Somali News
    Hees  

Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka oo soo saartay awaamiir ku saabsan gadashada iyo mulkiyadda Gawaarida

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka oo soo saartay awaamiir ku saabsan gadashada iyo mulkiyadda Gawaarida

Wareegto maanta ka soo baxday Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka DFKMG ah ayaa laga soo saaray sharciyo la xariira gawaarida, gaar ahaan iibsashadooda iyo mulkiyadda, waxaana wareegtada lagu sheegay inay dooneyso soo celinta sharciyada gaadiidka la xariira ee horay dalka uga jiray.

Sharciyada ka soo baxay Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ayaa lagu sheegay in awaamiirtaasi ay khuseyso dhammaanba gaadiidka ka howlgala dalka oo dhan iyo kuwa laga soo dejiyo Dekedaha dalka.

"Xafiiska Fiisha P.R.A oo Wasaaradda u qaabilsan diiwaan gelinta Gaadiidka ee ka soo dega Dekedaha in laga diiwaan geliyo milkiilaha Gaadiidka uu ku soo dego magaciisa" ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka.

Wasaaraddu waxay wareegtadeeda ku caddeysay inay dhacdo ninka gaariga soo degsada isagoo aan diiwaan gelin inuu iska sii iibiyo gaarigiisa, sidaas aawgeed Wasaaraddu waxay soo saartay qodobada hoos ku qoran:-

1. Gataha Baabuurka waa inuu si rasmi ah ugu wareegsadaa Milkiyadiisa xafiiska P.R.A lagana diiwaan geliyaa magaciisa oo dhameystiran xafiiskaas.

2. Iska gadaha baabuurka waa inuu iska wareejiyaa milkiyadda baabuurta, haddii kale wuxuu qaadi doonaa mas'uuliyadda wixii dhib ah oo lagu geysto gaariga.

Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu ogeysiiyay dhammaanba ganacsatada Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta Soomaaliyeedba laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 10/10/2012 inay qaadi doonto mas'uuliyadda qofka ku qoran buugga lahaanshaha baabuurka (Ownership Book).

Dhinaca kale wareegtada ka soo baxda Wasaaradda oo ujeedadeedu ahayd kontorolka gawaarida dalka oo qeyb ka geysaneysa dhinaca nabadgelyada, gaar ahaan in la bar garto gaarigii dhib lagu geysto in la soo helo shaqsiga iska leh, iyadoo inta badan ay dhacdo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood gawaari aan diiwaan gashaneynin in lagu geysto dhibaatooyin kala duwan.



Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)