Somali News  
Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:


News from Somalia in Somali
Wararkii wargeyska ogaal

Hargeysa, Khamiis , October 18 2007 SMC

Wararkii ugu dambeeyey ee jiidda hore iyo wada hadallo la sheegay inay u socdaan M/Weyne Riyaale iyo Xaabsade

"Waxaan doonayaa inaan noqdo Madaxweynaha Somaliland” Axmed Cabdi Xaabsade

Hargeysa(Ogaal)- Waxaa horaantii bishan dagaal ka qarxay magaalada Laascaanood, kaasoo wajigiisii hore u dhaxeeyay ciidamada maamul gobaleedka Puntland iyo kuwo taabacsan Axmed Cabdi Xaabsade oo ka soo horjeeda maamulka Cade Muuse.

Sida lagu faafiyay shabakada wararka ee Somaliland.Org, oo soo xiganaysa xubno iyagu ku dhow dhow xukumada,  ayaa sheegaya in Axmed Xaabsade la soo xidhiidhay Madaxweynaha, isla markaana ka codsaday in dawlada Somaliland ay ku taageerto ciidan si uu markaa uga saaro magaalada Laascaanood ciidan beeleedka taabacsan maamulka Puntland, oo uu hore masuuliyiinteeda sar-sare uga mid ahaa.

Axmed Cabdi Xaabsade oo wakhtigana gacan weyn ku leh dagaalada lagaga sifeeyay ciidamadii daacada u ahaa Puntland deegaanka Laascaanood. Waxa uu qirtay in mansabyada sar-sare ee maamulka Somaliland uu wakhtigan hunguri ka hayo. "Waxaan doonayaa inaan noqdo Madaxweynaha Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade oo dhawaan duleedka Laacaanood ay kula kulmeen kooxda suxufiyiinta ah oo ka socotay warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland qaarkeed.

 Xaabsade oo la weydiiyay su’aal,  la xidhiidha isbad-bedakiisa siyaasadeed oo loo arki karo mid aan fadhiyin waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Ma aha sidaas ee waxaan ahay nin wuxuu diido aan qarsan.” Waxa intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxaan ahaa nin mar kasta doonaya horumarka iyo wanaagga Somaliland, markii horena kaga cadhooday khilaaf sharci oo soo dhex galay isaga iyo Marxuum Cigaal."

Dhinaca kale, warka Somaliland.Org faafiyay waxa uu iftiiminayaa in uu jiro wada xaajood weli u dhexeeya Madaxweyne Rayaale iyo Axmed Cabdi Xaabsade. Iyadoo horena ay masuuliyiin ka socda xukuumada Somaliland wada hadalo tuulada Oog ugula soo yeesheen Xaabsade.

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa bishii july waxa shaqo ka fadhiisin ku sameeyay hogaamiyiha dawlad gobaleedka Puntland Mr Cade Muuse.  Mr Xaabsade waxa uu hore u ahaan jiray gudoomiyihii golaha Baarlamaanka ee Somaliland sanadahii sagaashameedyadii. Waxana wakhtigaa ay is qabteen Madaxweyne Cigaal ala ha u naxariistee. Islamarkaana waxa bedalay, Qaybe, Xaabsadena waxa uu markaa ka dib ku noqday gobolka Sool isagoo markaa ka qayb qaatay dhismihii maamul goboleedka Puntland.

Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhacaan badhtamaha sanadka 2008. Waxaana gobolka Sool noqondoonaa mid si weyn loogu baratamo, hadii intaa ka horaysa lagu guulaysto in la xasiliyo dagaalada halkaa ka taagan oo wakhtigan degan ka dib markii ciidamada Somaliland ku guulaysteen markii ugu horaysay inay dhinaca bari masaafo aad u badan u dhaafaan magaalada Laas-caanood oo mudo afar sanadood ah ay isku hor fadhiyeen ciidamada maamulka Puntland.  

Shalay ilaa xalay: Xuska maalinta shuhadada ee 17-ka Oct

“Dastoorkii SNM waxa ku taalay markaynu

dalka laba sanadood hayno xukunkiisa

waynu wareejinaynaa, ee ma qalad bay ahayd?”

“Maanta Mujaahidiinta iyo Saraakiisha cusub waxa ugu horeeya Daahir Rayaale Kaahin, waana ilaahay mahadii..”

Talaabo

“Dagaalka maanta jiraa waa dagaal goobeed, laakiin dagaalka weyni waxa weeye maba jirtaan, oo la idin ictiraafi maayo……Qolayaha Xukuumadu awal waxay soo diri jeen, wasiir keliya ama ku xigeen gabbanaya, maantana meel aanu ka fadhiisano ayaanu waynay. Waayo, awal wax ay ku hadlaan may hayn, maantase ..”Xasan Ciise

Hargeysa (Ogaal)- Munaasibado loo sameeyay xuska 17 October ee  maalinta shuhadada oo ku suntan halgankii dib u xoraynta Somaliland ee Ururkii SNM hormoodka ka ahaa oo laga soo minguuriyay dagaal tuulada Burco-duuray oo ku taal xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ku dhex-maray Jabhadii SNM iyo ciidamadii Siyaad Bare ayaa  shalay iyo xalay lagu qabatay magaalada Hargeysa.

Munaasibadahan oo mid ka mid ah shalay lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyada ee Magaalada Hargeysa. ayna ka qaybgaleen masuuliyiin ka socotay xukuumada Somaliland, hogaankii Sar-sare ee SNM iyo xubno ka socday Xisbiga UCID waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Ururka SNM. Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waxaana hadalkiisii uu ku bilaabay oo uu yidhi,“Walaalayaal maanta (shalay) Saddex arrimood midna soo qaadimaayo, ta hore, waxa weeyaan xuquuqda iyo baahida Sooyaal iyo Mujaahidiinta, oo aanan beryahaaba soo qaadi jirin maantana soo qaadimaayo. Qaabkii anaynu halkan uga hadli jirnay ee aynu Xukuumadeena yara gacal-cuni jirnayna, maanta (shalay) iyana sidii aynu awal hore uga hadli jirnay ee aynu u soo qaadi jiraynay, iyana maanta (shalay) u soo qaadimaayo… Sooyaal iyo Mujaahidiinta xuquuqdooda soo qaadimaayoo, bacluulkii aynu naqaanay oo maanta isqaatay, dheg jalqabba ma lahoo bacluul is qaaday weeye.”

