|
Madax weynaha Soomaaliya Professor Xasan sheekh Maxamuud oo maanta la kulmaya Museveni
Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madax weynaha Soomaaliya Professor Xasan sheekh Maxamuud oo maanta la kulmaya Museveni.
Madax weynaha Jamhuuriyada FederaalkaSoomaaliya Professor Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeelan doona madax weynaha dalka uganda Yoweri Kaguta Museveni kaas oo ka dhici doona beerta Museveni oo ku taal magaalada Mbarara.
Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madax weynaha kaliya ee fursada u helay in kulan saacado badan qaadanaya la yeesho dhigiisa dalka uganda, waxaana la filayaa in ay kawada hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.
Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu garoonka diyaaradaha ee Entebbe ka dhoofo caawa 10:00 fiidnimo isagoo isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho, safarkan uu Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku yimid dalka uganda ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu dibada dalka uga baxo tan iyo markii loodoortay madax weynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya 10-kii September 2012.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|