|
Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ku soo qabtay Hub sharci daro ah iyo malayshiyaad
Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ku soo qabtay Hub sharci daro ah iyo malayshiyaad
Howlagal ay manta ka sameeyeen Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir ayeey Ciidamada dowladda gacanta ku soo dhigay hub iyo maleeshiyaad xiriir la leh kooxda shabaab.
Howlgalkaan ay Muqdisho ka sameyeen ciidamada booliska Soomaali ayaa waxa ay ku soo qabteen dad gaaraya ilaa 364 qofood oo lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen falal amniga ka dhan ah oo sacadihii ugu dambeeyay ka dhacay xaafado ka tirsan dagmadaasi.
Dadka la soo qabqabatay 60 ka mid ayaa lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanyihiin maleeshiyaadka xagjirka laga itaalka roonaaday ee al shabaab kuwaas oo lagu soo qab qabtay hub, miinooyin iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Ciidamada ayaa saakay guruguri u baarayay xaafadaha dagmada Hodan ee gobalka Banaadir iyadoo howlgalka ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamda booliska nabad sugida iyo maamulka dagmada.
Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa ciidamadu ay gacanta ku dhigeen illaa 30 banbaanooyin oo ay ku jiraan noocyadii ugu dambeeyay ee banbaanooyinka kuwaas oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed jeneral C/llaahi Xasan Bariise.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir ayaa isna sheegay in ciidamadu ay ku radjoogaan rag kale oo ka baxsaday howlgaladii maanta balse ay hayaan macluumaadyo ciidamada ka saacidaya sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.
Guddoomiyaha Dagmada Hodan Cabdi Maxamed Dhabaneey ayaa isna tilmaamay in howlgalkaan uu ahaa mid muhiim ah ayna codsadeen in la sii joogteeyo si looga hortago isku dayada maleeshiyaadka al qaacidada Soomaaliya oo looga awooda ronaaday howlgalada foolka foolka ah ay ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ka wadaan gobalada dalka.
Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa mudooyinkan xoojiyay Howlgalada Lagu adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho iyadoo sarakiisha ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay ciidamada amar buuxa ku siiyeen in ay gacan bir ah kala hortagaan kooxaha doonaya in ay carqaladeeyaan amaanka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|