Somali News

Wararkii ugu danbeeyey

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 05/11/06

16 Tuulo oo ku teedsan jiinka wabiga labadiisa dhinac ayaa looga qaxay biyo awgeed ka dib markii ay fataahdyo ka dhaceen

16 Tuulo oo hoos yimaada degmada mahadaay oo laga qaxay ;

Tuulooyin gaaraya ilaa iyo 16 tuulo oo ku teedsan jiinka wabiga labadiisa dhinac ayaa looga qaxay biyo awgeed ka dib markii ay fataahdyo ka dhaceen

Tuulooyinkaasi oo guud ahaan hoos yimaada degmada mahadaay ee Gobolka dhabeelaha dhexe ayaa waxaa go,doomiyay fataahyo uu sameeyay wabiga Shebele waxaana ka mid ah tuulooyinkaasi Obaale, Mansuur , Dinlaawe,Iji, Duduble,Huruwaa , Maqdas, Kulmis yarrow Shaam iyo kuwa oo guud ahaan ku teedsan wabiga jiinkisa .

Qasaaraha ay geysteen una geysteen fathaada tuulooyinkaasi ayaa waxaa ka mid ah waxaa ku nafwaayay ilaa 7 ruux sida uu xaqiijiyay Madax Taakuleynta Fathaada Degmad Mahday Xaaji Haruun Xaaji Nuur Madoobe isagoo intaasi ku daray in ay jiraan ilaa iyo 40 kun oo dhul beered ah oo ay ku yiileen dalagyo kala gedisan oo ay biyaha qaadeen sidoo kale waxaa ay biyaha dileen xoolo ay ka mid ahayeen Ari, Dameero & Digaag aad u faro badan ,shacabkii ku noolaa tuulooyinkaasi ayaa waxaa ay qaarkood soo ciirsadeen degmada mahadaay iaydoo bulshada ku nool Mahdaay ay iska uruuriyeen kaalmooyin kala gedisan sida raashin dhar iyo wixii laga mamaarmaan u ahaa.

Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Sh/Dhexe Maxaed cabdi Ibraahim Mirco oo soo booqday degamada Mahdaay ayaa waxaa uu tibaaxay in ay ay halkasi ka jirto macluul faro badan wuxxuna hey,adaha samafalka ka codsaday in la soo gaaraan kaalmo bani,aadanimo.

Hey,adaha safalka ee ka shaqeeya Gobolka aya bilabay in kaalmo gaarsiyaan meelaha qaarkood  iyadoo lagu geynayo Doonyo, Macluushaan soo foodsaartay shacabkani ayaa ah mid taariiqi ah sida ay   xaqiijyeen Wax garadka  degaankaasi

Wabiga Shabele ayaa horay u geystay qasaarooyin ceynkaani oo kalaa tuulooyin badan oo ku teedsan jiinka wabiga degmada johar iyo Balcadba .  



Maamulka Gobolka Shabeeelaha dhexe oo ka cabsi qaba in ay kala godo wada isku xirta  Jowhar & Gobolada Waqooyi

 Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabsi qaba in ay kala go,do wadada isku xirta G/Sh/Dhexe & G/hiiraan ka dib markii ay mar qura soo wada fakadeen buqatooyin xoogan oo ka soo kala baxay deeganada Iji , Duduble iyo kanaalka Shiinaha oo soo jabsaday ka dib markii uuu qaadi waayay biyaha xoogan ee wabiga ku soo shubayo,

guud ahaan fatahaadyadaan cusub ayaa ah kuwa wax u dhimaya wadadaasi waxaana cabasho ku aadan in wax laga wqabto ka soo yeertay maamulka gobolka gaar ahaan madax maaliyada Gobolka oo uhoray ugu xilsaaraa in uu dayactir ku sameeyo wada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho taasi oo uu bur bur ka sdoo gaaray fataahaadi 2 bilood ka hor ka dhacday agaagarka degmada jowhar .

 kala go, goboladaani ayaa ah mid saameyn weyn ku yeelaneyso bulshada ku dhaqan labada Gobol  madaama horay uu uga dhaxeeyay xiriir ganacsi oo weyn ka sokow taasi ayaa waxaa gebi ahaanba kala go,aya sidoo kale Gobolada dhexe ee dalka soomaaliya.

 maalmihi ugu danbeyay ayaa waxaa dhibaatooyin faro ba,an ku hayay gobolka shabeelaha dhexe cabdi laga qabo in uu fataahdyo xooganuu sanmeeyo.

taasi uu horay uga digay gudoomiyaha gobolka shbeelaha dhexe  kala go,a gobolada dhexe ayaa waxaaayfathaadyadani geysten qasaaro aad u xoogan oo naf iyo maalba leh’ 

C/kariin Cumar Macalin.(aaloos)
Aaloos SomaliWeyn Jowhar.
aaloos5@hotmail.com

Google
 
Web You Domainame
 
Somaliweyn Media Center (SMC)