|
K/AFRIKA : Jaaliyada Beesha Gaal-jecel Oo Ku Baqday in Maamul loo dhanyahay Kismaayo Laga Sameeyo
jimco 12 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

K/AFRIKA : Jaaliyada Beesha Gaal-jecel Oo Ku Baqday in Maamul loo dhanyahay Kismaayo Laga Sameeyo
Jaaliyada Beesha Gaal-jecel Oo kulan Ku Yeelatay porta elazabtih ayaa ugu baqday dowlada in maamul loo dhanyahay kismaayo loo sameeyo madaamo ay beesha kamid tahay beelaha daga gobolada juboyinka
kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen jaaaliyada beesha gaaljecel ee wadanka south africa ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah
kulankani oo lagu qabtay xafiiska jaaliyada ee xaafada korsten magaalada port elizabeth gobolka eastern cape ee wadanka south africa
kulankani oo ay kasoo qeyb galeen xubnaha jaaliyada dhamaantood ayaa ugu horeyn waxaa kulankaa ka hadlay gudoomiyaha kmg ah ee jaliyada beesha gaaljecel mudane c/raxiim iimaan maxamed asagoo ugu horeyn ka hadlay sida ay utaageersan yihiin dowlada federalka somalia iyo ku dhawaaqista reysal wasaaraha cusub ee somalia waxaana uu sheegay in ay soo dhoweynayaan jaaliyad ahaan dowlada cusub iyo reysal wasaaraha somalia.
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ka hadlay xaalada magaalada kismayo waxaana uu shegay in looga baahan yahay dowlada in maamul loo dhan yahay ay u sameyso
gobolka jubada hoose qasatan magaalada kismayo.
waxaana uu ka digay in jabhada raaskanbooni ay dano qaas ah u adeegsato gacan ku haynta magaalada kismayo maadaama dowlada waxay la dagaalameysay ay ahaayeen jabhado kale midanna aysan waxba ka badalneyn jabhadihii horey gacanta ugu hayay magaalada kismayo
hadii lagu dag dago maamul usmaeynta magaalada kismayo ay keeni karto cawaaqib xumo iyo dagaalo dhex mara qabaa'ilada dega gobolka sidoo kale waxaa goobta kulankaa ka hadlay godoomiye ku xigeenka jaaliyada besha gaaljecel cusman c/lahi cali (boosaaso) oo asaguna ka dhawaajiyay sida ay udoonayaan
in xasilooni loogu wada noolaado magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubada hoose
ugu danbeyn waxaa goobta isna ka hadlay afhayeenka jaaliyada c/nuur maxamed c/laahi (karaama) oo shegay in beesha gaaljecel ay kamid tahay beelaha degaanada ugu badan
ku leh gobolka jubbada hoose hadii maamul aysan kawarqabin loo sameyo magaalada kismaayo ay dhibaatooyin hor leh u horseedi karto gobolka
si kastaba ha ahaatee beesha gaaljecel oo kamid ah qabaa'ilada kasoo jeeda gobollada jubbooyinka ayaa si aad ah ugu soo horjeeda in gobolka loo gacan galiyo jabhado hor leh.
kulankani ay isugu yimaadeen jaalliyada besha gaaljecel ee wadanka south africa ayaa ku soo beegmaya xilli si aad ah loo hadal hayo maamul usameynta gobolka jubbada hoose.



Port Elazabith
Koofur Afrika
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|