal iyo Maxamed Xaashi Dhuxulow ayaa booqasho ku tegay
dalka Jabuuti, waxayna la kulmeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo
xilli uu loolanka ku jiray doorashada Madaxweynenimada ballanqaaday in
haddii la doorto uu Soomaaliya dowlad u dhisi doono, taasi oo uu ka dhabeeyay.
Shirkii Carta oo socday intii u dhaxeysay 2-dii May ilaa
26-kii Agosto 2000 ayaa C/qaasim Salaad loogu doortay Madaxweynenimo,
iyadoo ay la loolameen 16-xubnood oo uu ku jiray Madaxweynihii isaga ka
horeeyay Cali Mahdi Maxamed, doorashadaas kaddib C/qaasim oo ay wehliyaan
90-Xildhibaan ayaa 30-kii Agosto 2000 booqasho tijaabo ah ku yimid magaalada
Muqdisho, iyadoo ay soo dhoweyntiisa ka qeyb qaateen 200 Baabuur oo isugu
jira tikniko iyo Baabuurta yar yar, waxaana taa u dheeraa isagoo Garoonka
Muqdisho Stadium kula hadlay dadweyne lagu qiyaasay 60-Kun oo qofood,
taasoo u horseeday in Dowladiisa Muqdisho si fudud ku keeni karo.
C/qaasim wuxuu nasiib u yeeshay inuu aqoonsi Caalami ah
si degdeg ah ku helo, kaddib markii uu ka qeyb galay shirar is xig xigay
oo ay yeesheen Q/Midoobay, ururka Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta,
Midowga Afrika iyo dalalka IGAD uuna C/qaasim durbadiiba la saanqaaday
dalal Carab ah oo ay ka mid ahaayeen Sacuudi Carabiya, Yeman, Liibiya
iyo Qadar, iyadoo dalalkaasi siiyeen deeq isugu jirta Lacag, Dawo, Raashin
iyo saanad Milateri.
Sagaalkii bilood ee ugu horeysay Dowladdii C/qaasim waxay
sameysay dhaqdhaqaaq xoog badan oo shacabka rajo geliyay, waxayse dharbaaxyada
horeysa haleeshay markii ay isku dhaceen C/qaasim iyo Ra’iisal Wasaarihiisa
ugu horeeyay Cali Khaliif Galleyr, waxayna labada nin isaga hor yimaadeen
qaabka loo maamulayo lacagaha ay ka soo heleen dalalka Carabta, iyadoo
arrintaasi horseeday in C/qaasim oo garabsanaya Golaha Baarlamaanka uu
ka taqaluso Cali Khaliif Galleyr.
C/qaasim Salaad Xasan wuxuu qaaday wadadii Dowladdii Cali
Mahdi kaddib markii uu hor istaagay dhismaha Ciidamada Qalabka sida kana
door biday maleeshiyo beeleedyo tiradoodu gaareyso 16-Kun qofood oo ay
Bil walba ku baxeysay 800-Kun Dollar oo ay dheer yihiin kharashyada shidaalka
iyo adeegyada kale, iyadoo maleeshiyooyinkaas ay ka amar qaadanayeen Ganacsato
iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa.
C/qaasim waxaa si weyn loogu xusuustaa sicir bararkii
ugu baaxada weynaa ee dalka ka dhacay mudadii 14-ka ahayd oo ay horseedeen
Ganacsato isaga ku xirnaa, kuwaas oo dalka soo geliyay lacag dhan 3-Bilyan
Sh.So. iyadoo qiimaha halkii Dollar uu garay 30-Kun Shilin, isla markaana
ay suuqa ka baxday lacagta 500.
C/qaasim iyo Dowladiisaba waxay gacanta u gashay Ganacsato,
Odayaal dhaqameedyo iyo urur diimeedyada Al-Islaax iyo Al-Itixaad, waxaana
dhibaato weyn ku noqday sida uu siyaasadiisa uga gadi laha dalalka Mareykanka
iyo Itoobiya oo si weyn uga biyo diidanaa xubno si aad ah ugu xirnaa C/qaasim
kana tirsanaa ururada Al-Islaax iyo Al-Itixaad.
