|
Australia oo ammaankeeda uga cabsi qaba dagaalyahano Soomaaliya ku tababartay
Mogadishu Khamiis 11 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Australia oo ammaankeeda uga cabsi qaba dagaalyahano Soomaaliya ku tababartay
Dowladda Australia ayaa wal wal xoogan waxa ay ka muujisay hanjabaadyo isdaba joog ah oo maalmihii dambe soo gaarayay kuwaas oo kaga imaanayay sida ay sheegtay kooxo argigixisayaal ah oo qaarkood u dhashay dalka Australia.
Hey’adda ASIO magaceeda loo soo gaabiyo oo ah hey’adda sirdoonka dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii dambe ay aad u soo bateen helista macluumaad la xiriira in dalka Australia ay ka dhici rabaan qaraxyo kuwaas oo ay geesanayaan shaqsiyaad u dhashay dalka australia oo tababarro ku soo qaatay dalka somalia kana soo bar bar dagaalamay xarakada al shabab kuwaas oo uu sheegay inay dib ugu soo laabteen dalka Australia.
Hey’adda ASIO oo sirdoonka dowladda Australia qaabilsan ayaa sheegtay in dad badan oo u dhashay dalka Australia ay yihiin kuwo haatan ku sugan wadamada ay xasaraduhu ay ka jiraan ku sugan oo somalia ka mid tahay.
Shaqaalaha hey’adan oo ku sugan wadamada caalamka ayaa hey’addu waxaa ay sheegtay inay soo sheegayaan suurto galnimada falal argigixisinimo ah oo dalka Australia ka dhaca.
Dhinaca kale Dowladda Australia ayaa marar badan muujisay walaac ku aadan in dalkeeda ay ka dhacaan falal argigixisinimo ah.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|