Somali News
    Hees  

Ruushka oo ka dalbaday Faransiiska inay ka aqbalaan inay diyaarado la dagaalama Burcad badeeda Soomaalida u soo diraan Dalka Jabuuti

Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ruushka oo ka dalbaday Faransiiska inay ka aqbalaan inay diyaarado la dagaalama Burcad badeeda Soomaalida u soo diraan Dalka Jabuuti

Dowladda Ruushka ayaa Dowladda Farnsiiska ka dalbaday inay u ogalaadaan in labo ka mid ah diyaaradaheeda wax sahmiya ay u soo dirto saldhiga ay ciidamada Faransiiska ku leeyihiin dalka jabuut.

Diyaaradaha ay soo dirayaan dowlada Raashka ayaa kaabeysa 3-ka mid ah diyaaradaha Fransiiska oo ku sugan dalka Jabuuti, gaar ahaan Saldhig u dhow xeebaha Soomaaliya,halkaasi ay oo kala dagaalamaan kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Ruushka waxa ay doonayaan inay caawiyaan diyaaradaha Faransiiska ee ku sugan xeebaha Soomaaliya si loola dagaalamo Burcad Badeeda Soomalida ee ka qowleysta xeebaha Soomaaliya iyomeelaha ka baxsan biyaha Badda Soomaaliya.

Dowlada Ruushka ayaa doonaya inay la dagaalamaan Burcad Badeeda Soomaalida, sidaas darteed waxay doonayaan in Farnsiisku u ogolaado in saldhigooda jabuuti inay yimaadaan Diyaarado uu Ruushku leeyahay, kuwaasi oo noqonaaya kuwo wax basaasa .

Wasiirka gaashaandhiga dalka Ruushka ninka lagu magacaabo Anatoly Serdyukov ayaa sheegay in iminka ay la dagaalamayaan kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, gaar ahaan ay kala dagaalamayaan dhanka Cirka.
 
Anatoly Serdyukov waxa uu ka sheegay raadiyaha ku hadlaya afka dowlada Ruushka, in Xeebaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin maraakiib shisheeye oo sheegay inay ku bahoobeen la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya, ,sidoo kale waxaa jira xarumo ay leeyihiin ciidamada cirka ee bada Jabuuti, kuwaasi oo qeyb ka ah la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ee dhanka cirka kala dagaalama, wuxuuna sheegay in dowlada Raashka ay dooneyso in qeyb ay ka noqoto dowladaha Burcad Badeeda kala dagaalamaya Dhanka Cirka..

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)