Somali News
    Hees  

Ra'iisal Wasaare Saacid: "Ahmiyada waxaan siinayaa Lixdii qodob ee lagu qeexay barnaamij siyaasadeedkii Madaxweynuhu ka jeediyay Baarlamaanka"

Mogadishu Khamiis 11 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra'iisal Wasaare Saacid: "Ahmiyada waxaan siinayaa Lixdii qodob ee lagu qeexay barnaamij siyaasadeedkii Madaxweynuhu ka jeediyay Baarlamaanka"

Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay barnaamij siyaasadeedka uu u jeexay Dowladiisa cusub waxyaabaha ugu horeeya ee ay qabaneyso.

Waxa uu sheegay Ra'iisal Wasaare Saacid inuu soo dhisayo Gole Wasiiro oo tiradoodu yar tahay, isla markaana aqoon iyo karti u leh howlahooda, wuxuuna Ra'iisal Wasaaraha cusub shaaca ka qaaday in Golaha Wasiirada cusub ay howlahooda ku saleyn doonaan hab raaca shaqo ee laga kororsaday maamuladii dalka soo maray.

"Ahmiyadda waxaan diinayaa lixdii qodob ee lagu qeexay barnaamij siyaasadeedkii Madaxweynuhu ka jeediyay Baarlamaanka" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare abdi Faarax Shirdoon oo intaasi raaciyay in isbedel muuqda ay dalka ka hirgelineyso.

Dhinaca kale Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay isla markaana taageeray guulaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen gobolada Jubbooyinka iyo qabasashadii magaalada Kismaayo.

Ra'iisal Wasaare Saacid oo u waramayay idaacadda VOA-da ayaa caddeeyay in ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan ay gacan ka geysteen dowladnimo ka hanaqaadda wadanka Soomaaliya, isagoona sheegay in dowladiisu ay horumarineyso ciidamada qalabka sida.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)