13/08/2001 ayuu C/qaasim caddeeyay in dowladiisu ku sugan
tahay xaalad gaabis ah oo ay sabab u tahay lug jiidid iyo faragelin shisheeye,
dalkuna uu ku sugan yahay xaalad qatar ah una baahan difaac, dhinaca kale
wuxuu C/qaasim ku guul darreystay inuu si buuxda ula heshiiyo hoggaamiye
kooxeedyadii ka soo horjeeday ee ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyadoo
dad badan ay weli la yaaban yihiin waxa C/qaasim ku kalifay inuu xilka
ka qaado laba Ra’iisal Wasaare, Guddoomiye Baarlamaan, Wasiiro,
Guddoomiyeyaashii Maxkamadaha Sare, Racfaanka iyo G/Banaadir, Taliyihii
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir iyo
waliba abaanduuliyihii Xooga dalka, waxaana shaki ku jirin in tallaabadaasi
ahayd qaab Diktaatooriyad oo uu ka dhaxlay xukuumadii Kacaanka.
Dowladdii C/qaasim kama tegin waxqabad lagu xusuusto,
inkastoo ay gacanta ku dhigtay lacag dhan 152-Milyan Dollar, iyadoo nasiib
darrada ugu weyneyd ee soo wajahday ay ku noqotay furida Dekedda iyo Garoonka
Diyaaradaha Muqdisho oo ay dalalka Carabta u dulsaareen lacag dhan 450-Milyan
Dollar, tanina waa tusaale kale oo loo baahan yahay in Col. C/llaahi Yuusuf
uu ku cibro qaato si uu Dowladiisa uga badbaadiyo wixii qabsaday raggii
isaga ka horeeyay.
W/Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan
muusekiimiko@hotmail.com
WAA LA YEERIYAY
LAMASE SIXIN!!
[Saameyn intee la’eg bay ku yeelaneysaa
Dowladda Col. C/llaahi Yuusuf loolanka Biyaha Wabiga NIIL ee u dhaxeeya
Xukuumadaha Itoobiya & Masar?!!]
Q.6aad
Tan iyo markii afka loo rogay Xukuumadihii ka kala talinayay
dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya bog cusub ayaa u furmay xiriirka labada
dal, iyadoo dhacdada aanay weligood iloobeyn shacabka Soomaaliyeed ay
tahay soo dhoweyntii qiimaha badneyd ee dalka Itoobiya kala kulmeen qaxootigii
u firxaday, iyadoo la ogyahay sida ay dadkeena ula dhaqmeen dalal badan
oo lagu sheegi jiray inaynu saaxibo iyo walaalo nahay.
Doorka siyaasadeed ee Dowladda Itoobiya ku leedahay dib
u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuu soo ifbaxay sanadkii 1993-kii, kolkaas
oo magaalada Addis Ababa la isugu geeyay kooxihii dalka ka jiray oo tiradoodu
gaareysay 15, inkastoo heshiiskii halkaas lagu gaaray uu shaqeyn waayay,
sababtoo ah ma jirin hoggaamiye doonayay inuu bedelo hadafkiisii siyaasadeed
ee xukun-doonka ku dhisnaa.
Wixii ka dambeeyay Geeridii Jan. Maxamed Faarax Caydiid
1-dii Agosto 1996-kii, Madaxweynenimada Dowladdii Salballaarna si dhaxaltooyo
ah loogu wareejiyay wiilkiisii Xuseen Maxamed Caydiid waxaa hoos u dhac
uu ku yimid xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Janaraalka iyo Ra’iisal
Wasaare Meles Zenawi, waxayna dhibaatada ka timid Xuseen Caydiid oo u
leexday dhanka Ereteriya oo cadaawad xoog leh Itoobiya kala dhaxeysay,
iyo waliba isagoo dalka keenay Ciidamada Jabhadda Xoreynta Oromada OLF-ta,
kuwaasoo xarun uga dhigay gobolada Bay iyo Bakool.
Xuseen Caydiid oo Idaacadda isaga taageerta ee Codka Shacabka
kaga hadlay safar uu ku kala bixiyay dalalka Masar, Yeman iyo Kenya ayaa
sheegay inuu dalka Masar kula kulmay ergey ka socday Madaxweynaha Ereteriya
Esaes Afawerke, wuxuuna intaa raaciyay in Ereteriya si aan leex leexad
lahayn u taageertay Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo qiimeyneysa halgankii
marxuum Jan. Maxamed Faarax Caydiid, arrimahaas oo cirka ku sii shareeray
khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac.
Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi isagoo ka duulaya
arrintaas ayuu ku dhaqaaqay inuu isu keeno dhammaan kooxihii ka soo horjeeday
Dowladdii Salballaar, kuwaas oo tiradoodu ahayd 26-Urur 3-dii Janaayo
sanadkii 1997-kiina tuulada Sodare ugu dhisay Golaha Badbaadada Qaranka
NSC, kaasoo ka koobnaa 40-xubnood oo ay hormuud u yihiin shan xubnood
oo Guddoonka wareega ah, kuwaasoo kala ahaa: Col. C/llaahi Yuusuf, Cali
Mahdi Maxamed, Cusmaan Xasan Cali (Caato), Marxuum C/qaadir Maxamed Aadan
Zoppe iyo marxuum Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow), waxayna kooxihii ku shiray
Sodare isku raaceen in 10-ka Juun 1997-kii shirweyne Qaran lagu qabto
magaalada Boosaaso.
20-kii Janaayo 1997-kii ayay ku dhacday xagal daacintii
ugu horeysay qorshihii Meles Zenawi, kaddib markii Danjirihii Talyaaniga
uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya Giusepe Casini oo shir lama filaan
ah Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho isugu geeyay Xuseen Caydiid
iyo Cali Mahdi, shirkaas oo kala shaki weyn dhex dhigay kooxda Sodare
oo awalba ahaa rag kala wata afkaaro iska soo horjeeda, arrinta kaliya
ee ay ku mideysan yihiina ay ahayd nacaybka ay u wada qabeen Dowladdii
Salballaar ee hormuudka u ahaa Xuseen Caydiid.
Rajadii laga qabay qabashada shirka Boosaaso 10-kii June
1997-kii ayaa mar kaliya burburtay kaddib markii Cali Mahdi oo ka mid
ahaa tartanka wareega ah ee Golaha NSC uu si gaar ah 27—28-kii May
1997-kii heshiis ka kooban 7-qodob ugula saxiixday magaalada Qaahira ee
dalka Masar Xuseen Maxamed Caydiid, iyadoo qodobada heshiiska ay ka mid
ahaayeen:-
In Dhibaatada Soomaaliya si nabad ah lagu xaliyo.
In la baabi’iyo cadaawada kala dhex gashay Soomaalida laga bilaabo
27—28-ka May 1997.
In la sameeyo diyaar garow kasta iyo dadaalkii lagu qaban lahaa shirweyne
Qaran si loo burburiyo inta hartay khilaafka jira ee kala dhex yaala shacabka
Soomaaliyeed, iyadoo shirka lagu qabanayo dalka gudihiisa sida ugu dhaqsiyaha
badan.
In la martiqaado cid kasta oo ay quseyso maadaama heshiiska loogu talagalay
in lagu helo xasiloonaan, abadgelyo buuxda iyo midnimo dalka oo dhan u
soo hoyata.
Heshiiska dhinaca Muqdisho waxa ka quseeya:
a) In laga wada shaqeeyo sidii loo burburin lahaa cadaawada.
b) In la baabi’iyo qadadka cagaaran ee ka jira magaalada
Muqdisho.
c) In la sameeyo maamul dhameystiran oo wax ka qaban kara
magaalada Muqdisho.
d) In la sameeyo guddi farsamo oo dhaqan geliya qodobada
lagu heshiiyay.
Labada hoggaamiye waxay shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen
inay iska iloobaan wixii horay u soo dhacay isna saamaxaan iyo inay furaan
albaab cusub oo dulqaad iyo wadashaqeyn isku xiran ah.
Labada hoggaamiye waxay xaqiijinayaan inay mahad u hayaan ammaanna u soo
jeedinayaan Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak iyo Ra’iisal Wasaaraha
Itoobiya Meles Zenawi iyo waliba cid kasta oo ka qeyb qaadatay howlaha
dib u heshiisiinta ee lagu jiro.
