Somali News
    Hees  

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Xerada Qaxoootiga ee IFO Kenya Dabley hubeysan ayaa xalay ku toogatay Xerada IFO Nabadoon degaanka Caan ka ahaa

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Xerada Qaxoootiga ee IFO Kenya Dabley hubeysan ayaa xalay ku toogatay Xerada IFO Nabadoon degaanka Caan ka ahaa

Ninkan Odayga ee la dilay oo lagu magacaabi jiray, Weli Diiriye Maxamuud ayaan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka dambeysay, waxaase la helay mid ka mid ka mid ah qoryihii ay wateen kooxihii dilkiisa geystay.

"Dilku wuxuu ka dhacay suuqa xerada IFO oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab, kooxaha dilka geystay markiiba way baxsadeen, balse dadweynihii suuqa ku sugnaa ayaa ka daba-yaacay, waxaana la helay qori ay kooxaha dilka geystay iska tuureen," ayuu yiri goobjooge ku sugan xerada IFO.

Ciidammo Kenyan ah ayaa goobta gaaray, iyagoo sameeyay baaritaanno aysan cidna kusoo qaban, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilka odaygaas oo la sheegay inuu ku lug lahaa maamulka xeradaas.

Qoxootiga ku jira xerada IFO ayaa sheegay in dilkan uu sare u qaaday walaacii ay horay u qabeen; iyadoo xeryaha Qoxootiga ay dilal noocan oo kale ah ka dhacayeen tan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, markaasoo ay ciidamada Kenya u soo tallaabeen gudaha Soomaaliya.

Mas'uuliyiin ka tirsan xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya ayaa sheegay inuu aad u xun yahay ammaanka xeryaha, iyagoo dalbaday in haddii aan magan-galyo la siin karin dib loogu celiyo dalkooda, halkaasoo ay sheegeen inay markii hore uga soo carareen colaado iyo abaaro isbiirsaday.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)