|
Mwai Kibaki : "Dowladda Soomaaliya waa inaysan aaminin cid kasta oo kaga soo biirta dhanka Al-Shabaab, fahamtana in.."
Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mwai Kibaki : "Dowladda Soomaaliya waa inaysan aaminin cid kasta oo kaga soo biirta dhanka Al-Shabaab, fahamtana in.."
Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki ayaaugu baaqay dawlada Soomaaliya inay hub ka dhigis iyo dhaqan celin toosan ku sameeyaan dhalinyarada Xarakadda Al-Shabab ee ku soo biira ama isku soo dhiiba ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM.
Hadal uu M/weynaha Kenya ka jeediyay magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda kadib kulan uu la qaatay M/weynaha Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Max’ud ayaa waxaa uu sheegay in madaxda dawlada ay dajiyaan qorshe habeysan oo uu sheegay in lagu wajaho dhalinyarada dawlada uga timaada dhanka Al-Shabab si aysan u dhicin inay mar kale is abaabulaan inta marka hore hub meel sii dhigtaan.
Mwai Kibaki waxaa uu tilmaamay inay muhiim tahay in dawlada Soomaaliya fahamto in Soomaaliya ay u baahantahay dib u dhis balaaran isla markaana aysan aaminin cid kasta oo dhanka Shabaab kaga soo biirta.
Dhallinyarada ka imaaneysa dhanka al shabab oo dowladda ku soo biireysa ayuu sheegay in loo baahanyahay in dhaqan celin loo sameeyo oo lagu dhiiri geliyo inay ka qeybqaataan hurumarka dalka somalia , haddii aan talaabadaas lagu dhaqaaqina waxa uu sheegay inuu faraha ka sii baxayo amaanka dalka somalia oo ay suurto galtahay iyagoo al shabab u adeegaya falal argigixisinimo ah ay ku dhaqaaqaan.
Madaxweynaha dowladda kenya sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdiisu ay taageero buuxda dowladda somalia ku sii neyso dhinac waliba islamarkaana dowladda kenya ay jeceshahay inay aragto somalia oo amaan ah oo horumar ku talaabsatay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|