Somali News
    Hees  

Ciidammada dowladda iya iyo kuwa AMISOM oo fariisimo xooggan ka samaystay Garoonkii diyaaradaha Balidoogle ee Gobolka Sh/Hoose

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidammada dowladda iya iyo kuwa AMISOM oo fariisimo xooggan ka samaystay Garoonkii diyaaradaha Balidoogle ee Gobolka Sh/Hoose

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa horay ula wareegay garoonkii ciidamada Cirka Balidoogle ee gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaano kale oo uu ku jiro deegaanka Yaaq Bariweyne, waxayna ciidamadu halkaai ka samaysteen fariisimo adag.

General C/kariin Yuusuf Dhega-badan Abaanduulaha Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidammadu ay 12-saacadood gudahooda kula wareegeen dhul ka badan 70-KM oo ah wada isku xirta Muqdisho ila iyo Baydhabo.

Dhegabadan ayaa sheegay in qorshaha ku xiga la wareegidda deegaanadan uu ku jiro garoonkii diyaaradaha Balidoogle ayuu sheegay inay doonayaan in gobolada dalka laga saraao Maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna si buuxda u cadeeyay in howlgalka uu socon doono inta ay kooxaha jid iyo jaha diidka ku sugan yihiin taako dalka Soomaaliya ka mid ah. 

Ciidamada ayaa si buuxda u degay Garoonka Diyaaradaha Balidoogle, waxaana la arkaayaa iyagoo ku roondeenaya wadada isku xirta Muqdisho ilaa baydhabo, wuxuuna Abaanduuliyuhu sheegay inay wadadaasi ka sifayn doonaan kooxaha Burcada ah ee jidka u gala dadka wadadaasi ku safraaya.







Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)