Mujaahid Xasan Ciise waxa uu sheegay in mar walba loo baahan yahay in xaalada wadanku ku jiro wax laga bedelo, islmarkaana dagaalka wakhigan lagu jiraa uu yahay dagaal goobeed, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. “ Waxaad walaalayaal markhaati iiga tiihiin halkan iyo khayriyadaba (goobtii hore ee lagu qaban jiray munaasibadaha) ilaa waa hore inaan ku tiraabi jiray oo aan odhan jiray, waar xaaladan uu wadanku ku jiraa maaha xaalad caadiya. Dagaalkan maanta jiraana, waa dagaal goobeed oo waa dagaal yar, dagaalka ka  weyn ee aynu ku jirno ilaa abid, waxa weeyaan ictiraaf la,aanta. Dagaalkaa siyaasiga ah ee la’inugu hayo, ee adduunkii la’ina leeyahay maba jiraan. Imika qolyahan aynu is hayno, waxa la leeyahay xuduudkiinii halkan maahee yara durka, balse dagaalka weyni waxa weeyaan maba jirtaan, oo la idin ictiraafi maayo. Waxa weeyaan dhaqaalihiinu yuu korin siyaasidiinu yay korin, Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa yaydaan kursi ku yeelan, oo Adduuka yaydaan ka tirsanaan. In badan ayaan ku taliyey, oo aad markhaati ka tihiin waar dagaalkaa waxa lagaga baxayaa midnimo Qaran. Midnimada lagaga bayaxayaana, waxa weeyaan in la sameeyo dawlad Qaran,  oo Xisbiyadu u dhanyihiin, SNM-ta ka reeba anagu diyaarba uma nihin, oo intii hore ayaaba daalkeedii, faliidhadii iyo doogtii ayaaba nagu soo bax-baxaysa, oo nasashaanu u baahanahay, waana aanu idiin hanaynaynaa. Walaal hadaaad imikana lee dihiin Ummadii ayaanu midaynanyaa diyaar baanu idiin nahay, waana aanu idinla midaynaynaa.”

Waxaa kaloo uu Mujaahid xasan Xiise hambalyo u soo jeediyey Ciidamada jiida hore iyo xukuumada, oo uu tilaamay in ay guul soo hooyeen. “ Markii aynu dalka soo galanay ayaa qolo waxa laga sheegi jiray, qolyahagii mar kaalintaa oo kale joogi jiray, nasiib badanaa ma waraabeyaal baa 10 sanadoodbaa halgan lagu jiree. Kuwan ayaa maantaa Waraabayaashii ahoo maanta aad bay u nasiib badan yihiin.” Ayuu yidhi Xasan Ciise.

Mar uu ka hadalay faraqa u dhexeeya munaasibadan iyo kuwii ka horeeyey, waxa uu yidhi “Safkaa horee buuxa ee aanu meel aanu ka fadhiisano qolyahayagii Mujaahidinta ahaa weynay, qolayaha Xukuumadu waxa ay u soo diri jeen Wasiir keliya ama ku xigeen gabanaya, oo ay dhabarka ka soo riixeenoo halkan inta ay keeneen iyaga oo badan, dabadeedna ay kaga cararaan, oo Waraabaha usoo xidheen, ayey awal ahaan jirtay maantana meel aanu ka fadhiisano ayaanu waynay Wasiiradii. Waayo wax ay ku hadlaan may hayn jirin ee maanta waxoogaa ay ku hadlaan ayey heleen. Walaalayaal waanu idiinku hambalyeynaynaa. Waxaana aanu idin leenahay ciyaari waa gelin dambe, laba saddex jeer hore ayaa ciidankeena la dagaye yaan la idin dagin.”         

Mujaahid Xasan Ciise waxa kaloo uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xadhiga masuuliyiinta Urur siysaadeedka Qaran, oo uu ku taliyey in la sii daayo iyo in lakala ilaaliyo siyaasada iyo sharciga. “Qolyaha xidhan ee Qaran, waxaan ku talinayaa midnamadeenaa ku jirtee in la sii daayo. Waxaan kaloo aan ku taliyaana siyaasada iyo sharciga ha la kala ilaaliyo, waa la kala ilaaliyaye. Dadka sharciga yaqaana siyaasadana yaaqaanaa way kala ilaaliyaan, wadamada hore u marayna way kala ilaaliyaan, mar mar bay isa soo galaan. Kuwaa aan siyaasadna garaneyn sharcina garanayn ayaa isku walaaqa labaadaas, oo Afrikada u badan. Markaa walayaal siyaasada iyo sharciga ha kala ilaaliyo danteenaa ku jirtee.” Ayuu yidhi Xasn Ciise, waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi “Marka la idin tahniyadeeyo idinkuna tanaasul sameeya. Ummad kasta dawladaa ugu miisaan weyn, waayo xilbaa saaran, waana in ay u macaamishaa oo dadkeeda ula dhaqantaa sidiiyoo ay ka wada weyn tahay, marna maaha in ay ula macaamisho sidii kuwii dadlka ugu fududaa.”

Mar uu ka hadlayey doorashooyinka soo socda, Mujaahid Xasan Ciise waxa uu sheegay in aanay suurtagal ahayn in la sameeyo diwaan gelin ay ka wada qayb galaan dadka reer Somaliland oo dhami. “Doorashooyinka waatan loo diyaargaroobayo, waxaan Jaraa’idka ku arkayey, waxa la doonayaa in diiwaan-gelin lagu sameeyo dadka codaynta samaynaya, arrintaas halaga fiirsado. Maaha in lagu daydo oo laga qaato wadamada leh dadkiinii maba diwaangasha. Maxaa yeelay dadkeenu aqoonsiba malaha, oo waa in meel laga qaxiijin karaa in qofku qofkii yahay. Dadkeenu 70% intooda badani waa reer guuraa, oo reer baadiyey u badan yihiin, inta magaalada inga joogtaa waa waxyar. Xittaa intii magaalada inaga joogtay ayaan lahayn aqoonsi. Intii marfishka joogtay ee hadalka inoogu haysatay, mar hadii ay ka baxaan meesha cirkay inagu dubanayaan, ilayn haleeliba maayaan isa soo qora oo kuyuu dheer gala’e. si kaloo loo xaqiijiyo ha la helo, cidda cobixinaysa oo dhan aanu diiwaan gelino bey’adeena macquul maaha, qolyahan Ajaanibka ah ee markay kharashka doorashada bixinayaan yidhaahda taas, dee in laga qaato maha.”

