Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in si ka duwan sidii loo soo dhaweyn jiray madaxdii iga horreysay ayaa aniga la iigu soo dhaweeyay Uganda

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in si ka duwan sidii loo soo dhaweyn jiray madaxdii iga horreysay ayaa aniga la iigu soo dhaweeyay Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Hotelka Africana ee dalka Uganda kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa waxa uu sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Uganda.

Si ka duwan sidii loo soo dhaweyn jiray madaxdii iga horreysay ayaa aniga la ii soo dhaweeyay, madaxweynayaashaasna aniga kama fiicneyne waxa sida maamuuska iyo sharafta leh la igu soo dhaweeyay waa kumeel gaarki oo aan ka baxnay oo aan u gudbnay dowlad dhamaystiran” ayuu yiri isagoo sheegay in dowladaha caalamka ay sharaf iyo maamuus ka heleen, sidaas si la mid ah dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dowladdooda ay sidaas u soo dhaweeyeen, ula shaqeeyaan, wax walibana u huraan.

Waxa kale oo uu sheegay in muddada uu xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya uu hayo uu xoogga saarayo soo celinta ammaanka.

“Muhimaddeena koowaad waa amniga, teena labaad iyo teena saddexaadna waa amniga, amnigaasna waa inuu ku jiraa xeyndaabka dowladnimada” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, oo sidoo kale xusay in waxa amniga xigi doonaa ay yihiin garsoorka, waayo ayuu yiri amni aan garsoor lahayn ma waarayo, amniguna waa muhim in sharci uu ku dhisnaado.

Waxa uu sheegay in shaqooyin kala duwan uu soo qabtay inta aan loo dooran xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu xusay in uusan weligiis ku fashilmin, haatanna Insha Allaah uusan fashilmi doonin, isagoo xusay inuu ku dedaalayo in Soomaaliya uu gaarsiiyo meel muhim ah, xubnaha sarsare ee dowladdana aysan is khilaafin.

“Dhibaatooyinka Soomaaliya soo gaaray ma aha wax hadal lagu soo koobi karo, waxaana inoogu darnaa amnidarada, iska dhaaf in amnidarada nolosheena adduun ay ciriiri gelisee teena aakhiro ayay ciriiri ku noqotay oo waxaan aadi weynay Masaajidyada lagu cibaadaysto amnixumo darteed” ayuu yiri madaxweynaha oo tusaale u soo qaatay Masaajidyada Muqdisho ku yaala oo uu sheegay in duhurka iyo casirka ay aad u camiran yihiin, laakiin Maqribka iyo Cishaha ay faaruq yihiin Masaajidyada, salaadda subaxana aanba badankeed lagu tukan masjidyada cabsi awgeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in haatan amniga Muqdisho soo hagaagayo oo dib u dhis uu socdo, ganacsigiina la maalgashanayo, cabsidiina ay yaraatay, isagoo ugu baaqay Soomaalida dalalka dibadaha ah ku nool inay dalkooda ku soo laabtaan oo maalgashi ay ku samaystaan, waayo dal aysan lahayn waxba uma tarayo, dalkooda wax u dhaamana ma helayaan ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay Kumeel gaar, taasna waxaa daliil u ah buu yiri sida dalka Uganda la igu soo dhaweeyay.

“Waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ay mushaar u raadinayaan, isagoo xusay in shaqaale aan mushaar heysan si daacad ah u shaqeyneynin, askariga waddada taaganna uu u baahan yahay mushaar.

“Ma aha in askariga aan ku eedeyno inuu tuug yahay, xitaa haddii uu tuug noqdo dan ayaa ku qasabtay waayo dowladda ayaan mushaar siinin, anagana waxaan ku qasbanahay in aan mushaaraad u raadinno askariga difaaca ku jira ee aan madaxiisa ku hurudno, sidoo kalena shaqaalaha dowladda aan mushaar siino si aysan uga welwelin gaajada iyo dhibta gurigiisa ka jirta, marka arrimahaas ayaan rabnaa inaan sida ugu dhaqsida badan u maareyno”, ayuu yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso sidii dadku shaqo u heli lahaayeen isla markaana ay u abuuri lahayd dadka xirfado ay ku shaqeystaan, taasoo uu ballanqaaday in inta karaankooda ah ay ku dedaali doonaan.

“Dhibaatada ugu weyn ee hadda na heysata waa qabiilka, qabiilkii hadda waa la siyaasadeeyay, mushkiladdaas ayaana haatan ka taagan madaxtooyada” ayuu yiri madaxweynaha isagoo xusay inuu in badan arkay dad dhahaya qabiilkeena waxba ma helin, qabiil hebel ayaa naga wax badan, kolkii hore ayay qabiilkaas naga badsadeen ee haatan anaga hanala tixgeliyo.

Ma arkeysid buu yiri qof dhahaya aniga aqoonyahan baan ahay ee dowladda ayaan wax la qabanayaa, kaliya waxaad arkaysaa qof qabiilkiisa u doodaya ama kooxdiisa, marka waxaan ku talinayaa in laga gudbo qabiilaysi iyo koox-kooxeysi oo aan la tartanno dadka horumaray.

Waxa uu madaxweynuhu tusaale u soo qaatay dalka Hinniya oo uu sheegay inay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan oo kala diin ah, kuwaasoo mid waliba uu diintiisa si gaar ah u caabudo iskuna heysan balse kaliya waxa ay ku mideysan yihiin ay tahay dowladnimadooda oo ay ilaashadaan.

“Anaga haddii aanu Soomaali nahay Muslim ayaan nahay, isku muuqaal ah isku luqad ah, shalay iyo dorraad Diinta nama soo gaarin, umana kala qeybsanin suniyiin iyo shiico oo dhammaanteen suniyiin ayaanu nahay, nicmadaas weyn ayuu Ilaahay ina siiyey ee aan iska deyno tafaraaruqa iyo kala qeybsanaanta oo si mideysan aan dalkeena u dhisanno inta aan qabiilaysiga iyo kooxeysiga iska deyno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inaan loo kala harin dowladdan dhisan. “Dowladnimo la’aan wey nagu raagtaye, yaanan loo kala harin dowladdan” ayuu yiri.

Ardayda Jaamacadaha dhigata ayuu ugu baaqay in ay ciidamada ku soo biiraan, isagoo xusay in ardaygii ciidamada ku soo biiraya ee askari noqonaya ay ku qaadanayaan darajooyinka Xiddigle, Labo Xiddigle ilaa saddex Xiddigle, wuxuuna sheegay in ardayga aqoonyahanka ay dowladdu u baahan tahay, aqoonta ay baranayaana loo baahan yahay in ay noqoto aqoonta dowladnimada.



















Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)