Somali News
Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:

News from Somalia in Somali

muslimamuslima
Islam Women For Dating

 

Maalinta Ciribtirka  saboolnimada Aduunka oo Maanta laga xusay Soomaaliya     

Mugadisho, Sabi, Julaay 07, 2007


 
waxaa maanta laga xusay Soomaaliya maalinta ciribtirka  Saboolnimada Aduunka oo laga xusaayo guud ahaan aduunka oo idil.
 
Maalintaas ayaa Soomaaliya maanta siweyn looga xusay, gobolada sida weyn looga xusay waxaa ka mid ah Gobolada Bay, Hargeysa,Boosaas iyo deegaano kala duwan oo dalka ah, waxaana kulan balaaran oo lagu xusayo maalintaas ciribtirka Saboolnimada lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
 
Munaasabadaas oo lagu qabtay xarunta Dhaqaaqa BUlshada Rayidka ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed u qornaa sidan:

G-CAP Somalia

CIRIBTIR SABOOLNIMADA

Dhawaaqa Caalaminga ee la Dagaalanka Saboolnimada
(Global Call to Action against Poverty)

G-CAP Soomaaliya

Muqdisho, 7-da Bisha 7-aad ee 2007

War Saxaafadeed

Sida dad badan ay dareensan yihiin, Dhawaaqa Caalamiga ee la Dagaalanka Saboolnimada (Global Call to Action against Poverty/ G-CAP Soomaaliya) waa olole caalami iyo waddani isku ah oo ku wajahan in lagu adkeeyo madaxda, shaksi kasta oo leh saameyn, hay’adaha awoodaha leh iyo uheellanayaasha bulshada in ay u istaagaan sidii looga guul keeni lahaa saboolnimada. Dhaqaaqani waxuu ka soo ifbaxay Madasha Bulshada Soomaaliyeed (Somali Social Forum) oo xiriir la leh Madasha Bulshada Afrika iyo tan Caalamka (African and World Social Forums).

Sannadihii 2005 iyo 2006, GCAP Soomaaliya waxay dardar gelisay tiro hawlgallo ah oo loogu talo galay in lagu kiciyo garaadka ku aadan sida loogu baahan yahay in wax laga qabto saboolnimada dilootay bulshada Soomaaliyeed. Taas oo ay calaamad u tahay xaaladda noololeed ee hooseysa. Hawlagallada ayaa loogu tala galay in ay saameyn ku yeeshaan madaxda si ay si dhab ah ugu gutaan waajibaadkooda la xiriira saboolnimada.

Labadii sano ee la soo dhaafay uheellanayaasha GCAP waxay dhambaal u direen Safaaradaha ay Nairobi, Kenya ku leeyihiin dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK and USA oo loo yaqaan G7 si ay tallaabo uga qaadaan saboolnimada. Waxa dibloomaasiyiinta laga dalbaday in ay madaxdooda ku dhiiri geliyaan in ay qaataan tallaabooyin lagu tirtirayo deeymaha lagu leeyahay waddamada saboolka ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Diiraddu waxay saarnayd saamaynta ay waddamada G8 ku leeyihiin hay'adaha lacagaha adduunka.

Uheellanayaasha GCAP waxay goor dambe abbareen madaxdii ku kulansanayd  Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York oo qiimaynayay horumarka ilaa Sannadka 2005 laga gaaray barnaamijka ' Higsashada Gaarista Yoolalka Kun Sannaadka' ( Millennium Development Goals - MDGs) oo la dejiyey sannadku markuu ahaa 2000.

Waxa sidoo kale sannadkii 2005 la abbaaray Wasiirada Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), kwaas oo lagu adkeeyay in ay dareemaan in uu ganacsiga adduunka yahay mid leh awood baaxad leh oo dhibaatada saboolnnimada looga qaadi karayo malaayiinta sabool ku ah ee ku nool adduunyada dacalladeeda. Caddaalad darrada uu keenay ganacsiga adduunka, uma dul qaadan karaan kamana faa’iideysan karaan dad badan oo faqiir ah.

