|
Richard Onyonka : "Marka laga hadlaayo Tirakoobka Ciidamada Uganda ee ku geeriyooday Soomaaliya waxay gaarayaan (2,700 Labo kun iyo Todobo boqol) oo askari.."
Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Richard Onyonka : "Marka laga hadlaayo Tirakoobka Ciidamada Uganda ee ku geeriyooday Soomaaliya waxay gaarayaan (2,700 Labo kun iyo Todobo boqol) oo askari.."
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibbadda Kenya Richard Onyonka , oo ka hadlay kulanka looga hadlayo arrimaha ciidamada AMISOM ee Nairobi ayaa sheegay in dawlada Uganda ay Soomaaliya ku weysay in ka badan 2,000 oo askari.
Richard Onyonka waxaa uu sheegay in marka laga hadlayo tirakoobka ciidamada Uganda ee ku geeriyooday Soomaaliya ay gaarayaan (2,700 Labo kun iyo Todobo boqol) oo askari kuwaasoo ku geeriyooday dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab tan iyo sanadkii 2007.
Wasiirkaan ka tirsan xukuumadda Kenya waxaa uu mar uu ka hadlayay khasaaraha ka soo gaaray dhankooda dagaaladii ay Al-Shabab kula galeen gobolada koofureed ee Soomaaliya uu xusay inay ku waayeen Sodomeeyo askari sida uu yiri
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibbadda Kenya waxaa uu sheegay in ciidamada midawga Africa ay Soomaaliya ku bixiyeen dhiigaadooda beesha caalamkuna looga baahan yahay inay indho gooni ah ku eegaan xaaladda Soomaaliya.
Wakaaladda wararka ee AP oo warkaan qortay ayaa ku waramaysa in xiriir ay la sameysay dawlada Uganda iyo taliska ciidamada AMISOM ay labaduba ka gaabsadeen inay ka hadlaan hadalka wasaaradda arrimaha dibbadda Kenya kasoo baxay.
Bishii hore dawlada Uganda iyo Burundi oo ciidamada ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan ayaa sheegay inay Soomaaliya ku waayeen illaa iyo 500 oo askari.
Kenya waxay ka mid tahay wadamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada AMISOM la yiraahdo lamana oga waxa Kenya ka quseeya inay ka hadasho khasaaraha soo gaaray ciidamada dawlada Uganda.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|