Waxaa isna Munaasibadaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga UCID Md Aadan Maxmed Mire Waqaf, oo aad ugu dheeraaday mudnaanta ilaalinta taariikhdii Mujaahidiintii dalkan Somaliland u soo halgantay. “Waxaan leeyahay waa in la qadariyaa Mujaahidiintii u soo dhimatay dalkan ee inoo keentay Somaliland tan anaynu hadhsanayno, midhaheediina ay iyagu keeneen, waa in aynu qadarinaa oo xuska in la weyneeyo ayey tahay. Maaha Shan Wasiir oo Mujuaahidiinta ka tirsan oo halkan inoo fadhiya keliya qadarinteedu, ee Xukuumada maanta joogta waxaa looga baahnaa abaabul intaa ka badan in ay samayso, oo la muujiyo maalintani halka ay kaga taalo Somaliland, midhahaas ay nimankaasi keeneen waxa inooga masuul ah hawsheeda Xukuumada maanta joogta.” Ayuu yidhi Aadan Mire Waqaf, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo yidhi.“Dadweyinhii taageerayeyna waxa ay u muujiyeen in ay yihiin Ciidan la isku halayn karo, oo xorayn kara Somaliland iyo ujeedada ay markaa u qaateen qalabka. Waxaan leeyahay Calankan iyo Ciidani idinma ilaabi karto, waa wax jiraya inta Somaliland jirayso oo la xasuusnaanayo, inta maanta joogta ee ku dhawaacantay ee naafada ah, ee ku wax yeelawday ee daycan, waxaanu leenahay ha loo dedaalo oo ha la gaaddhsiiyo meeshay lahaayeen iyo meeqaamkoodii, marba waxa ay awoodu saamaxdo.”

Waxaa kaloo uu ka hadlayey Waqaf dagaalada ka socda Gobolka Sool degmadiisa Laas-caanood iyo hareereheeda. “Halgankii weli waa socdaa ee ismuu taagin, maanta Ciidamadeena iyo dadweynihii reer Sool, waxay ka gil-gilsheen cadawgii ku soo duulay oo ay uga horeeyeen degmada Laas-caanood. Waxaanu leenahay Ciidanka halkaa jooga ee geesiyaasha ah Waajibaadkiinii ayaad gudateen. Ciidankuna awal waa uu dabranaa, waxaa  uu u dabranaa in mar uun amar la siiyo, Cudduda hortaagnayd ma ahayn ciidan u babac dhigi karasay. Laakiin ilaahay waxa uu qadaray in ay maalintaa dhawayd guushaas la hanto.” Ayuu yidhi Md Waqaf, oo soo jeediyey in guusha halkaas laga gaadhay lagu hanan karo in la daryeelo dadweynaha goobahaas ku nool, iyada oo la tusayo ayuu yidhi soo dhawayn.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Md Siciid Sulub, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu ka hadlay taariikhda maalinta loo dabaal degayay. Ee 17 October oo uu tilmaamay inay taariikhda meel weyn kaga jirto.isaga oo tilmaamay in munaasibadani la kulantay iyadoo uu weli sii socdo halgankii sida uu sheegay waxana uu dhaliil kulul u soo jeediyey Madaxweynaha Puntland Cade Muuse oo uu sheegay inuu hayo dhabihii Cabdilaahi Yuusuf iyo cadaawadii uu u hayay Somaliland.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise Taabo, oo isagu ku dheeraaday taariikhdii halganka SNM iyo jaran-jaratii ay soo martay dib u xoraynta dalku. “Ciidankii noogu horeeyey ee noo hanaqaadana waa uu ahaa, Sayid Cali inta ka noolina waa fara ku tiris. Sayid Cumar ayaa ku xiga, oo Sayid  Abubakar ayaa ku sii xigay, sidaas ayey u soconayeen.”Sidaa ayuu yidhi wasiir Talaabo, isaga oo intaa ku daray “Halgankani waxa uu soo maray saddex weji, midi waa markii ay ku dhawaaqeen Xasan Ciise iyo ragii kaleba, mar uu dhuumaalaysi soo maray iyo mar uu Ciidan dagaalamo lahaa iyo maanta oo uu wejigii Afraad galay, oo ah dhamaystirkii dalka aynu gaadhnay. Taariikhduna intaa way furan tahay, oo Mujaahidiin cusub iyo taariikh sucub ayaa intaa soo gelaysa. Wixii noolina way ka qayb gelayaan. Maanta Mujaahidiinta iyo Saraakiisha cusub waxa ugu horeynaya Daahir Rayaale Kaahin, waana ilaahay mahadii iyo dee reer Laas-caanood oo dhan, ayaa sidaa noqonaya.”

