Somali News
    Hees  

Al-Shabaab oo degmada Ceeldheer ka afduubatay laba ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha

Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Al-Shabaab oo degmada Ceeldheer ka afduubatay laba ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha.

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laba ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka weyn ee degmadaasi ay afduubteen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Labada dhaqtar oo lagu kala magacaabo Dr. Axmed Sidiiq iyo Dr. Xagaley Cusmaan kana howlgeli jiray isbitaalka guud ee degmada Ceeldheer ayaan la ogeyn halka ay u kaxeysteen maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee degmadaaasi gacanta ku heysa.

Qaar ka mid ah ehelada labada dhaqtar ayaa iyagu welwel ka muujiyay xaaladda labada dhaqtar oo ay afduubteen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, iyagoo iminka isku dayaya inay la xiriiraan maamulka ururka Al-Shabaab ee degmada Ceeldheer isla markaana dadaal ugu jira sidii xoriyadooda dib loogu soo celin lahaa,.

Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo maamulka ururka Al-Shabaab uu afduub bareer ah u geysto dadka rayidka ah oo markii horeba qaati ka taagnaa maamulada mayalka adag ee ay kula kacaan dadka rayidka ah ee ku nool degaanada ay ka taliyaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)