Heshiiska dhex maray Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid wuxuu
dharbaaxo culus ku noqday kooxda Sodare oo ku sigtay inay xamaamadooda
kala gurtaan, hase yeeshee Atto. Meles Zenawi ayaa mar kale isugu yeeray
xubnaha Golaha NSC si loo badbaadiyo jiritaanka Golahaasi isla markaana
laba kacleyn iyo dib u dayactirid loogu sameeyo.
WAA
LA YEERIYAY LAMASE SIXIN!!
[Saameyn intee la’eg bay ku yeelaneysaa
Dowladda Col. C/llaahi Yuusuf loolanka Biyaha Wabiga NIIL ee u dhaxeeya
Xukuumadaha Itoobiya & Masar?!!]
Q.7aad
25-kii Juun 1997-kii ayay kooxda Sodare shir isugu tageen
magaalada Addis Ababa si loo badbaadiyo jiritaanka Golaha NSC oo ay u
harsaneyd muddo 9-maalmood ah, waxayna saddexdii Lulyo 1997-kii shirkooda
oo aysan ka qeyb gelin Guddoomiyihii ururka SSDF Maxamed Abshir Muuse
iyo Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo ka mid ahaa Guddoonka wareega ah ee
Golahaas, kuwaasoo si cad u sheegay inay ka biya diidan yihiin siyaasadda
laba labeynta ku dhisan ee uu ku dhaqmayay Cali Mahdi Maxamed ka soo saareen
go’aanada soo socda:-
1. In 1-da November la qabto shirweyne Qaran laguna qabto
magaalada Boosaaso.
2. Ansixinta Axdi KMG ah.
3. In ergooyinka ka qeyb gelaya shirweynaha Qaran ay tiradoodu
noqoto 682-xubnood.
4. In la dhiso Gole shacab oo ka kooban 183-xubnood.
31-kii Oktoobar 1997-kii waxaa si cad u soo baxay khilaaf
xoog leh oo in muddo ahba u dhaxeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali
Mahdi Maxamed, kaasoo ka dhashay iyagoo isku qabsaday cida maamuleysa
miisaaniyada shirka Boosaaso oo lacagta ku baxeysa laga sugayay wadamada
Khaliijka.
12-kii Oktoobar 1997-kii ayay Laanta Af-Soomaaliga ee
BBC-da dood ku saabsan shirweynaha Qaran ee magaalada Boosaaso u qabatay
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa Guddoonka wareega ah ee Golaha
NSC, Maxamed Qanyare Afrax oo ahaa Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladdii
Salballaar, Axmed Maxamuud Siilaanyo Guddoomiyihii hore ee ururka SNM
iyo Cumar Macallin Maxamuud Madaxweyne ku xigeenkii xukuumadii Cali Mahdi
Maxamed, iyadoo raggaasi ay aragtiyo kala duwan ka muujiyeen shirweynaha
Qaran ee la filayay inuu ka dhaco magaalada Boosaaso.
Col. C/llaahi Yuusuf oo doodaas ka hadlay ayaa sheegay
in diyaar garowga shirka uu marayo heerkii ugu dambeeyay, wax walibana
ay u socdaan sidii loogu talagalay, wuxuuna sii raaciyay “Natiijada
laga leeyahay shirka Boosaaso waa sidii Soomaaliya burburka looga saari
lahaa, loogana dhisi lahaa Dowlad loo dhan yahay oo jireysa muddo gaaban”,
Maxamed Qanyare oo isna doodaas ka hadlay ayaa yiri “Boosaaso ma
aha meel dhexdhexaad ah, mowqifkeena rasmiga ahna waa inaan tageynin”,
wuxuuna sii raaciyay in shirkaasi ay wataan dad ajnabi ah, Soomaalina
aysan shuqul ku lahayn.
Sidoo kale Axmed Maxamuud Siilaanyo oo isna dooda ka hadlay
ayaa caddeeyay in Somaliland aanay wakhtigan shirka Boosaaso lagu martiqaadin,
wuxuuna intaa raaciyay in shirka uu yahay mid lagu doonayo in la isugu
keeno dadkii Soomaaliya la oran jiray sida ay caddeeyeen dalalka IGAD
oo ku howlanaa shirkaas.