Dhinaca kale, munaasibad taa hore ku xidhiidhsan oo lagu xusayay maalinta shuhadada ayaa iyana xalay lagu qabtay hotel Imperil ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaana ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay, “Ururkii SNM waxa uu ahaa Urur dimuquraadiya, wadaniya, halkan waxan ka maqlayay markaynu halkaa joognay ayaynu is qab-qabsanay. Waxba la isma qab-qabsane shirkii ugu dambeeyay ee Bali-gudbadle dastoorka SNM waxa ku taalay iyada oo aan dalka la soo galin maxaynu yeelaynaa markaynu dalka qabsano. Dastoorkii SNM waxa ku tiilay markaynu dalka laba sanadood hayno xukunkiisa waynu wareejinaynaa, oo waxaynu ku wareejinaynaa shacabka, maqalad bay ahayd? Ma qalad bay ahayd? Taa waa laga doodi karaa. Dad badan baa yidhaahda Jabhaduhu sidaa ma yeelaan, inaynu sii dayno may ahayn. SNM, baa is qabsatay may ahayn waxay ahayd go’aan iyo siyaasad ay SNM lahayd, haday sax ku ahayd iyo haday qalad ku ahaydba. Habkaa aynu aynu samaynay, waxaan qabaa waa ka aynu xasiloonida, daganaanshaha, dawladnimada, dimuquraadiyada waxaynu maanta haysano ku gaadhnay. Tusaale ahaan, Golaha Guurtida aynu sheegno. Gulaha Guurtidu muu ahayn Gole ay lahaayeen dawladihii hore ee Somaliya, Somalilandna may is raacdeen. Waa Hay’ad uu sameeyay Ururkii SNM. Waa Hay’ad loogu tala galay,  laba arrimood baanu ugu talagalay markaanu samaynaynay Guurtida, midi waxay ahayd maadaama oo ay dadweynaha ka tirsanayd inay nala abaabusho dadweyanaha iyo beelaha. Ta labaadna waxay ahayd dad is qabanaya oo iyagu dibada nala jooga, oo talo leh. Waa taa la dhaxlay ee ilaa maanta dhisan. Waxay Somaliland kaga duwan tahay Somaliya waxan inaga maanta dadka qaarkii ceeb ka dhigayo ee aynu baranay waa dhaqan aynu baranay oo aynu la soo kacnay, oo ka maanta dad iyo dal inaga dhigay ee aynu maanta ku dhisanay waa wixii aynu ku tababaranay ee aynu ka dhaxalay SNM. Markaa yaan SNM wexeeda ceebeyn laga dhigin. Sharafteeda iyo taariikhdeeda sidii raggu sheegay ha loo siiyo. Xalay Tv-ga waxaan ka daawanayay Laas-caanood ragga halkaa ka wada dagaalamayay ee muuqday waxay ahaayeen 90% waxay ahaayeen raggii SNM ayay ahaayeen oo aan maanta darajada lahayn, waxna lahayn, waxna ka muuqan oo sidii halgankii ugu jira laftoodii weeye mid qudha oo xidigi ku tolan tahayna maan arkaynin, mid biladi ugu tolan tahayna maan arkayn. Samir, adayga SNM waxay baratay ogolaanshaha , dad la dhaqanka iyo la noolaanshaha waa waxa ay maanta kuwii la dagaalamayay u xukumayaan, waa waxa maanta iyaga oo aan darajo lahayn ay weli ugu dagaalamaan ee ay halganka ugu jiraan. Ilmaadeerayaal aan maanta dadkeena qiimayno, oo halgankeena qiimayno, oo taariikhdeena qiimayno, oo dadnimadeena qiimayno. Ciidamadana hambalyo aad iyo aad u balaadhan ayaan u soo jeedinaynaa. Waxaan kula dhayaa oo aad u mihiim ah, markay odayaashu waramayeen waxa ay yidhaahdeen anaga nalama soo galin, nalama taaban. Waad arkayseen inay ahayd qiiro weyn, dadku waa dhafoor taabasho, waynu naqaanaa dadkeena iyo dhaqankiisa. Maanta waxa loo baahan yahay in Gurmadka aynu halkaa gaynaa noqdo yaan dadka reer Laas-caanood la dareensiinin in cidi qabsatay. Dadka reer Laas-caanood ha dareemaan inay dalkoodii joogaan oo iyagu kuwa talinaya ay yihiin, waa in wax lala qabtaa, maamul lala dhisaa, waa in iyaga la horumariyaa. Waa in Ciidamadu sida quruxda badan ee ay imika yeeleen hawlahooda ku eekaadaan, waa inaan imika lagu dagin oo aan dhiisayo la duldhigin, Badhasaabo la duldhigin, oo qaar dhaca la duldhigin. Markaynu dalka u dagaalamaynay halka aynu ku jiray waynu ogeyn siyaasad hagaagasan oo toosan ha lala yimaado. Waxaan u hambalyaynayaa dhalinyarada taariikhdan soo ururisay” Sidaa ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye

Dadkii kale, ee munaasibadaa xalay ka hadlay waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Arrimaha dibada, mujaahidiin iyo masuuliyiin kale oo fara-badan.

Born: “Hay’adda GAA si dhakhso ah ayay hawleheedii u bilaabaysaa”

Madaxa xafiis-goboleedka Hay’adda GAA

Hargeysa (Ogaal)- Hay’adda Jarmalka ah ee GAA, ayaa shaaca ka qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan dib uga bilaabayso hawleheedii dalka Somaliland, ka dib markii shaqaaleheeda si ku meel gaadh ah hore ugala baxday arrimo la xidhiidha isku-dhacyadii milatari ee bariga Somaliland.

Qoraal ay hay’addu ka soo saartay xarunteeda Bonn ee Jarmalka, laguna socodsiiyay cid kasta oo ay khusayso, ayaa nuqul ka mid ah oo Ogaal soo gaadhay, kuna saxeexan yahay Bruno Friedrich, oo ah Madaxa Hay’adda German Agro Action (GAA) ee gobolku, waxa uu u dhignaa sidan:

“Ka dib markii ay dhaceen jid-gooyooyin milatari oo u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland, Hay’adda German Agro Action (GAA) waxay si ku-meel-gaadh ah ugala baxday shaqaaleheeda meelihii ay ka waday saddexda mashruuc ee Burco, Ceerigaabo iyo Boorama 04/10/2007. Waxaan halkan idinkula socodsiinayaa in markii la sameeyay qiimayn arrimaha amaanka ah, oo ay ka qaybqaateen NGOs-ka arrimaha amaanka, iyo warbixino amaanka ah, oo ay soo diyaariyeen shaqaalaha GAA ee Somaliland ku sugan, iyaga oo raacayay tilmaamihii ka imanayay Xarunta GAA ee Bonn, Jarmalku waxay si degdeg ah u qaadeen xayiraadii. Ka dib, xaaladdaha caadiga ah ee laysku hallayn karo amaankooda, hawlihii mashaariicdu si dhakhso ah ayay u bilaaban doonaan.”

Dila: Dhawaaqii hore ee odayaasha iyo dhaq-dhaqaaqii xukuumada ee danbe

Hargeysa (Ogaal)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqmeedka, Aqoonyahanka iyo wax-garadka beesha reer Nuur ee Gobolka Awdal  ayaa sheegay inay  taageersan yihiin Xisbiga UDUB, isla markaana beeniyay hadal hore uga soo yeedhay qaar ka mid ah beesha oo hore u sheegay inay ku biirtay Xisbiga Kulmiye,.

Madax-dhaqmeedku sidaa waxa ay ka sheegeen xaflad shalay lagu qabtay Huteel Maan-soor ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana ugu horeyn halkaasi hadal ka jeediyay Suldaan Saleebaan Cali, oo sheegay haday yihiin madax-dhaqmeedkii beesha reer Nuur in ay wakiil ka yihiin beesha, isla markaana ay dan u arkaan taageerada Xisbiga UDUB. “Xisbiga UDUB ayay beeshu ku nagidahay. Xisgiga UDUB, reer Nuur hooyo ayuu u yahay, Xisbiyada kalena waa noo Aayo. Aayo macnaheeda dadka ha waydiiyo ninka aan garanaynini.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Saleebaan.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Suldaan Nuur Jibriil waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi “Xisbiga UDUB boqolkiiba sagaashan uu leeyahay Samaroon ee uu toban dadka kale u ogolyahay, (Xisbiyada kale) boqolkiiba boqol Isaaq baa isku xeeray.” Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Odayaal iyo wax garad kale waxaanay dhamaatood si ku adkaysteen, inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Xisbiga UDUB, iyaga oo xusay in qofka siyaasiga ahi damaciisa Xisbiga uu doono la tagayo, Xisbiyada kala duwanna ay kuwada jiraan, balse ay beesha bulshadeedii iyo Madax-dhaqmeedkeeduba ay hore u taageereen, imakana taageerayaan Xisbiga UDUB.

