Somali News
    Hees  

Isku soo bax lagu taagerayay magacaabista Ra'iisul Wasaraha Cusub oo lagu qabtay Degmadda warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Isku soo bax lagu taagerayay magacaabista Ra'iisul Wasaraha Cusub oo lagu qabtay Degmadda warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Isku soo bax balaaran oo lagu tagaerayay Magacaaabista Ra'iisul wasaraaha cusub ee dalka Soomaaliya Dr Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa lagu qabtay Xarunta degmadda Warta nabadda ee magaladda Muqdisho.

Dibad baxaan oo ay ka qeyb qaadanayeen Boqolaal dadweeyne ah oo ka kala socday Xaafadaha ay ka kooban tahay degmadda Warta Nabadda ayaa waxaa lagu soo dhaweynaayay mnagacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaliya, waxaana soo qaban qaabiyay masuuliyiinta degmadaasi, iyadoo ay isu soo baxayaasha ku dhawaaqaayeen ereyo muujinaya sida ay raaliga uga yihiin bulshadda ku dhaqan degmadaasi iyo sida ay ugu faraxsanyihiin magacaabistaasi Ra'iisul Wasaraha cusb ee xukuumadda Soomaaliaya.

Boqaolaalkaasi dadaweeyne ayaa waxaa fagaaraha degmadda warta nabadda kula hdalyay Gudoomiyaha degmadda warta nabadda Marwo deeqa Cabdulaadir Axmed, iyadoo si weyn u soo dhaweeysay magacaabista R/Wasaraha Xukuumadda dalka Soomaliya, kaas oo uu dhawaan soo magacabay Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Marwo deeqa ayaa sheegatay in Ra'iisul wasaraha loogaga baahan yahay in uu soo dhisyo Xukuumad wanagsan oo tayo fiican leh, una shaqeysa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, taas oo loogaga baahan yahay inay ku shaqeyso Cadaaladda iyo horumar si loogaga baxo dshibaatooyinka haatan dalaka ka jira, kuwaasi oo iskugu jira Nabadgalyo xumida wax ka qabata.

Marwo Deeqa waxay sheegtay in Ra'iisul wasaraha xukuumadda cusub ee Soomaaliya golahiisa wasiiradda ee u soo magacaabi dooono in uu ku saleeyo kuwo wax qaban karra ee uusan ku magacaabin qabiil waayo ayey tiri qabiil waa wax maanta shacbiga Soomaliyeed dhibaatadda baday.

Isu soo baxaabn oo lagu taageraayay magacaabista Ra'iisul wasaraha cusub laguna soo dhaweynayay ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaladda Muqdisho.














Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)