Ceelna uma qodna cidna
uma maqna!
Somaliwey.com(Gothenborg 31/12/2004)

Musiibo Rabbaaniyan ah markey timaado waxey
Diinteena Muqadaska ah iyo Quraankuba ina farayaan in lugu
samro, Illaaheyna looga duceysto inaan musaa’ibtaas
iyo kuwa lamidka ah ummada ku salidin.
Dhibaabaddii baaxada weyneyd ee ka dhashay
dhulgariirkii badda ee koonfur bari qaarada Aasiya waxey
aheyd mid ku timid amarka Eebe in intaasoo dad ahi ay galaftaana
ay xukmaneyd.
Hadaba beesha caalamka iyadoon u kala harrin
dadkii ay waxyeeladdu gaartay waxey si deg deg ah ula gaareen
gar gaar bani’aadnimo heerkii ugu sareeyey.
Taasina waxey natusineysaa in weli caalamku
uu ku dambeeyo garasho mug weyn leh marba hadaan la eegin
siyaasad iyo diin lugu colaadinayo qowmiyado tabaaleysan.
Soomaaliya oo kamid ah dalalka ay dhibta ugu yar soo gaarsiiyeen
mowjadihii badda ayaa la rusan yahay iney geeriyoodeen dad
boqolaal gaaraya tirro kale oo aad u badana ay dhaawa iyo
hoy la’aan i heyso balse tirro intaas ka badan la
filanayo.
Su’aashu waxey hadaba Soomaaliya oo
muddo afar iyo tobban sanno ah u af duubneyd cadowga sokeeya
ee damaciisa yahay wax xukun ayaan ciddi u maqneyn. Taasina
waa ayaan darro ay taariikhda modow ee qowmkani baal dahab
ah ka gashay. Goobihii waxyeeladu soo gaartay guud ahaan
beesha caalamka wey ka indho qarsooneyd xog rasmi ah oo
arintaasi la xirriirtana looma soo gudbin, sababtu waxey
tahay iyadoo aan Soomaaliya ciddi qiimo sidaas ah heysa
jirin. Sababtuna waa dad gacmahooda isku halaagay afar jiho
ee dunidana daadsan iyagoo qaran laawayaal ah.
Hadaba haddii caalamku uu gar gaar bani’aadnimo
iyo mid kaleba u fidinayo dalalka ku yaala koonfur bari
ee Aasiya, maxaa dadkeeni loo arki waayey miyaan qaarkood
kamid aheyn dadkii musiibadda soo gaartay? Dowlad ku sheega
dagaal oogeyaalka ee Kenya lugu soo dhisay iska daa kaalmaati
ay gasho waxey dhumisay maslaxaddii caamka aheyd ee dalka,
miyaan damiir naxa ku oolin ragga xukun doonka ah ee horboodaya
dowladaasi?
Ganacsato ku sheega iyagana baneystay hantidii Qaranka,
miyaan laftoodu diirimaad laheyn?? Soomaalidii markey meel
iskugu timaado xamaasad saacado ah qabi jiray xageey mareen??
Aaaway ururaddii rayidka ee iyagu ku qaraabta magaca bulsho
maxaa codkoodi loo maqli waayey?? Kaalintii culimadda ee
siyaasadda ciyaarteedii la jaan qaadi waayey laftooda xagey
martay ducadii iyo Alle barigii mise uurkaba kama aheyn
oo xaalkoodu maba dhaafo ”Mad madoobe Allaa ku yaqaan”
Soomaalida qaxootiga reer galbeedka jooga
ee iyaguna bisha markey dhamaato dambiishoodu loogu shubo
shilimaadka ceyrta ma awoodi waayeen iney ”min 1 doolar
iska aruurshaan”? Xaawaladeydii magacyada badneyd
ee ka mcaashtay hantida shacabka maxaa ku dhacay? Kun shilin
miyey awoodi waayeen iney ku tabarucaan?? Mise bulshaddu
guud ahaantee waa ”Isma dhaanto iyo dhasheed?”
Oo iyagaaba u baahan kaalmo bani’aadanimo? Ma waxey
dooneysa guud ahaan bulshadaasi iyo siyaasiinteeda gaarka
yar in diyaaradaha Helopcobter-ka Mareykaknku u soo tuuraan
cuntada baakaeysan ee qaxootiga loogu talagalay?
Haddii taasi jawaabtu tahay HAA, waxaan qabaa in la dhowro
marka laga soo faaruqo Aasiya oo ah meel ka nafci badan
Soomaaliya, gurmadka loo fidiyeyna ay ujeedo dahsoon ku
jirri karto.
Ugu dambeyntii waxaa Soomaalida iyo intii
ay Islaanimo ku dambeyso soomaalinimo warkeedba daaye la
gudboon in ummaddii waxyeelada kasoo gaartay ee maal iyo
nafka ku waayey duufanadii badda loo gurmado oo la eeggo
sida gaalka aan diin iyo dhaqan midna la wadagin eeshiyaanka
u ugu gurmaday.
Waxaan ummadaasi dhiban iyo kuwa iska qaadi waayey heeryada
cadowga sokeeye leeyahay Ilaahey usoo laabata kuna samra
shartiisa. Ogaada in tani tahay mid kamid ah imtixaanada
Alle qoorta idiin suray adinkoo dhalasho, dhaqan iyo diin
wadaaga in sidan masiirkiina noqday!
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com
|