Tallaabadani waxa ay qayb ka tahay olole xukuumaddu beryahan ka waddey degmada Dila oo ay doonayso inay dib ugu hanato beesha deegaankaas oo dhowaan qaar ka mid ah madax-dhaqameeyada iyo aqoonyahannadu ay caddeeyeen inay ku biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ku tageen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Madaxtooyada iyo xildhibaanno ka tirsan degmadaas oo dhammaantood ka soo jeeda deegaanka Dila.

Xubnahaas oo uu hoggaaminayey Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, mudane Qaasim Sheekh Yuusuf, waxa la sheegay inay dhaqaale badan ku bixiyeen sidii odayaasha Beeshu ay u soo saari lahaayeen bayaan ay ku burinayso bayaankii hore xubno beesha ka tirsani ugu shaaciyeen inay ku biireen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Caaqil Maxamed X. Cilmi Kaariye oo ka mid ah Cuqaasha bulshada degmada Dila oo u warramay Radio Horyaal shalay ayaa sheegay in hanjabaad shaqaalaha dawlada ee deegaankaasi xukuumadu ugu jeedisay inay waayi doonaan shaqooyinkooda hadii aanay keenin odayaal beeniya bayaanka hore, kaasoo ka dambeysey markii kooxdaa wasiirku horkacayey oo uu isna ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Daa'uud ay ku hungoobeen qorshihii ay u tageen degmada Dila ee ahaa inay odayaasha iyo cuqaasha ka soo saxeexaan bayaan sida uu sheegay caaqilku.

Degmada Dila ayaa ahayd meelaha uu Madaxweyne Riyaale ugu taageerada badan yahay. hase yeeshee, Prof.  Ismaaciil Muumin Aare oo ka soo jeeda deegaankaas ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga KULMIYE, isla markaana uu xisbiga dhexdiisa uga tartamayo Musharraxa madaxweynekuxigeenka ee xisbiga, taasina waxay keentay in beeshu u kala qaybsanto labada xisbi.

“Dumarkuna waxay diyaar u yihiin inay dahabkooda idiin iibiyaan…”

Wasiirka Qoyska Somaliland

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada Qaranka”

Marwo Hudda Barkhad Aadan

Hargeysa (Ogaal)- Marwada Koowaad Huda Barkhad Aadan, ayaa hambalyo  u dirtay Ciidamada Qaranka Somaliland, iyada oo uga hambalyaynaysa guushii ay ciidanku ka gaadheen dagaalkii ay maleeshiyaadka Puntland kaga saareen Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Marwo Huda Barkhad Aadan oo shalay ka qaybgashay kulan lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada oo haweenku ay  ku taageerayeen Ciidamada Qaranka, ayaa tidhi, “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada Qaranka ee ku sugan Gobolka Sool, ee guusha weyn ka  soo hooyay. Waxaan leeyahay, guulaysta, waxaanan leeyahay Ilaahay ha idinla jiro. Sidoo kale, waxaan u hambalyaynayaa xukuumada Somaliland ee ku dhabar-adaygtay, mudadii sannadaha ahna halkaasi ku sugnayd sidii nabad loogu gaadhi lahaa arrintooda.” Marwo Huda Barkhad, waxay sidoo kale hambalyo u dirtay haweenka Somaliland, waxaanay ku adkaysay in haweenka Somaliland ay is-garab taagaan ciidankooda. “Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa haweenka xukuumadda iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB,” ayay tidhi Marwo Huda.

Kulankan, oo ciidamada loogu diyaarinayay cunto, waxa ka hadashay Wasiirka Qoyska Marwo Faadumo Suudi Xasan, oo iyana hambalyaysay ciidamada qaranka ee jiiddaas mudada dheer ku sugnaa, isla markaana waxay ku boorisay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda. “Annaguna waanu idin garab-taaganahay, dumarkuna waxay diyaar u yihiin inay dahabkooda  idiin iibiyaan, hadii ay kelifto,” ayay hadalkeeda raacisay Wasiirka Qoysku.

Xukuumadda Somaliland oo jawaabo adag ka bixisay eedaymo ka soo yeedhay Cade Muuse

“Puntland waxa laga soo afuufayaa Isirnimo, waxanuse u sheegaynaa, inay faraha kala baxaan xuduudaha Somaliland.” Wasiirka Arrimaha Dibada

“Markuu hoggaamiyaha Majeertyeeniya leeyahay calan Somaliland ka taagnaan maayo Sool, wax cusub muu soo kordhin ee waa naf-la-caaridnimo”Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa si adag u beeniyay hadallo ka soo yeedhay Cadde Muuse, oo la xidhiidhay in Somaliland dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ay garabsanaysay wax uu ku tilmaamay quwado Eretariyaan iyo Maxaakiimtii laga itaalka roonaaday ka tirsan ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo shalay u waramayay BBC-da, ayaa si adag uga digay in maamul-goboleedka Puntland ay faraha kala baxdo arrimaha gudaha xuduudyada Somaliland, haddii ay taasi iman waydana, waxa uu sheegay in Somaliland tallaabo adag ay kaga jawaabi doonto. Wasiirka oo beeninaya hadalkii uu Cadde Muuse ku andacooday, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; “Horta warkaa dee, isaga ayaa soo cadayn doona, Somaliland-na waa la ogyahay inaan ciidan ajaanibi joogin, somaliland-na maanta waa la ogyahay inay leeyihiin ciidamo dhisan, oo anshax leh. Markaa arrinkaa, wax alaale wax ka jiraa, haba yaraatee, ma jiro. Duquna (Cadde Muuse), bal cidduu leeyahay waan hayaa, isagay tahay inuu keeno.” Wasiirka oo ka sii hadlayay beeninta sheegashooyinka ay ku andacoonayeen masuuliyiinta Puntland, waxa uu yidhi, “Ta kale, rag kale oo maamulkiisa ka tirsan, ayaa baryahanba waxaanu ka maqlaynay, oo iska soo-daba noqonayay Erretariya iyo Maxaakiim iyo dad caynkaasa ayaa arrinta ku jira, oo dagaalkaas wada. Waxaas wax ka jiraa ma jirto. Anagana wax xidhiidh ah, oo gaar ah oo naga dhexeeya Erretariya ma jirto.”

