|
Naftii Halige Xalay Isku Qarxiyay Magaalada Baladweyne
Mogadishu Jimco 12 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Naftii Halige Xalay Isku Qarxiyay Magaalada Baladweyne
Wararka ka imaanaaya Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Xalay Mar kaliya laga maqlay Xaafadahada Magaaladasi Qarax aad u xoogan kaa oo loo maleenaayo in uu ahaa qarax uu sameeyay qof doonayay in uu naftiisa haligo dad kalana uu galaafto.
Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Hiiraan ee Dhinaca Amaanka Axmed Cismaan Cabdulle ayaa somaliweyn.com u xaqiijiyay in qaraxaas uu fuliyay naftii halige ka tirsan kooxda Alshabaab kaa oo qarxay ka hor intii uusan gaarin halkii uu damacsanaa.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay oo kaliya Naftii haligahii sitay mana jirto cid kale oo xitaa ay dhaawac uu ka soo gaaray qaraxa meydka Naftiis haligaha ayaa la soo dhigay wadada jaayga ah gaar ahaan agagaarkaa boosteejada gaadiidka muqdisho aada ee xaafada Howl wadaag si ay dadweynaha u arkaan musiibada ku dhacday naftis haligaaas, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in durba la aqoonsaday naftii haligahaasi uuna ka mid yahay dadka degaanka ee mudada dheer la shaqeynayay Kooxda Al-Shabaab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|