Gabagabadii waxaa isna doodaas afkaartiisa ka dhiibtay
Cumar Macallin Maxamuud oo yiri “Boosaaso way noqon kartaa goob
ku haboon in lagu qabto shir la isugu keenayo Soomaaliya, waxaase muhiim
ah in shirku noqdo mid loo dhan yahay”, waxayna doodaasi muujisay
sida xukuumadii Salballaar iyo Somaliland u diidanaayeen inay ka qeyb
galaan shirkaas.
Iyadoo maalmo la sii dhaafay mudadii labaad ee loo qabtay
shirweynaha Qaran ee Boosaaso ayay mar kaliya xaaladu isbedeshay kaddib
markii 9-kii November 1997-kii ay mar kale Cali Mahdi Maxamed iyo Xuseen
Caydiid ku kulmeen magaalada Qaahira, waxaase xaalada soo dhex galay Madaxweynaha
Masar Xusni Mubaarak oo ciyaaray diblomaasiyad xoog badan kuna guuleystay
in dhammaan xubnihii Golaha NSC uu ku qanciyo inay iska soo xaadiriyaan
magaalada Qaahira, taasoo horseed u noqotay in 12-kii November 1997-kii
uu bilowdo shir ay isku soo hor fariisteen kooxaha Sodare iyo Salballaar,
arrintaas oo mar kale jahawareer siyaasadeed ku riday Ra’iisal Wasaaraha
Itoobiya Atto. Meles Zenawi, waxayna taasi noqotay diblomaasiyadii Masar
ee Madaxweyne Xusni Mubaarak oo hareysay doorkii Itoobiya ee Ra’iisal
Wasaare Meles Zenawi ku lahaa dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo
shirkuna si xowli ah guulo ugu tallaabsaday.
Xuseen Maxamed Caydiid oo intii shirka lagu guda jiray
ka tanaasulay sheegashadiisii Madaxweynenimo ayaa si weyn ugu guuleystay
in la qaato dhammaan ajandooyinkii uu shirka soo hordhigay, kuwaas oo
kala ahaa:-
Ø Ra’iisal Wasaare awood badan
Ø Madaxweyne aan awood lahayn
Ø Gole Madaxtooyo oo ka kooban 13-xubnood
Ø In Ergooyinka ka qeyb gelaya shirka lagu qeybsado
hab urur
Ø In shirweynaha Qaran laga soo wareejiyo magaalada
Boosaaso laguna qabto magaalada Baydhaba.
Kooxaha Sodare iyo Salballaar waxay durbadiiba ku dhaqaaqeen
qeybsiga Golaha Madaxtooyada oo ka koobnaa 13-xubnood, waxayna u kala
qaateen sidan:- Kooxda Salballaar waxay qaadatay 6-xubnood oo ay u magacowdeen:
1. Xuseen Maxamed Caydiid
2. Maxamed Faarax Jimcaale
3. Marxuum C/raxmaan Axmed Cali (Tuur)
4. Maxamed Qanyare Afrax
5. Hilowle Imaam Cumar
6. Maxamed Faarax C/llaahi (Xarasho)
Halka ay kooxda Sodare-na ka qaateen 6-xubnood oo ay u
magacowdeen:-
1. Cali Mahdi Maxamed
2. C/llaahi Yuusuf Axmed
3. Cusmaan Xasan Cali (Caato)
4. Marxuum C/qaadir Maxamed Aadan (Zope)
5. Marxuum Avv. Maxamed Raajis Maxamed
6. Marxuum Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow), iyadoo xubinta
13-aad ee soo hartayna la siiyay ururka SAMO oo u kala jabnaa saddex garab
oo ay kala hoggaaminayeen, marxuum Maxamed Ramadaan Arbow, Mowliid Macaan
Maxamuud iyo Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen, kuwaas oo uusan midkoodna goobjoog
ka ahayn shirka.
Mar kaliya ayuu jawiga shirka isbedelay kaddib markii
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Xuseen Maxamed Caydiid ay isku qabsadeen
cida noqoneysa Ra’iisal Wasaaraha awooda badan ee la doonayo in
lagu doorto shirweynaha Qaran, iyadoo isku dhacaasi uu hor istaagay inuu
shirka hore u sii tallaabsado, wuxuuna Col. C/llaahi Yuusuf uu shirka
soo hordhigay qodobo cusub oo kala ahaa:-
1. In ergooyinka shirweynaha Qaran lagu qeybsado qaab
qabiil
2. In shirweynaha lagu qabto magaalada Boosaaso
Hase yeeshee qodobadaas wax taageero umu helin, midkoodna
lama qaadan, waxayna taasi ku kaliftay in Col. C/llaahi Yuusuf uu shirka
isaga baxo isagoo horay u sii watay marxuum Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow).
