Somali News
    Hees  

Faransiiska oo cambareeyay dilkii abwaan Warsame Shire Cawaale

Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Faransiiska oo cambareeyay dilkii abwaan Warsame Shire Cawaale.

Dawlad Faransiiska ayaa si kulul u cambaareysay dilkii maalin ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Abwaan Warsame Shire Cawaale oo idaacadda Kulmiye ka tirsanaa.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Paris ay tacsi u dirayso ehelada iyo shaqaalaha Radio Kulmiye ee uu abwaanku ka tirsanaa isla markaana ay xanuunka la wadaagayso ehelada iyo asaxaabta uu ka tagay.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay wax aan loo dul qaadan karin ay tahay gumaadka saxaafiyiinta Soomaalia lagu hayo iyadoo u jeedisay madaxda dawlada Soomaaliya inay ka shaqeeyaan bad qabta dadka ka shaqeeya warbaahinta Soomaaliya.

"Waa in la garsiiyaa saxafiiyinta Soomaaliya xaalad ay ku shaqeysan karaan iyagoo aan wax cabsi ah qabin waxaana ka dalbanaynaa madaxda dawlada inay qaadaan tilaabooyin saxafiyiinta lagu bad baadinayo" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Faransiiska.

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo safiirka dawlada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa iyagana cambaareeyay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Abwaan Warsame Shire Cawaale oo Idaacadda Kulmiye ka tirsanaa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)