Wasiirka oo sababaynayay sida aanu Somaliland iyo xoogaga la sheegay xidhiidh uga dhaxayn, ayaa hadalkiisa raaciyay, “Wax alaale wixii ay dad ku soo tabobareen muddo hore, oo media-hana gashay, Asmara lagu soo tabobaray, halkan (Somaliland) ayaanu ku qab-qabanay, oo doonayay fidno inay mandaqada geliyaan. Markaa waxa weeyaan, annagu qoladaa meel aanu isu-soo maraba haba yaraatee ma jirto. Argagixisay ka hadlayaan, argagixiso-na Somaliland (victim) dhibane bay ahayd. Tiraba shan jeer ayaa falal dambiyeed ka dheceen.” “Arrinta ugu darani waxa weeyaan Somaliland haday nabadgelyo-daro ka waddo jiidaa Majeerteeniya, Cadde Muuse wuu soo cararay. Cabdillaahi Yuusuf baa ka soo eryay, markii uu maamul-goboleedka isagu madaxda ka ahaa. Waataad ogeydeen, halkan (Somaliland) ayaa lagu hayay, Somaliland ayaa haysay oo uu ku soo cararay firxadkiisii, waa la dhaahiyay, waa loo loogay. Dad badani waxay filayeen in Somaliland, intay hubayso Cadde Muuse ay isugu dhiibto isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf hub iyo saanad, maanaan yeelin, ee anaga oo xeerinayna jaarnimada, gobolka iyo xasilooniddiisa waxaan go’aansanay, in aanu labadoodii ka dhex-shaqayno, oo aanu u dirro odayaashayadii iyo boqoradayadii iyo weliba cuqaashayadii, oo weliba aanu galbinay, oo intaana aanu halkaa ku masruufaynay,” sidaa waxa hadalkiisa ku daray Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, isaga oo ka jawaabayay in lagu eedaynayo Somaliland inay iyagu wadaan rabshadda, oo ay ku mijo-xaabinayaan maamul-goboleedka Puntland. “Markuu hub na waydiistay, ee yidhi ha layla dagaal galo, col iyo ha lay siiyo, iyo Somaliland aniga ayaa ictiraafaya, waxaanu nidhi; Adeerow meeshaadii ku noqo, nabadgelyo-darro dhulkan loogama baahna, gobolkanuna inku filan wuu gubanayaa.”

Waxa kale, oo uu sheegay in Somaliland marar badan la soo weeraray oo aanay iyagu cidna weerarin, isla markaana ay dalalka jaarka ah ee gobolku taas ogyihiin, sidoo kalena Ururka Midnimada Afrikaanku ay ogyihiin. “Itoobiya annagu waxaanu u tagnay danahayaga, waa runtaa wuu joogay Cadde Muuse, laakiin ismaanu arag, wax aanu ka wadahadalayna ma jiraan, Itoobiya-na nalama soo hadal-qaadin, ee waxyaabaha aanu ka wadahadalay waxay ahayd walaalnimadayada, jaarnimadayada iyo adkaynta dhinacyada nabadgelyada iyo xidhiidhka ganacsi. Itoobiya-na wada-tashi (consultation) joogto ah, ayaa naga dhexeeya, is-kaashi dhinacyo badan baa naga dhexeeya, waana xidhiidh aanu ku faanayno runtii,” ayuu yidhi Wasiirku mar la waydiiyay in ay Itoobiya ku kulmeen Cadde Muuse, inay wadahadleen iyo waxyaabaha ay Itoobiya kala soo hadleen dhawaan mar wefti Somaliland ahi uu halkaa ku tegay.  

“Halkaa (Puntland) waxa laga soo afuufayaa isirnimo iyo in dadkii fidno dhexdooda la geliyo. Waxaanu uga digaynaa maamulkaa…..isku sheegaya ee Garoowe fadhiyaa inay faraha kala baxaan xuduudaha Somaliland, haddii kale, waxay nagu kelifaysaa inaanu tallaabooyin hor leh qaadno. Haddii aanu ognahay cadow nagu soo socda, iyo talo meel lagu sii ururinayo, waxaanu xaq u leenahay inaanu halkooda ugu tango, oo isku difaacno, waana arrin caalami ah. Haddii ay nagu kelifto, oo ay ka waantoobi waayaan, waxaanu tegaynaa meel alla meeshii aanu isku hortaagi karro, waxna kaga qaban karro….” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed X Daahir Cilmi, ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray ku naqdiyay hadalkii uu ku andacooday Cadde Muuse ee uu Somaliland ku tilmaamay dal ay ka soo garab dagaalameen maxaakiim iyo shisheeye kale. “Haddaba waxa is-weydin leh, Cadda Muuse miyaanuu ahayn kii soo magan-galay Somaliland, ka dib markuu u adkaysan kari waayay dhibta uu ku hayay gacan-ku-dhiigle Cabdilaahi Yuusuf.” Ayaa ka mid ahayd war-saxaafadeedkaas. “Ma maanta markay ummadda reer Sool iyo Ciidanka Qaranku hoog iyo jab badeen ayuu hogaamiyaha qawlaysatada Maleeshiyada Majeerteeniya ku andacoonayaa, waxa isugu-kay tagay xoogag shiisheeye? Adduunku wuu ogyahay meelaha argagixisadu joogaan, oo waxa caddayn u ah garaacii Maraykanka ee Baar-gaal. Maxkamadaha uu sheegayo, miyaanay ahayn kuwii ay Somaliland cambaaraysay, balse isagu la shiray.” Ayaa lagu yidhi qoraalka war-saxaafadeedkaas.

“Markuu hoggaamiyaha majeertyeeniya leeyahay calan Somaliland ka taagnaanmaayo Sool, wax cusub muu soo kordhin ee waa naf-la-caaridnimo oo qas aan u socon doonin ayuu ku hamiyayaa. Hadduu u bartay dulqaad inay lahayd Somaliland oo uu siduu doono ka yeeli jiray dadka iyo dalka Somaliland, maanta  samirkii wuu ka soo dhamaaday Somaliland, dibna u qaadanmayso gardarro iyo duulimaadyo qaawan oo dhiniciisa kaga yimaada.”

War-saxaafadeedku, waxa uu intaa ku daray, “Waxaanu uga digaynaa qawlaysatada Majeerteeniya inay qalalaase gelin Garoowe iyo Boosaaso. Somaliland cidna ka baryimayso sugitaanka xuduudaheeda caalamiga ah ee ay ka dhaxashay heshiisyadii ay kala qorteen Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya iyo Faransiiska.” Ugu dambayntiina, qoraalka war-saxaafadeedkan, oo u digaya maamulka Puntland, waxa lagu yidhi; “Waxaanu u sheegaynaa adduun-waynaha inaanay Somaliland masuul ka noqon doonin dhibta soo gaadha Garoowe iyo Boosaaso, haddii ay Majeerteeniya joojin waydo gardarrada joogtada ah.

