|
Julius Karangi : "Hadii aan naloo kordhin waqtiga aan kasii mid ahaan karno AMISOM , waxaaa suurto gal ah in faraha uu ka baxo amaanka deegaano ku yaala jubbooyinka.."
Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Julius Karangi : "Hadii aan naloo kordhin waqtiga aan kasii mid ahaan karno AMISOM , waxaaa suurto gal ah in faraha uu ka baxo amaanka deegaano ku yaala jubbooyinka.."
Dowladda kenya ayaa waxa ay sheegtay in waqtiga ay la sii shaqeyn karto AMISOM uu yahay mid gabo gabo ku sii dhaw oo ku eg 31 bishan ,waxana ay ka digtay haddii aan loo kordhin mandateka ay kaga sii mid ahaaneyso AMISOM waxa ka dhalan kara.
Madaxa guud ee ciidamada difaaca dalka kenya Julius Karangi oo warbaahinta nairobi kula hadlay waxa uu sheegay in howlgalka kenya ee ku aadan nabad ka dhalinta dalka somali uu yahay in bisgan ku eg , wixii bishan ka dambeeyana uu isku badalayo mid kenya ay ku ilaashaneyso amaanka dalkeeda oo aysan qeyb ka noqon doonin dagaalada ka dhanka ah Al shabab oo AMISOM ay wado.
"Hadii aan naloo kordhin waqtiga aan kasii mid ahaan karno AMISOM , waxaaa suurto gal ah in faraha uu ka baxo amaanka deegaano ku yaala jubbooyinka oo ciidamadeenu ay gacanta ku dhigeen" ayuu yiri madaxa guud ee ciidamada difaaca dalka kenya Julius Karangi.
Ciidamada kenya ayuu sheegay tan iyo markii ay soo galeen somalia oo ay qeyb ka noqdeen howlgalka AMISOM inay soo hoyeen guullo wax ku ool ah oo xarakada al shabab ay ka saareen magaalooyin istaraatiiji ah oo magaalada kismayo ay kamid tahay.
Julius Karangi ayaa waxa uu yiri "ciidamadeenu waxa ay qabsadeen 200,000 oo KM labo jibbaaran oo al shabab somalia ay ka maamulayeen , waxa ay cunno , daawo iyo gaalmo bini’aadinimo ay siiyeen qoysas soomaali ah oo ku dhibaateysan gobollada jubbooyinka sidaa darteed waxaa hagad uu ku imaandoonaa howlgalkeenii somalia haddii aan naloo kordhin mudada AMISOM aan ka sii mid ahaan karno."
Dowladda kenya ayaa AMISOM waxaauga mid ah ciidamo tiradoodu ay gaareyso 4,000 oo askari kuwaas oo dalka somalia soo galay bishii October ee sanadkii hore , waxana haddi aan loo kordhin mandatekooda ay noqonayaan kuwo ku laabta dalkooda.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|