Shirkii Qaahira uga socday kooxaha Soomaalida waxaa hareeyay
mugdi weyn kaddib markii Col. C/llaahi Yuusuf iyo marxuum Jan. Aadan C/llaahi
Nuur (Gabyow) ay 23-kii November 1997-kii u ambabaxeen magaalada Addis
Ababa ee dalka Itoobiya, inkastoo kooxihii shirka ku haray ay 24-kii November
si rasmi ah u saxiixeen qodobadii lagu heshiiyay, iyadoo isla maalintaasi
Col. C/llaahi Yuusuf iyo marxuum Jan. Gabyow ay Ra’iisal Wasaaraha
Itoobiya ka codsadeen inuu si degdeg ah isugu yeero xubnaha Golaha NSC-da,
taasoo uu Meles Zenawi si fudud ku qaatay, wuxuuna isugu yeeray dhammaan
xubnihii Golaha NSC ee ku kala sugnaa magaalooyinka Qaahira iyo Muqdisho.
19-kii November 1997-kii bannaanbax ballaaran oo lagu
taageerayo mowqifka Col. C/llaahi Yuusuf qaatay loogana soo horjeedo in
ergooyinka Qaran lagu qeybsado hab urur ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso,
iyadoo bannaanbaxaasi ay ka hadleen Guddoomiye ku xigeenadii ururkii SSDF
Abshir Muuse Saciid, Maxamed Jaamac Af-ballaar iyo Maxamed Cali Yuusuf
Gaagaab, dibadbaxaasi maalin kaddib 20-kii November 1997-kii ayaa shir
ay isugu yimaadeen Guddiga fulinta ururkii SSDF iyo Golaha Isimada Puntland
iyana ku taageereen mowqifka Col. C/llaahi Yuusuf ee shirka Qaahira.
26-kii November 1997-kii ayay Dowladda Itoobiya cambaareysay
shirkii Qaahira, waxayna ku tilmaantay mid lagu carqaladeynayo dib u heshiisiintii
ay waday Dowladda Itoobiya, halka kooxihii ku shirsanaa magaalada Qaahira
1-dii Disembar 1997-kii isku raaceen in shirweynaha Qaran 20-ka Disembar
1997-kii lagu qabto magaalada Baydhaba.
Xubnihii NSC ee ka qeyb gelayay shirka Qaahira ayaa mar
kaliya u dhaqaaqay dhaqaaqay dhinaca magaalada Addis Ababa, iyadoo koox
kale oo ay ka mid ahaayeen marxuum Maxamed Ramadaan Arbow iyo Xuseen Xaaji
Bood ay 2-dii Janaayo 1998-kii iyana ka soo ambabaxeen magaalada Muqdisho,
waxaana 3-dii Janaayo bilowday shirkii la isugu yeeray kooxda Sodare.
8-dii Janaayo 1998-kii safiir Masar u fadhiya magaalada
Addis Ababa ayaa casho sharaf u sameeyay xubnihii Golaha NSC-da ee ka
qeyb gelayay shirka Addis Ababa, hase yeeshee kuma guuleysan hadafkii
uu ka lahaa shirka, waxayna kooxda Sodare 12-kii Janaayo 1998-kii soosaareen
qodobo loo arkayay in looga gar lahaa burburintii heshiiskii Qaahira,
qodobadaas oo kala ahaa:-
1. In awooda Ra’iisal Wasaaraha la soo koobo.
2. In hab beeleed lagu qeybsado xubnaha Golayaasha Madaxtooyada,
shacabka, wasiirada iyo waliba jagooyinka muhiimka ah ee Dowladda.
3. In maleeshiyada Xuseen Caydiid ka soo baxaan magaalada
Baydhaba 30-maalmood kahor maalinta la qorsheeyay inuu dhaco shirweynaha
Qaran.