“Xadgudubyada Xuquuqda Aadamaha ee Xukuumadda S/land iyo Xadhigga….” Warbixin shuro-net

“Marka xukuumaddu muwaadiniinta ku xidh-xidho mid ka mid ah xeerarka adduunka ugu xun ee aadamiga lagu cabiidiyo..siday S/land u noqon kartaa wadan dimuquraadiya oo ixtiraama xuquuqda aadamiga” SHURO-NET

Hargeysa (Ogaal)- Dalada isku xidhka Ururada xuquuqda adamiga Somaliland ee SHURO-NET ayaa qoraal furan oo ay soo saareen shalay, islamarkaana ku socodsiiyeen Madaxweynaha Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin ugu soo jeediyay xukuumada, in sida ugu dhakhsaha badan shuruud la’aan loogu sii daayo dhibanayaasha ku xidh-xidhan xabsiyada dalka ee aanay  xadhigooda xalaalayn maxkamad sharci ah.

Qaraalka Isku xidhka Xuquuqda aadama oo ay ku saxeexanyihiin Gudoomiyaha SHURO-NET, Marwo Sam-sam Cabdi Aadan  iyo agaasimaha daladaasi Mubarik Ibrahim Aar, oo si faah-faahsan uga hadlay, talaabooyin iyo tacdiyo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan xuquuqaadka aas-aasiga ah ee muwaadinka, oo xukuumadu ku kacday,  waxa uu u dhignaa sidan:

“Isku-xidhka Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee SHURO-NET oo ay ku bahoobeen  ururada wadaniga ah ee ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga dalka Somaliland, ururadaasi oo ka kala hawl gala dhamaan gobolada dalka, ujeedadda ugu weyn ee Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland waa horumarinta iyo ilaalinta dhamaan xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee ku cad dastuurka dalka iyo heshiisyadda caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha .

Hadaba anagoo ka duulayna muhimadaasi weyn waxa uu Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee SHURO-Net war-saxaafadeedkan uu ugu talo galay in uu u noqdo mid wax ka tara joojinta iyo wax ka qabashada xadgudubyadda xuquuqda aadamiga ee ay geysato xukuumadda Somaliland, iyo sidoo kale ka fogaanshaha wax kasta oo dhib u keeni kara amniga dalka Somaliland.

Iyadoo ay doorashadii dowladaha hoose dhib u dhac ku yimi, ayaa Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo si feejigan ula socda xaalada xuquuqda aadamaha dalku hadba halka ay marayso, ishana ku haya geedi socodka nidaamka dimuguraadiyadeed ee Somaliland ku hanaqaaday ,waxa uu aad uga walaacsan yahay markii uu si qoto dheer ugu kuur galay xadgudubyada xuquuqda iyo xoriyadaha aadamaha oo ay geysato xukuumadda Somaliland oo aad u sii kordhaaya, taasina waxa ay saamayn khatar ah ku keeni kartaa tacabkii ummada ay ku baadigoobayeen aqoonsi iyo cadaalad hadhaysa gayiga Somaliland.

Sidaasi darteed, marka giddida nabadyalyadu ay xabsiga u taxaabayso ciday doonta iyadoon horkeenin maxkamad sharci ah taa soo si toos ah u khilaafsan sharciga dalka, marka garsoorka dalku aanu ka madax banaanayn xukuumadda talada haysa, marka muwaadinka ka hadla xukuumadda xabsiga loo taxaabayo iyadoo aanay jirin dambi uu galay,marka ay boolisku xabsiga u taxaabayaan dad rayid ah iyagoon haysan waran maxkamadeed,marka xoriyadda warbaahintu aanay dalka si dhab ah uga jirin, isla markaasina ay xukuumadda Somaliland ay u adeegsato muwaadiniinta dalka in ay ku xidhxidho mid ka mid ah xeerarka adduunka ugu xun ee aadamiga lagu cabiidiyo, marka ay xukuumaddu ka horjoogsato shacabka mudaharaadka salmiga ah iyadoo ku marmarsiyoonaysa amniga,,marka taageerayaasha urur siyaasadeedka qaran loo taxaabayo xabsiga iyadoo aanay jirin maxkamad amartay,intaasi marka lagu  daro xadhiga sharcidarrada ahaa  ee lagula kacay masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran kuwaa soo ilaa hada ku jira xabsiga mandheera ,sideebay Somaliland u noqon kartaa wadan dimuquraadiya oo ixtiraama xuquuqda aadamiga.

Xadhig aan Maxkamad Jidaynin:

Guud ahaan Xabsiyada dalka Somaliland waxa ku jira dad tiro badan oo aan la horgeynin wax Maxkamad sharci ah balse ay Gudiyada Nabadgalyada Gobolada iyo Qaranku ay xadhigooda u adeegsadeen xeerka lagu magacaabo Public Order Law, kaasi oo Barlamaankii uu xiligiisu  dhamaaday uu cod buuxda ku laalay in xeerkaasi dalka laga isticmaalo badhtamihii sanadkii 1999.

12/10/2007 abaaro 7:00 a.m ayay ciidanka booliska Burco  u taxaabeen  xabsiga dhexe ee Burco Muxiyadiin Mursal Abdi Gaboose  iyo Cali Maxamud Habi oo ku magac dheer Cali Baabuur.Labadan oday oo kasoo jeedo raaska Dr Gaboose  ayaa habayaraatee aan loo marin xadhigooda wado sharci ah.

Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga ee SHURO-Net iyagoo tixraacaya qodobka 9(1) ee heshiiska caalamiga ah ee xuquuqaha madaniga iyo xuquuqaha siyaasiyeed,kaa soo odhanaaya qofna si gardaro ah la iskagama xidhi karo,la iskagamana hayn karo,qofna xorriyadiisa lagama xayuubin karo marka laga reebo sababo iyo hab-raac ku dhisan sharciga.iyagoo fiirinaya qodobka 9 ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga iyo qodobka 25(2) ee destoorka jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u canbaaraynayaan xadhigaasi sharcidarrada ah ee ay ku kacday xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale xadhiga lagula kacay labada oday Mursal Abdi Gaboose iyo Cali Baabuur ayaa waxay sababtay in dhalinyar gadoodsani ay weerar hubaysan ku qaadaan saldhiga dhexe ee Burco si ay u sii daayaan labada maxbuus ee halkaa ku xidhan.Weerarkan oo ay hub isweydaarsadeen labada dhinac buuliska xabsiga iyo dhalinyarta gadooday ayaa wuxuu khasaare gaadhsiiyay dadkan hoos ku qoran.