Waxaa ahmiyad ah in aan xoojino maanta oo ay taariikhdu tahay 7da bisha Juulaay 2007 xusidda Higsashada Gaarista Yoolalka Kunsanaadka. Runtii, hoggaamiyayaasha iyo ummadaha Adduunka waxay isku raaceen inay xoojiyaan xiriirada wadashaqeynta ee u dhexeeya si loo wajaho yoolalkaasi oo ay saboolnnimada ka mid tahay; taasoo khatar gelineysa nolosha balaayiin dad ah oo ku nool adduunka, haddii aan wax laga qaban.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha saboolnimo ee ka jirta Soomaaliya kaddib 47 sanno madaxbannaani siyaasadeed tan iyo sannadka markuu ahaa 1960, waxaa ayaandarro ah in tallaabo raad xumo reeb ah in la qaaday  oo dib u dhigtay heerka saboolnnimo ee noloshada Soomaalida maanta. Waxaa wax laga naxo ah in boqolkiiba 43 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin nolol ka hooseyso xariiqda faqriga oo aanay awoodin in ay helaan xitaa maalintii US$1.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamayaa diiwaanka waqtiga xaadirka ah in boqolkiiba 73 dadka aanay heli Karin in ay kasbadaan maalintiiba US$2. tani waxay tilmaan u tahay in dadka saboolka ah ay wadaagaan oo keliya ku dhowaad boqolkiiba 6 dakhliga qaranka. Sidoo kale, waxaan suurtagal aheyn in la xamilo in saamiga dadka ku nool heerka ugu hooseeyo ee tamarta quudka la isticmaalo uu kordhay boqolkiiba 65.

Waxbarashada aad ayey u liidata markii loo eego tayo iyo tiro ahaanba waxayna markhaati u tahay hoos u dhaca heerka nolol maalmeedka dadka. Qoritaanka ardayda ee dugsiyada aasaasiga ah waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba 20 ee carruurta da'da waxbarashada gaartay; gabdhahuna ay hal ka yihiin saddex dalool. Waxaa arrinta sii xumeeyey, tirade dadka waaweyn oo wax qori kara waxna akhrin kara waxay xitaa ka hooseysaa boqolkiiba 20.

Runtii, maadaama ay carruurtu yihiin jiilka mustaqbalka ee ummad kasta iyo guud ahaan caalamka, carruurta da'dooda ay ka hooseyso 5 sano oo dhimata waxay ka badan yihiin 220 ee 1000kii  dhallaan oo dhashaba. Dhimashada dhallaanka waa uu xun yahay; 1000kii dhashaba, 132 ayaa dhimata iyagoo weli yar. Waxaa dhinta 1,100 hooyooyin,100,000ba oo xaalad  umulraac ah. Tani waxaa weheliyo kororka jiritaanka HIV/AIDS, TB, Maleeriyada iyo cudurrada kale oo dillaaga ah.

Waxaan ku boorineyna hoggaamiyayaasha iyo Beesha Caalamka in aanay kor ka eegin xaaladaha diiwaangelinta ba'an ee hooyooyinka iyo carruurta. Wadada ku habboon oo looga hortagi karo xaaladaha murugeysan waxa weeye ayadoo aan meelmarino isla markaasna hirgelino siyaasado xikmeysan oo noo horseedi karo degganaanshaha qaranka, gaar ahaan lagu saleeyo Dib U Heshiisiinta Qaranka.

Higsashada Gaarista Yoolalka Kun Sannaadka waxay kala yihiin, magic ahaan Dabargoynta saboolnnimada iyo gaajada; Helida waxbarasho aasaasi ah oo guud; Kor u qaadidda sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka; Dhimidda dhimashada carruurta iyo Kor u qaadidda caafimaadka hooyada. Kuwa kale waxay yihiin La dagaallanka HIV/AIDS, duumada iyo xannuunada kale; Hubinta dhowrsanaanta deegaanka; iyo Kobcinta iskaashiga caalamiga ah si horumar loo gaaro.

Horumarka Sayniska iyo Tiknooloojiyada oo lagu daray khayraad ku filan oo laga helo caalamka, gaar ahaan Soomaaliya waxay xaqiijin kartaa guul laga gaaro Higsashada Gaarista Yoolalka Kun Sannaadka. Sannadka 2015 waxaa ka harsan toddoba sano iyo bar oo keliya. Waxaa ilaa iyo hadda la gaarayna waa arrin murugeysan. Sidaas awgeed, Dhawaaqa Caalamiga ee la Dagaallanka Saboolnnimada (GCAP) dadka u ololeeya oo lagu yaqaan Duubka Cad ay ka dalbanayaan hoggaamiyayaasha in ay la yimaadaan waxqabad miro dhal leh oo lagu ciribtiro Saboolnnimada.

Halheeskeennu waa:            CIRIBTIR SABOOLINIMADA (Eliminate Poverty)

Summadeennu waa:             DUUBKA CAD (Wear the White Band)

 ================Wabilaahi Towfiiq============

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho
Somalia

muslimamuslimamuslimamuslima
Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)