Tallaabadan ay qaadeen xubnaha Golaha NSC-da waxay noqotay
mid hal bacaad lagu lisay ka dhigtay dadaalkii Madaxweyne Xusni Mubaarak,
iyadoo Madaxweynaha Masar oo dadaal weyn u galay qabashada shirkaasi uu
soo istaagay meel cidlo ah, isla markaana uu qaatay cashar ah inaan la
isku halleyn karin kooxaha hoggaamiya siyaasadda Soomaaliya.
Markanna aan dib u qooraansano saameyntii uu shirka Qaahira
ku yeeshay Dowladda isku magacowday Somaliland oo uu Madaxweynaha u ahaa
marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
12-kii November 1997-kii ayuu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
si kulul u eedeeyay Dowladda Talyaaniga, wuxuuna yiri: “Talyaanigu
wuxuu isku qaldayaa Soomaaliya iyo Somaliland, xaqna uma laha inuu soo
farageliyo siyaasadda Somaliland” wuxuuna Madaxweyne Cigaal si weyn
uga careysnaa Talyaaniga oo u ololeynayay in Somaliland ay ka soo qeyb
gasho shirweynaha Qaran ee kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Qaahira,
17-kii Disembar 1997-kii ayuu mar kaliya is casilay marxuum Cigaal, iyadoo
wararka qaar ay sheegeen in is casilaadiisa ay ku timid cadaadis diblomaasiyadeed
oo ay saartay Dowladda Mareykanka, sidoo kale Dowladaha Masar iyo Talyaaniga
ayaa iyana ku cadaadinayay inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliya, waxayna is casilaadiisa ku soo beegantay xilli ay kooxaha
ku shirsan magaalada Qaahira u qoondeeyeen Somaliland ergo dhan 90-xubnood
inay kaga qeyb galaan shirweynaha Qaran.
18-kii Disembar waxaa magaalada Hargeysa ka dhacay bannaanbax
ballaaran oo looga soo horjeedo is casilaadii uu sameeyay marxuum Cigaal,
halka 19-kii Disembar ay Golaha Guurtida Somaliland diideen inay aqbalaan
is casilaadii uu u soo gudbiyay marxuum Cigaal, halka 12-kii Janaayo 1998-kii
uu marxuum Cigaal sheegay inuu diyaariyay Ciidamo tiradoodu gaareyso 7000-Askari
oo uu sheegay inuu kaga hortegayo shirweynaha Qaran ee lagu qaban lahaa
magaalada Baydhaba, halka 30-kii Janaayo uu marxuum Cigaal Dowladda Masar
ku eedeeyay inay hubeyneyso kooxaha K/Soomaaliya si ay u soo weeraraan
Somaliland.
Col. C/llaahi Yuusuf oo iminka noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya, ahaana horseedihii burburkii heshiiska Qaahira
ayaa iminka looga fadhiyaa sida uu uga samatabixi lahaa loolanka Biyaha
Wabiga NIIL ee u dhaxeeya Dowladaha Masar iyo Itoobiya oo ay kala hoggaamiyaan
Xusni Mubaarak iyo Atto. Meles Zenawi, iyadoo la ogyahay loolanka qotoda
dheer ee u dhaxeeya labada dal kuna aadan arrintaas, waxayna Masar si
aad ah u jecleyd in Soomaaliya ka dhalato Dowlad xiriir wanaagsan la leh
oo ay u adeegsato sidii ay Itoobiya ugu cadaadin lahayd inay dabciso mowqifkeeda
ku aadan adeegsiga biyaha NIIL.
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa la gudboon inuu helo
waddo wanaagsan oo u horseedeysa qancinta Madaxweyne Xusni Mubaarak oo
ugu yaraan ka heli karo taageero siyaasadeed oo Dowladiisa u saamaxeysa
in mucaaradada kahor timaada aysan helin meel ay salka la galaan, marba
haddii Col. C/llaahi Yuusuf uu iminka heysto taageerada dalalka safka
hore ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxaana Korneylka qasab ku ah inuu
xiro dhammaan albaabada siyaasadeed ee ku furan oo ay ka faa’iideysan
karaan kooxaha Xildhibaanada isu rogay oo ay horay u wada ahaayeen hoggaamiye
kooxeedyo.

W/Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan
muusekiimiko@hotmail.com
|