Somali News
    Hees  

Dhallinyarada Koonfurta Soomaaliya oo soo dhoweysay qabsashada degaanka Wanllaweyn ee ciidamada Dowladda iyo AMISOM

Mogadishu Khamiis 11 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dhallinyarada Koonfurta Soomaaliya oo soo dhoweysay qabsashada degaanka Wanllaweyn ee ciidamada Dowladda iyo AMISOM

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa, gaar ahaan gobolada Koonfureed ayaa iyagu si weyn u soo dhoweysay qabsashadii degaanka Wanllaweyn oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, waxayna qaar ka mid ah dhallinyaradaasi sheegeen in muddo ka badan afar sano degaankaasi ay ka mamnuuceen maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Xasan Jabriil C/llaahi oo ka mid ah dhallinyarada Muqdisho una waramayay Shabakadaan ayaa sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan guulaha ay ciidamada dowladda ka soo hooyeen degaanka Wanllaweyn, halkaasi oo uu sheegay in dhallinyarada ay u tegi jireen masaafada iskuna mehersan jireen malaayiin dhallinyaro ah oo isugu jira rag iyo Dumar.

"Hambalyo ayaan leeyahay geesiyaasha ciidamada Soomaaliyeed oo guulo taariikhi ah ka soo hooyay halganka loogu jiro in dalka laga saaro kooxaha mayalka adag ee cadowga ku ah nolosha ummadda Soomaaliyeed" ayuu yiri Xasan Jabriil oo sheegay dhinaca kale in kooxahaasi ay caqabad ku noqdeen dhallinyarada.

Degaanka Wanllaweyn oo ka tirsan gobolka Sh/hoose waxaa bil kasta isku mehersan jiray boqolaal dhallinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaasi oo halkaasi ku soo afjaray shukaansigoodii waqtiyada kala duwan soo jiray iyagoo si rasmi ah isku calmaday ayna ku noqonayaan xaas isla yagleela heer cusub.

Dhinaca kale dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhoweeyay in maamulkii mayalka adkaa ee ururka Al-Shabaab laga sifeeyo dalka, iyagoona arrintaasi sabab uga dhigay in dhallinyarada qaarkeed lagu khasbo dagaalada, halka kuwooda ka horjeesta afkaaraha fogaaday la dili jiray sida ay sheegayaan dhallinyaro fara badan oo aanu wax ka weydiinay aragtiidooda ku wajahan in kooxda Al-Shabaab laga saaro dalka oo dhan.

Xasan Jabriil waxaa kale oo uu sheegay in dhallinyaro meydadkooda laga helay waddooyinka Muqdisho saddexdii bilood ee u dambeysay qaarkood ay horay uga tirsanaayeen ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in dhallinyaradaasi loo dilay markii ay isaga soo baxeen Ururka Al-Shabaab, isagoona sheegay in laba waddo mid ay marto qofkii doonaya inuu isaga baxo kooxda Al-Shabaab.

Waa tan horee inuu dalka isaga baxo iyo tan labaad oo ah inuu naftiisa ku waayo kooxo bastoolado ku hubeysan oo la soo daba dhigo si ay isaga u dilaan, wuxuuna dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay ka foojignaadaan ka mid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah, wuxuuna ku booriyay dhallinyarada ku jirta xeyndaabka kooxda Al-Shabaab inay isaga baxaan ayna ku biiraan ciidamada Dowladda ama ay u helaan nolol midaasi ka roon.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)