|
Ciidamada Dowladda Belgium-ka oo gacanta ku dhigay Dhalinyaro looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab
Mogadishu Khamiis 11 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda Belgium-ka oo gacanta ku dhigay Dhalinyaro looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.
Dowlada Biljimka ayaa waxa ay sheegtay inay gacanta ku dhigty ilaa iyo Todobo ruux oo ay kaga shakisay inay weeraro ka geesan rabeen dalkaasi islamarkaana Tababaro ay ku qaateen Soomaaliya.
Warar aanu ka heleeno Magaalada Brussels ee caasimada dalka Biljimka ayaa ku waramaya in Xukuumada Biljimka ay Gacanta ku dhugty ilaa iyo Todobo Qof oo lagu tuhmayo in ay ka barbar dagaalameen xarakada Al-Shabab xili ay doonayeen inay Qaraxyo ka geestaan dalkaasi.
Raadiyaha Dowlada Bijimka ayaa warinaya 7 Ruux oo dhamaantood rag ah inay Booliska gacanta ku soo dhigeen haatana ay Baaritaano ku socdaan Hadii ay ku cadaatana inay xiriir la leeyihin Al Shabab ay mutesan doonaan Ciqaab adag.
Wararka aanu heleyno ayaa waxa ay intaa ku darayaan in Todobada qof ee lagu eedeeyay inay Kabarbar dagaalameen Al-shabab oo ka soo horjeeda jiritaan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Mid kamid ah waxa uu udhashy Biljimka halka lixda kalana lasheegy qeybkamid ah inay haystaan dhalashada wadanka Morocco inta kalana aan wali lashaacin dhalashadooda balse lasheegy inay African yihiin.
Ma’ahan markii oo wadamada caalamka ay shaaciyaan rag ay sheegeen inay xiriir laleeyihin Al-Shabaab ay maxkamad sootaagaan iyadoona wadamo uu ka mid yahay Mareekankana ay qaarkood xukumo xabsi Da’in ah ay ku xukumaan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|