Somali News

Wararkii ugu danbeeyey

Somaliweyn - Jowhar -Somalia 06/11/06

Hal ruux ayaa dhintay afar kalana waxa soo gaaray Dhaawacyo ka dib markii uu la rogmaday Gaari ay saarnaayeen Degmada Mahadaay ee Gobolka SH/Dhexe.

Gaarigan Rogmaday oo ahaa nooca Xamuulka Qaada ee 110 loo yaqaano ayaa waxa uu ku sii jeeday Magaalada G/Kacyo ee Gobolka Mudug isaga oo ka sooo ambabaxay Degmada Afgooye G/Sh/Hoose

Dadka ku dhaawacmay Gaarigan ayaa waxa la dhigay Cusbitalka Magaalada Jowhar iyadoo qaar kad ah dhaawacoodu uu halis yahay sida uu ii xaqiijiyay Agaasimaha Cusbitalka Dr.Chi Xuseen.

Rogmashada Gaarigan ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli ay aad u burbursameen inta badan Wadooyinka Kadib fatahaado webiga shabelle ah iyo Roobabkii Deyrta ah.

Maamulka Degmada Mahadaaay ayaa u gurmaday Samatabixinta Dadkii kale ee saarnaa Gaarigaasi rogmaday.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu gaari ku rogmado deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe iyadoo inta badan qaladka Dushga looga turo Wadayaasha Gaadiidka oo aqoon fiican u lahayn.

Ganacsatada xaafada h/wadaaga ayaa maanta deeqo lacago ah gudoosiiyahay maamulka Gobolka shbeelaha dhexe

deeqdaan oo ka koobneyd 8200.000.oo sh/somali ah iyo 1200 oo loor oo faraaq ah ayaa waxaa ay tahay mid laga soo uruuriyay guud ahaan ganacsatada xaafada h/wadaag

munaasabdii deeqdan lagu gudoosinaya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan qaar ka tirsan mas,uuliyiinta maamulka gobolka shbeelaha dhexe oo ay ka mid ahaayeen G/ku xigeenka maamulka Gobolka Macalin xaanshi madaxa maaliyada Gobolka Shiiq xasan Shiiq Ibraahim G/kuxigeenka Maaliyada Shiiq Xasan Aadan Tooxow , iyagoo uga mahadcelioyay kaalmada wax ku oolka ah oo ay isu xilqaameen in wax loogu qabto walaalhooda ku dhibaateysan goobaha ay fathaadyada ka jiraan ,

ugu horen ayaa waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Xuseen maxamuud Jimcaale (Daamey) oo ku hadlayay Magaca ganacsatada isagoo ugu horeyn u mahadceliyay sida wanaaga leh oo ay isu xilqaameen ganacsatada ay wax ka soo uruuriyeen ,daameey ayaa carabka ku dhuftay una cadeeyay maamulka gobolka insan ahaan doonin deeqii ugu danbeysay balse ay wali isku maqan yihiin cod

kulankaan ayaa sidoo kale waxaa joob joog ka ahaa G/ku xigeen gudiga ganacsatada Shiiq Axmed barow Shiiq C/raxmaan Gacameey iyo Gudomiyaha H/hanti wadaag .

dhinaca maamulka Gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxaa hadalo kooban halkaasi ka soo jeediya madaxa maaliyada Siiq xasan Ibraahim oo amaan u soo jeediyay sida qiirada leh ee ay isu abaabuleen ,

gebagebadii munasabaan ayaa waxaa ayaa waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka shbeelaha dhexe Macalin Xaanshi ayaa ganacstada ka horcadeeyay in deqdaan ay ahaan doonto mid aan jeebka lagu shuban balse la geynayohalka loogu talo galay

Ma ahan markii ugu horreysay ee ay ganacsatada Magaalada Jowhar ka qeyb qaataan Taakulaynta Dadka Tabaalaysan iyadooo sannadkii hore ay ka qeyb qaateen wax u qabashada dad ay abaar ku saamaysay Degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe.

C/kariin Cumar Macallin (Aaloos)
aaloos5@hotmail.com
Jowhar Office .

 

Google
 
Web You Domainame
 
Somaliweyn Media Center (SMC)