Somali News
    Hees  

Gobalka Banaadir oo laga bilaabay tiro koobka ilaa Shan Degmo oo Muqdisho ah

Mogadishu jimco 12 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gobalka Banaadir oo laga bilaabay tiro koobka ilaa Shan Degmo oo Muqdisho ah

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ka bilaabay tiro koobka ilaa Shan Degmo taasoo uu maamulku sheegay inay qayb ka yihiin howlo lagu sugay ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Cabdi Kaafi Hilowle Cismaan Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in howshan ay tahay mid lagu tirakoobayo guryaha ku yaalla degmooyinka iyo qoysaska deggen si milkiilaha guriga iyo qoyska daggan loogula xisaabtamo wixii ammaan-darro ah ee dhaca.

Waxay kala yihiin Degmooyinka howshan laga billaabay :degmada Xamarjajab, Xamarweyne, Waaberi, Shibbis iyo Boondheere, iyadoo howsha tirakoobka laga billaabay degmooyinka, inkastoo aan la ogeyn xilliga la dhameystirayo.

Mudo 21 Sano Waa markii ugu horreysay oo tirakoob lagu sameynayo degmooyinka Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya,talaaban ayaa noqoneysa midii ugu horeysay ee loo qaaday dhinaca amaanka.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)