1.             Dhamac Abdi Jamac          Dhimasho 

2.             Farax Cali Maxamed         Dhimasho  Askari

3.             Suldan Maxamed Cajab    dhaawac 

4.             Xasan Siciid Saarweel       dhawac   

5.             Maxamed Husein Aidiid   dhawac   

6.             Bidaar Muse Wayd              dhawac  Askari

7.             faysal ali damal   Dhaawac

Maha markii ugu horeysay ee ay xukuumadda Somaliland  xabsiga u taxaabto taageerayaasha urur siyaasadeedka qaran  balse sida ku cad diiwaanka xuquuqda aadamiga xukuumada Somaliland waxa ay xabsiga u taxaabtay habeenimadii khamiistii 10 Octobor 2007, dadka kala ah Mahdi Jamac Cumar iyo Maxamed Cabdi Jibriil oo haba yaratee aanay jirin wax dambi ah oo ay faraha kula jireen islamarkaana aanu boolisku haysan ogolaansho maxkamadeed oo sababaysan .Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamigu Somaliland waxay si cad uga soo horjeedaan  xadhiga sharcidarrada ah ee lagula kacaayo dadka rayidka ah iyadoon loo marayn wadadii uu jideeyay  sharciga dalku, islamarkaana waxaanu diidannahay in xuquuqda lagu raadsado xoog iyo gacan ka hadal taasoo wax u dhimi karta jiritaanka Somaliland

Xadhiga masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran:

Masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran ayaa xabsiga Madheera loo taxaabay bishii July 28 kadib markii ay xukuumaddu ku  soo eedaysay inay samaysteen urur siyaasadeed aanu ogolayn sharcigu, islamarkaana ay ku bogjeexeen dastoorka dalka.Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga ee SHURO-Net oo aarintan si feejigan oo taxidir leh ula socday ayaa wuxuu xaquujiyay inuu ahaa xadhigaasi mid baalmarsan sharciga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee uu dammanad qaaday dastoorka Somaliland.Sadexda masuul ee urur siyaasadeedka qaran ,Dr Maxamed Abdi Gaboose,Eng Maxamed Hashi Elimi iyo Mr Jamaal Aidiid Ibrahim oo ah siyaasiyiin u xidhan rayigooda ayaa siidayntooda uu ku xidhay Madexwaynaha jamhuriyada Somaliland ,Mudane Daahir Rayaale Kaahin inay soo qortaan warqad cafis ah.Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga ee SHURO-Net ayaa waxay u arkaan shardigan caqabad la hordhigayo xuquuqda siyaasadeed ee masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran iyo fulinta go’aamadii kasoo baxay heshiiskii ay wada galeen madaxwaynaha iyo golayaasha qaranku kaa soo ay wadeen guddidii isu xilsaartay xalinta khilaafaadka golayaasha qaranka.Sidaa daraadeed wuxuu isku-xidhka ururada xuquuqda aadmiga ee SHURO-Net ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay xorriyadoodii usoo celiso masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran sida ugu dhakhsaha badan, islamarkaana lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira  wada hadal iyo isafgarad.

TALO SOO JEEDIN:

Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa uu ugu baaqayaa:

Xukuumadda Somaliland

1.Xukuumadu waa in sida ugu dhaqsaha badan oo aanay wax shuruud ah ku xidhaynin ay ooda uga qaadaan  dhamaan dhibanayasha ku xidhan xabsiyada dalka ee xadhigooda aanay xalaalaynin maxkamad sharci ahi .

2.Waa in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadoodii loogu soo celiyo xoriyadooda madaxda urur siyaasadeedka qaran.

3.Waa in ay joojiso xukuumaddu xadhiga sharcidarrada ah ee ay kula kacayso dadka rayidka ah ,una marto wixii xadhiga sifo sharci ah.

4.Waa in xukuumaddu sharciga horkeentaa dhamaan  saraakiisha iyo hawl wadeenada hay’addaha sharci fulinta somaliland ee geysta xadgudubyada xuquuqda aadamaha , waana in shaadhka dawladu aanu noqonin sida imikaba dalka ka jirta mid ficilada xunxun ee ay sameeyaan gabaad uga ah.”

Maxkamad Maraykan ah oo gabadh Somaliyad ah ku xukuntay xadhig Sanad iyo maalin ah

USA (W,Wararka)- Maxkamad ku taal dalka Maraykanka ayaa gabadh magaceeda lagu sheegay Dona Daa''uud Adam oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalia ku xukuntay xadhig mudadiisu dhantahay sanad iyo maalin, ka dib markii lagu helay in ay gashay qiyaamo la xidhiidha dhinaca socdaalka.

Maxkamadu waxa ay sheegtay in ay cadaysay in gabadhan Somalida ahi sideed sano ka hor ka soo guurtay dalka Kanada, iyada oo dalka Kanada soo gashay sanadkii 1993-kii, waxana  magaceeda runta ah uu yahay, sida wakaaladaha wararku faafiyeen ee laga soo xigtay maxkamada Aamina Ismacil Yuusuf, oo ay Kanada ku joogtay. Dabadeed, markii ay soo gashay dalka Maraykanka waxa ay bedeshey magaceedii, waxayna heshay magan galyo, sida Maxkamadu shaacisay. ka dib markii sawir faalso ah faraheeda laga qaaday, waxayna dafirtay in deganaansho laga siiyay dalka Kanada wakhtigaasi, ayna qaadatay faa’iidoyinka dhaqaale ee ay bixiso waaxda socdaalka ee Kanada.

Waxa ay Aamini sida la sheegay ku qaadatay aqoonsigan faalsada ah ilaa 120,000 oo dollar, oo ah tashiiladka ah ay bixiso waaxda socdaallku

Kalfadhiga 5-aad ee Wakiillada oo furmaya Sabtida

Hargeysa(Ogaal) – Kalfadhigii caadiga ahaa ee 5aad ee golaha wakiilada ayaa furmaya maalinta Sabtida ah ee innagu soo fool leh sida lagu sheegay wargelin uu na soo gaadhsiiyey xoghayaha guud ee golaha wakiilada Maxamed Xasan Kaahin (Keyse).

Wargelintaas oo dhammeystiraninna waxa ay u dhigneyd sidan “Dhammaan waxa lagu wargelinayaa mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, in uu furmayo kalfadhigii 5aad ee caadiga ahaa ee golaha wakiilada 20/10/2007 maalinta sabtida ah, saacaddu marka ay tahay 9 subaxnimo.

Waxa lagu adkaynayaa in ay mudaneyaashu wakhtiga dhowraan.”

wararkii wargeyska ogaal
 

Somaliweyn Media Center (SMC)
Hargeysa

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)