Somali News
    Hees  

WAQTI DHEERI AH: David Cameron oo la maqlay isagoo xamanaya John Terry.!

Gothenburg Axad 20 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Axad (Camp David) 20-05-2012 Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo dhigiisa dalka Jarmanka Angela Merkel ayaa waqti u helay inay woxoogaa ka sheekeystaan dhamaadka koobka horyaallada Yurub.

Ra’isul wasaaraha Britain ayaa kaamaradu qabatay isagoo Merkel la googoosanaya sheeko ku saabsan John Terry intii lagu jirey kulankii dalalka G8 oo ka dhacay Camp David, Maryland, USA.

Merkel iyo Cameron oo ciyaartii xalay ku sharatamayay ayay Merkel sida muuqata guul u aragtey maqnaashaha Terry waxayna muujinaysay rajo iyadoo leh ‘’Terry ma joogee yaa na celin doona?’’.

Balse Cameron oo aan sidaa ula dhacsaneyn Terry ayaa si fudud ugu jawaabay: ‘’Taasi way noo fiican tahay!’’.

Merkel oo sida la fahmi karo la yaaban wadaniyad la’aanta Cameron maadaama ay Terry u aragto hogaanka Chelsea ayaa Cameron ku kedisay su'aal iyadoo leh ‘’Oo miyaadan jecleyn?

Deeto Cameron ayaa cadeeyey sirta ka dambeeysa diidmadiisa isagoo leh ‘’Waxyaabo xun buu sheegay’’ isagoo dabcan tixraacaya eedeymaha loo haysto Terry ee ku aadan sinji-caayga iyo midab kala sooca.

Terry oo ay taageerayaasha Ingriisku jeclaan lahaayeen inuu difaaco qabka Ingiriiska in ka badan inta ay ka dhowrayeen daafaca reer Brazil ee David Luiz ayaa cidiisa ku cidleeyey kulan muhim u ahaa waloow ay la’aantii koobkii hanteen iyagoo qaatay cawayskii ugu fiicnaa taariikhdooda ciyaareed. Terry ayaa sidoo kale ahaa kii gool ku laadka kooxdiisa ka khasaariyay finalkii 2008-dii.

Daafaca Chelsea oo aan inta badan lasoo xusuusanin marka laga hadlo akhyaarnimo, mas'uuliyad iyo deganaan ayaa 9 maalmood kadib koobka EURO waxaa furmaysa dacwad ka dhan ah oo ku aadan aflagaado sinji-quursi ah oo uu kula kacay Anton Ferdinand intii ay socotey ciyaar ay la yeesheen kooxda QPR bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Nagala soco goolfm.net
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)