|
Dawladda Soomaaliya oo dalbatay in loo ogolaado inay hub lasoo dagto
Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dawladda Soomaaliya oo dalbatay in loo ogolaado inay hub lasoo dagto
Dawlada Soomaaliya ayaa ka dalbatay golaha amaanka ee QM in loo ogolaado inay hub la soo dagto si ay uga adkaato Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya danjire Max’ed Cali Nuur Ameeriko oo ka hadlay magaalada Nairobi oo uu ka socdo kulan looga hadlayo arrimaha ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ka baxday ku meel gaarnimada isla markaana la joogo waqtigii ay Soomaaliya ciidameeda dhismi lahaayeen.
Danjiruhu waxa uu xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay dhisato awooda ciidamadeeda golaha amaankana ay ka qaadaan cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Si ay dawladu awood ugu yeelato inay ka guulaysato dagaalyahanada Al-Shabab ayy safiirku sheegay inay u baahan tahay inay hesho agab iyo saanad ciidan oo dhameys tiran taasoo ka dhalan karta in golaha amaanku ogolaado in cuna qabateynta ka qaado.
Ururka midawga Africa ayaa dhawan ka dalbaday golaha amaanka ee QM in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|